Hoggaamiye al-Shabaab oo dadka Soomaaliyeed cafis ka dalbanaya

Waxa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Maajo 22, 2012

  • 112 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Cali Maxamed Xuseen oo ah hoggaamiyihii hore ee ciidamada al-Shabaab ee gobolka Banaadir, ayaa toddobaadkii ina dhaafay sheegay in uu diyaar u yahay in uu kooxda dhaleeceeyo, kana baxo, taasina waa tallaabo ay falanqeeyayaashu rajeynayaan in ay uga sii dari doonto kala qaybsanaanta kooxda dhexdeeda taal.

  • Taliye hore oo al-Shabaab ka tirsanaa oo la yiraahdo Maxamed Sheekh Cabdullaahi (midig) ayaa 2009-kii kala hadlayey saxaafadda sababta uu uga soo fakaday kooxda. Guuldarrooyinkii millitari ee dhawaan soo gaarey ayaa Hoggaamiyeyaasha kooxda al-Shabaab ka dhex kacshay is-diiddanaan xoog leh. [Yasuyoshi Chiba/AFP]

    Taliye hore oo al-Shabaab ka tirsanaa oo la yiraahdo Maxamed Sheekh Cabdullaahi (midig) ayaa 2009-kii kala hadlayey saxaafadda sababta uu uga soo fakaday kooxda. Guuldarrooyinkii millitari ee dhawaan soo gaarey ayaa Hoggaamiyeyaasha kooxda al-Shabaab ka dhex kacshay is-diiddanaan xoog leh. [Yasuyoshi Chiba/AFP]

Xuseen ayaa cafis weydiistay dadka deggan Muqdisho iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibtu ka soo gaartay falalkii al-Shabaab intii uu isagu talada hayey, Radio Muqdisho oo ay dawladdu gacanta ku hayso ayaa arrintaa Khamiistii (17-ka May)

Xuseen oo weli dhuumaalaysanaya oo aan weli si rasmi ah ugu biirin dawladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa in ay muwaaddiniintu siiyaan xog ku saabsan dadkii uu dulmiyey si uu heshiis iyo cafis uga dalbado.

"Haddii aan heli lahaa fursaddaa anigaa dadka toos ula hadli lahaa oo dhaleecayn lahaa al-Shabaab,” ayuu yiri. Waxaan sidoo kale dadka weydiisan lahaa cafis. Taa in aan yeelo diyaar baan u ahay haddii aan helayo fursad aan dadka ugu cudur-daarto.”

Hadallada Xuseen ayaa ku soo aadaya waqti ay jirto dhibaato sii qoto dheeraanaysa oo ku saabsan kalsoonida ka dhexaysa hoggaamiyeyaasha al-Shabaab taa oo ay sabab u tahay cadaadiska milliteri oo kooxda uga imanaya ciidamada dawladda Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, ayay leeyihiin falanqeeyayaashu.

Falanqeeyaha siyaasadeed ee la yiraahdo Muxyiddiin Axmed ayaa sheegay in oraahda Xuseen ay ka dhigan tahay “Horumar aan hore loogu arag” taariikhda al-Shabaab. “Tani waa markii ugu horreysay ee hoggaamiye can ah oo ka mid ah madaxda al-Shabaab uu tibaaxo sida uu diyaarka ugu yahay in uu bulshada raalli-gelin siiyo, oo uu dadkana cafis weydiisto,” ayuu Axmed ku yiri Sabahi.

Wuxuu intaa ku daray u diyaarsanaanta Xuseen ee in uu al-Shabaab ka soo fakado ay muujinyso sida uu u diiddan yahay hawlaha kooxda iyo weerarrada "waxshinnimada" ah ee ay la beegsanayaan dadka rayidka ah.

"Shaacinta uu sameeyey Xuseen ayaa waxay calaamad u noqon kartaa in uu doonayo in uu kooxda ka tago dawladdana isu dhiibo, isagoo ka faa’iidaysanaya cafiska loo fidiyey xubnaha al-Shabaab ee iskood isu soo dhiiba," ayuu yiri Axmed. "Haddii uu Xuseen doorto in uu ku biro geeddi-socodka nabadda oo uu iska daayo qalalaasaha, markaa taasi waa tallaabo geesinnimo leh oo soo jiidan kara hoggaamiyeyaasha kale ee al-Shabaab, gaar ahaan kuwa qunyar-socodka ahi in ay doortaan jidkaa, inta ay goori goor tahay.”

Ilaa berigii ay dawladda Soomaaliyeed shaacisay ku baaqidooda cafiska, dhawr dagaalyahan oo al-Shabaab ah ayaa fakaday oo isu dhiibay saraakiisha dawladda.

Axmed ayaa sheegay in ay al-Shabaab ku qarka u saaran tahay dagaal gudaha ah boo ka dhex dillaaca hoggaamiyeyaasheeda, gaar ahaan jihaadyahannada mayalka adag iyo kuwa qunyar-socodka ah.

"Hoggaamiyaha al-Shabaab [Mukhtar Abu al-Zubayr, oo loona yaqaan] Axmed Godane ayaa ciddiyaha ku dagaallami doona si uu si kasta oo suuroggal ah u cadaadiyo kuwa ka soo horjeeda si uu uga hortago in ay kala jabaan kuwa ugu sarreeya raggiisa.” Ayuu yiri Axmed. “Laakiin hoggaamiyeyaasha qunyar-socodka ah ee isaga mucaaradsan, waxay u dagaallami doonaan in ay ka go’aan dhaqdhaqaaqa oo ay samaystaan koox cusub ama ay dawladda ku biiraan.

Ahmed wuxuu sheegay mamnuuciddii Godane ee bishii March uu axsaabta siyaasadeed uu ka mamnuucay meelaha ay ka taliyaan ayaa ka caraysiisay hoggaamiyeyaasha kooxda sida Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Mukhtaar Roobow, oo loona yaqaan Abuu Mansuur.

Cusmaan Yuusuf oo ah falanqeeye siyaasadeed oo la socda arrimaha al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay haatan al-Shabaab la il-daran tahay kala qaybsanaan qoto dheer iyo is-af-garan-waa ka dhexeeya hoggaankooda.

"Waxaa jirey hawlo firfircooni ku socda iyo waxyaabo kale oo dhamaantood muujinaya in ay kala-duwanaasho sii kordhaysa ka dhexayso hoggaamiyeyaasha al-Shabaab,” ayuu u sheegay Sabahi.

Yuusuf ayaa sheegay in u diyaarsanaanta Xuseen ee inuu ka soo baxsado kooxda ay si xooggan u muujinayso in ay kalsooni darro ka dhex jirto kooxda hoggaankeeda oo sidoo kale quus sii gaarey guuldarrooyinka milliteri ee kooxda cadaadiska saaray awgood. "Ilaa berigii ay al-Shabaab shaacisay in ay ku biirtay al-Qaacida bishii February, farqiga u dhexeeya ayaa aad sare ugu kacay waxaanu u xuub-siibtay xiisad colaadeed oo u dhexaysa hoggaanka kooxda," ayuu yiri Yusuf.

Falanqeeyaha siyaasadeed ee jaamacaddana wax ka dhiga ee la yiraahdo Maxamed Xasan ayaa Sabahi u sheegay in dhiillada u dhexaysa hoggaanka kooxda ay add u soo ifbaxday markii jihaadyahanka shisheeyaha ah ee Cumar Xamaami oo loona yaqaan Abuu Mansuur al-Amriki la xiray bishii March ka dib markii uu shaaciyey cajalad uu ku sheegayey in uu naftiisa u baqayo, sababta bsaqdintana uu ku sheegay khilff dhinaca tabta iyo aydiyooloojiyadda ah oo ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha al-Shabaab.

"Khilaafyadaas waxaa uga sii daray markii dhaleecayn fagaare uu kooxda u jeediyey hoggaamiye sare oo kooxda ka mid ah, Sheekh Xasan Daahir Aweys, cambaarayntaas oo ka dhan ahayd hoggaamiyeyaasha kale. Dabadeed waxaa yimid dhaleecayntan ka timid Cali Maxamed Xuseen oo ka markhaati kacaysa kalsooni-darrada dhex taalla hoggaamiyeyaasha al-Shabaab,” ayuu yiri Xasan. “Waxannu arki doonnaa hoggaamiyeyaal al-Shabaab ah oo ka soo horjeesta taliyahooda.”

Xasan ayaa dawladda ku-meel-gaarka ah iyo muwaaddiniintaba ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan soo dhaweynta dagaalyahaniinta iyo hoggaamiyeyaasha soo fakada oo doonaya in ay dawladda isu dhiibaan. Wuxuu sheegay in ay tahay in kuwa soo fakada la siiyo amni iyo ilaalin, si kuwa haray loogu dhiirriggeliyo in ay ka soo tagaan al-Shabaab oo ku soo biiraan hannaanka geeddi-socodka nabadda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 135)

Dislike_icon(24)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • tuuute calas dacasbeen
    September 11, 2012 @ 04:41:31AM

    Ninkan waa in la saamaxaa sababtoo ah waxa injiilka (baybalka) lagu sheegay: “Dadku dhamaantood way dambaabeen waanay ka gaabiyeen galladii uu eebe la rabay inay gaaraan. Ilaahay waa ilaah wax cafiya” Xitaa haddii dambigeeno sida dhiiga u cas yahay, ilaahay wuxuu awoodaa inuu maydho oo uu ka dhigo caddaan sida barafka. Sidaas ayuu ilaahay inoo sheegay. Markaa iyadoo uu eebe sidaa wax u cafiyo, sideebay bini’aadamku cafis aysan ugu fidin Karin ninkan dambigiisii qiraalka ah?

  • wa kutisha
    June 26, 2012 @ 04:18:30AM

    Cidii diyaar u ah inay kooxda alshabaab ka hadho oo ka baxdo waa in cafis loo fidiyaa, waa hadii qofkaasi u si dhab ah u rabo inuu katago kooxda, oo uusan ina siyaasadaynayn markuu arkay in dabaylaha isbadalku soo dheceen, gaar ahaan marka aynu aragno ifafaalayaasha cadcad ee ku saabsan in kooxdu qarka u saarantahay in dagaalka looga adkaado.

  • Simon Maina
    June 21, 2012 @ 06:51:48AM

    Waa wax la yaab leh in kooxda alshabaab ay ku dhiirato inay faalo bixiso. Waxaan sheegayaa in argagixisadu aysan waligood dadka xukumi doonin. Anigu waxaan kasoo jeedaa dalka Kenya, waxaanan rabaa in kooxda alshabaab ay ogsoonaadaan in ciidamada difaaca Kenya aysan wax dana ah ka lahayn dalka soomaaliyeed haba yaraatee. Waxaanu kaliya ku raad-joognaa dadka nacasnimadu qaaday ee intay dalkayaga usoo talaabeen ka gaystay dhagaro, waaba intaas arrinku. Waxaa cad inaad dagaalkii ku jabi doontaan, waxa xigaana waa iyadoo dadka soomaaliyeed ee dhabta ahi ay qabsadaan magaalada kismaayo. Waxaad sheegteen in ciidamada reer Kenya ay ku dhex dhibaatoon doonaan soomaaliya, laakiin haataan cida dagaalka ku gacan sarraysaa waa dadka soomaaliyeed ee muwaadiniinta dhabta aha, oo ay caawinayaan ciidamada Kenya. Anaguna kaliya waxaanu u baahanahay ogolaanshaha dadka soomaaliyeed, kuwaasoo iyagu raba inay nabad iyo kala dambayni dhalato, oo dadka nacasnimadu qaadayna ay meesha ka baxaan. Anagu ilaahay hortii ayaanu soomaaliya u nimi si aanu nabad uga dhalino!! Marka bisha ogoosto la gaadhona soomaalidu iyagaa gacantooda isku xukumi doona, waxaanay ku dul shaahayn doonaan xabaalaha argagixisada fulayda ah. Sideebaad ugu dhacdaan inaad isku sheegtaan qaar dagaal barakaysan ah wada, idinkoo argagixiso faraha kula jira? Naarta ha la idinku fogeeyo.

  • clement ngetich
    June 21, 2012 @ 02:41:27AM

    Cafiya.

  • Blasto maina
    June 20, 2012 @ 11:14:23PM

    Walaaleheena Soomaaliyeed, waxaad ku noolaydeen dawlad fashilantay ilaa iyo wixii ka dambeeyay madaxtinimadii Siyaad Barre, waxaanan ilaahay idiinka baryaynaa inaad adduunka tustaan in dhibaato wax idiinku filani uu idin soo maray oo aad haatan u baahantihiin dawlad, si aad u awooddaan inaad adduunka la jaan qaadaan.

  • Amat M. Omar
    June 20, 2012 @ 07:52:58PM

    Waa inuu ninkani isu soo dhiibaa dawladda, oo uu si baryo leh u dalbadaa in cafis loo fidiyo oo ay cafiyaan dadkii u qaladka iyo dambiga ka galay. Hadii uu daacad yahay, ha isu diyaariyo in la cafiyo ama in la eed lagu soo rogo.

  • samsoty
    June 20, 2012 @ 10:32:55AM

    Hambalyo, waxaad tihiin dagaalyahanno dhab ah, kooxda alshabaab waa inay waxay wadaan faraha kala baxaan, kusoo dhawaada bulshadeena nabada ah.

  • sayfull islaam
    June 20, 2012 @ 10:32:46AM

    Nabadeey dhamaantiin, aniga siday ila tahay, marka hore anaga waxaan rabnaa nabad, hor-joogayaasha alshabaabna waxay rabaan in cafis loo fidiyo, sababtoo ah waa dadkeenii, markaa anagana ilaahay ayaan raali galinaynaa, soomaaliyana maalin uunbay nabadoobi doontaa insha allah.

  • brian ogwenoh
    June 20, 2012 @ 07:44:01AM

    Waa wax wacan inaan maqalno dhawaaqyada is dhiibista ah ee soo yeedhaya! Arrinkaasi wuxuu ugu yaraan dadka itaalka daran jaanis u siin karaa inay noolaadaan oo ay ka faa’idaystaan khayraadka kooban ee dalkooda ku duugan!

  • Dominic
    June 20, 2012 @ 06:17:59AM

    Hadii ilmo yari dhagax kugu soo tuuro, ma waxaad iska dhigaysaa sidii oo aysan waxba dhicin? Dadkani iyagaa ciyaarta bilaabay, dadbadana qaar way laayeen qaarna way dhaawaceen, markaa waa in xadkooda lagu fuliyaa.

  • DENNIS KIRIMI
    June 20, 2012 @ 05:11:54AM

    Cafiska iyo cadaaladu ma kala hadhaan, waxaanay ila tahay in dadka soomaaliyeed ee maskaxda fayoobi ay ku qosli doonaan cafis loo fidiyo ninkan, wakhti dhawna waa la daldali doonaa. Si kasta haduu uga xunyahay wuxuu gaystay, suuro gal noqon mayso inuu soo nooleeyo dadkii aan waxba galabsan ee ku dhibaatooday kuna dhintay gacantiisa. Talaabadaa uu qaatayna waa mid soo daahday.

  • Christopher J. Ayo
    June 19, 2012 @ 09:06:49AM

    Ilaahay isaga waligii ilaah ahaan doona, laakiin arrinkaasi wuxuu u muuqdaa miday adagtahay in bini’aadamku fahmaan. Dad ilaahay garanaya ayaa waxay rabaan inay soomaaliya wax cusub u keenaan, markaa aan u ducayno dadkaas markasta, ilaahayna waa xaq oo cidkasta wuu caawin doonaa, soomaaliyana maalin uumbay ka xoroobi doontaa dagaaladan maalinkasta dhacaaya!!

  • elvis nyakreal
    June 19, 2012 @ 02:14:48AM

    Ama cambaaree arrinkaa ama ha cambaarayn, alshabaab waxay wadaan dagaal looga adkaan doono.

  • isaq
    June 16, 2012 @ 02:42:04PM

    xitaa hadii aad dhaleecaysaan, waxba kama qaadi kartaan, alshabaabna waa quwad xaga alle ka timid. Kiristaankiinaan, si dhaksho ah waad u dhiman doontaan hadii alle idmo, dalkana anagaa leh, gaalada Kenya na u daba fadhiisan mayno waxaanu ka yeelayno ama sidaanu u galayno dalkayaga.

  • kemboi
    June 15, 2012 @ 01:32:45AM

    arrinkani maaha wax aad loogu qanci kari, ninkan waa in laga xisaabiyaa falalkiisii uu gaystay.

  • Raypatrick
    June 14, 2012 @ 03:10:01AM

    Xuseen waa in fursad la siiyaa uu ku cudurdaarto. Xukuumada soomaaliya waa inay wakhtigan ka faa’idaysataa o ay casuuntaa xuseen, si uu ugu soo biiro oo uu u meelmariyo burburinta kooxda alshabaab ee kismaayo joogta.

  • MAHAMOUD
    June 12, 2012 @ 01:15:54PM

    waxa uu ilayahay qoraalkan mid aan sax ahayn oo aanuqorin qof ehelka saxaafada aan ahayni,aadna wuu uliitaa ereyada iyo weedhalaguqoray. waxaanankulatalinlahaa dadkaqoray inaydadsaxafiyiina udhiibtaan markay waxqorayaan. si uu indhaha dadka usoojiito. MAHADSANIDIN BY.....................................................................

  • ishwaaq.m.c
    June 12, 2012 @ 03:37:45AM

    aniga oo ah gabar soomaaliyeed ,waa in aan iska cafinaa maadaama uu ka dalbaday umada somaaliyeed cafis

  • Mwana wa millongo
    June 11, 2012 @ 07:44:04AM

    Waa hubaal in markuu qofku gaadho heer uu dalbado in cafis loo fidiyo, ay taa macneheedu tahay inuu qiran yahay inuu dunuub galay, laakiin ma aaminsani inay tahay in dadkan mid ka mid ah xitaa la cafiyo. Aniga shaqsiyan waxa iigu darani waa markaan arko iyadoo magaca diinta islaamka lagu ciyaarayo, arrinkaaso kaliya ayaysan suurtogal u ahayn in mid ka mid ah iyaga loo dambi dhaafo.

  • Al- Shabaab
    June 11, 2012 @ 01:35:04AM

    Nacalaa kuyaal Gaalada halkan iskugu timid ee Mujaahidiinta caayaaya

  • Abdalla
    June 10, 2012 @ 04:16:26PM

    Been badnaa

  • mohamed hassan
    June 9, 2012 @ 07:00:26PM

    arrikani wuxu dadka soomaaliyeed u yahay kar saarnaa oo ka dhacay, anigu waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo dalkiisii uga soo baxsaday dagaallada salka ku haya qabyaalada iyo siyaasadda. Markii ay talinaayeen maxaakiimtu oo uu hormoodka ka ahaa madaxwaynaha haatan talada haya ee soomaaliya, waxay dadku rumaysteen in riyadoodii nabada ay u riyaaqayeen ay rumowday, laakiin waxa soo faragalisay xukuumadda itoobaya, haatanna kooxda alshabaab. Haddana kooxda alshabaab waxay codsadeen in cafis loo fidiyo, markaa waxaa wacan in aynu cafis u fidino iyaga, kooda kasoo go’aana waa inuu kuwa kale kula taliyaa in waxan ay wadaan uusan ahan jihad, balse uu yahay dano gaar ah oo ay wataan. Kala jabka ku dhacay kooxdani wuxu guul u yahay qof kasta oo muwaadin soomaaliyeed ah, waxaanan ilaahay ka baryayaa in dagaalkan soomaaliya ka socdaa uu dhamaado, si aynu sida dadyowga kaleeto ula mid noqono oo aan nasasho ugu helno dalkeena dhexdiisa, intii aan qaxooti ku noqon lahayn dalalka kale. Ilaahayna ducadaydan ha iga aqbalo.

  • SAMWEL.H
    June 9, 2012 @ 08:13:42AM

    Tani waxay fursad wacan u tahay horjoogayaasha kale ee kooxda alshabaab si ay cafis u dalbadaan oo looga cafiyo dhamaan wixii ay gaysteen oo dhan, inkastoo ay tahay inay ku jiraan xabsi gaar ah muddo dheer, sababtoo ah waxa laga baqo qabaa in waxyeelo loo gaysto. Ma jirto cid aan cafis loo fidin karin, xitaa haddaad dambiyo culus aad gashay. Waxa loo baahanyahay waa inaad qirato dambiyadaada. Kutubta muqaddaska ahi waxay idin farayaan hadaad tihiin soomaali inaan ilaahay baridaan si uu dalka nabad uga dhaliyo, annaguna haddaanu jaarkiina nahay aad ayaanu uga murugaysannahay mashaakilka iyo silica idin haysta. Ilaahay ha idin caawiyo. Aamiin.

  • DENNIS
    June 8, 2012 @ 05:28:38AM

    arrinkani waa heerkii ugu sarreeyay ee munaafaqnimada! Waa maxay sababta ku kalliftay inuu hadda dalbado inuu isa soo dhiibo? Ma go’doominta lagu sameeyay ayaa ku kalliftay arrinkan? Ma marin uu ka fakado ayuu waayay? Markii uu dhalinyarada amarka ku siinayay inay wax laayaan, miyuusan ogayn in falkaasi uu yahay dhagar uu hadhawto ka shallayn doono? Waxa weeyaan in dhamaan horjoogayaasha kooxdan la daldalo oo wax cafis ah loo fidin. Kooxdanai waxay gabood ka dhigteen diinta islaamka, iyagoo ujeedadoodu tahay inay wax dilaan, markaa sideebay u rabaan inay haddana isla diinta islaamka ku badbaadaan, diintaasoo ay markii hore dilka u adeegsanayeen? Maxayse uga baqanayaan maanta inay geeri la kulmaan, isla markaana ay usoo dirayaan dad miinaysan oo isku qarxinaaya carruurta aan waxba galabsan? Cidda maanta layn doontaa kooxdani waa isla bulshadii ay iyagu markii hore dilka ku wadeen, kooxda horjoogayaashoodiina haatan qiyaamahoodii ayaa kacay.

  • Future President
    June 8, 2012 @ 01:08:16AM

    Ninkaasi wuxuu hayaa macluumaad badan oo ay u baahanyihiin sirdoonku. Markaa waa in lasoo gacan galiyaa, oo lagala soo baxaa macluumaadkaas, kadibna waa in laga jaraa oo laga xisaabiyaa falalkii bahalnimada ahaa iyo dambiyadii uu ka galay bini’aadamnimada.

  • benard
    June 7, 2012 @ 03:58:42AM

    Waa tallaabo wacan, halkaa kasii wada hawsha!!

  • elmi
    June 6, 2012 @ 10:50:34AM

    aduunkan sinaba uma suurtoobayso in laga helo cadaalad, si kasta ha ahaatee, waxaan leeyahay askarta alshabaab wax dambi ah ma laha, laakiin hogaamiyayashooda ayay tahay in la ciqaabo, maxaa yeelay waxaa igu maqaalo ah in dhamaantood ay daroogaysan yihiin, xitaa hadii hogaamiyayashooda la ciqaabo, qof kaliya ayaa cadaalad helaya. Waxaan rajaynayaa in maalinta aaqiro aan natiijo wacan aragno.

  • Brenda Serem
    June 6, 2012 @ 02:43:44AM

    maaha wax lagu qanci karo

  • Bernard Odali Alema
    June 5, 2012 @ 04:49:36AM

    Dadka soomaaliyeed way dhibaatoodeen, ilaahayna waa aqbalay ducadoodii. Waxaan leeyahay xuseen haka hadho oo ha dhaleeceeyo kooxdan, xaga ilaahayna ha usoo laabto isagoo dambi dhaafna waydiisanaya.

  • محيي الدين الشيخ عبد الرحمن محمد
    June 5, 2012 @ 03:50:50AM

    Aniga waxay ila tahay ra’yigani wuxuu muujinayaa inay gabi ahaanba fashilmeen. Sidaa awgeed, waxa inagu waajib ah inaynu qolyahan u naxariisano oo cafis u fidino, maxaayeelay hadii cafis loo fidiyo iyaga, waxa laga yaabaa in falalkoodaasi ay hakan doonaan.

  • Alfa alfa
    June 5, 2012 @ 02:42:11AM

    Al Shabab?? Waligood yaan cafis loo fidinin, cadaadiskana ku wada, waayo waxay sababeen dhibaato iyo kadeed badan oo ay u gaysteen dhamaan dalalka geeska iyo badhtamaha afrika. Ninkan xuseen wuxuu isku dayayaa in si xirfadnimo leh u ciyaaro sheekadan, markaa bal hala iswaydiiyo su’aasha ah ninkani miyuu cafis dalban lahaa hadii aanuu dareemin cadaadiska kooxdiisa soo food saaray? Jawaabtu waa maya, markaa waa in la daldalaa dhamaantood!!!

  • hussein
    June 5, 2012 @ 02:01:19AM

    Kuwa toobad keenka ah ee dalbanaaya in la cafiyo waa in la cafiyaa hadii ay daacad yihiin, laakiin kuwa kale waa in cadaaladda la hor keenaa.

  • Denis
    June 4, 2012 @ 12:56:20PM

    Anigu qof kiristaan ah ayaan ahay, cafiskuna waa arrin aad u muhiim ah, laakiin sidoo kale nabi ciise wuxu yidhi: “wixii aad beertaad midhihiisa guran”, taasoo ay macneheedu tahay in wixii aad beerato aad midhihiisa guran doonto. Markaa hadii dil iyo argagax aad beerato, sideebay suurto gal u tahay inaad midhaha nabada gurato? Waxaan leeyahay cafis dalbada, waxaana laga yaabaa inaad cafis ka heshaan dadka iyo ilaahay, laakiin si uun baa la idiinka xisaabin doonaa falalkiina iyo acmaashiina xun intaydaan dhiman ka hor, sidaasaanay cadaaladu ku timaadaa. Markaa laba arrin ayaa inoo furan: in ilaahay cadaaladiisu ay shaqayso (waa hadii ay dadku ninkan cafiyaan, oo wax kasta ilaahay loo daayo), ama in qaanuunka la adeegsado si uu cadaalad u keeno (qaanuunka tiisu waa hadii dambiiluhu qiraalyahay, xukun fudud ayuu helayaa, hadii uu fakad yahay dabeedna lasoo qabto, wuxuu helayaa xukun qalafsan) – ugu dambayntii, horaa loo yidhi bahal ceedhin ma daayo, ninna caadadii ma baajo!

  • jonah ngetich
    June 4, 2012 @ 08:15:58AM

    waa tallaabo wacan oo uu qaaday Xuseen, waxaanan rajaynayaa in kuwa kalena ay tusaalahaa wacan ku daydaan.

  • Washingtone Onyango
    June 3, 2012 @ 06:46:09PM

    Ninkan maaha in cafis loo fidiyo, sideebaad ku ogaan kartaan inaysan dadkani ahayn qaar loo soo diray inay baabiiyaan dawlada federaalka ku meelgaadhka ah iyo dalkan ragaaday intiisa kaleba. Waxay ila tahay ninkani in uu kaftamayo, waxaana dhici karta in uu weeraro ka fuliyo soomaaliya dhexdeeda. Aniga ninkan ma rumaysni, waxaana ay u dhawdahay inuu iska dhigayo mid cafis tuugsanaya, isagoo dhab ahaantii ku tala jira inuu fuliyo hawlo sharci darro ah. Alshabaab waa ay ayaan daranyihiin, sababtoo ah hadii ay ogyihiin in dilku yahay dambi, maxay u samaynayaan, waa in ay bixiyaan mag-dhow, wax cafis ah jiro.

  • maurice otieno apondi
    June 3, 2012 @ 09:14:32AM

    Arrinkani waa dambi qirasho xeel dheer oo qalbigiisa ka timi. Qofka bini’aadamka ah ma awoodo inuu la imaado dambi qirasho hor ilaahay ah, ilaa uu dareemo wixii shar ah ee uu gaystay, ka dibna uu dadka ka doont cafis, dadkaaso ay hore isula dagaalamayeen. Ninkan hogaamiyaha ahi waa ka dhab waxani, markaa ilaahay isagaa dambiyada kooda yar iyo kooda waynba dhaafee ninkan ha u dambi dhaafo.

  • haji khalif
    June 3, 2012 @ 09:05:06AM

    Ya allah….ilaahay ninkan ha u dambi dhaafo. Warbaahinta cafis ha ka dalban ee cafiska ilaahay ka dalbo, oo dadkii aad khaladay waydiiso inay ku saamaxaan. NKT Anigu inbadan ayaan sugayay maalin noocan oo kale ah. Waxay ila tahay waxay arkeen wixii Mubarak ku dhacay.

  • asad ismaaciil aadan
    June 3, 2012 @ 03:41:47AM

    taa hatan waxay alshabaab umuuqataa in hilifaha loolaabay waana carqalab soomaliya ka baxaysa waxaana al shabaab haatan ubanaan ookaliya kudhufo oo kadhaqaaq taasina waxay ubaahantahay in labadiyo sirdoonka ama dharcada alana haka dulqaado colaadahan

  • WILLIAM
    June 3, 2012 @ 01:01:00AM

    Cafis ha loo fidiyo iyaga, laakiin dawlada soomaaliyeed waa inaysan wax awood qaybsi ah iyaga u fidin, waana in qaanuunka la raacaa. Marka milatari ahaan loo hadlayo, khatarteeda ayay leedahay hadii nimankan jagooyin dawlada laga siiyo. sababta waxa ay tahay waxa ay tababareen shaqsiyaad iyaga taageere u ah.

  • musya ngei
    June 2, 2012 @ 11:06:14AM

    Maya, arrinkaasi maaha run. In la cafiyo waa qatar idinku soo fool leh. hala daayo si uu helo ciqaabta.

  • ADAMS MAKORI
    June 1, 2012 @ 08:24:47AM

    Arrinkani waa wax aan sugaynay waqti walbo oo qalad ahaa, annaguna diyaar ayaanu u nahay inaanu ninkan cafis u fidino, laakiin taas shuruud ayaa ku xidhan.

  • zuhuur
    June 1, 2012 @ 06:52:09AM

    Anigoo ah gabar soomaaliyeed waxaan dhihi lahaa sidaad horay u balan qadeen ninkani iska cafiya waa muwaadin soomaaliyeed oo khaladkiisa qirsan

  • WAFULA HENRY SIMIYU
    June 1, 2012 @ 05:52:43AM

    Ninkan maahan in la cafiyo sababtoo ah xiligii uu ka talinayay soomaaliya waxaa dalku soo maray qalaanqal iyo qas. Intaa waxa dheer, waxa macquul ah inuu dheel dheel ku jiro ninkani, taasina ay tahay sababta hadalkan ka keentay, isagoo raba inuu dhibaato intan ka badan uu u gaysto dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Waxaan leeyahay dawlada soomaaliyeed isha ha ku hayso ninkan.

  • مبارك جامع عبدالله
    June 1, 2012 @ 04:31:06AM

    Adoomada ilaahayoow, Allah ka cabsada oo ogaada in barito aad Allah hortiisa ssoo joogsan doontaan. “Kuwa dambaabay ee wax dulmiyay way ogaan doonaan meesha ay u noqon doonaan nooca ay tahay.” Suratul Shucaraa: Aayada 227. Soomaaliya nabad ayaa usoo socota, muwaadiniinta dhamaantoodna waxaa ku waajib ah inay iskaashadaan oo ay midoobaan si ay dalkooda u dhisaan. Soomaaliya ha nabadoowdo, Soomaaliya ha nabadoowdo.

  • DOUGLAS MUKUNGA
    June 1, 2012 @ 02:55:10AM

    Aniga waxay ila tahay inuusan ninkani kaftamayn oo uusan dheeldheel ku jirin marka ay hadaladaasi kasoo yeedheen. Waxaanan u malaynayaa inuu hadalkiisa u jeedo macnihiisa, si ay u suurto gasho inuu cafis helo. Waxaan jecelahay inaan dadka soomaaliyeed ku booriyo kuna dhiirigaliyo inay baadigoobaan nabada, oo ay xoojiyaan wada noolaanshaha oo midkoodba midka kale jeclaado. Hadii ay sidaa yeelaan, si wadani nimo ku dheehantahay ayay dalkooda u horumarin doonaan. Waxay ila tahay waa inay ogaadaan in dadku ay kasoo gudbeen oo ay ka horumareen habkii qadiimiga ahaa ee ay khilaafaadkooda ku xalin jireen, ee ku salaysnaa dagaalada ku dhufoo ka dhaqaaqa ah, waxaanay haatan usoo gudbeen inay khilaafaadkooda ku xaliyaan wada hadal iyo dibu u heshiin.

  • kemboi peter
    May 31, 2012 @ 09:52:31AM

    Ma jirto dib u gurasho, ma jirto isu dhiibid kooxda gaangistarada ah ee la magac baxday al-Shabaab

  • Ali Abdallah Ali
    May 31, 2012 @ 08:51:52AM

    Iyagu waa walaaleheen islaam ah. Inkastoo camalfalkoodu uusan ahayn wax waafaqsan wixii quaraankeena la inoogu sheegay, laakin xitaa (Allah) dadka waa u dambi-dhaafaa, kuwa aan mudneen in loo DAMBI-DHAAFO!

  • wahome jackson
    May 31, 2012 @ 06:53:29AM

    Ma laga yaabaa in arrinkani yahay dabin? Arrinkani kama duwana markay hogaamiyayaasheenu ay intay ay wax yidhaahdaan hadana ay taageeraan kooxaha bilaa sharciga ah… waxaan leeyahay aan arrinka mar labaad ka fikirno.

  • HENRY ROP
    May 31, 2012 @ 06:11:26AM

    marka uu dagaalku istaago ayaan saamixi doonaa dhimashadeena. Ilaahay wuxuu ina faray inaan nabada soo celinteeda u dagaalano, soomaaliyana dhawaan waxay ka muuqan doontaa maabka aduunka. Anigu waan jeclahay dadka muslimka ah ee ilaahooga ka cabsooda, markay dadkaasi soo banbaxaan, waxaan kasoo dheegan doonaa caqiidadooda adag ee ay alle ku aaminsan yihiin. Carruurteenuna waxay cilmiga atoomiga ku baran doonaan jaamacada Muqdisho, Rashid Al Abdullahina wuxuu ka kaluumaysan doonaa harada Victoria, waxaanuu la fadhiisan doonaa fiidkii Mary, ILAAHAYNA WAA UU KU FARXI DOONAA MAKHLIIQIISA WANAAGSAN.

  • ishmael
    May 31, 2012 @ 05:07:56AM

    Ilaahay baan uga mahdinaynaa talaabadaas wacan awgeed.

  • marytheuri
    May 31, 2012 @ 02:46:35AM

    Tani waxa ay mar marsiiyo u noqon kartaa in la weeraro dadka aan waxba galabsan.

  • catherine kinyanjui
    May 30, 2012 @ 10:23:37AM

    Anigu waxaan aaminsanahay in arintani ay tahay ciyaar maskaxeed, anakana waan ka dharagsanahay munaafaqnimada dadkan. Markaa ilaahay ha saamaxo.

  • kaka
    May 30, 2012 @ 10:06:04AM

    Arrinkani waa arrin shul ama shal ah, maxaa dhaca marka qof uu kasoo goosto koox? Xubnaha kooxahan intooda badani dhaar ayay maraan , marka hadii aad idinku cafis u fidisaan qof dadkaas ka mid ah, kuwa kale ayaa aargoosi bilaabi doona, iyagoo taa u maraya kordhinta dadka la soo shaqagaliyo iyo kordhinta weerarada oo ay intii hore ka kordhiyaan. Markaa arrinkani waa arrin mugdi badani ku jiro

  • Riziki
    May 30, 2012 @ 09:10:48AM

    Waa in aduunku uu ka fekeraa saamaynta ay bulshadu ku leedahay kahor intaan cafiska loo fidin kuwan. Hadii aan si fudu u dhigo, waa in habka aan u fikirnaa uu si wacan ugu dhisan yahay habka ay u shaqayn doonaan, sababtoo ah iyagu waxay ka dhex shaqaynayaan shabakad, waxaanay yihiin xubno firfircoon oo ku hawlan xidhiidhka dawliga ah.

  • NDAMBUKI
    May 30, 2012 @ 07:37:21AM

    CAFIS WAA LA OGOLAAN KARAA HADII HADII AY LAABTA KASOO GO'DAY,KOOXDANI MA AAMINSANA IN NABADDA AY TAHAY MIDDA AY KU TABCI KARAAN HANTI FARA BADAN. KANI MA AHAN DAGAAL JIHAAD AH SIDA AY IYAGA SHEEGANAYAAN, WAA DAGAAL LA XIRIIRA DHAQAALO OO AY KU SAMAYN KARAAN SI NABAD AH HADII AY HUBKA DHIGAAN, ALLOW SOO HANUUNI DUMARKAN IYO CARUURTAN LA MARIN HABAABIYAY.

  • GERALD
    May 30, 2012 @ 07:34:40AM

    hala cafiyo ama yaan la cafiyin, waayaha al-Shabaab aad buu usoo koobmay…..waxaan leeyahay ciidamada Amisom shaqo wacan ayaa qabateen!

  • peter m
    May 30, 2012 @ 06:32:21AM

    Ilaahay nabad ha u keeno walaaleheena soomaaliyeed.

  • arafat
    May 30, 2012 @ 03:15:17AM

    Ninka is dhiibay waa munaafaq, hadiiba uu san ahayd khidad dagaal. dil ayaa ku xukuman. Dagaalkan waa dagaal aan dhamaad lahayn oo aduunka oo dhan ka socday waana dagaal u dhexeeya (islaamka iyo gaalada+munaafiqiin) qof waliba oo muslim ah wuu og yahay waxa ka socda wadamada islaamka sida walaalaheena Falastiin. Muminku wuxuu ku waajib yahay dagaal jihaad ilaa laga waayo wax gaalo ah oo aduunka ku taliya lana baa bi iyo dowladohooda. Alshabaab waxaa mas'uuliyad ka saaran Bariga Africa in ay guulo ka keento inshaa Alaah way guulaysan doontaa. Dadka magaca ku lahaa oo ka baxaayana waa 1 ama 2 qofood oo ciidanba aanan lahayn waxa loo dagaalamaayana waa diin diintana waxaa iska leh Alle ee ma ahan mid lagu taageero Abuu mansuur iyo soomaaliya balse waa mid ula jeedkeedu uu yahay raali galin Alle Subxaanahu watacaalaa. Nabigeena Muhamad Binu Abdulaahi (SCW) aduunka waxaa yimid isaga oo kaliya oo muslim ah aduunkana oo dhanna gaalo ah hadana waa loo jeeda islaamka meelkasta in uu joogo. Alshabaab hadii ay ku soo haraan 5 qofood oo kaliya bilaa ciidan ah hadana Alle ayaa dib u hubaynaya waayo waa imtixan oo iimaankooda ah inta uu gaarsiinan yahay ayaa Alle ku fiirinaya. Nin ka goostay Al shabaab awoodooda kuma wii qanto xitaa hadii uu goosta Abuu Zubayr xageena wuxuu ku noqonayaa nin ku xukuman dil waana munaafaq. Inshaa Alaah anigoo og iimaankiisa kor ahaaneed mana rajaynaayo in ay taasi dhacdo. Amiir Abuu zubayr iyo xarakada guul ayaan idin rajaynayaa.

  • Edwin Nateminya
    May 29, 2012 @ 12:00:03PM

    Cafisku waa aarin muhiim ah aniguna waa taageesanahay wax kasta ha inagu qaato. Nimankan cafiska dalbaday waa in cafis loo fidiyaaa oo la geeyaa xeryaha dhaqan celinta oo meelahaas la dajiyaa mudo ugu yaraan sanad ah. Hadii sidan la yeelo, xukuumadu waxay awoodi doontaa inay go’aamiso heerka dhaqancelinta ah ee ay u baahanyhiin si ay arrimaha bulshada uga qayb qaataan.

  • JUMA RODGERS
    May 29, 2012 @ 11:31:58AM

    Ninkani waa in cafis loo fidiyaa oo bulshada dhexdeeda lagu soo dhaweeyaa.

  • Okoth Valentine
    May 29, 2012 @ 08:17:31AM

    Waxa laga yaabaa inuu arrinkani yahay hab ay ku rabaan inay inagu qanciyaan in laga yareeyo cadaadiska aynu iyaga saarnay, laakiin arrinkaasi ma shaqayn doona.

  • MERCY
    May 29, 2012 @ 08:14:11AM

    Xuseenoow waxaad tahay geesi, dadkuna waa walaalo oo waa la wada dhashay. Loomana baahna dagaal aafeeya dumarka iyo carruurta.

  • musili
    May 29, 2012 @ 05:38:23AM

    Ra’yigagu waa sida tan: ninkan waa in la cafiyaa kadibna ay isticmaalaan dawlada federaalka ku meel gaadhka ah, sababtoo ah macluumaad iyo xogo badan ayuu ka hayaa kooxdan, waxaanay isaga u adeegsan karaan in uu u macneeyo xogaha ay helaan. Sidoo kale markasta oo hawlgal kooxda alshabaab ka dhan ah la wado, waa in ninkan goobta dagaalka uu joogaa, si loo tijaabiyo in codsigiisa uu ku doonayo cafiska uu daacad ka yahay bacdamaa ayan jirin cid kale oo ogaan karta wax ka lillaahi ah. Markaa hadii uu goobta dagaalka si culus ugula dagaalamo saaxiibadiisii hore, waxa qofkastaa qiri doonaa in cafiskaa loo fidiyay uu ahaa talaabo wax ku ool ah.

  • LINUS HAJI
    May 29, 2012 @ 05:02:58AM

    ANIGA KAMA ELO DADKA WALAALAHA AH IN AY DAGAALAMAAN, AAN U ISTAAGNO IN AAN DHISNO BULSHADEENA ISLAAMIGA AH BEDELKA AAN DAGAALAMI LEHEEN, SHAQSI AHAAN WAAN CAFIYAY HADUU ALLE KOR AHAAYE OGOLAADO.

  • Sylvanus Kishao
    May 29, 2012 @ 05:01:11AM

    Dadka Soomaaliyeed waa dad jajaban oo hawlkar ah, lamana illaawi karo inay yihiin dad wax ikhtiraaca ama horumar cusub keena. Anigu si daacad ah ayaan u rajaynayaa una baryayaa in Soomaaliya maanta nabadi ka dhalato. Waligay maan u malaynayn in Soomaaliya ay tahay dal sidaa u qurxoon! Bal eega sawirada ciidamada difaaca Kenya oo jooga xeebaha Raas Kaambooni. Marka Soomaaliya nabadi ka dhalato, waxaan qabaa in malaayiin dalxiisayaal ahi ay dalka kusoo qulquli doonaan. Salaan ganacsatada soomaaliyeed ee qurba jooga ahoow, tolow miyaad akhrinaysaan qoraalkan?

  • Aisha Adam
    May 29, 2012 @ 03:58:15AM

    Talaabadani waa talaabo geesinimo ah oo uu qaaday hogaamiyahaasi. Laakiin waxa wacnaan lahayd in kuwa kalena ay sidiisa yeelaan si aynu uga takhalusna dagaalkan tobanaanka sanadood socday, ee mudadaas aynaan helin degenaansho.

  • KOSSY
    May 29, 2012 @ 03:48:44AM

    Cafiska macnhihiisu waa adigoo intaad si aan jujuub ahayn isugu soo dhiibto ciidamada, kadibna soo horistaaga oo waajaha wixii ciqaab ah ee kugu soo beegma.

  • qoran
    May 29, 2012 @ 03:19:44AM

    waar gaalo yar yar ha la waso garcada garcdu dhashay

  • fuaad
    May 29, 2012 @ 02:33:36AM

    anigu waxan leeyahy waa in ciqaab la marshaa waa gaalo yar yar nimanku waxan ku farxsanahy dhabar jabka soo waajahy cadawga dadka soomaliyeed ee u horseeday dhimasho iyo holac ay mariyeen iyo inta firdhadkay ka fidhanyeen alshydaan ku leeday badaha libiya iyo talyaniga iyo waliba inta daafah dunida lagu adoonsado soomaali iyagaa u sobo oohoojiyay dadkodii xageed ku aragtay fof nool oo binaadam oo la gowraco

  • william
    May 29, 2012 @ 02:21:08AM

    Anigu waan la dhacay arrinkaas, kooxda alshabaabna dhamaantood ha kusoo biiraan dawlada oo soomaaliya dib ha u dhisaan, hana ogaadeen in dagaalku dhamaaday oo aanay hadhin wax kale oo loo dagaalamaa.

  • tom ogweno
    May 28, 2012 @ 04:31:31PM

    Halkaa kasii wada dadaalka walaalahayga muslimka ahoow, alaahu akbar, ilaahay ayaa wayn.

  • Elizama kibe kore
    May 28, 2012 @ 07:06:15AM

    Kooxda alshabaab waa u ayaandaro arrinkani, sababtoo ah hadday ogsoonyihiin in dilku dambi yahay, maxaa ku kalifay inay wax dilaan? waa in ay bixiyaan magdhow. Anigu markaa waan diidanahay wada hadalo nabadeed in kooxdan lala galo, si aysan ugu suurtoobin iyaga inay gabaad ka dhigtaan wada hadaladaas. Anigu mawqifkaygii hore ayaan taaganahy (wakhtigu waa hadda). Haddii ilmaha yari uu ooyo isaguu raba sakiin, waa inaad u dhiibtaa sakiinta.

  • Joseph Omemo
    May 28, 2012 @ 06:13:16AM

    Kooxdani siday u dhantahay waxay ahayd in la kala daadiyo isla waxkhtigii ay ciidamada difaaca Kenya ay Soomaaliya soo galeen! Talaabadani waa talaabo wacan, kooxdanina siday u dhantahay dhawaan ayay kala jajabi doontaa. Anigu waxaan qabaa in dadka Soomaaliyeed ay nabad-doon yihiin.

  • Gordon Odhiambo
    May 28, 2012 @ 05:09:43AM

    Cafiska iyo dambi qirashadu waa laba arrin oon kala hadhayn oo isku xidhan.

  • Weru
    May 28, 2012 @ 04:53:25AM

    Ilaahay wuu cafiyaa kuwa isaga dambi dhaaf waydiista, laakiin waa in qofku ficil la yimaadaa oo uusan hadal kaliya meesha la iman. Maxay tahay sababta keenta in qofku dambi galo oo uu haddana ka cabsado xisaabta iyo cadaalad marinta? Runtii qofka cadaalada la mariyaa wuxuu ka xoroobaa dunida mugdiga ah ee uu ku jiro. Ilaahay waydiiso dambi-dhaaf dabadeedna sharciga is horkeen, dambi dhaafna waydiiso, si aad u dhadhamisid wixii dambi ah ee aad galabsatay. Maxay tahay sababta keentay in aad haddeer ka cabsootaan cadaaladii aad idinku hore dadka ugu diideen inaad ku dhaqdaan? Idinku waxaad saamxi waydeen dadka kale, laakiin nasiibdaro haddeer ayaad ogaateen in xorriyadu qaali tahay, taasaana u sabab ah inaad qarsoodi ku jirtaan. Waxaan idin leeyahay raganimo muuji oo qarsoodiga aad ku jirtid kasoo bax, si aad dadka ugu cadaysid inaad tahay qof Allah aaminsan. Hadii taa lagaa waayo, waxaad wali baqo ka qabtaa xaqiiqda mana tihid qof wali ka toobad keensan wixii aad hore u gaysatay. Waa mahadsantihiin, Weru.

  • Warfar Neyo
    May 27, 2012 @ 03:47:03PM

    Xuseeen waa in cafis loo fidiyaa, waayo dhamaanteen intaa waynu dambaabnaa waana la ina cafiyaa, markaa maxaa Xuseen uusan cafis u heli karin? Dambigu waa dambi markasta, isaguna wuxuu qirtay inuu qaldanaa, markaa hadii aynaan cafis isaga u fidin, waa la ina canaanan doonaa maalinta qiyaamaha. Anigu ma taageersani in isaga la dilo sidaa dadka qaar ku taliyeen. Waxaan leeyahay dadkaasi laftoodu maaha dad dambi ka madhan, markaa aynu ilaahay u dhaafno isaga si uu wixii uu mutay uga abaal mariyo. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu Xuseen diyaar u yahay inuu isa soo dhiibo, ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM midna ma awoodo in ay dilaan nin isa soo dhiibay, waayo waa arrin ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka. Haa sidaa waxa la samayn karaa kaliya kadib marka si taxadirleh oon nasasho lahayn loo baadigoobo, kadibna la caddeeyo in uusan isagu ku hawlananyn qorshaynta talaabadiisa soo socota kadib qaraxii Afgooye ka dhacay. Dadka kiristaan ka ah ee reer Kenya waxa weerarada argagixisada ah ka soo gaadhay dhibaato badan. Caruur iyo dumar iyo dad aan waxba galabsan ayaa naftooda ku waayay qaraxyadaas. Laakiin dadka kiristaanka ahi waxay ku wacan yihiin inaysan iyagu waligood argudasho dalbanin, waayo diintoodu waxay faraysaa inay dhib kasta kula tacaalaan baryada eebe, waxaana iyaga ku filan oo u aargudi doona oohintii iyo ilmadii eebe hortiisa kaga dhacday, markaa waa hubaal in kooxda alshabaab ay si xun oo xanuun badan uga shalayn doonaan. Waxaan leeyahay dadka muslimiinta ah aynu cafis u fidino xusseen hadii uu daacad yahay. Hadii anynu sidaasi yeelno, waa cusub ayaa u baryi doona dalka macaan ee Soomaaliya. Waxan leeyahay aynu ilaahay tala saarano oo aynu Soomaaliya jiritaankeeda badbaadino.

  • SIMION
    May 27, 2012 @ 06:35:34AM

    Cidii si niyad leh raaligalin u bixisa waa in la cafiyaa, laakiin anigu waxaan dareensanahay xanuun badan, sababtoo ah ninkayga waxa uu u muqdaa inuu ka indha tiran yahay nimanka kale ee AMISOM ka tirsan ee ag jooga! Ka waran hadii loo raro meel u dhow xukuumada xafiiskeeda.

  • a_rahmaan mohamed a_laahi
    May 27, 2012 @ 05:10:00AM

    waxaan ahay mid ka ah umada soomaliyeed ee ku nool wadanka gudihiisa ok waxaan jeclaan lahaa in ilaahey labada dhan kii roon inoo daayo insha alaah (allaah wuxuu jecelyahay adoomada suubsan oo hadana dhoorsan) marka ilaahey kuwaa hanaga dhigo aaaamiiiin insha allaaaah

  • steven mokaya
    May 26, 2012 @ 03:01:37PM

    Cidkasta oo cafis dalbata waa in la cafiyaa, waa haddii uu dalabkoodaasi yahay mid laabta ka yimi oo ka dhab ah.

  • Oyatsi
    May 26, 2012 @ 12:46:25PM

    Ciidamada difaaca ee dawlada yugaandha way burburin doonaan ama nacaskan ha la cafiyo ama yaan la cafiyin.

  • songo
    May 26, 2012 @ 10:17:30AM

    maxaad ka ogtahay inaysan kuwani ahayn dad la soo diray oo wata qalab casri ah oo u dan leh inay burburiyaan dawlada ku meel gaadhka ah iyo umadan tabaalaysan, maxaadse ka ogtahay inaysan rabin inay ummadda soomaaliyeed u horseedaan saboolnimo waligood ay ku jiraan. Maxaadse ka ogaatay inaysan ahayn yay soo xidhay shaadh oo ido isu soo ekaysiiyay, oo sugaya wakhtiga munaasibka ah si ay asxaabtooda u wargaliyaan oo ay dagaalka xiliga ugu haboon soo qaadaan. Wakhtigaa munaasibka ahi waxa uu noqon karaa wakhtiga uu yimaado bixitaanka ciidamada AMISOM ay dalka ka baxaan, waayo waxa wakhtigaasoo kale u fududaantoona inay cadowgooda si dhib yar ula tacaalaan. ANIGU MARNA MA RUMAYSNI

  • peter
    May 26, 2012 @ 08:35:08AM

    Talaabadani waa mid looga dan leeyahay in lagu go'doomiyo kooxda argagixisada ah iyo falalkeedaba oo ay qaateen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha kooxdan. Arrinkani waa horumar wayn oo xagga geeddi socodka nabadda ay ka gaadheen dadka Soomaaliyeed.

  • maxamed c/laahi xasan
    May 26, 2012 @ 06:18:38AM

    isa soo dhibida iyo cafis weydiisi umada somaliyeed waxaa keentay markii ay arkeen qaar ka tirsan alshabab ku in ay sii degayso doonidii ay saarnaayeen markaa waa in ay iskaga boodaan inta aanay la quusin doonidu bada dhexdeeda

  • faruoqdah
    May 26, 2012 @ 02:18:45AM

    Ilaahay ha ka soo hanuuniyo mugdiga oo ha ku hanuuniyo nuurka, walaaleheena soomaaliyeed wakhtiyo qalafsan ayaa soo maray. Waa ilaahay mahadii.

  • FRANKLIN
    May 25, 2012 @ 10:10:19PM

    Aan rajayno in uu balantiisa oofiyo

  • thekenyandude
    May 25, 2012 @ 12:22:28PM

    Masuuliyadu waxay saarantahay dawladda Soomaaliyeed, waana inay dawlada iyo ninkani ay meel dhexe isugu yimaadaan. Habka ay dawladdu ninkan ula dhaqmi doontaa wuxuu saamayn ku yeelan doonaa dadka kale ee kasoo goosan doona kooxdan mustaqbalka. Waxaad tusaale ka dhigataan ninkii Ethiopian ka ahaa ee usoo goostay alshabaab. Ninkaas si wacan ayaa loosoo dhaweeyay oo loo qaabilay, waxaanan qabaa inuu hadda kusii jeedo furinta sii uu halkaa ugu dhinto. Chai ni Kismayo.

  • ALPHONCE MUSYIMI
    May 25, 2012 @ 12:00:11PM

    Habka ugu wacan ee dhibaatooyinka Soomaaliya lagu xallin karaa waa cafiska, laakiin waa in cafiskaasi si niyadsami ah loo doonaa oo uu isla markaana uu ku ladhnaadaa balanqaad. Arrinkani wuxuu fursad siinayaa dib-u-heshiisiinta iyo dib-isu-dhexgalka shacabka soomaaliyeed. Waxaan leeyahay kuwa toobad keena iyo dadka la socdaba halaga saaro Soomaaliya oo ha la geeyo dal aammin ah oo ay wixii dambi ay galeen qiraal ku noqon karaan, isla markaana ay kooxaha kaleeto ugu baaqi karaan inay isa soo dhiibaan oo ay kusoo biiraan dadka kale, si loo mideeyo dalka Soomaaliyeed.

  • a.moody
    May 25, 2012 @ 10:59:47AM

    Waa dacaayad ay faafiyeen Maraykanka iyo xulafadiisa dawladaha bariga afrika

  • Hussein Mohamed Mohamood
    May 25, 2012 @ 10:44:31AM

    Khaladku waa qayb ka mid ah hiddaha nolosha iyo dabeecada meertada nololeed Aadmiga, ta eemuhiimka ahina ma aha in qofku khaldamo, ee waa sida uu u garawsado khaladkiisa, ugana soo noqdo, waa inaynaan ilaawin sida haddii aynu binu-aadamka aynu ugu gefno ilaahay ina khalqay ee weliba inoo hibeeyay dhamaanba nimcoooyinka gaarka ah iyo kuwa guud, sida irsaaqda, caafimaadka, hawada iyo laydha ay neefsano ama qaadano, araga, neefsiga, dareenka maqal iyo urta iyo kuwa kalee oo badan oo aan lagu koobi karin qoraalo iyo buugaagtoona, iyo weliba sida uu inoogu furay toobadkeen uu inagaga dhaafo dunuubtii aynu galay, iyo weliba sida uu inoogu booriyay inaynu noqono kuwo iyaguna is cafiya. Sidaas darteed, anigu shakhsiyan waxaan qabaa in la soo dhaweeyo shaksi kasta iyo koox kasta oo Alshabaab ah oo ka toobadkeenta wixii ay umadda ka gashay, waayo Isa saamaxa iyo iscafinta ayaa umaddi ku dhisantaa, halka kala aargoosiga iyo is cafin la,aantu tahay wadadii burburka iyo hooga, taasoo keeni karta in cid kasta oo Alshabaabi go'aansato inay baaqi ku ahaato collaada iyo dagaalka inta ay ka dhimanayso, taasoo sahayan doonta wadada rajada iyo yididiilada ee soo noqoshadda Soomaalidii hore . Mahadsanid Husseinlucky

  • AGESA AGANI DAVID
    May 25, 2012 @ 09:50:09AM

    Arrinkani waa calaamad ka mid ah calaamadaha aakhiru samaanka. Kitaabka injiilka ama baybalku wuxuu sheegayaa in ka ugu horeeyaa uu ugu dambayn doono, markaa ha la iska ilaaliyo in dadka noocaas oo kale ah aan meel lala marin. Walaalayaal ka fogaada oo iska jira kooxdan shaydaanka ah, oo nabi ciise xagiisa u carara, oo isu diyaariya imaatinkiisa.

  • bethu makani
    May 25, 2012 @ 09:02:45AM

    Ma laga yaabaa inuu is qarinaayo, oo uu weeraro kale ka wado Soomaaliya? halaga feejignaado wuxuu wado isagu.

  • Said HashimRashid
    May 25, 2012 @ 07:50:02AM

    Anigoo ah qof afrikaan ah oo kasoo jeeda dal la jaar ah soomaaliya, ayaan waxan si wayn uga murugaysanahay waxa ka dhacaya dalkaas. Kenya waa dawlada kaliya ee xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw la lahayd dadka soomaaliyeed ee tabaalaysan. Dadkaas dhibtoodu anagana way na saamaysay, waxaanan ilaahay ka baryayaa in mandaqadan nabadi ka dhalato. Ilaahay ha ku hago sidii nolol tan ka wacan ay u gaadhi lahaayeen. Dadka Soomaaliyeed waa dad shaqo badan marka ay haystaan xasillooni annaguna waxana ka faa'idaysan doonnaa howl-karnimadooda.

  • Peter Kingori
    May 25, 2012 @ 06:44:31AM

    Anigoo ah muwaadin reer Kenya ah, waxaan jecelahay inaan ka dalbado walaalahayga Soomaaliyeed inay midoobaan oo dumarka iyo caruurta soomaaliyeedna si wacan u daryeelaan. Anigu sadex sannadood ayaan ka shaqeeyay Soomaaliya, waxaanan runtii ilaahay ka baryayaa in wakhtigan ay nabadi dhalato. Haddii nabad la helo, anaguna waanu booqan doonaa Soomaaliya, anagoo dalxiis ah oo rabna in aanu soo aragno asxaabtayada, oo aynaan u socon in aan xaalad dagaal wax ka qabanno. Fadlan walaalayaal midooba oo dagaalka joojiya, ilaahayna wuxuu idin siiyay khayraad farabadan oo xitaa baatrool leh, hadii aydaan midoobina dadka shisheeyaha ah ayaa idinkala wareegi doona dhammaan khayraadkaas. Bal waxaad ka fakartaan oo aad eegtaan xaddiga kalluunka ah ee ay idinka dhaceen ururada shisheeyaha ahi ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta xeebihiina, taasoo ay ugu wacan tahay idinkoo aan haysanin dawlad dhexe oo khayraadkaas idiin ilaalisa. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu nabad siiyo soomaaliya.

  • zeitun
    May 25, 2012 @ 05:57:54AM

    waa in qoladan la cafiyaa, waayo qofna ma dhamaystirna.

  • Peter Odhiambo
    May 25, 2012 @ 05:09:57AM

    Dagaalyahanada kooxda alshabaab waa inay muruqooda galiyaan sidii dalkooda ay dib ugu dhisi lahaayeen, oo aysan dagaalka dhiigu ku daadanaayo galin, waayo dagaalkani wuxuu saamayn karaa carruurtooda mustaqbalka fog. Waa inay ogaadaan in dagaalku uusan faa’ido lahayn, markaa hadday Soomaaliya dan ka leeyihiin, waa inay hubka iyo bambaanooyinka iska dhigaan isla wakhtigan xaadirka ooysan sugin barri.

  • susan karwitha Tembo
    May 25, 2012 @ 02:37:25AM

    Ninkan waa in la saamaxaa sababtoo ah waxa injiilka (baybalka) lagu sheegay: “Dadku dhamaantood way dambaabeen waanay ka gaabiyeen galladii uu eebe la rabay inay gaaraan. Ilaahay waa ilaah wax cafiya” Xitaa haddii dambigeeno sida dhiiga u cas yahay, ilaahay wuxuu awoodaa inuu maydho oo uu ka dhigo caddaan sida barafka. Sidaas ayuu ilaahay inoo sheegay. Markaa iyadoo uu eebe sidaa wax u cafiyo, sideebay bini’aadamku cafis aysan ugu fidin Karin ninkan dambigiisii qiraalka ah?

  • Mambo
    May 25, 2012 @ 12:42:00AM

    Si wacan ayaa loo dhigay arrinka, laakiin waxaan kuu sheegayaa in arrinkani uusan ahayn waxaan munaafaqad ahayn.

  • ABDULLAHI MOHAMED
    May 24, 2012 @ 05:37:26PM

    Runta marka laga hadlo, waxa ina huran in aynu iska cafino kuwa cafiska dalbanaaya, sababtoo ah sidaas ayuu mustaqbalkeenu ku jiraa. Sideedabana waxii dhacay maxay u dhaceen lama dhahee maxaa lagu dhameyey ayaa ladhahaa. Eebe dalkeena nabad ha kusoo dabaalo.

  • MOES
    May 24, 2012 @ 12:12:20PM

    Arrinkani waa wax dhiiri gelin leh, micnihiisuna waxa weeyaan in dagaalkan lagu guulaystay. Waxaan mahad u jeedinayaa ciidamada difaaca Kenya, anigoo ku mahadinaya geesinimadooda ay arrinka si toos ah ugu jilib dhigeen. Waxaan jecelahay inaan dagaalyahannada kale ugu baaqo inay isa soo dhiibaan.

  • Abu Omar
    May 24, 2012 @ 10:57:11AM

    Joojiya beenta iyo qorista ama faafinta macluumaadka aan runta ahayn ee aan sal iyo raadka toonna lahayn. Ma ka warqabtaan idaacada Raadiyow Muqdisho iyo dacaayadda ay faafiso? Waxaan idinkula talinayaa inaad warrarkiina ka qaadataan idaacadda Raadiyow Andalus, si aan u ogaanno marka aad soo xigataan wararka!

  • lakironnie
    May 24, 2012 @ 08:04:25AM

    anigu arrinkan ma rumaysni, waayo waxay iska dhigayaan qaar raba in la saamaxo, iyagoo og inay ku jiraan hawlo sharci darro ah.

  • nalosh
    May 24, 2012 @ 07:10:51AM

    Dadka Soomaaliyeed iyo aduunkuba waxay cafis u fidin karaan oo kaliya marka kooxdan la baabi'iyo oo dadkii waxyeeloobayna magdhaw loo fidiyo. Teeda kale, waa inuu sharaxaad ka baxsha sababta keentay in kooxdan la aasaaso.

  • Bismark Langat
    May 24, 2012 @ 04:40:23AM

    Haddii xaaladda hogaamiyayaasha alshabaab ay sidaa tahay, arrinkaasi wuxuu cadaynayaa inay guuldaraysteen. Laakiin waxan ka shaki sanahay inay khiddad wadaaan ay ku rabaan inay dadka ku beerlaxawsadaan. Waxaa weeyaan in aynu ogaano in kooxda alshabaab ay tahay koox dambiilayaal ah, waxaana waajib ah in wax kasta ha qaadatee laga hortago oo laga takhaluso. Waa in aynu ogaanaa in kooxdani ay argagixiso ku riday muwaadiniin badan, markaa waxay dhib gaysteen waa in laga jaraa.

  • isige kevin
    May 24, 2012 @ 03:33:24AM

    bilshardi, hadii ay balan qaadaan inaysan dib usoo noqonayn, oo la raacayo wixii uu dasturuku arrinka ka qabo markaa kadibna la qaado tallaabooyinka waajibka ah, haddii markaa taa micneheedu yahay in cafis loo fidiyo iyaga markaa halloo fidiyo waxba kuma jabna

  • sayid axmed dini
    May 23, 2012 @ 12:05:56PM

    ilama wanaagsana waayo waxay halis galinaysaa amaanka xuseen

  • safwaan
    May 23, 2012 @ 12:02:55PM

    hala dilo maxaa yeelay waxa uu isoo dhiibay waqti uu dadka islaamka ah soo dhameeyay laguna dhawyahay qabashadiisa fadlan hala dabar jooyo mashii lagu arko

  • eva
    May 23, 2012 @ 09:13:46AM

    Maaha in kuwaasi cafis loo fidiyo haba yaraatee, waxaana iyaga ku waajib ah inay isa soo dhiibaan oo laga jaaseeyo khasaarihii ay gaysteen.

  • fathe
    May 23, 2012 @ 07:42:28AM

    Magaca alle dartii, waxaanan leeyahay soomaalidu ha midawdo oo nabada iyo degenaanshaha geeska afrika ha u midawdo. Marka dadku midoobaan, kooxaha shisheeyaha ahi dalka way ka bixi doonaan waayo midawga dadka ayaa danahooda kala tuuri doona.

  • qarandoon
    May 23, 2012 @ 04:33:50AM

    cafis malaha waa munaafaq everyone shabaab ahaana xukmigiisa waa dil hada markii ayburbureen ayuu midkasto cafis cafis leyahay war dadkii lagowracay dadkoodi maaku cafinaa war dadkii latooktay dadkoodi maaku cafonaa munaafaq ani hadaan ku xakumilahaa waxaan kugu xakumilahaa xibinba mar in lagaa gooyo

  • PASTOR PATRICK
    May 23, 2012 @ 02:50:48AM

    Kooxda Alashabaab waa in lagu dhiiri-galiyaa inay cambaareeyaan falalk gacan ka hadalka wata, oo ay kusoo biiraan xukuumada soomaaliyed, si ay uga qaybqaataan dhismaha dawlad nabdoon oo loo dhisayo jiilasha soo socda. Dhiiga dadka oo la daadiyaa maaha wax diinta ka mid ah…Soomaaliya xaga nabada ayay ku sii socotaa, waxaana muwaadiniinta dhamaantood ku waajib ah inay gacmaha is qabsadaan oo ay dib u dhisaan dalkooda…Somaaliya nabad ha hesho, Somaaliya nabad ha hesho..

  • walter onduso
    May 23, 2012 @ 02:39:38AM

    Haa, waxaa loo baahan yahay in la isa saamaxo, sababtoo ah waxaynu nahay bini’aadam, sidaa darteedna khalad ayaa naga dhici kara.

  • buru
    May 23, 2012 @ 12:02:29AM

    Anigu waan la dhacay arrinkan, waana wax dhiiri galin u ah hogaamiyayaasha kale ee alshabaab ee ku fakaraaya inay ka falaagoobaan kooxda. Waxaan leeyahay xukuumada Soomaaliyeed, fadlan balanqaadkiinii fuliya ee aad balan qaadeen in aad xubnaha kooxda ka falaagooba ammaankooda sugtaan. Soomaaliya nabad ka dhalataa waxay ka dhigan tahay dalalka bariga afrika oo iyana nabadi ka dhalato.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada