Somaliland ayaa qabatay codayn jilitaan ah si ay u tijaabiso hannaanka doorashada.

Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargeysa jooga

Maajo 25, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Codayntii jilitaanka ahayd ee Hargeysa lagu qabtay toddobaadkii hore guul ayay ku dhamaatay, waxaana ka soo baxay cillado muhiim ah oo u baahan in la xalliyo inta aysan muwaadiniinta goobaha codaynta tagin dabayaaqada sanadkan, saraakiil ayaa u sheegay Sabahi.

Codayntii jilitaanka ahayd ee lagu qabtay xarunta Guddoonka Doorashooyinka Qaranka (NEC) May 16-keedi, si loogu tijaabiyo nidaamka cusub ee doorashada, kaas oo markii ugu horaysay faraya in loo codeeyo shaqsiga musharraxa ah halka marki hore looga codayn jiray diiwaanka xiran ee xisbiga siyaasada, saraakiil NEC ka tirsan ayaa u sheegay Sabahi.

Doorashada waxaa wadajir loola qabtay Interpeace, oo ah urur nabadda dhisa oo saldhigiisu yahay Switzerland.

Labo boqol oo rag, dumar, muwaaddiniin wax-gal ah, iyo dhalinyaro ka soo jeeda heerar aqoon oo kala duwan ayaa ka qaybtaatay howshaan isku dayga ahayd. Ka qaybqaateyaasha waxaa soo xulay kooxaha ururada bulshada rayidka ah, si ay u matalaan bulsho waynta, afhayeenka NEC Maxamad Axmed Xirsi Geelle ayaa yiri.

Qof kasta oo ka qayb-qaadanayey hawshan wuxuu qaatay 10 doolar iyo gaadiid bilaash ah oo uu ku tago goobta codaynta, Muuse Yuusuf oo ah codeeye 22-jir ayaa u sheegay Sabahi.

Natiijooyinkii codayntan jilitaanka ah waxay caddaysay in loo baahan yahay in la tacliimiyo cod-bixiyeyaasha, in goobta codaynta loo helo shaqaale dheeraad ah iyo saacado dheeraad ah oo lagu daro mudada codaynta si ku filan doorashooyinka goleyaasha ee soo socda, Cabdi Cismaan Xaaji Cabdi, maamulaha tacliiminta dadka codeeya ee NEC, ayaa u sheegay Sabahi.

Cabdi wuxuu sheegay in howshan isku dayga ah ay hay'adda ka caawisay in ay ogaato qalqallooca nidaamka cusub. “Wixii aan ka ururinnay doorashada tjiaabada ah waxay na siinaysaa fursad ah in aannu qabanno doorasho hufan,” ayuu yiri.

Qaar ka mid ah habraacyada codaynta waxaa ku jiri doona sida musharaxiinta ay ugu qornaan doonaan xaashida codaynta. Si meel loogu helo tirada korortay ee musharrixiinta, musharrax walba waxaa la siin doonaa tirsi gaar ah kaas oo geli doona booskii laga isticmaali jirey astaanta xisbiga, ayuu yiri Geelle.

“Haddii aannu isticmaali leheen astaanta xisbiga musharrax waliba, xaashida codbixinta aad ayay u dheeraan lahayd dadkuna sidaa uma codayn karaan” Geele ayaa yiri. “Waxaanu ka wal-walaynay isbadaladaan inay jaho wareer ku noqoto dadka aan akhris iyo qoraal toona aqoon; waxaannu u qabannay codaynta jiltaanka ah si aannu ugu qiimayno muddada qof caynkan oo kale ah ay ku qaadanayso in uu si sax ah ugu codeeyo cidda uu dooni ama ay doonayso.”

Saraakiisha NEC ayaa meesha ka dhawaa si ay u hubiyaan in ka qayb-qaatayaashu si sax ah u buuxinayeen xaashida codaynta marka loo eego cidda ay u arkeen in ay u codeeyaan, ayuu yiri Raabbi Shariif oo ah sarkaal ka tirsan saldhiga goobta codaynta.

Cabdi wuxuu Sabahi u sheegay in shaqadan tijaabada ah ay NEC ka caawisay in ay ogaadaan waqti intee le’eg ayay cod-bixiyeyaashu ugu baahan yihiin inay dhiibtaan codkooda, tirada dadka ee hal goob ah ka codbixin karta maalinta codaynta, iyo tirada goobaha codbixin iyo shaqaalaha loo baahan yahay.

“Marka aad u diyaar garoobayso howl adag, isla markaana aadan leheen wax waayo aragnimo ah, sida kaliya ee aad ku ogaan karto waxaa weeye in aad tijaabo ka qaado. Sidaa aawadeed, codbixintan jilitaanka ahi muhiim ayay inoo ahayd si aannu u diyaar garowno,” ayuu yiri.

Isniintii ayaa saraakiisha NEC iyo wakiillada Interpeace waxay yimaadeen Addis Ababa si ay deeq-bixiyeyaasha caalamka u soo bandhigaan wixii ay ka ogaadeen doorashadii jilitaanka ahayd iyo inta ay ku qiyaaseen dhaqaalaha ku bixi doona doorashada dhabta ah, ayuu yiri Cabdi.

Maalin cayiman wali looma dajin doorashada, laakiin Geele wuxuu yiri NEC waxaa ka suurtagal inaan shaaca ka qaadno dhowrka todobaad ee foodda inagusoo haya. Wakaalada waxay rajaynaysaa in doorashooyinka la qaban doono sanadka intuusan dhamaann, ayuu yiri.

Sagaal xisbi siyaasadeed ayaa jadwalka ku jira in ay ka qaybqaataan doorashada soo socda, waxaana ku jira xisbiyada cusub ee shuruudaha buuxiyay: Ummad, Wadani, Nasiye, Xaqsoor, Rays iyo Dalsan. Doorashada waxay ka dhacaysaa 23 degmo, waxayna noqon cod-bixin dimuqraadiyad ee 5aad ee ka dhacda Somaliland ilaa iyo 2002-dii.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 12)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Asha Yusuf
    May 29, 2012 @ 11:11:11AM

    Tani waa tijaabo wacan, gudida doorashooyinkuna waxay ina tustay inay rabaan in doorashooyin sax ahi ay qabsoomaan doorashooyinka dawladaha hoose ee Somaliland ee soo socda. Markaa waa in aynu gudida doorashooyinkuna ku hambalyaynaa dadaalkooda. Sidoo kale waa wax cod bixiyayaasha reer Somaliland u wacan marka aynu ka hadlayno nidaamka codbixinta.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada