U hayaamidda baahinta dhijitaalka ah ayaa walaac ku abuuraysa macaamiidha Tansaaniya

Waxa qoray Deodatus Balile oo Daaru Salaam jooga

Maajo 23, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maamulka Maaraynta War-isgaarsiinta Tansaaniya (TCRA) ayaa daawadayaasha u sheegay in aanay sinaba uga welwelin ka guuridda soo socota ee laga hayaami doono telefishanka analoogga, loona guuri doonno kuwa dijitaalka ah oo ay tahay in ay warbaahiyeyaashu dhamaystiraan dhamaadka sanadka.

  • Haweenay dukaan elektaroonigga lagu iibiyo oo ku yaal Daaru Salaam ku iibinaysa telefishanno dhijitaal ah. Tansaaniya ayaa qorshaynaysa in ay demiso warbaahinta analoogga ah, oo ay u guutrto sancada dhijitaalka ah. [Deodatus Balile/Sabahi]

    Haweenay dukaan elektaroonigga lagu iibiyo oo ku yaal Daaru Salaam ku iibinaysa telefishanno dhijitaal ah. Tansaaniya ayaa qorshaynaysa in ay demiso warbaahinta analoogga ah, oo ay u guutrto sancada dhijitaalka ah. [Deodatus Balile/Sabahi]

"Waxaannu billawnay wargelin bulsho bishii August sanadkii hore markii uu Madaxweyne Jakaya Kikwete daah-furay Ololaha Dhijitaalaynta Tansaaniya, haatanna waxaannu isku kalsooni gelinnay in ay tahay wax la qaban karo,” ayuu Sabahi ku yiri Agaasimaha Guud ee TCRA, John Nkoma. “Waxaannu bishii hore ku dhawaaqnay in marka la gaaro 31-ka December aannu demin doonno dhamaan telefishannada analoogga wararka ku baahiya.”

Nkoma wuxuu sheegay in xubnaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay go’aansadeen in ay ku guuraan dhijitaal saddex sano ee soo socota si ay u xaqiijiyaan in ay waqti ku filan u haystaan in ay ka shaqeeyaan wixii cillad ah ka hor June 2015-ka, oo ah waqtiga kama-dambaysta ah ee uu qabtay Ururka War-isgaarsiinta Caalamiga ah, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan teknoolojiyadda war isgaarsiinta iyo wararka.

Warbaahinta dhijitaalka ah ayaa bixisa dhawr faa’iido oo ay ku jirto anteenno tayo fiican leh, awoodda baahinta khadad badan oo isku hal hir ah iyo ku habboonaanta teknoolojiyooyinka cusub ee dhijitaalka, sida galaangalka internetka oo laga helo telefishannada, ayuu yiri Nkoma.

James Kalaba oo ah injiyeer la shaqeeya TCRA ayaa sheegay in Tansaaniya iyo waddamada kale ee xubnaha ka ah EAC ay sheegeen in uu go’aanku ahaa mid ula kac ah oo lagu doonayo in lagu dedejiyo jadwalka isbeddelka si loo xaqiijiyo in uu gobolku la jaan-qaado adduunka intiisa kale.

"Afrika ayaa dib uga dhacsan dhinaca tiknoolojiyadda; mana yeeli karno in aannu dib u dhacno daqiiqadda ugu dambaysa,” ayuu yiri Kalaba. “Hayaankani waxaa qayb ka ah soo iibsiga qalabyo, rakibiddooda, tijaabintooda iyo kirayntooda . Go’aanku wuxuu ina siinayaa waqti aannu ku saxno khaladaadka waqti dheer ka hor inta aan godka laysugu soo gelin.”

Wuxuu sheegay in Bulshada Horumarinta ee Koofurta Afrika ay u hayaami doonaan dhijitaal markii la gaaro sanadka 2013.

Tiknoolojiyadaa oo loo yaqaan Baahinta Fiidiyooga ee Dhijitaalka ah iyadoo la marinayo Dhulka (DVB-T iyo DVB-T2), ayaa garab socon doonta Baahinta Fiidiyooga ee Dhijitaalka ah iyadoo la marinayo Kaybalka (DVB-C) iyo Baahinta Fiidiyooga ee Dhijitaalka ah iyadoo satelaytka la isticmaalayo (DVB-S), ayuu yiri Denis Libena, oo ah injineerka madaxda ka ah u hayaamidda dhijitaalka ee TCRA-da.

Daawadayaasha barnaamijyada kala socda satelaytka iyo bixiyeyaasha fiilooyinka ayaa haatanba hela anteenooyin dhijitaal ah, oo aanayba ahayn in ay ka welwelaan isbeddelka, ayuu ku yiri Sabahi. Wuxuu sheegay in 10 boqolkiiba oo ka mid ah daawadayaasha dalku ay haystaan galaangal fiillo iyo mid satelayt.

Si telefishannada analoogga ah loogu suuroggeliyo in ay sii helaan anteenooyinka, dadka iska leh ayay tahay in ay soo iibsadaan oo ku rakibtaan baaq-tarjume, ayuu yiri Libena. “Ma ahan dadku in ay welwelaan. Haatan waxaa la qabaa in dhamaan telefishannada analoogga ah oo dhan ay yihiin kuwo aan micno lahayn—tanise run ma ahan,” ayuu yiri.

Iyadoo uu jirro ololaha ay waddo dowladda ee wargelinta bulshada hadana muwaaddiniinta iyo mulkiilayaasha meheradaha ayaa waxay Sabahi u sheegeen in ay ka walaacsan yihiin dedejinta beddelitaanku in ay noqon doonto culays dhinaca dhaqaalaha ah.

Dativa Theonest oo ah arday dhigta Jaamacadda Daaru Salaam ayaa sheegay in ay tahay in daawadayaashu ay bixiyaan 100,000 oo shilin si ay qalabka u helaan. "Telefishanku wuxuu haatan noqon doonaa mid dadka lacagta leh u gaar ah," ayuu yiri. .

Said Rwechungura, oo ah shaqaale ka shaqeeya dukaan lagu iibiyo qalabka elektaroonigga ah, oo ku yaalla Daaru Salaam ayaa sheegay in iibsigii telefishannadu uu si weyn hoos ugu dhacay ilaa berigii bishii April lagu dhawaaqay isbeddelka hannaanka baahinta. Wuxuu Sabahi u sheegay in uu dukaanku khasaaray ilaa 90 boqolkiibba oo ah iibsashada telefishannada.

"Waxa ugu horreeya ee ay macaamiishu ku weydiinayso waxa weeye in ay telefishinnada aynu iibinno yihiin dhijitaal iyo in kale. Daqiiqadda aad u sheegto in aanay ahayn, waa ay sii baxayaan iyagoonba xitaa waqti ku luminin in ay ku weydiiyaan qiimahooda,” ayuu yiri Rwechungura. "Waxaan qabaa in ay dawladda la gudboon tahay in ay si fiican u sharaxdo in telefishannada analoogga ahi weli waxgal noqon karaan haddii la geliyo dhikooodharrada.”

Salum Hemed oo ah mulkiilaha ganacsi yar oo Daaru Salaam ku yaalla ayaa Sabahi u sheegay in uu baajin doono in uu telefishan iibsado ilaa January. “Haddii aan haatan iibsado, marka baahinta analoogga ah la demiyo bisha December, dukaankii kuma celin karo. Khasaaradu anigay igu dhacaysaa,” ayuu yiri.

Nkoma oo ah sarkaal TCRA-da u shaqeeya ayaa sheegay in dawladdu ay tixgelisay walaaca bulshada, waxaanu sheegay in ay jiraan qorsheyaal degsanan oo lagula tacaalayo qiimaha lacageed ee ku tacalluqa isabeddelka.

Wuxuu sheegay in miisaaniyadda uu baarlamaanka ka wada hadli doono bisha June, ay TCRA-du soo jeedisay in canshuurta laga dhimo dekoodharrada iyo qalabka kale ee ku tacalluqa. “Waxaannu sidaa oo kale u yeellay kumbiyuutarrada si aannu u dhinno qiimaha canshuurta kororka ah afar sano ka hor, waxaannuna soo jeedinaynaa in sidiisii oo kale loo yeelo dhikoodharrada,” ayuu yiri Nkoma.

Intaa waxaa dheer, Nkoma ayaa wuxuu sheegay in bixiyeyaasha adeegyada baahintu ay bixin doonaaan kanaalo khadadka bulshada ah oo lavag la'aan ah, iyadoo dhikoorrada la isticmaaalayo. “Markii ay khidmaddu dhaafto hal bil ahba, bixiyayaasha adeeggu waxay xiri karaan khadadkaa, marka laga reebo kuwa bilaashka ah. Taa micnaheedu waxa weeye haddii aadan lacag haysan, waxaad sii wadan karaysaa in aad dhamaan khadadka maxalliga ah ku daawatid bilaash,” ayuu yiri.

Nkoma wuxuu sheegay in beddeladu haatan ay keliya saamayn doonaan baahiyeyaasha telefishannada. Waxaa haatan jira 26 telefishan iyo 79 idaacadeed oo war ku baahinaya dalka, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Ururka Caalamiga ah ee Warbaahintu uu aakhirka anteenada raadiyeyaashana uga baahan kari doono in ay isu beddelaan dhijitaal.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 14)

Dislike_icon(2)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Pontian Kashangaki
    December 27, 2012 @ 11:20:03PM

    Waxay ila tahay in teknoolajiyada dhijitaalka ee macluumaadka lagu gudbiyaa ay ilaalin doonto xuquuqda fanaaniinta, waxaanay teknoolajiyadaasi horjoogsan doontaa dhamaan heesaha iyo muusikada bugta ah ama kuwa la koobi gareeyo, waxaanan rajaynayaa in dadwaynuhu arrinkaa isku wacyi galiyo.

  • J.Kiiza Sengerema
    December 18, 2012 @ 12:17:29PM

    In wakhtiga lala jaan qaadaa waa wax wacan, laakiin su’aasha meesha taalaa waxa weeyaan wali dishes-ka miyaa la adeegsan doonaa. waa anigoo ah Kiiza Sengerema

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad