Red_arrow

Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |

Qiimaha shidaalka ee kacaya oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha Somaliland

Waxa qoray Barkhad Daahir oo Hargeisa jooga

Maajo 22, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Qiimaha sii kordhaya ee shidaalka iyo canshuurta lagu soo dejiyo ee ka jirta Somaliland ayaa soo gaaraya oo saamayn ku yeelanaya dadka macaamiisha ah, tiiyoo ay dawladda hoose sheegayso in ay isku deyeyso in ay xakamayso qiimaha shidaalka iyadoo markan aqbalaysa tartannada suuqa xorta ah.

Agaasimaha ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Aaden Cilmi Axmed ayaa sheegay in qiimaha shidaalku uu kordhay qalalaasaha ka jira qaybo dunida ka mid ah awgood, iyo weliba hawlaha burcad-badeednimada ee gobolka ka jira.

"In kastoo ay jiraan caqabado badan oo sababay korodhka qiimaha shidaalka, waxaannu rumaysan nahay in mulkiilayaasha ganacsigu ay faa’iido dheeraad ah ka helayan qiimaha shidaalka oo kacay, taasina ay culays saarayso macaamiisha,” ayuu Axmed ku yiri Sabahi. “Mulkiilayaasha ganacsigu waa loo oggol yahay in ay ka faa’iidaan qiimaha shidaalka ee kacay, laakiin waxaannu ku boorrinaynaa in aanay bulshada aad u dhabar jebinin.

Si wax looga qabto qiimaha sii kacaya ee shidaalka, Axmed wuxuu sheegay in wasaaraddiisa ay haatan qaadanayso siyaasadda dhaqaale ee suuqa xorta ah ee ganacsadayaasha u oggolaanaysa in ay tartamaan. “Waaannu u oggol nahay cid kasta oo meel kasta oo dunida ka mid ah ka soo dejinaysa shidaal,” ayuu yiri.

Axmed wuxuu sheegay in ay dawladdu isku deyeyso in ay dhinto saamaynta uu qiime-kaca shidaalku ku yeeshay macamiisha. “haddii uu qiimaha shidaalku hoos u dhici waayo, dawladda ayaa waxaa markaa la siman in ay dib u eegto qiimaha canshuureed ee saaran shidaalka la soo dejiyo,” ayuu ku yiri Sabahi.

Cabdicasiis Gaaxnuug oo kaalin shidaal ku leh Hargeysa ayaa toddobaadkii hore Sabahi u sheegay in uu qiimaha naaftadu ahaa $215 foostadii, markii taa la barbar dhigo $167 oo uu ahaa bishii March, foostadii baasiinka ahina ay ahayd $209, taana la barbardhigayo $197 uu ahaa bishii March.

"Qiimaha shidaalka ayaa sidatan taariikhiga ah u kacay 2007-dii, qiimihiisa suuqana waxay haatan ku dhaw yihiin qiimihii maalmahaas,” ayuu yiri Xasan Maxamed Cige oo maareeye u ah Shirkadda Shidaalka ee Red Sea (Badda Cas).

Cige ayaa qiime-kaca shidaalka u tiiriyey burcad-badeednimada, rabshadaha ka jira liibiya iyo cuna-qabataynada lagu soo rogay Iiraan, degganaasho la’aanta ka jirta Baxreyn iyo wax soo saarka shidaal ee liita ee ka jira Ciraaq.

Dawladda Somaliland ayaa sanadkii hore sare u qaadday canshuurta laga qaado shidaalka laga soo dejiyo waddamada Khaliijka. Dawladda ayaa foostadii naafto ah ku canshuurta ilaa $12.18, taasina waxay koror ku tahay $11.60 ay canshuurt ahayd 2011-kii, iyo baasiinka oo la canshuuro $15.60, taasina waxaa la barbardhigayaa oo ay canshuurtu $14, ahayd, ayuu yiri Cige.

Bishii ina dhaaftay, Shirkadda Red Sea Petroleum, Hass Petroleum iyo SOM Petroleum ayaa iibsaday maraakiib si ay uga kaaftoomaan in ay shirkado shisheeye maraakiib ka kiraystaan, ayuu yiri Cige.

"Inta badan shirkadaha shidaalka ee Somaliland ayaa iibsaday maraakiib ka dib markii ay dhibaato ka soo waajahday kiraysiga maraakiibta shisheeye oo ka baqayey in ay burcad-badeeddu afduubto. Dhibtii aannu ku qabnay kiraysiga maraakiibta shisheeye haatan waa uu dhamaaday, layr ayaana ina maraysa,” ayuu yiri Cige, isagoo intaa ku daray in ay shirkaddiisu iibsatay labo markab.

"Shirkadaha ayaa waxay haatan awood u leeyihiin shidaalka ka soo dejiyaan meeshii ay doonaan, waayo waxay haystaan maraakiibtooda, kamana baqanayaan burcad-badeedda, iyo weliba in ay kiraystaan maraakiib shisheeye oo shuruudo cayiman ku soo rogaya,” ayuu yiri Cige.

Kicidda qiimaha shidaalka ayaa saamayn ku yeelanaya qoomaha nolosha ee heerka macaamiisha lafteeda.

Daa’uud Ibraahim Cali oo 27 jir ah basna ka wada Hargeysa ayaa Sabahi u sheegay in uu shaqada u daldalo 270 ilaa 300 oo qof maalintii, ka sakow 40 arday oo ka qaado geeyana dugsiga.

Cali ayaa sheegay in basasku ay kaalin muhim ah u hayaan dadka Hargeysa oo inta badan u baahan gaadiidka dadweynaha si ay u gutaan hawl maalmeedkooda.

Xuseen Axmed Maxamuud oo ah guddoomiyaha mulkiilayaasha basaska ee Hargeysa oo metela 800 oo bas oo gaar loo leeyahay ayaa sheegay in kicidda qiimaha shidaalku ay si ba’an u saamaysay dariiqyadii ay sida maalinlaha ah basasku u mari jireen.

Wuxuu sheegay in ay tahay in ay dawladdu dhinto qimaha canshuurta shidaalka si muwaaddiniinta looga yareeyo qiimaha bas-raaca.

"Caqabadda ugu weyn ee haatan ina soo food-saartay waa qiime-kaca ku yimid shidaalka, sidaa awgeed waxaannu haatan maskaxda ku haynaa labo uun midkood—ama waxaannu joojinaynaa gaar-wadidda ama waxaannu kordhinaynaa qiimaha bas-raaca,” ayuu Maxamuud ku yiri Sabahi.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 9)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • malaak
    July 9, 2012 @ 04:32:26AM

    Waxaa dalka ka jira sicir barar wayn, waxaannu saameeyay helitaanka baahiyaha aasaasiga ah, waxaannu dhaqaaluhu qarka u saaran yahay burbur, markaa waa in arrinka wax laga qabtaa oo fara galin lagu sameeyaa.

  • Hussein Egal
    May 25, 2012 @ 12:18:40PM

    Waxa kacay keliya shidaal uun maaha, sicir barar xun baa imika ka jira dalka. markaa dawladu hadaynan wax ka qaban wuxuu naafaynayaa dhaqaalaha bulshada oo horeba u liitay,

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada