Maajo 18, 2012
Al-Qaacida weligeed si furan uma aanay sheegin in maalmihii ugu dambeeyey noloshiisa, Osama bin Laden uu hoggaaminayey urur le’ashada madaxdiisa awgeed uusan u heli karin cid uu ku beddelo hoggaamiyeyaasha sida joogtada ah loo dilayey ama loo qab-qabanayey.
Markii uu ururku heli kari waayey cid uu ku beddelo hoggaannada, waxay markaa arrintu noqonaysay in uusan bin Laden aqoon jirin hoggaamiyeyaasha kooxaha ay tahay in ay amarka ka qaataan al-Qaacida iyagoo isticmaalayayna magaceeda.
Tani kuma aanay koobnayn taliska dhexe ee al-Qaacida ee ka dhisnaa Wasiiristaan, balse waxay sidoo kale arrintani haysatay laamaha ururka ee adduunka oo dhan ka jirey.
Waraaqo laga helay meeshii uu degganaa bin Laden,ee ku taallay Abbottabad, Pakistan, ka dib geeridiisii May 2011-kii oo la daabacay ayaa waxay xaqiijinayaan in hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida uu ka war hayey in hoggaamiyayaashiisa ay Wasiiristaan ugu le’anayeen si is daba-joog ah. Isagoo taa ka jaanqaadaya ayuu faray hoggaamiyeyaashiisa in ay ka guuraan gobolka ay qabaa’ilku deggan yihiin ee Pakistan oo ay u guuraan dhulalka qarfaha ee ku yaal Afgaanistaan, sida laga dheehday farriin uu u diray hoggaamiyaha ka mid ah kuwa al-Qaacida ee la yiraahdo Atiyan Cabdul Raxmaan.
Dalabka geeddiga ayaa wuxuu markhaati u yahay sida uu bin Laden u qabay in aanay in badan Wasiiristaan sii ahayn meel ku filan taliska ururkiisa, isagoo markaa door-bidayey in ay u guuraan Afgaanistaan oo ay ka qayb-qaataan hawlgalllada dirireed ee halkaa ka jira, meeshii ay u sakaar-warraan lahaayeen weerarrada dhinaca cirka ee u jarayey si isxig-xigta.
Sida uu bin Laden u og-yahay geerida is-daba joogta ee ururkiisa ayaa lagu tibaaxay dhawr farriimood, gaar ahaan tu ku socotay Cabdul Raxmaan oo isagu ahaa ninka koowaad ee xiriirka dibedda u joogay. Bin Laden oo ay muuqatay in uu go’doon ka ahaa dunida inteeda kale ayaa wararka ka heli jirey kannaallada satelaytka sida Al-Jazeera iyo Al-Carabiya iyo farriimo ay u soo diri jireen hoggaamiyeyaasha ururka sida Abdul Raxmaan.
Farriin uu bin Laden u diray Cabdul Raxmaan 2010-kii, ayuu bin Laden uga tacsiyeeyey geeridii hoggaamiyaha al-Qaacida Sheekh Saciid al-Masri (Mustafa Abu Yazid) oo markii la dilayey ahaa taliyaha al-Qaacida ee gobolka Khuraasaan, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Afgaanistaan iyo waddamada deriska la ah. Wuxuu ahaa Masri sanado badanna wuxuu kala shaqeeyey Ayman al-Zawahiri dhinaca maaliyadda, waxaanu noqday madaxa al-Qaaacida ee dhinaca maaliyadda. Labadooda – isaga iyo Zawahiri- waxay xabbsi u galeen ku lug lahaanshaha dilkii madaxweynihii hore ee Masar Anwar al-Saadaat. Waxaa loo yiqiinnay “Sheekh Saciidkii xisaabiyaha ahaa” lagumana aqoon in uu wax shaqo ah ku lahaan jirey hawlgallada dagaallada.
Magacaabidda Sheekh Saciid loo magacaabay taliyaha al-Qaacida ee Afgaanistaan ayaa waxaa markaa loo tarjuntay in ay calaamad u ahayd tirada dadka beddeli kara hoggaamiyeyaasha la dilo ama la xiro oo yarayd. Taa natiijadeeda, waxaa uu ururku ku khasbanaa inuu magacaabo shakhsi aan lahayn wax khibrad militeri ah, iyadoo ay jagadaasina ahayd mid uga baahan in uu kan jagada qabanaya uu hoggaamiyo hawlgallo dagaal-gelin ah.
Bin Laden ayaa farriintii uu Cabdul Raxmaan u diray ugu sheegay in uu goostay in uu u magacaabo in uu beddelo Sheekh Saciid muddo labo sano ah oo laga billaabo taariikhda uu helo xaashida. Si kastaba ha ahaatee, Cabdul Raxmaan jagadaa maanu sii haynin waqti badan, maxaa yeelay waxaa weerar cirka ah oo Wasiiristaan ka dhacay lagu diley August 2011-kii, saddex bilood ka dib geeridii bin Laden.
Isla farriintaa lafteeda ayuu bin Laden ku haybshay hawlgal Sheekh Saciid la faray in uu u xilsaaro Ilyaas Al-Kashmiiri oo ah hoggaanmiye ka tirsan al-Qaacidada Pakistan, oo ay ahayd in ay ku jiraan dilidda saraakiisha Maraykanka ah.
Bin Laden ayaa dalbanayey xiriir kaga yimaada al-Kashmiiri oo ku saabsan tallaabooyinka ay qaadayaan si ay u fuliyaan shirqoolada khaarajinta ah, maadaama bin Laden aanu helin jawaab ka socota Kashmiiri oo u soo mari lahayd Sheekh Saciid.
Ma cadda in bin Laden uu abid helay jawaab ka timid al-Kashmiiri, oo isagana lagu diley weerar dhinaca cirka ah oo Wasiiristaan ka dhacay June 2011-kii.
Farriin kale oo August 2010-kii ka tagtay bin Laden kuna socotay Cabdul Raxmaan ayaa muujinaysa in aanu bin Laden wax badan ka aqoon in badan oo ka mid ah hoggaannada muhiimka ah ee ururka. Waraaqadaa ayuu hoggaamiyahii hore ee al-Qaacida ku sheegay in uu qaaddacay codsi ka yimid Nasser al-Wuhayshi, oo ah hoggaamiyaha al-Qaacidada Jasiiradda Carabta ee Yemen ay saldhigga u tahay, codsigaas oo ahaa in Anwar Al-Cawlaqi loo magacaabo hoggaamiyaha cusub ee laantaa.
Isagoo sharxaya sababta diidmadiisa ayuu bin Laden qoray in uu wax yar ka yiqiinnay al-Cawlaqi, walow uu markaa magaciisa –Cawlaqi – adduunka ku sii faafayey. Bin Laden ayaa u muuqanayey in uusan wax ka badan “in uu jihaadka u adeegay” (laga yaabe muxaadadrooyinkiisii internetka) aanu ka aqoon Cawlaqi. Wuxuu codsaday in uu al-Cawlaqi u soo diro “warbixin faahfaahsan oo ku saabsan aragtidiisa xaaladda” Yemen.
Lama oga in al-Cawlaqi oo weerar cirka ah oo Yemen ka dhacay 30-kii September, 2011-kii lagu diley uu u qoray warbixinta sidii uu bin Laden dalbaday.
Aqoonta bin Laden ee hoggaamiyeyaasha ururka ee Ciraaq ayaa u muuqatayba mid aan runtii jirin, sida ka muuqanaysay codsigiisii ahaa in uu Cabdul Raxmaan soo siiyo intii xog ah ee uu siin karo oo ku saabsan aqoonsiga hoggaamiyeyaasha al-Qaacida ee Ciraaq.
"Waxaan jeclaan lahaa in aad ina soo siisid xog ku saabsan walaalkanaga Abuu Bakar al-Baqdaadi, oo loo magacaabay in uu dhaxlo walaalkayaga Abuu Cumar al-Baqdaadi, Allaah haw naxariistee, isaga iyo ku xigeenkiisa koowaad, Abuu Suleymaan al-Naaser Lideen Allah," ayuu qoray bin Laden. "Waxaan doorbidi lahaa in aad xogta raggaa ku saabsan ka raadisid ilo badan oo ah walaaleheenna aad aamini kartid, si weyn aad ugu caddayso xaaladda.”
Tani waxay si cad u muujinaysaa in aanu bin Laden aqoon u lahayn al-Baqdaadi oo ahaa amiirka Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq, iyo inaanu waxba ka aqoon al-Nasser Lideen Allah, oo sida la aaminsan yahay ahaa "wasiirka gaashaandhigga" ee kooxda (oo ah jagadii uu horay u hayey Abu Ayyub al-Masri, oo dhaxlay Abu Musab al-Zarqawi oo madax u ahaa laanta Ciraaq ee al-Qaacida.)
Si kastaba ha ahaatee, al-Nasser Lideen Allah waxaa hawlgal ay ciidamada Ciraaq fuliyeen lagu diley February 2011.
Arrimahaan oo dhan ayaa muujinaya in geeridiisii ka hor bin Laden uu hoggaaminayey urur ay madaxdiisu u le’anayeen si isdaba-joog ah, iyo weliba maqnaanshaha gacan ku hayn ku saabsan go’aamada meelmarka ah ee ururradaas.
Hal sano ka dib geeeridii bin Laden, al-Zawahiri oo ah ninkii dhaxlay ayaa u muuqda in uu la hardamayo dhibaatadii oo kale; geerida isdaba-joogga ah ee hoggaanka; weerar joogto ah, iyo aqoon la’aan ay suuraggal tahay in aan wax badan laga aqoon hoggaamiyeyaasha laamaha ururka, waa haddii aanu helin taariikh nololeedyadii uu Bin Laden codsaday.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Fikrada jihaadka waxaa six un u adeegsaday dadka muslimiinta ah ee xagjirka ah, waxaanay ka dhigeen in jihaadku uu yahay dagaal lala galayo cidii kasoo horjeeda dadka xagjirnimada wada, laakiin anigu waxaan aaminsanahay in jihaadka dhabta ahu uu yahay dagaal muqaddas ah oo ka dhan ah cidkasta ama diin kasta oo isku dayda inay dadka muslimiinta ah diintooda ka saaraan, xaaladaasoo kale markay jirto waxaa dadka muslimiinta ah u banaan inay qoryaha qaataan si ay islaamka u difaacaan!!!
Usama bin ladin wuxuu u abuuray kooxda alqaacida ee argagixisada ah si uu dadyawga dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada reer galbeedka uu uga saari lahaa dawladaha carbeed. Kadibna kooxdan quwadeeda ayuu sare u qaaday, arrinkaana waxa uu ku gaadhay isagoo adeegsanaya diinta islaamka iyo caqiidadeeda, isagoo si qaldan u macnaystay diinta si danihiisa uu u fushado. Kooxdani way sii awood badatay taageerayaasheeduna way sii kordheen, markastoo ay kooxdani balaadhatona waxa sii kordhaayay dambiyada lagula kaco bini’aadamka ee ka dhaca dunida oo dhan. Argagixisadu iyagoon wax qoomamo ah dareemin ayay laayaan dadka, waxaanay ku andacoodaan inay dagaal muqaddas ah oo jihad ah ay ku jiraan. Dalalka ay kooxda alqaacida fadhiisimo adag ku leedahay horumarkoodu wuu cadilan yahay, waxaana hadheeyay dalalkaas saboolnimo iyo dhibaatooyin.