Kenya oo Tixgelinaysa bal in ay samayso sharci ardayda ka horjoogsanaya in ay qishaan imtixaannada dugsiga sare

Waxaa qoray Bosire Boniface oo Wajeer jooga

Maajo 15, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC) ayaa sameeyay sharci cusub oo dambi lagaga dhigayo qishida imtixaanaadka qaranka, ka dib markii ay soo baxeen eedaymo ku saabsan qishka imtixaanada oo baahsan kaasi oo sababay in waxba kama jiraan laga soo qaado natiijada sannadkan ee imtixaan ee arday ku dhow 3,000 oo arday.

  • Arday mudahaaradaysa oo maraysa jidadka Gaarisa ka dib markii wax kama jiraan laga soo qaaday natiijooyinkoodii imtixaanka dugsiga sare ee March. [Bosire Boniface/Sabahi]

    Arday mudahaaradaysa oo maraysa jidadka Gaarisa ka dib markii wax kama jiraan laga soo qaaday natiijooyinkoodii imtixaanka dugsiga sare ee March. [Bosire Boniface/Sabahi]

  • Macallimiinta oo April 13-keedii ka qayb-galaya dhagaysiga baaritaan ku saabsan joojinta imtixaanadii dugsiyada sare ee Gaarisa. [Bosire Boniface/Sabahi]

    Macallimiinta oo April 13-keedii ka qayb-galaya dhagaysiga baaritaan ku saabsan joojinta imtixaanadii dugsiyada sare ee Gaarisa. [Bosire Boniface/Sabahi]

Maamulaha Sare ee KNEC Paul Wasanga ayaa sheegay in Wasiirka Waxbarashadu uu April qaraarka soo hordhigtay baarlamaanka, iyadoo sharci-dejiyayaashana la filayo inay gorfeeyaan wixii isbadal iyo codayn ah ee ku saabsan xeer-dejinta sannadkan.

“Ilaa hada, dawladdu waligeed qofna kuma maxkamadayn qishida imtixaanada qaranka. Hab dhaqankani wuxuu aad u soo kordhayay shantii sanno ee la soo dhaafay, waxaan la imaanaynaa talaabooyin lagu baajinayo,” ayuu Wasanga u sheegay Sabahi.

Ardayda Kenya waxaa looga baahan yahay dhamaadka sannadkooda afaraad ee dugsiga sare inay maraan imtixaanka Shahaadada Waxbarashada Sare ee Kenya (KCSE) si ay u helaan shahaadooyinkooda qalan-jabinta, iyadoo taasi la’aanteed ardayna uuna shaqo codsan karin ama aanu sii wadin karin waxbarashada jaamacadaha.

Sharciga la soo bandhigay, ardayda imtixaanaadka qishta waxaa laga joojin doonaa inay imtixaan dambe galaan muddo ilaa saddex sanno ah. Iyaga iyo kuwo wax la soo maleegayba waxay mutaysan karaan xarig ilaa 10 sanno gaaraya iyo ganaax dhan 2 malyuun oo shillin ($24,000), ayuu yiri Wasanga.

Shakhsiyaadka imtixaanka suuqa soo galiya ama shaaca ka qaada nuxurada ay ka kooban yahay warqada imtixaanku iyo waxyaalaha kale ee la socda waxay mutaysan doonaan shan sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya ilaa 1 malyuun oo shillin ($12,000). Qofkasta oo qaybo ka tirsan imtixaanka lagu helo ka hor ama wakhtiga imtixaanada loo fariisanayo, waa la ciqaabi doonaa.

Intaasi waa dheer, ardayda imtixaanka galaysa ee isku diiwaan galisa magacyo been ah, iyo kuwa u oggolaada arday kale in ay imtixaanka u galaan, waxaa la soo gudboonaan doona xarig gaaraya ilaa laba sano iyo ganaax dhan 1 malyuun oo shillin.

“Waxaan rajaynaynaa in sharciga la soo jeediyay si degdega loo ansixin doono sannadkan si loo xamakeeyo ardayda was qishaysa iyo kuwa lasoo maleegayaba,” ayuu Wasanga yiri.

Bishii February, Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC) waxay joojisay natiijooyinkii imtixaan ee arday gaaraysa 2,927 oo arday sababtoo ah waxyaalo la isdaba mariyay iyo eedaymo ku saabsan qishka imtixaanada oo baahsan, sida ay sheegtay guddidu, 1,694 oo ah imtixaano aan caadi ahayn ayaa ka yimid Gobolka Waqooyi Bari.

Wada-shaqaynta gurracan ee hoose ee ka dhaxaysa ardayda, macallimiinta iyo kuwo suurta galiyay qishida iyo soo gelinta waxyaalo la xiriira qishida oo la soo galiyay fasalada imtixaanaadku ka dhacayeen ayaa ahaa halka ay dhibaatadu ka soo bilaabantay, ayuu Wasanga yiri. Wuxuu sheegay in wakhtigii uu imtixaanku socday ay masuuliyiintii imtixaanka maamulay ay dareemeen inay wax isdaba-maris jirto.

Ardayda imtixaanka laga joojiyay ma awoodi doonaan in ay hore u sii socdaan ilaa iyo inta ay dhibcahooda imtixaan si daacada u keenayaan, ayuu yiri Wasanga.

Maxamed Bunow Qorane, oo ah cilmi-baare ka tirsan Muasasada Jihan, oo taageera waxbarashada gabdhaha Gaarisa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in hawl dheeraad ah la qabto si loo hubiyo in gobolka aanay markale la soo gudboonaan in si baahsan natiijooyinka imtixaanka loo joojiyo, taasi oo ay ku jirto siinta agab dheeraada oo dugsiyada la siinayo.

Wuxuu sheegay in dhismiyaasha wax lagu barto oo aan wanaagsanayn inta badan dugsiyada gobolka ay sababto in ardaydu ay wadaagaan qalabka shaybaarka dugsiga yaala ee lagu tababarto, xataa marka ay socdaan imtixaanaadka qaranku.

“Sida caadiga ah imtixaanaadka sayniska waxaa lagu qaadaa shaybaarada ardayda ee dugsiga ku yaala iyagoo kormeerayaasha imtixaankuna ay arkaan ardayda oo wadaagaysa qalabka shaybaarka yaala iyagoo kormeerayaashi markaasi iska qaata go’aan ah inay meesha ka jirto qorshe laga soo shaqeeyay si uu ardayda uga caawimo inay wax qishaan,” ayuu Korane u sheegay Sabahi.

Joojinta imtixaanadu waxay keentay mudaharaadyo iyo dhagaysi dacwadeed bulsho oo ka bilaabanta gobolka.

Ardaydu waxay hadda sugayaan go’aanada ka soo baxa baaritaanka hawshiisa lagu jiro ee ku saabsan imtixaanada qaranka ee la joojiyay ee ay wadaan Guddiga Baarlamaanka u Qaabilsan Waxbarashada. Guddoomiyaha guddiga David Koech ayaa Sabahi u sheegay in guddigu ay wali ururinayaan warbixinta iyagoo si degdega dib-ugu-eegi doona wixii hadba la ogaado iyo wixii talooyin ah ee baarlamaanka ka jira.

Baaritaanka waxaa la amray ka dib markii madaxda la soo doortay ee matala gobolka, ee uu hormuudka ka yahay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ay ka hor-yimaadeen joojinta imtixaanka sidoo kalena baarlamaanka soo hor-dhigeen mooshin codsanaya baaritaan cilmiyaysan oo ku saabsan imtixaanaadka. Af-hayeenka baarlamaanka Keneth Marende ayaa bishii April amray baaritaan arintaasi la xiriirta.

Maxamed Afey, oo ka tirsan xisbiga Orange Democratic Movement una sharaxan mid ka mid ah 12-ka kursi ee xisbigu ay ku leeyihiin baarlamaanka oo uu xisbigu kuraastooda soo xulan doono , ayaa Sabahi u sheegay in imtixaan qishidu ay tahay wax dhici kara, laakiin ay hadal ka keeneen xaqiiqada waxyaalaha KNEC ay soo ogaatay.

Taasi mid la mid ah, ardayda, macalimiinta iyo waalidka ayaa sheegay inay aad ula yaabeen in gobolku sannadkii la soo dhaafay noqdo goobta ugu tirada ugu badan ee ay ka jirto waxyaalaha la isdaba mariyo, iyagoo su’aal ka keenay warbixinta KNEC ay baaritaankeeda ku soo ogaatay markii ay dhagaysida dacwada April 13-keedii kula lahaayeen xubno ka mid ah guddiga hawshaasi loo soo magacaabay.

Xuseen Cabdi Muxumed, oo 17 jir ah ahna arday ka socday Gaarisa oo imtixaankiisii la joojiyay, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay isaga si qoto-dheer u saamaysayay. Joojinta natiijada dhibcaha imtixaankiisu, ayuu yiri waxay ka dhigan tahay in aanu u sii gudbi karin in uu kuleejo aado ama jaamacad ama inuu shaqo raadsado.

“Ka dib markii la joojiyay natiijooyinkii, qalbigaa i jabay,” sidaasi ayuu xubnaha ka tirsan guddiga u sheegay dhagaysigii dacwada ee ka dhacday Hoolka Shirarka Dugsiga Sare ee Boys Town.

Waalidka Aadan Ibraahim Axmed ayaa guddiga u sheegay in gobolkaasi in ka badan 40 sanadood aanu kaalin fiican ka galin imtixaanada, wuxuuna mas'uuliyiinka ka codsaday in ay dib-u-qimeeyaan natiijada dhibcihii imtixaanada ee la joojiyay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 7)

Dislike_icon(2)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada