Maajo 30, 2012
Ka bixitaankii al-Shabaab ee Muqsidho iyo xaaladda ammaan ee kasoo raynaysa ee caasimadda Soomaaliya ayaa ku dhiiri-galisay fannaaniinta Soomaaliyeed in ay ku soo noqdaan dalka. Soo noqoshadooda ayaa ka dhigan soo rogaal-celinta qax soo jiitamayay sannado badan, xilligaa oo albaabada loo laabay tiyaatarradii iyo shaleemooyinkii magaalada, taasoo markeedana curyaamisay horumarkii fanka.
Abwaanka iyo fannaanka Yuusuf Maxamed Muumin ayaa Sabahi u sheegay in Soomaaliya ay maanta ku jirto xaalad ay dib u soo dhalanayso xuriyaddii fanka. Fannaaniita Soomaaliyeed waxa ay heleen xorriyad cusub oo u oggolaanaysa in ay cabbiraan arragtidooda oo ay codkooda muujiyaan. Fannaaniintu waxa ay gacan ka gaysan karaan marxaladda cusub ee uu dalka marayo, inkasta oo uu fanku wali halis khatar ku hayaan xag-jiriintu, ayuu yiri Muumin.
Muumin waxa uu sheegay in muusigii asalka ahaa ee Soomaaliya uu soo noqonayo iyada oo ay sii dhamaamayso xaladdii colaadeed iyo xasillooni-daradii galaafatay nolosha 200 oo fannaan.
Muusigu wali waa ka mamnuuc aagagga ay wali ka taliso dagaalyahannada al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacidda. Waxa ay weeraraan dukaamada muusigga iibiya ee ku yaal koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo fannaaniintana lagu hayo dhibaatayn, sababtoo ah dharka ay xirtaan iyo hannaanka ay timaha u jartaan.
Fannaanada Aamina Macoow ayaa todobaadkii hore codkeeda macaan ku soo jiidatay daawadayaasha, makrii la furayay barnaamij dib-u-heshiisiin bulsho oo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir, kaasoo ay maal-galisay Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamka (USAID), barnaamijkeeda Qorshayaasha Kala-guurka ee Xasilinta. Macoow waxa ay soo bandhigtay qaar ka mida heeseheeda ugu wanaagsan oo ka mida albun isugu jira heeso waddani ah iyo qaar jacayl ah.
“Kama baqayno waraaqaha iyo farriimaha taleefoonka la isugu diro ama bambaanooyinka ay fallaagadu ku soo tuurto xafaladeheena ee ay ku diidayaan dib-u-heshiisiinta iyo nabadda. Waannu u shaqayn doonnaa dalkeenna, xitaa iyada oo ay jiraan waxaa oo dhibaata ah, si aan kaalinteenna uga qaadanno soo af-jaridda dhibaatooyinka ammaan iyo siyaasadeed iyo in la hubiyo in dadkeenna oo dhan ay helaan nolol barwaaqo ah,” ayay Aaamina ku tiri Sabahi.
Waxa ay sheegtay in fanka Soomaaliya uu 21-kii sano ee la soo dhaafay ku jiray xaalad aad u xun, sababtoo ah dhibaatooyinka ammaan iyo duruufaha dagaalka sokeeye, kuwaa oo kallifay in inta badan fannaaniintii Soomaaliya ay u qaxaan dibadda, gaar ahaan dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Yemen, Sacuudi Carabiya, Sweden, Ingiriiska, Denmark, Maraykanka iyo Canada.
Fannaanka Maxamuud Goox Qarboosh, oo Nairobi kula nool xaaskiisa fannaanadda ah, Muslimo Qaasim Hiloowle, ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisuba ay go’aansadeen in ay dib ugu soo noqdaan Soomaaliya si ay farriin ugu diraan dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si iskaa wax-u-qabso ah uga shaqeeyaan barnaamijyada dib loogu dhisayo hay’adihii dawladda iyo adeegga dadwaynaha, gaar ahaan waddooyinka, isbitaallada, dugsiyada iyo jaaamacadaha.
Qarboosh waxa uu Sabahi u sheegay in rabitaankiisa ku aaddan in uu u adeeggo dalkiisa uu ka helay ruux sare iyo dhammaystir badane ah.
“Muusiga Soomaaliyeed waxa uu awoodaa in uu ka gudbo dhammaan caqabadaha ragaadiyay hannaanka nabadda iyo midnimada,” ayuu yiri. “Luqadda ay adeegsadaan fannaaniintu waxa ay si caqabad la’aan ah u gaari kartaa hoy walba. Waa in aannu dar-dar-galinnaa ololihii wacyi-galineed ee ku aaddanaa Soomaalida dibadda ku nool, si ay markaa gacan gargaar ugu fidiyaan dalkooda iyo ay uga qayb-qaataan sidii loo heli lahaa xasillooni, dib-u-dhis iyo dad ku abuurid."
Xildhibaan Cabdi Cabulle Siciid “Jinni Boqor” ayaa sheegay in fannaaniinta Soomaaliyeed ay la gudboontahay in ay Muqdisho dib ugu soo noqdaan si ay kor ugu qaadaan wacyiga bulshada gaar ahaan arrimaha ku aaddan nabadda iyo xasilloonida, sababtoo ahna nabaddu waxa ay dadka u oggolaanaysaa in ay wada-noolaadaan, midoobaan oo ay horumaraan.
Waxa la rajaynayaa in fannaaniin badan ay dalka dib ugu soo noqdaan labada bilood ee soo aaddan, kuwaa oo ay ka mid yihiin Mustafa Sheekh Cilmi, Cabdulqaadir Jubba, Xasan Aadan Samatar, Maryan Mursal Ciise, Maxamed Xasan Xuseen Lafoole, Khadra Cumar Dhuulle, Farxiya Axmed Caddaawe Fiska iyo Daa’uud Cali Masxaf.
Waxa la filayaa in fannaanada caanka ah Farxiya Fiska ay markeedii ugu horeeysay tan iyo soo caan-bixiddeedii qurbaha ay bandhig-faneed ka sameeyo Golaha Murtida iyo Madadaallada Muqdisho, iyada oo ku dhawaaqi doonta in ay danjire u tahay fanka Soomaaliyeed.
Fannaanka Cabdi Shire Jaamac ayaa isaguna sidoo kale kusoo noqday Muqdisho todobaadkan isaga oo ka yimid London kadib 24 sano oo uu halkaa ku maqnaa. “Waxan Sooomaaliya uga dhoofay diyaaraddii Somali Airlines 1988-kii anoo u socda Ingiriiska, laba sono ka hor intii aan la af-gambin xukuumaddii millatariga ahayd. Sababo badan ayaa hadda keenay in aan dibu ugu soo noqdo dalkayga, waxana ka mida sidii aan uga qayb qaadan lahaa horumarka iyo xasilloonida,” ayuu u sheegay warfidiyeenka markii uu ku kasoo dagay gigada diyaaradaha ee Muqdisho.
Jaamac waxa uu hilowga uu u qabay dalkiisa ku cabiray dhowr kalmadood oo gaagaaban isaga oo cod qaacinayana waxa uu yiri: “Qorraxdu waa taydii, Soomaaliyana waa dalkeeygii iyo dhiiggaygii.”
Makra laga soo tago horumarka ammaan ee muuqda, ayaa haddana gabar dhallinyaro ah oo nafteeda hurtay waxa ay bishii April isku qarxisay Muqdisho, xaflad uu ka soo qayb-galay ra’iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirro kale oo ka qayb-qaadanayay dhacdo loogu dabaal-dagayay sannad-guuradii koowaad ee dib u furidda Tiyaatarka qaranka. Qaraxa ayaa waxa uu dilay ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Yabooroow Wiish, Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamed Nuur iyo sidoo kale xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud.
Majaajiliistaha Cabdi Muudeey Marshaale ayaa Sabahi u sheegay in uu ka fakarayo soo saaridda barnaamij majaajilo ah oo uu ku dabiibayo qalbi-xanuunkii ay la dhibaatoodeen ummada Soomaaliyeed iyo sida looga saari lahaa mahadhadii dagaalka, loo illoowsiin lahaa dareenkii hore ee karaahiyada watay, xaqdigii iyo isku-buuqii.
Marshaale waxa uu sameeyay filimo gaagaaban iyo goos-goosyo laga sii daayay talifishanno maxalli ah. Kaalimadiisa majaajilo ee uu ku caanka yahay iyo qaddarinta loo hayo in uu yahay mid ka mida tiirarka aflaamta Soomaaliya, ayay ban-dhigyadiisu waxa ay sare u qaadeen masraxa majaajiladda maxalliga ah.
Waxa uu sheegay in barnaamijkiisa cusub oo dhallinta ka caawin doono in ay illaawaan dhibaatooyinkii maalinlaha ahaa ee ay dariska la ahaayeen, iyada oo majaajiladaasi sidoo kale dhallinta ka caawin doonto in ay ka gudbaan dhibaatooyinkii nafsiga ahaa ee ay ka dhaxleen dagaallada.
“Waxannu fanka ka dhigi doonnaa hubka kaliya ee mideeya Soomaaliya sababtoo ah dadkayagu waxa uu u socdaa jiho cusub oo ay ku ladhan tahay rajo una hoggaaminaysa dhinaca caddaaladda, xorriyadda iyo sharafka,” ayuu yiri Marshaale. “Waxannu doonaynaa in aan horay u soconno oo aan la nimaanno dadaal si aannu xal ugu helno qaddiyadaha taagan ee ammaanka oo aannu u gudubno daanta kale, halkaa oo jawi caafimaad qaba nagu caawin doono in aan taageerno fanka iyo maddadaalada. Taasi waxa ay gudbin doontaa farriin walaaltinimo, kalgacal iyo jacayl, waxayna hoos u dhigi doontaa is-afgarad la’aanta iyo karaahiyada iyada oo dhinaca kalena ka shaqeeyn doonta sidii looga gudbi lahaa caqabadaha.”
Abwaanka ahna agaasimaha Masraxa Qaranka Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa ugu yeeray dalalka iyo ururrada daneeya arrimaha Soomaaliya in ay u soo istaagaan oo ay taageeraan dib u dhalashada Mac-hadka qaranka Soomaaliya ee Muusiga, kaasoo la burburiyay intii uu socday dagaalka.
Waxa uu sheegay in tallaabadani ay gacan ka gaysan doonto in la xaqiijiyo riyada isbaddalka iyo tababarka xirfadlayaal cusub oo farsamada shaqaalaha ah si ay u soo saaraan qalab iyo aalado-dhaqameed lagu tumo muusigga, sidoo kalena ku xeel-dheer tiknoolajiyadda kobuteerka iyo farsamada codka. Waxa uu sheegay in muusigga iyo waxbarashada muusiguba ay lagama maarmana u yihiin dib u soo noolashaha fanka.
“Muusigga Soomaaliya waxa qabsaday dib-u-dhac baaxad wayn leh, sababtoo ah amni xumida jirta, laakiin waxannu isku dayaynaa in aan iska gaarno oo aan la qabsano casriga annaga oo uu shaqeeynayna si aan kala joogsi lahayn si aannu mar kale u soo qaadno shaqo ka soo maaxatay maskaxda Soomaliyeed innaga oo ku sugan waddankeenna,” ayuu yiri Yuusuf. “Si kastaba ha ahaatee, haatan waxa na horyaal dhibaato wayn, taasoo ah nuqsaan ka jirta farsamo-yaaqannada maxalliga ah ee ku wanaagsan ku shaqeeynta tiknoolajiyadda ugu dambeeysay. Taasi waxa ay nagu khasbeeysaa in aan taageero u raadsanno khubarada shisheeye illaa iyo inta aan isaga fillaanayno in aan soo saarno xirfaddayada.”
Waxa uu yiri, waa muhiim in la tababaro macallimiiin dhinaca muusigada ah iyo farsamo-yaqaanno dhinaca dayactirka aaladaha muusigada ah iyo sidoo kale diyaarinta manaahij muusig, iyo in la qabto siminaaro lagu caawinayo fannaaniinta si ay uga qayb-qaataan mehrajaannada iyo tartamada heerka gobol iyo kuwa heerka caalami, ayuu yiri.
Saalim Milaaq Abshiroow, waa nin jecel muusiga oo ku nool Muqdisho, waxana uu sheegay in heesaha waddaniga ahi ay taabtaan quluubta inta badan dadka Soomaaliyeed soona xasuusiyaan qiimaha nabadda iyo wada-noolaaashaha.
“Waxan ahay qof jecel muusiga, waxanan soo jeedin lahaa in ay fannaantiintu kiraytaan baabuur ay ku rakiban yihiin sameecado oo ay inta magaalada dhex maraan, cayaaraan heesihii waddaniga ahaa kuwoodii qadiimiga iyo kuwo cusubba, si ay ugu dhacaan dhagaha kuwa diiddan nabadda una gaaraan xag-jiriinta isku qarinaya guryaha, gaar ahan goobihii ay ciidamada Soomaaliyeed ee gacanta ka helayay kuwa nabad-ilaalinta Afrika ay xoreeyeen dhowr todobaad ka hor.”
“Taasi waxa ay jabin doontaa niyadda dagaalyahannada al-Shabaab iyo taageerayaashooda waxayna ciidamada xulafada ah ku dhiirri-galin doontaa in ay ugaarsadaan xag-jiriinta isku qarinaya daafaha Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu ku yiri Sabahi.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waad salaamantihiin marka hore salaan kadib waxa aan anigu qabaa in fanaaniintu yihiin qaar bulshada u adeega hadba wixii jira ka warama markaa yeynaan fikrad khaldan ka aaminin fanka iyo suuganta
waa Ilaahay mahadii nabad galyada ay gaadhay Dawlada T F G ee uu hogaamiyo Madaxwaynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. axmed iyo dawladiisa
Fanka iyo farshaxanimadu waxay dhalinyarada soomaaliyeed ka caawin kartaa inay nolol maalmeed ka helaan oo ay xirfad ka dhigtaan. Soomaaliya waxaa ka buuxa dad badan oo ilaahay hibo siiyay, waxaana hibadaas looga faa’idayn karaa oo midho looga dhalin karaa iyadoo loo jeediyo xaga fanka iyo farshaxannimada. Fanku wuxuu kaloo u saamixi karaa dhalinyarada inay waxay ku mashquulaan helaan, wuxuuna ka leexin doonaa inay faraha la galaan masiibooyin badan oo ay ka midtahay ku biirista kooxda alshbaab. Sidoo kale, fanku wuxuu noqon karaa hab ay dadka soomaaliyeed xidhiidh kula samayn karayn dunida inteeda kale, waxaanay awood u heli karaan inay soo shaac bixiyaan hal-abuurnimadooda iyo wax alkumistooda iyo baahiyohooda iyo yididiilooyinkooda, iyagoo adeegsanaya fanka. Sidoo kale, fanku wuxuu soomaaliya ka bixin kara sawir ah inay tahay dal nabdoon oo ay yaalaan fursado badani, waxaanuu soo jiidan karaa maalqabeenada shisheeye kuna dhiirin karaa inay dalka yimaadaan oo maalgashadaan.
ciidamada keenya oo u diyaar garoobaya kismaayo
Xamar Faaniin Caan ah may lahaan jirin intii ka horaysay 1990, DHAMAAN Abwaanada, iyo Fanaaniintu waxay ahaayeen Reer Woqooyi inta badan Hargeysa,Burco, Laascaanood iyo Boorama
Adunyada mantah waa la yaab waxayaabah civil warku keenay iyo waxa uu nagu reebay waa cajaaib. Maxaan o uranyaa sidaa. mida koowaad waa qofku marka uu waxbarto mid diniyeed iyo mid culuumi ah waxay ka reebtaa waxyaalah xun xun oo dhan oo ay ka mid tahay in uu ku xadgudbo dadka iyo dastuurka iyo dhaqanka guud ee umada ka dhexeyo iyo wadankiisa maxaa yeelay illah umadwalba wax uu haybad u siiyay ayaa jira sida jinsiyada.degaanka,luuqada iyo xoriyada. Intaas uu illah inooku deeqay waxaad moodaa in ay meeshii ka baxday xiliyadii dowladii dhex mesha ka baxday waxaa soo baxay dad diidan in aan wadankeena anagu lee nahay, dad diidan luqadeena ebbe nagu maneystay in aan wax ku qorno waxaa soo baxay dad diidan diinteena suban in ebbe ku caabudno .iyo waxyaalo kale oo badan. waxaan u socdaa fanku ama fananku dhib kuma ah intab aan kor ku soo xusay fanku waa nabad sameyaha waddan dhisaha u runsheega umada wax waliba ku qiyaasah orahda noleyaha dinteen suban. anigu uma arko in danbi uu intaas ku mudaystay waxaan ku farxsanahay in fannaanitu ku soo noqdaan wadankooda kana qay qaataan dib u dhisida wadankooda hooyo sidii ay ahaan jireen iyo si ka feecanba somaali somaali baa leh, luuqaduna waa luqadeenii dadkuna waa dadkeenii dhulkuna waan kaan ku dhalanay illah wixii dhib ku wado ha naga qabto. Somaaliya ha noolaato hana is raacdo dibne ha u istaagto. Aammiin alahayow.
Kooxda alshabaab ilaa xad ayay hirgalisay dhaqanka islaamka, waxaanay gabi ahaanba dalka ka safeeyeen dhaqankii reer galbeedka, waxaanay rabeen inay bulshada soomaaliyeed ka dhigaan siday qorsheeyeen. Laakiin ilaahay kor ahaaye mahadiis weeye, qorshe kasta oo uu bini aadamku isku dayo inuu hirgaliyona Allah ayaa ka masuul ah inuu guulaysto. Soomaaliya waa dal muslim ah, falalkaas shaydaaniga ahina waa ka reeban yihiin diinteena. Sidoo kale, waxaan si adag walaaleheena muslimka ah ugula dardaarmayaa inay ilaahay usoo laabtaan oo ay dalbadaan dambi dhaafkiisa.
Omary, diinta islaamka ha lagu faafiyo laynta dadka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan ee nabad-doonka ah miyaa? Maxaa hadaa keenay in shirkada Coca Cola iyo shirkada hilibka darayga ahi ay labaduba jireen oo aan la waxyeelayn xiligii ay talada hayeen kooxda alshabaab in mudo ah? Miyuusigani waa mid soomaaliyeed ee maaha mid dalalka reer galbeedka ka yimi, waligiina wuu jiray kahor intaysan dalka soomaaliyeed soo gaadhin saamaynta reer galbeedka ee aad sheegayso. Caruurtaas ha la siiyo jaanis ay ku noolaadaan si nabad ah. Inta aad adigu meeshaas joogtidna, fadlan isku day inaad booqato kaamka dadka barakacayaasha ee ka jira meesha zone K, si aad indhaha uga soo qaado dhibaatada taagan.
Waxaa jirta xorriyad uu qofku xaq u leeyahay inuu wuxa uu doono caabudo, laakiin waa in xorriyadaas qofku uusan cid kaleeto ku dhibaatayn.
Waa in ay la yimaadaan howl dheeraad ah
walahi anigoo aad iyo aad u jecel fananiinta dalka soomaliyeed iyaga oo kusoo noqda waayo waxan fahamno ama aan waxyaabo an ka faa'idaysano ,waxaa jira fananinta somaliyeed oo afafkeena hooyo inoogu luuqaynaya .balse sikastaba ha ahaate manta anigo salamaya fananiinteena somaliyeed waxan ka odhan laha halkaaskasii wada walalayaal waxana salamayaa abwaaninta waawayn ee soomaaliyeed
Waa horumar , waa taageereynaa , waayo fanka wuxuu ka qeyb qaadan karaa nabadda iyo soo celinta deganaanshaha, waxaana ku dhiiri gelinayaa fanaaniinta Soomaalida inay wadankooda ku laabtaan.
Waa ceeb wayn in dal sida soomaaliya oo kale ah oo dadkiisu wada muslim yahay lagaga dhex doodo miyuusiga, runtii arrinkaasi waa ceeb. Waxaan kula talinayaa dadka muusiga tuma dhamaantood inay joojiyaan waxay wadaan oo ay ilaahay xagiisa u laabtaan. Joogitaanka kooxda alshabaab waa arrin muhiimad wayn u leh dadka soomaaliyeed, sababtoo ah waxay ku dadaalayaan inay dadka ku wadaan hab ilaahay jecelyahay. Sababta kaliya ee dawladaha reer galbeedku aysan u jeclayn kooxda alshabaab waxa weeyaan alshabaab waxay rabaan inay dhaqanka islaamka ah fidiyaan, dawladahaasina waxay islaamka u arkaan cadaw ku lid ah qorshahooda ay ku rabaan inay aduunka ku qabsadaan.