Lumintii Afgoye ayaa Al-Shabaab ku ah Dharbaaxo Culus

Waxa Qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Maajo 29, 2012

  • 54 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Luminta Afgooye oo al-Shabaabka u ahayd meel ay awood badan ku leeyihiin, muhiimad istiraatiijiyadeedna u lahayd ayaa waxay jab ba’an ku noqon doontaa kooxdaa Al-Qaacida la ollogga ah, ayay leeyihiin falanqeeyayaashu.

Ciidamada dawladda Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan-ku-haynta Afgooye Jimcadii (25-ka May) ka dib saddex beri oo olole milliteri ah.

"Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhacay guuldarro weyn, guusha weyn ee ay Afgooye ka gaareen ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay kooxda ku tahay dharbaaxo kulul, oo ah mid aanay ka soo kabsan doonin,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cusmaan Aaden oo ah hawlgab, ahna falanqeeye siyaasadeed oo la hadlayey Sabahi.

Aaden ayaa sheegay in qabsashada Afgooye oo 30 KM u jirta Muqdisho ay xulafada ui sahlayso in ay xaqiijiyaan jidka weyn ee isku xira Afgooye iyo Baydhabo. “Waxaa kale oo ay sahlaysaa in gargaar aadaminnimo la siiyo dadka deggan hareeraha jidka istiraatiijiga ah ee isku xira caasimadda iyo Afgooye,” ayuu yiri.

Nuur Yuusuf oo ah falanqeeye siyaasadeed, khabiirna ku ah dhaq-dhaqaaqyada Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, ayaa yiri “Guusha ay Ciidamada Qalabka Sida oo garab ka helaya xoogagga AMISOM ka gaareen in ay gacanta al-Shabaab ka saaraan Afgooye, waa jid guuleed oo milliteri oo furmay oo ah qabsigii meeshii ugu dambeysay ee ay mucaaradku ka haysteen meelaha Muqdisho u dhaw.”

Yuusuf ayaa sheegay in ay al-Shabaab aad u sii diciifaysay tan iyo sanadkii hore markii ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobbiya waddanka la keenay. “Hawlgalladii milliteri ee ay waddamada isbahaystay ee gobolku ku qaadeen al-Shabaab ayaa diciifiyey awooddoodii milliteri,” ayuu ku yiri Sabahi. "In laga xoreeyey Afgooye iyagoon wax iska caabbin ah samaynin waxay calaamad u tahay in ay al-Shabaab sii taagdarraynayso oo aanay in badan oo kale awood u lahayn in ay ciidan ahaan uga hortimaaddo ololeyaashaa milliteri ee ka dhanka ah.”

Jidadkii sahayda ee dagaalyahanada al-Shabaab oo la gooyey

Afgooye ayaa saddex sanadoodba al-Shabaabka u ahayd kob ay ku awood badan yihiin, waxaanay tahay guul weyn oo ay soo hoyiyeen ciidamada AMISOM ilaa berigii 2007-dii la keenay Soomaaliya.

"Magaalada Afgooye ayaa ahayd meel qalcad xooggan u ah mucaaradka Islaamiyiinta ah, waayo waxay ku taallaa meel bar-kulan u ah wadooyinka isku xira Muqdisho, galbeedka iyo koofurta dalka,” ayuu yiri falanqeeyaha siyaasadeed ee Axmed Cumar. “Waxay ahayd meeshii labaad ee ugu muhiimsanayd ee ay al-Shabaabku awoodda ku lahaayeen, oo ku soo xigta magaalada Kismaayo.”

"Guushan ay gaareen ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM ee ay Afgooye ka keeneen ayaa ah guul aad u ballaaran oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ka dhigan tahay billowgii dhamaadka dhaq-dhaqaaqa al-Shabaab,” ayuu ku yiri Sabahi.

"Qabsiga Afgooye ayaa ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliyeed u suuroggelinaysa in ay si buuxda ula wareegaan gacan-ku-haynta jidka weyn ee caasaimadda ku xira gobollada galbeedka iyo kuwa koofurta dalka.” Wuxuu yiri guushani waxay kala goynaysaa sahayda saad iyo tan milliteri ee ka imanaysa al-Shabaabka jooga gobollada dhexe iyo kuwa koofureed ee dalka.

"Ka qabsashada al-Shabaab laga qabsaday Afgooye waxay u tahay guuldarro kale, waxaana horayba u saarnaa cadaadisyo milliteri oo uga imanayey ciidamada gobolka ee isabahaystay oo jooga koofurta iyo bartamaha dalka,” ayuu yiri.

Amniga Muqdisho

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in "Hawlgalka Shabeelle Xor ah” oo keenay in la qabsado Afgooye loola gol leeyahay in kor loo qaado amaanka Muqdisho, oo u diyaargaroobaysa in ay dhawaan martiggeliso Golihii Shacabka Qaranka ee ugu horreeyey ee dalka.

"Ololahan ayaa wax ka taraya amniga caasimadda, Muqdisho, oo haatan u diyaargaroobaysa in ay martiggeliso shirweynihii dastuurka ee Golaha Shacabka Qaranka oo iyagu ansixin doona dastuurka cusub, una diyaar garoobi doona in ay soo xulaan Golihii Baarlamaanka, iyo weliba doorashada madaxweynaha oo dhici doona 20-ka August ee sanadkan,” ayuu falanqeeyaha siyaasadeed e Cabdulfataax Cusmaan u sheegay Sabahi.

"Qabsashada Afgooye “ayaa sii xoojinaysa taaha al-Shabaab, waxaanay u diidi doontaa in ay xag-jiriintu soo qaadaan weerarro ka dhan ah Muqdisho oo Afgooye laga soo abaabulay. Tani waxa kale oo ay ciidamada qananka u oggolaan doontaa in ay jebiyaan al-Shabaab iyo xulufadooda Al-Qaacida ee joogta Soomaaliya,” ayuu ku daray.

Al-Shabaab oo firxad ah

Ka bixidda al-Shabaab ee Afgooye iyagoo aan iska caabbin xoog leh samayn ayaa waxay daba socotaa in ay sii siqayeen, kuwaas oo ay ku jirto ka bixiddoodii Muqdisho ee bishii August ee sanadkii hore, iyo sidii ay uga guureen magaalada muhiimka ah ee Baydhabo ee ay ugu banneeyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya bishii February.

Jeneraal Cabdikariim Yuusuf Dhegabbadan oo ah abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo taliyaha hawlgallada milliteri al-Shabaab ka dhanka ah, ayaa wacad ku maray in ay sii socon doonaan hawlgallada milliteri.

"Si buuxda ayaannu gacanta ugu haynaa Afgooye, waxaannuna sii wadi doonnaa in aannu fallaagada ugaarsanno inta aannu ka burburinayno dhamaan aragaggixisada haatan baxsadka ah,” ayuu ku yiri Sabahi. “Hawlgalladaa milliteri ma joogsan doonaan inta laga xaaqayo kooxdaas.”

"Maleeshiyaadka waxa ay heystaan fursadii ugu dambaysay ee ay isku dhiibi lahaayeen," ayuu yiri Dhagabbadan, isagoo ugu yeeeray in dagaalyahaniinta al-Shabaab ay ciidamada dawladda isu soo dhiibaan.

Andrew Guti oo ah janan AMISOM ah ayaa Sabahi sheegay in al-Shabaab ay firxad tahay. “Fallaagada ayaa dagaalka ku jabaysa rajadana luminaysa,” ayuu ku yiri Sabahi. “Waa firxad, ciidamada wadajirka ahina waxay samaynayaan horumarro muhiim ah.”

"Hawlgalkan waxaa loo qorsheeyey si wanaagsan, dhamaan taxaddarradii lagama maarmaanka ahaana waxaa loo sameeyey in laga baaqsado dhibaato shacabka soo gaadha,” ayuu yiri. Sugidda waddada Afgooye, waxay suuroggal ka dhigaysaa in kaalmo bani’aadamnimo haatan la gaarsiin karo 400,000 oo dad ah oo ku nool gobolka, iyadoo ay al-Shabaab horay hay’adaha samafalka uga mamnuucday in ay caawimaad gaarsiiyaan kooxaha ay abaartu saamaysay oo aadka u dayacnaa.

Al-Shabaab oo beenisay in laga adkaaday

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iskeeda uga baxday Afgooye ka dib markii ay ciidamada Midowga Afrika magaalada taangiyaal la soo galeen.

"Mujaahidiinta ayaa dib u gurasho xeeladeed ka sameeyey meelaha qaar, laakiin taasi micnaheedu maa ahan guuldarro,” ayuu yiri Cabdulcasiis Abu Muscab oo ah afhayeenka hawlgallada ciidamada ee al-Shabaab. “Waxaannu sii wadi doonnaa dagaalka, waxaannuna su’aal la’aan gaari doonnaa guul. Taangiyada AMISOM inama cabsi galin doonaaan.”

Saraakiisha amaanka ayaa Sabahi u sheegay in wararka al-Shabaab aanay ahayn wax ka badan in niyadda loogu dhiso dagaalyahanada sii cararaya.

"Ka dib markii ay Afgooye ka baxday gacantooda ayay al-Shabaab isku deyeyaan in ay niyadda u dhisto dagaalyahanada ka firxaday meelaha ay qabsadeen ciidamada wadajirka ah, ee u jihaystay meelaha miyiga ah iyo magaalooyinka koofurta ku yaal ,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir oo ah sarkaal ka mid ah ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Iyadoo ay barakacayaashu sii qaxayaan, ayay hay’adaha gargaarkuna ku baaqayaan in la ilaaliyo

Basas iyo baabbuur xamuul oo safaf dhaadheer ku jira ayaa waxay ku sii qulqulayaan Muqdisho. Khamiistii iyo Jimcadii, gobolka waxa uu goob-joog u ahaa dad ka soo hayaamay Ceelasha iyo Waddada Afgooye, iyagoo amni raadsanaya.

Hawlgalka Shabeelle Xor ah ayaa boqollaal qoysk ku qasbay in ay ka cararaan guryahoodii ku-meel gaarka ahaa, xitaa ka dib markii ay AMISOM iyo dawladda Soomaaliyeedba ugu baaqeen in ay joogaan guryahooda.

Waddada Afgooye ayaa hoy ku-meel gaar ah u ahayd ilaa 400,000 oo dad barakacayaal ah oo guryahoodii Muqdisho iyo meelaha kale ku yiillay uga soo barakacay in ay ka baxsadaan dagaallada iyo abaaraha.

Fartuun Axmed ayaa Sabahi u sheegtay in ay carruurteeda siddeedda ah kala soo qaxday Ceelasha. “Meeshaa ma sii joogi karro waayo madaafiicdii ayaa hoobanaysa, dhawaqai rasaastuna waxay ka guuxaysaa hareeraheenna,” ayay tiri. “Dadku waa ay baqayaan.”

Ku Xigeenka Agaasimaha Xafiiska Isuduwidda Hawlaha Bani aadamnimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC,) Dr. Mohamed Nuur ee jooga Soomaaliya ayaa kooxaha dagaallamaya ugu baaqay in ay ilaaliyaan dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Waddada Afgooye.

"Waxaannu cid kasta ugu baaqaynaa in ay samayso taxaddarka lagama maarmaanka ah, si loo baajiyo dhaawac ama dhibaato soo gaarta dadka rayidka ah iyo barakacayaasha,” ayuu ku yiri Sabahi.

Wuxuu sheegay in hay’adaha samafalka iyo kuwa ay wax wada qabtaan OIC-du ay ka shaqaynayaan in ay kaalmo aadamminnimo gaarsiiyaan dadka barakacayaasha ah oo haatan sii qaxay.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale qaybaha dagaalka ku jira oo dhan ugu baaqday in ay galaangal aadaminnimo u oggolaadaan dadka tabaalaysan oo ku sugan Waddada Afgooye.

"Iyagoo si baraxtiran u ah dhexdhexaad ugana madax-bannaan hannaanka siyaasadeed iyo kan milliteri, ayay dadka ku foogan samafalku wada agaasimayaan diyaarinta ku aaddan in la xaqiijiyo in markiiba ay gargaar helaan dadka rayidka ah ee ay saamaynta ku yeeshaan hawlaha ka socda waddada,” ayuu yiri Isudduwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Aadamminnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden oo warmurtiyeed soo saaray Talaadadii.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 80)

Dislike_icon(22)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • abdull
    October 11, 2012 @ 05:55:17AM

    waxaan ku baaqayaa in la taageero ciidamada difaaca Kenya, waayo runtii waxay wadaan shaqo wacan, waxaanan leeyahay hambalyo, oo aynu alshabaab ka cidhibtirno dhulka soomaaliyeed.

  • baashe cadde
    June 19, 2012 @ 01:36:27AM

    ac ninman yahow aniga waxaan ahay odey waaya arag ah lakin dadkiinan yar yar waxaa yar wax garadkiina (dalku haduu gumeysi gacanta u galay aad u fiirsha waxa socda iyo sida dadlka loo hareereyey )warkiina yiisan un ku koobnanin alshabab qofka fiirada dheer waxaa uusii firiyaa mustaqbalka fog alshababa iska daa dalka ma gumeesi inuu gacanta ugalaa daw ah mise soomaali ? gumeysi anigaa usoo taagnaa ingriis talyani xabashi iwm oo aan inaba diyar u ahayn inaay soomaali israacdoo oo nabadeyso daldkeeda aad u fakara kana bedela hadaladiina sidaa un

  • xamar cadey
    June 16, 2012 @ 04:27:09AM

    Somaliland??????? Xidigta geeska, waa xagee meeshaasi???

  • muuna cabdi raxmaan hasan
    June 14, 2012 @ 06:30:23AM

    aniga waxay ila tahay in arintu siidaa ka duwan tahay waa run inaay khalaad baadan galeen waana ruun in ay jaaben laakin maqabo in ay ku jabeen dadaalka kenya mana qabo in ay kenya timi muqdisho iyo baydhabo markaas waxaan leeyahay waxaad la jeclaaten wax aanaay awood u lahaayn taan isdhiimida aniigu waxaan u arkaa in aanay dadku wada danbiile ahaayn ee ay ku jeraan dad la khal day iyo kuwo xoog lagu haysto markaa waxa soo bixi doona danbile yaash ee waxaan ka cod sanayaa in ay ku dadaalaan in ay gacan ku siiyaan dowlada xasilinta dalka waayo way ka fa idaysn waayen 7 san ee ay hayeen awooda dhaqaale iyo ta ciidanba markaa yanay sugin inta khasb lagu ogolaysiinayo dadka iyo dhulka ee ha waydiisten cafis ale oo ha tobad kenen shicibkii ay gumaadena wixi dhacay way dheceene ha ka dalben cafis waxaan leyahay dowlada ha kala saarto dhagar qabiihi dadka dhameeyay iyo miskiinki afduubka lagu haystay ee laga soo qaday isago dhiganaya dugsigiisi oo aan indho dilaac san lagu qasbay ni u wax dilo ama isaga ladili dono

  • warsame
    June 14, 2012 @ 02:48:13AM

    ina godane wali lama qaban ninkaasi oo ah arxan laawe hawiye gumaadan iyo somalida dhamaan hala so taago maxkamad oo sharciga hala horkeeno

  • Alla Yaqaan
    June 13, 2012 @ 10:29:18AM

    Jawaabta Bal dayow: Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede, Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne, Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene, Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene, Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene doofaarka ayga ah, anaan daarihiis galine anigaan dilaalkiyo ardiga,duubiguu xirane anigaan dariiqada aliyo, diinta caasiyine daarood ismaciil ma oga, dowga loo qodaye waa wixii durban tumay, mrkaan dowga sii maraye waa wixii dayooy yiri, intuu soo dabbaadegaye dadow maqal dabuub taan ku iri, ama dan how yeelan ama dhaha darooryiba jiryaye,doxorku yeelkisa nin ragay dardaaran u tahaye, doqon hamoogaado dawo lagama helo gaal hadaad, daawo dhigataane waa idin dagaayaa kufriga, aad u dabcaysane dirhankuu idiin qubahayaa' dib u go'aysaane marka hore dabkuu idin ka dhigi, dumarsidiisiye marka xigana dabaqadda yuu,dareen siine marka xiga dalkuu idin ku oran, duunya dhaafsadaye marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye marhadan dushii adari iyo, iimay dacaldhaafay maxaad igaga digataan, beruu siin la soo degiye

  • Alle yaqaan
    June 13, 2012 @ 09:53:25AM

    Waa Imtixaan Rabbaani ah, waxaana la kulmay dhammaan kuwii naga horreeyey, Ilahayna wuu awoodaa wax walba inuu sameeyo.

  • gul
    June 12, 2012 @ 03:29:57PM

    waxay yiraahdaan waa maxay warku, warka xumi waa waar uun. Markaa markay dadka warka ka shaqeeya ay rabaan in ay wax fiican kaa dhigaan waad fiican tahay, hadday rabaan in ay wax xun kaa dhigaanna wax xun ayaad tahay, markaa waa hadba sidii loo dhigo. Markaa taariikhda ayaa qori inay wanaagsanaayeen iyo inkale.

  • WANYONYI EVANS
    June 12, 2012 @ 03:45:35AM

    Kooxda alshabaab waxaan leeyahay burbur idinku filan ayaad gaysateen, ee maskaxdiina soo celiya oo ka qayb qaata dib u dhiska dalka.

  • hamze
    June 11, 2012 @ 10:40:48AM

    Geeska afrika waxa ka jira horumar wacan marka laga reebo Soomaaliya, laakiin Somaliland waa xidigta geeska afrika.

  • hamze
    June 11, 2012 @ 10:35:24AM

    Somaliland waa dalka cusub ee ugu wacan bariga afrika, qof kastaana waa inuu qaddariyaa Somaliland.

  • PHINIAS
    June 7, 2012 @ 07:36:46AM

    Wow! Nimanka waa laga adkaaday, maxaa kale hadhsan?

  • KOL
    June 7, 2012 @ 03:51:02AM

    WAA LAGU DEGTAA RUUX HADDUU KU TARN JIRE BAL DAYOOYO WADADKII WA KAA SII DABASHAYE.

  • Evans Chirchir
    June 6, 2012 @ 01:50:27AM

    Hambalyo ayaan leeyahay ciidamadeena difaaca dalka Kenya. Arrinkani wuxuu baal dahab ah ka gali doonaa taariikhdeena.

  • chelangat
    June 5, 2012 @ 09:23:33AM

    Wax kastaa xili ayuu leeyahay, waanay caddahay in kooxda alshabaab ay joogaan habeenimo. Waxaana kooxdan horyaala laba arrimood oo ah ina ama horumar sameeyaan oo ay isa soo dhiibaan, ama inay dalka ka xamaan gurtaan oo ay badwaynta galaan, waayo halkaas ayaa hoygoodu yahay. Xitaa hadday badda hoy ka dhigtaan, waa in aynu ku raad joognaa meeshaas. Waxaan hambalyaynayaa ciidamadeena geesiyaasha ah, ee sida geesinimada leh ku go’aansadeen inay nabadeyaan dalkeena jaarka ah ee soomaaliya.

  • FYATTY FONDO MEN
    June 4, 2012 @ 08:59:03AM

    Wow, dadkani maaha dad dheel dheelaya, waayo si kasta hadaynu ugu hanjabno, kuwani maaha qaar isa soo dhiibaya ilaa qofka ugu dambeeyaa uu dhinto. Dadkani waa qaar is huba inay goobaha dagaalka ka dagaalami karaan, mana ka baqayaan geerida.

  • David Muga
    June 4, 2012 @ 08:49:05AM

    Ol-olaha milatari ee ay wadaan saraakiisha ka socda dawlada Kenya wax badan ayaa ka dhiman. Horraantii arrinkani wuxuu u muuqday in dawlada Kenya ay rabtay in hawlgalkani uu wakhti dheer socdo, sababta arrinkaas ay u cuskatayna ma ahan mid militariga lagu yaqaano. Dib u dhaca yimid ugu dambayntii waxa uu xukuumada Kenya u muujinayaa in dib u dhacaasi uu sababay kharash dheeraad ah oo mood iyo nool labadaba leh. Kharashkani ma uusan jireen hadii ay xili hore kooxda alshabaab ka safayn lahaayeen magaalada kismaayo. Qabashada magaalada kismaayo waxa haboonayd inay dhacdo xili hore, waxaanay ahayd in la galo hawlgal dagaal oo kadis ah oo ay ciidamada militarigu fuliyaan, taasoo islamarkaana u saamaxaysay kooxaha alshabaab marin cad oo ay kaga bixi karaan magaalada Kenya. Hadii sidaas la yeeli lahaa, iska caabinta cadawgu ciidamada kala horyimi may badnaateen. Laakiin hadda kooxda alshabaab waxa ku xeeran ciidamada Kenya oo doonaya inay ka saraan kooxdan magaalada kismaayo. Kooxdan ismiidaamiska ah ee naflacaariga ah waxa ay u baahan yihiin ciidamo si gaara loo tababaray oo sita hub fudud, kuwaaso awooda inay kooxahan naflacaariga ah ka safeeyaan magaalada. Run ahaantiina askari ka mid ah kooxahan naflacaariga ah in laga saaro guri uu dhufays ka dhiganayo waa arrin u baahan inay ka hawlgalaan 25 askari oo ka mida ciidamada Kenya, waxaana laga yaabaa in hawlgal noocaas ahi uu sababo khasaare naf ah. Hadii ciidamada Kenya ay hawlgalkooda ku bilaabi lahaayeen qabashada magaalada kismaayo, kooxda alshabaab waxay u yaaci lahaayeen oo u kala firdhan lahaayeen kaymaha khatarta ah ee magaalada ku dhow, kadibna waxay ciidamadu si dhib yar ugaga daba tagi lahaayeen kaymahaas, waanay soo qaban kari lahaayeen iyadoo wax khasaare ahi uusan dhicin. Laakiin haatan arrimuhu sidaasi waa ka duwan yihiin gabi ahaanba, waxaana dawlada Kenya ka bixi doona lacag badan iyo khasaare naf iyo maalba leh, kharashka noocaas ahna waxa la galin kari lahaa meelo kale oo u baahan.

  • Daniel Githinji
    June 4, 2012 @ 08:31:03AM

    Dameerku markuu sii dhimanayo naf-xaraaraha awgii ayuu wax haraatiyaa, wax yaabaha aynu kooxdan ka arkanay dhawaanahana waxay ahaayeen wax arrinkaas la mid ah. Markaa reer Kenya waxaa la gudboon kalsoonida ay u hayaan ciidamadeenu inaysan ka lumin. Waxa inagu waajib ah inaynu ciidamadeena markasta u dacayno, waxkastaa ha jiree, waana inaynu markasta feejignaanaa oo amaankeena ku dadaalnaa meelkasta oo aynu joogno. Ilaahayna ha barakeeyo Kenya.

  • SORE GEORGE LIGABO
    June 4, 2012 @ 07:21:27AM

    Ciidamada Kenya shaqo wacan ayay qabteen, waana inay ku sii shaqeeyaan niyaddaas adag bacdamaa nabaddu ay gobolka uga dhigan tahay shay asaasi ah.

  • Lothar
    June 4, 2012 @ 07:17:43AM

    Hambalyo dhamaan ciidamadeena wacanoow, waxaanan idin leeyahay laxaadka gooya cadawga waligii.

  • kithinji Godfrey
    June 4, 2012 @ 07:15:32AM

    Waxaan rajaynayaa in dadka ugu qalabka wacan ee dariiqa dhabta ah ku taagan ay guulaystaan. Laakiin maxay tolow taasi uga dhignaan doontaa kuwa dariiqa khaldan ku taagani.

  • abel ojwang'
    June 4, 2012 @ 05:05:24AM

    Hambalyo Amisom, wax nabad ah oo lala galayo kooxda alshabaab ee soomaaliya ka jirta ma jirto, markaa waxaan ku boorinayaa ciidamada Amisom inay sii wadaan hawshooda, si ay inoogu suurto gasho inaan helno dawlad soomaaliya ka dhalata.

  • catherene mutua
    June 4, 2012 @ 04:04:56AM

    Waxaan hambalyaynayaa ciidamada difaaca ee soomaaliya ka shaqaynaya, waxaanan leeyahay dadaalkiinu khasaare noqon maayo “dagaalka waa kii ilaahay laakiin guusha idinkaa iska leh”, hadii uu ilaahay idinla jiro, maxay tahay alshabaab oo sideebay idiinka soo horjeedsan kartaa? Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin siiyo xigma iyo awood si aad u gaadhaan hadafkiina. Al-shabaab wax kale daayo dirayskoodii ayay iska siibeen. “alshabaab wakhtigoodii waa dhamaaday”, mahadana waxaa iska leh ilaahay, waayo isagay ka timaadaa awoodeenu, isagaana ilaa heerkan ina soo gaadhsiiyay.

  • Bernice Kagame
    June 4, 2012 @ 03:40:01AM

    Waa arrin la yaab leh mar hadii dadka soomaaliyeed loo ogolaaday in ay helaan nabad. Sideebay u suurto gashay in koox yari ay dalka ku rido nidaam darro. Kooxdani waa in laga sifeeyaa dalka dhamaantood. Dadkani wax naxariis ah uma hayaan dadka kale, oo waa calooshood u shaqaystayaal. Hala xaaqo, ala xaaqo oo halagu qasbo in ay cowska cunaan. Ciidamada difaaca Kenya farxad ayaan u rajaynayaa, soomaaliyana hambalyaan leeyahay, dadka reer Kenya na hambalyaan leeyahay.

  • Abdirashid
    June 4, 2012 @ 03:36:46AM

    Waxa kaliya ee aan rabnay waa in nabadi dalka ku wada dhalato, laakiin midawga afrika waa inaysan gumaadin dadka aan waxba galabsan ee rayidka ah iyagoo ku andacoonaya inay la dagaalamayaan kooxda alshabaab. Fariinta aan midawga afirka u dirayaa waxa weeyaan kooxda alshabaab kasoo saara godadka ay ku dhuumaalaysanayaan, oo dabeedna cadaalada horkeena.

  • KARANJOZ
    June 3, 2012 @ 05:11:28PM

    Marka kooxda al-Shabaab la baabiiyo, waxaan xukuumadda ka codsanayaa inay noo dhisto waddo tagta Soomaaliya, si aan u tagno Soomaaliya oo aan wax uga beeranno oo aan dhul uga helno, anagoo taas kaga dayanayna siday iyaguba hada ka wadaan dalkeena E-SIRI.

  • KENITO
    June 3, 2012 @ 05:06:30PM

    ILAAHAY HA BARAKEEYO MILITARIGA KENYA SHAQADA HORUMARKA LEH EE AY QABTEEN. WAAN JECLAHAY DALKAYGA KENYA.

  • james
    June 3, 2012 @ 03:37:00PM

    Anigu waxaan ka yaabanahay in 13 qof ay diideen ama kasoo horjeedaan qoraalkan! Dadkani tolow Alshabaab miyaa? Si kasta ha ahaatee, alshabaab waa inay joojisaa dagaalkan, maxaa yeelay waxay laynayaan waa dad soomaaliyeed oo waxba Aan galabsan. Alshabaab intaa waxay ku andacoonaysaa inay xeelad dagaal uga baxeen magaalooyinka ay qabsadeen ciidamada AMISOM. Tani waa jab ay jabeen, ama dib u gurasho ha ku sheegaan ama yaysan ku sheegin. Waa jab ay jabeen iyagu.

  • GITHINJI
    June 3, 2012 @ 03:16:14PM

    WAA AWOODDA EEBE.

  • J. Njiru
    June 3, 2012 @ 02:39:27PM

    Arrinkani waxa uu muujinayaa awooda ilaahay ee ku wajahan dadka sharka wada.

  • MARANGA OSORO DENIS
    June 3, 2012 @ 09:50:40AM

    Waxaan ay wadaan waa dubaaxis, oo naftii ayaa kasii baxaysa. Ka bixitaanka ay Afgooye ka baxeen waa jab cad oo ay jabeen. Kismaayo waxaan leeyahay iyaduna hanoo joogto intaanu u imanayno, ama si nabad leh ha isu soo dhiibto. Hambalyo ciidamada AMISOM.

  • WAMPS
    June 2, 2012 @ 12:46:46PM

    Shaqo wacan ee kalkaa ka wada hawsha.

  • frederick mutua
    June 2, 2012 @ 10:14:50AM

    dadkani waxay u baahan yihiin inay wax badan bartaan, oo ay salaada badsadaan, si ay naftooda u fahmaan ayna u noolaadaan sida dadka kale. Waxaan aduunka ugu baaqayaa inuu gacan u fidiyo dadka soomaaliyeed, gaar ahaana ka caawiyo xaga tacliinta iyo nabadgalyada.

  • MUUYI
    June 2, 2012 @ 10:05:05AM

    haa, waxaan u baahanahay inay geeska afrika nabadi ka dhalato

  • ELIZABETH MUTHEU MUTUKU
    June 2, 2012 @ 08:42:55AM

    Alshabaab miyaydaan hayn shaqo kale oo aad qabataan?????????????????? Dareenkiinu ha shaqeeyo, ogaadana in ilaahay uusan idiin abuurin inaad wax un dishaaan, laakiin uu idiin abuuray wax wacan oo noloshiina aad gaadhaan. Markaa fadlan joojiya dilka aad dilaysaan dadka reer Kenya, xusuusnaadana inay waajib idinku tahay inaad isa soo dhiibtaan, hadii kale waxaad ka mid noqon doontaan boqortooyada shaydaanka. Kooxda alshabaab waxaan leeyahay waxaad tihiin shaydaanka awlaadiisa, aabihiinana waa mid khasaaray oo fashilmay.

  • Appolo Alluma
    June 2, 2012 @ 08:06:24AM

    hambalyo ciidamada AMISOM, halkaana kasii wada cadaadiska

  • paul nginya
    June 2, 2012 @ 07:15:39AM

    waxaan hambalyaynayaa askarteena hawshooda ku dadaalaya, taasina waa sababta aan anigu ugu riyaaqayo inaan iyaga mid ka mid ah aan nooqdo.

  • Al-Xaq
    June 2, 2012 @ 01:23:27AM

    Dhamaantiin waad ka dhunteen xaqiiqada, markaa noo imaada oo aad nala dhadhamiya xaqiiqda. Anaga soomaali ahaan, waxaan ku naaloonaynay jawi nabdoon, oo aysan ka jirin dhawaqa baaruuda, xiligaasina waa xiligii ay talada noo haysay mujaahidiinta alshabaab. Laakiin haddeer magaalada Afgooye iyo magaalooyinka kale ee sida gardarada ah ay usoo weerareen ciidamada gumaysiga, waxay ku jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin boob, kufsi iyo dil loo gaysanayo dadka aan waxba galabsan ee badidoodu tahay dumarka iyo caruurta. miyaad waligiin maqasheen in alshabaab kufsatay gabadh? Jawaabtu waa maya. Miyaadse waligiin maqasheen in alshabaab ay boobtay hantida dadka? Jawaabtu waa maya, laakiin markii ay yimaadeen calooshooda u shaqaystayaasha maraykanku ay yimaadeen magaalooyinkeen, waxay dadka soo foodsaaray dhibaatooyin ay ka mid yihiin bahdilaad fara badan. Waxaan leeyahay dadka jaahilka ah ee sheeganaya inay yihiin khubaro, ma ahan khubaro wax ay soomaaliya ka garanaysaana ma jirto. Alshabaab guul ayay u taagan yihiin mar hadii ay hanteen quluubta dadka soomaaliyeed ee muslimka ah, mana aha muhiim hadii ay magaalooyinku farahooda ka baxeen iyo hadii kale. Su’aashu waxa weeyaan yaa magaalooyinkaas u dambayn doona? Ma calooshooda u shaqaystayaasha reer Uganda iyo kuwa reer Burundi? mise alshabaab?

  • Stevo
    June 1, 2012 @ 03:43:24PM

    Dadkani waa shayaadiin, dad badan oo Soomaaliyeed ayay dhibaato ku haysataa Kenya dhexdeeda, iyo kaamam kale oo dunida ahba. Waxaana arrinkaas ugu wacan iimaan la’aanta kooxda al-Shabaab, ama magacay doontaan ha sheegtaane.

  • yaasir
    June 1, 2012 @ 01:39:50PM

    niga waxaan ahay qof somali ah oo muwadan dhab ah waxaan jaclahay dalkeyga iyo dadkeyga mana ka maarmo ilahayna waxaan waydiisanaa in oo wadankeyna nabad iyo khery noogu badalo dhibka ka socda dalka waa arin aad u balaaran oo u baahan siyaasad isku diba dhisan oo ay maamullaan rag aqoon sare u leh siyaasadda iyo macluumaadka dheeraad ah oo u baahan in lagu maamulo dalka oo dhan dadkaba taas ayaan alle ka baryaa in kasta oo dhib balaaran na haysato hadane waa la fahmi la,yahay sidii loo raasi lahayn xal ma garanayo sida an ku danbaynayo ciribteyna danbe waad mahadsantahay walalllyaal

  • JAMES KARANJA
    June 1, 2012 @ 11:02:49AM

    Alshabaab ilaahay ha u naxiirsto, dhawaanna Soomaaliya dhammaanteed waa la xorayn doonaa. Waxaan al-Shabaab kula talinayaa inay isdhiibaan. Hadii aydaan ka adkaan karin waxaan ku talinayaa inaad ku biirtaan.

  • Gerald
    June 1, 2012 @ 07:46:49AM

    ilaahay haduu kula jiro, wax kastaa waa suurto gal........markaa qofku waa inuu ilaahiisa waxkasta ka hormariyaa, waayo haduu ilaahay ina horgalo oo uu ina hago, lanagama guulaysan doono, lkn taasoo ay jirto waxaa hadana hor socda tiirar dabab ah...

  • jeremiah
    June 1, 2012 @ 05:56:46AM

    Ha fahmaan inay iyaga u dhamaatay.

  • Patrick
    June 1, 2012 @ 05:32:03AM

    Hambalyo walaalahayga iyo jaarkayga soomaaliyeedoow, waanay iman doontaa maalinta aynu wada ducaysan doono oo wada tukan doono.

  • Albanus Mutie
    May 31, 2012 @ 01:48:31PM

    Waa talaabo horumar leh oo loo qaaday xaqiijinta nabad waarta oo mandaqadan ka dhalata. Kooxaha islaamiyiintu waxay si aan cadaalad ahayn u isticmaaleen diinta islaamka, iyagoo raba inay abuuraan qalaanqal, waxaanay jidhdil u gaysteen dad badan. Waxa inala gudboon inaynu taageerno dhamaan ciidamada Amisom, gaar ahaan ciidamadeena difaaca Kenya ee Amisom hoos yimaada. Aniguna waan idin taageersanahay.

  • sammy Ndirangu
    May 31, 2012 @ 09:09:40AM

    Hambalyo Hambalyo geesiyaashadoow, waanan idin salaamayaa, inta karaankiina ah dadaala, annaguna waanu idiin ducaynaynaa. Halkaa ka wada, Halkaa ka wada, Halkaa ka wada---

  • ndambuki
    May 31, 2012 @ 07:16:04AM

    Al-shabaab waa inay isa soo dhiibtaa, sababtoo ah dagaalkan si otomaatig ah ayaa looga rayn doonaa, dad badan oo ay ku jiraan rayid aan waxba galabsanina way ku dhiman doonaan. Kooxda alshabaab waxaan leeyahay waa maxay ujeedadiinu? Miyaydaan ogsoonayn in ilaahay uusan ogoleen daadinta dhiiga dadka aan waxba galabsan? Amisom iyo xooggaga kale waan in ay si naxriis la'aan ah u jiiraan, kuwa aan isasoo dhiibin.

  • levy ogechi
    May 31, 2012 @ 05:45:18AM

    Wargalin wacan, halkaa ka wad!

  • Benson Waweru
    May 31, 2012 @ 03:27:22AM

    Wow! tirtira iyaga, anaguna soomaaliya waxaan si kal iyo laab ah ugu soo dhawaynaynaa dalalka bariga afrika inay la mid noqoto, sababtoo ah soomaaliya waxay dalalkan u noqon kartaa dal beero cagaaran oo ay ka faa’idaystaan. Waxaan hambalyaynayaa rageena geesiyaasha ah ee ku daba jira kooxda alshabaab.

  • VITALIS
    May 31, 2012 @ 02:26:56AM

    CADAALADDU MAXUMA

  • maarshaal
    May 30, 2012 @ 02:03:36PM

    waxaan filayaa in alshabaab ay kuguuldaraysandoonto ishaa alah haysashada meelkasta oo kamida dalka somalia sababtoo ah iyadu waxay gashay ayaa lagu cadaabayaa oo ah inay xuduudii ilalahay ka gudubtay. waxaanan rajaynayaa in ay jabidoonto ishaa allah waayo dadka somaliyeed xataa way gawraci jirtay

  • GERALD
    May 30, 2012 @ 06:39:32AM

    LAAYA DHAMAAN XAYAWAANKAN!!!!!!

  • [email protected]
    May 30, 2012 @ 05:04:34AM

    war maxay jidgooyan Ayagaa laga goyey jidka KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK xitaa waxaa ladili gaarey madaxwyne shariif KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  • maturi geoffrey
    May 30, 2012 @ 04:27:53AM

    arrinkani waa arrin dadka u wacan, oo u saamaxaya inay ku naaloodaan jawi nabad ah, oo dhawaca rasaastu ka marantahay. Ilaahay ha barakeeyo dalka.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada