Maajo 25, 2012
Labaatan sano oo dagaal ah, amni darro iyo dhaqaalaha oo liita ayaa dhib ku filan u geystay dhallinta Soomaaliyeed, dhibtaas oo si xun u saamaysay galaangalkoodii meelaha waxbarashada iyo kuwa dhaqankaba, taas oo u dayacday in ay ku biiraan kooxaha xag-jiriinta ah.
Xarunta Dhallin-yarada ee Kanava ayaa ka shaqaynaysa in ay soo kiciso dhaqankii Soomaaliyeed oo ay isla markaana soo celiso qunyar-socodnimadii iyadoo ardayda u qabanaysa tartanno waxbarasho iyo kuwo dhaqan isla markaana billaabaysa ololeyaal wargelin ah.
Mid ka mid ah tartannadaas waxaa ku lug lahaa 100 arday oo ka kala yimid toban dugsi sare oo ku yaalla Muqdisho. Ardayda ayaa ka qayb qaadatay tartan aqooneed saddex bilood ah, oo isugu soo biyo shubtay xaflad abaal-marin oo dhacday May 17-keedii.
Toban wiil iyo toban gabdhood ayaa loo aqoonsaday guusha ay ka gaareen imtixaanno dhawr ah oo ay galeen. Dugsiga al-Fajir ayaa galay kaalinta koowaad meesha Dugsiga Sare ee al-Xikma uu kaalinta labaad ka galay dhinacyada oo dhan.
Maamulaha dugsiga al-Xikama Cali Xasan Maxamed ayaa Sabahi u sheegay in dardar-gelinta tayada waxbarashadu ay tahay danta ugu weyn ee tartamadan laga leeyahay, waana hab lagu joojiyo dagaalada, lagu ciribtiro wax-qorid la’aanta iyo jahliga, laguna hagaajiyo tayada nolosha ee Soomaaliya oo dhan.
Maxamed wuxuu sheegay in tartamadu ay kordhinayaan dhiirranaanta tartan ardayda gudahooda ah. Iyadoo lagu dhiirriggelinayo wada shaqayn iyo howl-wadareed. Waxa uu sheegay in ujeeddada tartamada laga leeyahay ay yihiin in lagu baabbi’iyo xag-jirnimada, cadaawadda, iyo nacaybka qabiilaysiga ku salaysan, si ay markaa ardaydu gogosha ugu xaari karaan nabad ka dhacda dalka.
Mukhtaar Maxamed Axmed oo 14 jir ah dhigtana fasalka 10naad ee dugsiga al-Fajir ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu horreeyey ee abaalmarinnada ku guulaystay.
"Aad baan ugu faraxsanahay in aan galo kaalinta koowaad, waxaanan asaaggay ugu baaqayaa in ay tacliinta ku dedaalaan, oo ay dilka iyo qalalaasaha iska daayaan,” ayuu yiri. “Waxaan ku dhiirriggelinayaa in ay taageeraan dadaallada gudaha ah iyo kuwa caalamiga ah ee ku aaddan in ay soo celiyaan dagganaashiyaha iyo hay’adihii dowaliga ahaa ee Soomaaliya.
Axmed ayaa sheegay in ay ardaydu doonayaan tababbarro iyo aqoon is waydaarsiyo, isagoo intaa ku daray in lagama maarmaan ay tahay in dadka barakacayaasha gudaha ah la siiyo “fursado tacliimeed oo bilaash ah, waayo buu yiri taasi waa xuquuq aadami oo muhiim iyo asaasi ah."
Carruurta dadka baracayaasha gudaha ah ayaa caadiyan helin fursad wax-barasho, gaar ahaan hablaha, sida ay qabto Hay’adda Sanduuqa Bedbaadada Carruurta ee Qaramada Midoobay.
"Waxbarashadu waxay dhayi doontaa xaaladda musiibada ah, waxaanay burburin doontaa matoorka dilka,” ayuu yiri Axmed. “Jahligu waa dugaag cunaya Soomalida, waana in aannu la dagaallannaa waqti kasta ha qaadatee.”
Cabdullaahi Xasan Calasow, agaasimaha tacliinta ee Xarunta Dhallin-yarada ee Kanava ayaa sheegay in xaruntu ay abaabulidda tartammadan u bilowday in ay dhallinta wax ka barto qalalaasaha iyo in ay dardar geliso isweydaarsiga dhaqanka iyo aqoonta. Wuxuu sheegay in ardada loo abuuro xiriirro xooggan oo iyaga ka dhexeeya oo ku salaysan dulqaad iyo wada noolaasho ay abuuri karto jiil aaminsan nabadda iyo wada-xaajoodka.
Erayga "kanava" ayuu asalkiisu yahay Finnish (luqadda looga hadlo Finlad) wuxuuna micnihiiu yahay "kannaal", wuxuuna magac u yaal u yahay sida ay dhallinta Soomaaliyeed isugu xiri karaan noocyada kala duwan ee bulshada. Xarunta Dhallin-yarada ee Kanava waxaa la aas-aasay September 2002, lacagaha xaruntuna waxay ka yimaadaan ururro aan dowli ahayn iyo deeq-bixiyeyaal Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddaba jooga.
Calasow ayaa sheegay in xaruntu ay tartamada qabanqaabisay iyadoo la kaashatay Naadiga Dhallin-yarada Soomaaliyeed oo caawin ka geystay in ay bixiyaan abaalmarinnada oo ay ka mid yihiin buugaag, lacago kaash ah, iyo shahaadooyin.
Xaruntu waxa kale oo ay qorshaynaysaa olole la yiraahdo “Ardayga Baraarugsan” oo loola dan leeyahay in ardayda looga leexiyo in uu jiidaha dagaallada aado ama ay tahriibaan. Ololahaas ayaa la fulin doonaa fasaxa xagaaga ee June iyo July, iyadoo lala kaashanayo Jaamacadda Muqdisho.
"Yoolkeeennu waa in aannu tartamayaasha ku dhiirriggelinno in ay aqbalaan u sinnaanta adeegga qarankeenna, si aannu markaa dib ula soo laabanno sharafteennii iy dhaqankeennii lumay, oo aannu u beerno abuur nabadeed iyo jacayl dhex mara dhamaan Soomaalida is-diiddan,” ayuu ku yiri Sabahi. “Waxaannu kaloo jeclaan lahayn in aannu sare u qaadno heerka waxbarasho ee jiilalka yaryar.”
Tira-koob ay samaysay Wasaaradda Waxbarashada Dhaqanka iyo Tacliinta Sare, wax-qorid la’aanta dadka waaweyn ayaa maraysa heerkii ugu sarreeyey. Meelaha miyiga ah, ilaa 90% ayaan qori karin aqrinna karin.
Sayid Cali Xuseen oo ah macallin ka shaqeeya dedaallada waxbarashada iyo kuwa gargaarka, ayaa sheegay in markii dawladdii dhexe ee Somalia ay dhacday 1991-kii, uu sidoo kale burburay habki waxbarashada, taas oo keentay in uu jiil dhan tobannaan sano dib u dhaco.
Wuxuu Sabahi u sheegay in ay dugsiyadu haatan soo ifayaan, hase yeeshee maaddooyinka lagu bixiyo Carabi iyadoo la isticmaalayo buugaag ay ku soo deeqeen dadka Gacanka deggan, oo aan waxba ka sheegin taariikhda Soomaalida iyo juquraafigeeda toona, oo –waa buugaagtee—ku kooban Bariga Dhexe. Ingiriiska iyo Soomaaliga waxaa loo bartaaa sidii fasallo luqad ah uun.
Xuseen ayaa macallimiinta ku boorriyey in ay dugsiyada ka billaabaan tartamo, si ay u dhiirriggeliyaan tacliinta oo ayna u dhisaan bulsho haysta qalabka ay ugu baahan yihiin in ay iyagu wax is baraan. Wuxuu sidoo kale waaliddiinta ku boorriyey in ay carruurtooda ku dhiirri-geliyaan in ay tacliin iyo waxyaabo cusub raadiyaan inti ay ku biiri lahaayeen al-Shabaab.
Maxamed Ibraahim oo madax u ah Ururka Wacyi-galinta Dhalin-yarada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in carruurta oo loo diido fursado waxbarasho ay u dayacayso qalalaasaha, maan-dooriyaha iyo aalkolada.
Wuxuu Sabahi u sheegay in ay waxbarashadu wax ka galeyso in jiilalka soo socdaa ay ku koran qiyam xoog badan, anshax wanaagsan iyo waddaninnimo ku dhiirriggelisa dareen midnimo, kuna caawisa in ay yeeshaan xirfado lagu xalliyo khlaafaadka.
Furidda wada-xiriirka carruurta iyo waaliddiinta dhexdooda ah ayaa sidoo kale xaqiijin doona in aanay carruurtu habaabin, ayuu yiri.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Haa, waxbarashada iyo wacyi-gelintu waa sida kaliya ee dadka soomaaliyeed looga saari lahaa fawdada xagjirnimada ah ee ay ku jiraan. Waxaan mahadnaq usoo jeedinaynaa shabakadda Sabahi warbixinta ay arrrinkan kasoo diyaarisay awgeed. Ugu dambayntii, waxaan wariyaha warbixinta soo diray xusuusinayaa in kalmada “Kanava” ay tahay kalmad laga soo dhiraandhiriyay kalmad afka Finishka (Afka lagaga hadlo dalka Finland) oo macneheedu yahay “Janal”. Waxay tusaale ka bixinaysaa awooda ay dhalinyarada soomaaliyeed u leeyihiin inay isu soo dhaweeyaan dabaqadaha bulshada ee kala duwan. Rugtan waxa la abuuray bishii September ee 2002, waxaana iska kaashaday aasaasideeda ururo NGO ah iyo deeq bixiyayaasha ka hawlgala gudaha iyo dibadda soomaaliya. Waxa wacan in marka warka la diyaariynayo in arrinkan lagu sheego warka dhamaadkiisa. Mahadsanidin!