Somaliland oo soo dhaweynaysa furitaanka warshad cusub oo weelaysa sharaabka

Waxa Qoray Barkhad Daahir oo Hargeysa jooga

Maajo 31, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Warshad cusub oo weelaysa cabitaannada fudud oo toddobaadkii hore laga furay Hargeysa ayaa sare u qaadi doonta horumarka dhinaca dhaqaalaha, yarayna doonta shaqo la’aanta baahsan ee gobolka ka jirta, ayay leeyihiin falanqeeyayaashu.

  • Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo (dhexda) oo jooga xafladdii furitaanka warshadda weelaynta cabitaannada fudud ee Hargeysa. [Barkhad Dahir/Sabahi]

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo (dhexda) oo jooga xafladdii furitaanka warshadda weelaynta cabitaannada fudud ee Hargeysa. [Barkhad Dahir/Sabahi]

  • Madaxweyne Siilaanyo iyo saraakiisha SBI iyo Coca Cola oo kormeeraya warshadda weelaynta ee cusub ee ku taalla Hargeysa [Barkhad Dahir/Sabahi]

    Madaxweyne Siilaanyo iyo saraakiisha SBI iyo Coca Cola oo kormeeraya warshadda weelaynta ee cusub ee ku taalla Hargeysa [Barkhad Dahir/Sabahi]

Iyagoo kaashanaysa shirkadda Coca-Cola, ayay Somaliland Beverage Industries (SBI) warshad ka dhistay Jalelo oo 30 Kiiloo mitir waqooyi bari uga beegan Hargeysa, Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, Madaxweynaha Unugga Ganacsiga ee Coca-Cola-da Bartamaha, Bariga iyo Galbeedka Afrika (CEWA) Nahan Kalumbu, Madaxa SBI Axmed Cusmaan Geelle iyo saraakiil kale ayaa ka soo qaybgalay xafladda rasmiga ah ee furitaanka warshadda wax-soo-saarka, taariikhdu markii ay ahayd May 22-ka.

Labada shirkadood ayaa 15 milyan oo doolar ku bixiyey mashruuca, sida uu Kalumbu sheegay intii ay xafladdu socotay. Wadaqabsigaa ayaa qayb ka ah sida ay Coca Cola uga go’an tahay in ay 12 bilyan oo doolar ku qarash-garayso Afrika markii la gaaro 2020-ka, kaas oo ah qorshe soo bilowday 2010-kii, ayuu yiri.

Shaqo abuurid iyo horumar dhaqaale

Warshadda cusubi waa tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah, waana arrin ku caawinaysa in ay Somaliland gaarto guulo dheeraad ah, ayuu Siilaanyo ku yiri khudbaddii uu xafladda ka jeediyey.

"Waxaan jeclaan lahaa in aan u hambalyeeyo Coca-Cola iyo SBI; waxay soo kordhiyeen wax aannu ku farxi karno. Furitaanka warshaddani waxay dadka ku caawin doontaa in ay bartaan xirfado cusub, waxaa sidoo kale ay Somaliland ku caawin doontaa in ay u furanto maalgelinta caalamiga ah, waxaanay abuuraysaa shaqooyin cusub,” ayuu yiri.

Madaxa Maaraynta Hawlaha ee SBI Mustafe Cusmaan Geelle ayaa muujiyay sida uu ugu rajo weyn yahay in ay maalgelintani ay Soomaalida shaqooyin u abuuri doonto. Wuxuu sheegay in warshaddu ay haatan ka shaqeeyaan 200 oo qof aanay haatan qiyaasayso in si dadban ay u shaqaalayn doonto 6,000 oo qof oo ka imanaya waaxyaha tafaariiqaynta iyo qaybinta.

Wuxuu sheegay in aanu waddanku lahaan jirin shaqaale xirfado leh aanay markaa shirkaddu ka maarmi weydey in ay si ku-meel-gaar ah u isticmaasho shaqaale xirfad leh oo ajnebi ah si ay u bilaabaan wax soo saarka una tababbaraan shaqaalaha cusub ee warshadda.

"Ma jiraan dad saa u badan oo leh khibradda looga baahan yahay in laga shaqeeyo warshad wax soo saar, sababtaa ayaannu bilowgii hore shaqaale dibedda uga keensannay. Haatan, waxaannu tababbarnay shaqaale maxalli ah oo iminkaba la wareegay qaar ka mid ah shaqada,” ayuu yiri Mustafe oo la hadlayey Sabahi.

Warshadda oo ka dhisan bed ku dhaw 10,000 oo hektar ayaa awood u yeelan doonta in ay soo saarto 18,000 kartoon oo cabitaan ah maalintii, ayuu yiri. Wax soo saarka ayaa la rajeynayaa in ay sahaydiisu gaadho Somaliland, Puntland, Galmudug iyo qaar ka mid ah suuqyada gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayuu yiri.

"Waxaannu jeclaan lahayn in aannu u mahadcelinno dadka Somaliland oo aannu ku boorrinno in ay nagala shaqeeyaan oo nagu caawiyaan in aannu wada dhiirriggelinno wax soo saarka maxalliga ah,” ayuu yiri maareeyaha hawlaha ee SBI.

Maalgashiga mustaqbalka

Wasiirka Dalxiiska iyo Ganacsiga ee Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in barnaamijka tababbarku uu abuuri doono shaqooyin cusub, isagoo dadka shaqada raadsanayana ay kala hari doonaan xirfado muhiim ah oo ay dib ugu aaayi doonaan.

Wuxuu sheegay in warshadda weelaynta ee cusubi aanay keliya abuurayn shaqooyin degdeg ah balse ay waliba soo jiidanayso maalgashiyo shisheeye oo kale.

Axmed ayaa sheegay in ay u badan tahay in maalgashadayaasha Somaliland ay keliya soo jiidato maalgelinnada noocooda waqtiga gaaban ah oo ay halistooduna yar tahay, hase yeeshee wuxuu sheegay in mashruucani uu ku dhiirrin doono in ay bal ka fikiraan maalgelinnada waqtiga dheer oo dhaqaale ahaan faa’iidada u yeelan kara shaqsiga wax maalgashaday iyo bulshada labadaba.

waxaa intaa dheer in ay hoos u dhigi doonto shaqo la’aanta ka jirta Somaliland ee uu xaddigeedu sarreeyo, in si maxalli ah loo soo saaro sharaabka, waxay sidoo kale ku caawin doontaa meheradaha soo-dhaweyntu in ay faa’iidooyin dheeraad ah helaan, ayuu leeyahay Cabdiraxmaan Aadan Aar oo ah qabiir dhinaca dhaqaalaha ah oo casharro ka bixiya Machadka Shaqalaha Dawladda.

Aar ayaa Sabahi u sheegay in warshadda cusubi ay milkiilayaasha meheradaha ku caawin doonto in ay meesha ka saaraan qarashka ay ku bixiyaan sharaabka ay dibedaha ka soo dejiyaan. “Waxaa ka neefsan doonaan qarashaadkii uga bixi jirey soo dejinta sharaabka ay Yemen ka keeni jireen, iyo weliba halistii ay maraakiibtooda rarani ugu jirtey in ay burcad-badeeddu qabsato ama ay maraakiibtu la quusaan badeecooyinkooda,” ayuu yiri.

Abshir Axmed Maxamuud oo dukaan ku leh Hargeysa ayaa Sabahi u sheegay in uu haatan 6.40 oo doolar ku iibsado kartoon sharaab ah oo ay 24 dhalo ku jiraan, meesha uu markii hore 111.50 oo doolar uga iibsan jiray kartoon sharaab ah oo la soo dejiyey. In kastoo dhalooyinka sida maxalliga ah loo soo saaro ay yihiin kuwo yaryar oo 300 oo mililitar ah oo ka duwan kuwa 500 mililitar ahaa oo dibedda laga keeni jirey, haddana wuxuu Maxamuud sheegay in dadka wax iibsadaa ay ku qanacsan yihiin badeecada gudaha lagu sameeyo.

Warshadda cusubi waxa kaloo ay caawin doontaa in ay dawladda hesho dakhli dheeraad ah. Aar ayaa sheegaya in ay dawladdu awood u yeelan doonto in ay canshuur saarto badeecadda la soo saaro iyo weliba dadka laga shaqaaleeyo warshadda.

Dhiirriggelinta maalgashiga Somaliland

Axmed wuxuu sheegay in ay dawladdu qorshaynayso in ay caawiso maalgashadayaasha ajnebiga ah oo doonaya in ay meherado cusub samaystaan, iyo waaxda wax soo saarkaba.

Wuxuu sheegay in ay dawladdu canshuur dhaaf u samaysay qalabkii iyo alaabta ceeriin ee ay soo dejisay SBI iyo weliba badeecooyinka kale oo la soo saaro inta ay warshaddu si buuxda uga hawlgelayso.

"Laga billaabo haatan waxaannu diyaar u nahay, in iyadoo la raacayo siyaasadda maalgashiga ee Somaliland, aynu sii wadno siyaasaddaa canshuurta looga dhimayo alaabta ceeriin ee la soo dejiyo oo lagama maarmaanka u ah warshadda. Waxaannu sidoo kale ballan-qaadaynaa in aannu dhinno canshuurta iibsiga ee badeecada ay warshaddu soo saarto saddexda sano ee ugu horraysa inta ay ka noqonayso mid si buuxda u shaqaynaysa, iyo weliba in aannu 50 boqolkiibba dhinno canshuurta badeecadda labada sano ee xigta,” ayuu yiri.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in maamulkiisu ay la shaqayn doonaan maalgashadayaasha si loo sii ambaqaado horumarinta warshado cusub iyo caawinta dhaqaalaha. “Dawlad ahaan, waxaannu diyaar u nahay wax kasta oo dhiirriggelinaya warshadaha caynkan oo kale ah oo u faa’iidaynaya dadkayaga, fursadaha shaqooyinkana u abuuraya,” ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 17)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Yusur
    June 5, 2012 @ 02:30:46AM

    Waan ku farxay runtii in Somaliland laga furo warshado wax soo saar oo dadkeenii ay mar uun arkaan in ay wax samaysan karaan, kana raysan karaan alaabtii markabk siday ee badaha ka soo talaabaysay ee ay budhcad badeedana halis u ahaa. Maansha ALLAAH!!!!!!!! Alle ha inoo siyaadiyo

  • Osman
    June 2, 2012 @ 04:17:14PM

    Arrinkani waa horumar wacan, waxaanay ila tahay waxay soomaaliya dhamaanteed u abuuri doontaa shaqooyin cusub. Waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo shirkada Coca Cola iyo shirkada ay shuraakada yihiin SBI

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada