Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |
Maajo 11, 2012
Ciidamada bilayska Soomaaliyeed waxay u riyaaqeen haweenka bilayska ka tirsan in ay taageero ka gaystaan nabadda iyo deganaashaha iyo inay awood u siiyaan DFM siddii ay ugu gudbi lahayd in ay bisha August noqoto dawlad la soo doortay.
Taliyaha ciidamada bilayska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Meh ayaa Sabahi u sheegay in ay ciidamada bilaysku ay qorteen 18,00 oo haween ah ilaa iyo bilowgii 2011-kii. Wuxuu yiri dawladda ku-meel-gaarka ahi waxay albaabada u furtay haweenka inay ku soo biiraan askarta iyo bilayska iyadoo ay tahay hab ay ku jabiyaan aamusnaantii iyo cabsidii ay ku soo rogeen xoogagga xiriirka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab.
Meh wuxuu yiri gabdhaha da'da yar yari iyagoo xayn xayn u socda ayay imaanayeen xarumaha lagu qoro askarta iyo bilayska si ay u noqdaan ciidan hela mushahar dhan $200 bishii. Inkasta oo ay shaqada bilaysku ee Soomaaliya ay tahay mid aad u khatar badan, hadana waxay noqotay dookha shaqo ee haweenka raba inay sameeyaan tanaasulaad si ay ammaan ugu soo celiyaan dalkooda, ayuu yiri taliyuhu.
Haween ka tirsan ciidamada bilayska ayaa hadda waxaa lagu arki karaa suuqyada Muqdisho, dhismayaasha dawladda, iyo gawaarida gaashaaman ee millitariga, bilayska roondada ku jira iyo kala horidda gaadiidka, iyadoon arimahan midna aysan suurta-gal ahayn sannadihii la soo dhaafay.
Gaashaanle sare Maxamed Cismaan Jilicow oo ciidamada ka hawl-gabay ayaa sheegay in haweenku ay u xiiso-qabeen in ay u adeegaan dalkooda una ilaaliyaan degganaanshaha iyo ammaanka dadka Soomaalida.
Jilicow ayaa sheegay in isku-day dileed ee ay soo maleegaan kooxaha Islaamiyuuntu iyo qoysaska oo mucaaradad ka keena ayaa haweenka ka hor-istaagi jirtay inay ku biiraan askarta millitariga iyo bilayska, iyagoo rumaysnaa inay wax u dhimayso diintooda iyo dhaqankooda.
Si loogu qalmo in laga mid noqdo askarta bilayska, haweenku waa inay xeryo Soomaaliya dhexdaada iyo dibaddeedaba ku yaala ku qaataan tababar adag.
Jeneraal Xuseen Mukhtaar Afrax, oo ah taliye ka tirsan bilayska Soomaaliyeed oo ku caan ah hoggaaminta dagaalkii 2006-kii Ururka Midowga Maxkamadaha xukunka lagaga cayrshay, ayaa Sabahi u sheegay in bilaysku ay haweenka Soomaaliyeed ku tababaraan akadamiyayaal ku kala yaala Muqdisho iyo tuulada Carmo oo magaalada Boosaaso u dhow.
Wuxuu sheegay dedaallada lagu xoojinayo joogitaanka bilayska degaanku ay fursad u tahay yaraynta culayska saaran AMISOM.
Afrax wuxuu Soomaalida ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay siinayaan dawladda ku-meel-gaarka ah ayna gabdhahooda u oggolaadaan inay ka mid noqdaan ciidamada nabad-sugida iyadoo ay tahay hab lagu yaraynayo rabshadaha laguna soo af-jarayo xukunka kooxaha xag-jiriinta ah ee ka jira qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta dalka.
Faadumo Cismaan, oo 24 jir ah, ayaa tababarkeedii ku dhamaysatay saldhiga bilayska Manyani ee ku yaala Mombaasa, Kenya, iyadoo mudo ilaa afar bilood ah ku shaqaynaysa askariyad bilays ah ahaan.
Faadumo waxay u sheegtay Sabahi in aad ugu faraxsanan tahay in ay u adeegto dalkeeda iyo dadkeeda. Waxay sheegtay inaty rabto inay dib-u-soo-celiso deganaanshihii iyo inay dejiso qaab dawladdeed oo qofkasta u oggolaanaya inay nabad ku noolaadaan.
Waxay Faadumo sheegtay in haweenka ay iyadu ka mid tahay iyagoo kooxo badana ay sannadkii la soo dhaafay bilaabeen inay ku biiraan bilayska iyo millitariga, markii dawladda Soomaalida iyo isbahaysigeedu ay al-Shabaab ka saareen saldhigyadii ay Muqdisho ku layaaheen.
Gaashaanle sare Cabdillaahi Shiine, oo ah taliye ka tirsan ilaalada madaxweynaha ee Villa Soomaaliya, ayaa Sabahiu sheegay in ku darida haweenka ee ciidamada ammaanka ay taageero ka gaysayo baarida guryaha iyo baarida haweenka ku sugan goobaha bulshadu ku badan tahay.
"Dambiilayaasha qaarkood waxay ku dhuuntaan haweenka gadaashooda," ayuu yiri Shiine. "Xoogagga al-Shabaab iyo dadka maan-dooriyayaasha ka ganacsadaa waxay haweenka guryadooda ku nool u adeegsadaan si ay u qariyaan hubkooda iyo waxyaalaha ay ka ganacsanayaan, sababtaasi darteed, hawl-galka baaritaanada ee lagu soo helayo waxyaalahaasi waa lagu guul-daraystay."
Xabiiba Axmed oo 22 jir ah, waxay ciidan bilays ahaan uga shaqaysaa goob dadka lagu baaro oo ku taala Kaantaroolkii hore ee Afgooye afaafka laga galo Muqdisho. Gaadiidlayda ka imanaysa jihada goobtii horre ee ay al-Shabaab xooga ku lahaan jirtay ee Ceelasha Biyaha iyo Afgooye waxaa lagu fatashaa goobta dadka lagu baaro ka hor intaanay galin caasimadda.
Xabiibo waxay bartaa dumarka si ay u hubiso inaanay sidan wax hub ah ama waxyaalaha kale ee qarxa. Xubnaha ragga ee ka tirsan ciidamada ammaanka ee ku sugan goobta dadka lagu baaro waxay baaritaano culus ku sameeyaan gawaarida iyo dadka rakaabka ah.
"Waxaan naftayda u arkaa inaan geesiyad ahay sababtoo ah waxaan kala dhantaalay hawl-galo badan oo fulin lahaayeen haween ka soo safray dhinaca degaanada ay al-Shabaab ka taliso oo ku sii jeeday Muqdisho," ayay Xabiibo tiri. "Waxaan awoodday inay fashilo weeraro ismiidaamin ah iyo walxaha qarxa oo si sharci-daro ah loogu waday suuqa Bakaaraha iyadoo lagu fuliyo hawl-galo lagu beegsado ciidamada ammaanka.
Xabiibo waxay sheegtay in go'aankeeda ay kaga mid noqotay ciidamada ammaanku uu ahaa mid shakhsiyan ah.
"Wali waan dagaalamayaa si aan u tirtiro argagixisanimada walaalahay ku dishay magaalada xeebta ah ee Marka. Waxaa lagu eedeeyay inuu u basaasayay ciidamada dawladda sababtoo ah wuxuu ahaa arday, mana gaarin sannad-guuridii labaatanaan ee ka soo wareegtay dhalashadiisa,"ayay Xabiibo tiri. " Waxaa nalagu khasbay inaan magaalada ka tagto, sababahani dartood, ayaan u go'aansaday inaan ku biiro bilayska si aan geesiyad ugaarsata cadawga nabadda."
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Mabaan ogayn in su’aashani tahay mid la isku itaxaamo, waxaan wakiilka ka codsanayaa inuu ii ogolaado hadalka bari oo taariikhdu tahay 31/07/12, waayoo dadaal ayaan u galay sidii aan Soomaaliya wax uga ogaan lahaa. Runtii dumarku waa ragga noloshooda.
Nin kasta oo guul gaadha waxaa ka dambaysa qof dumar ah, waxaana hore loo yidhi far kaliya fool ma dhaqdo.
Dumarka Soomaaliyeed hadda waxay ku jiraan ciidamada iyo bilayska!! Hambalyo. Alshabaab waxaan leeyahay is jira, sida ugu wacan ee aad yeeli kartaana waa idinkoo ku soo biira dadaalka loogu jiro in dalkiina lagu nabadeeyo, waana inaad waxad aaminsantihiin ka doorbidaan nabadda, is jeclaanshaha, wada noolaanshaha iyo horumarka. Waxyaabaha aad aaminsantihiin maaha dadka u cuntamaya, dadka Soomaaliyeedna dhamaantood waa inay gacmaha is qabsadaan, oo ay la shaqeeyaan hooyooyinka iyo dumarka walaaleheen ah ee naftooda u huraya sidii ay dalkan wacan nabad ugu soo celin lahaayeen. Howl wacan ayaad qabateen marwooyin, howl wacan, Ilaahay baa idinla jira. hore u socda, hore u socda, hore u socda
Hal milyan oo qof ayaa sumcada wanaagsan dhisideedu u baahantahay, laakiin hal qof oo doqon ah oo nacas ah ayaa ku filan inuu baabiiyo waxaad dhisteen oo dhan. Lucky Philip Dube. Dumarku waa tiirarka ay ku taagantahay nabadu, talaabadan taduwucnimada ah ee ay dumarka soomaaliyeed qaateena waxay wax ka badali doonta waaqica soomaaliya ka jir. Waxaan leeyahay halkaa ka haya, oo dalkiinana dhisa si aad ugu faa’idaysaan carruurtiina iyo kuway sii dhalaan carruurtiinu. Arrinkani maaha hawl fudud, laakiin waa la qaban karaa oo waa laga soo bixi karaa. Ugu dambayntana carruurta oohintooda waxa badali doona qosol iyo rayn-rayn. Alshabaab ma ogsoona waxay ay dalkooda u gaysanayaan.
Waan ku faraxsanahay guulaha ay gaadheen ciidamada Amisom iyagoo kaashanaya ciidamada soomaaliyeed, laakiin hadii aan laga war hayn, waxa dhici karta in kooxda alshabaab ay dadka soo dhex gasho marlabaad, si ay u bilaabaan fulinta dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada ah.
Aniga waxay ila tahay waa wax lagu faano oo ay la yimaadeen dhalinyaradan dumarka ahi la yimaadeen mar hadday ogolaadeen inay hawshaas argagaxa leh ay u babac dhigaan.
Shaqo wanaagsan ayaad qabateen, haduu alle idmo waad ku guulaysan doontaan inaad khatarta nadiifisaan.
Dumarka soomaaliyeed ee wacan waan idin salaamayaa
Dumarka soomaaliyeed waad mahadsantihiin, waan idiin xushmaynayaaa...
Hambalyo dumaryohow awooda lihi, waxaad ku amaanantihiin geesinimada aad ku waajahdeen ciidamada cadawga. Ilaaha wayn waxaan ka baryayaa inuu idinku manaysto barako. Xididada haloo siibo si nabad iyo isjeclaan iyo daganaansho ay dalka uga hirgalaan. Waan idin hambalyaynayaa marlabaad iyo mar saddexaadba.
Ha noolaadeen dumarka soomaaliyeed ee wadaniyiinta leh, waa arrin wacan mar hadii ay haatan ku biireen ciidamada booliska.
Maqaalkani waa maqaal si wacan loo qoray. Dumarka soomaaliyeed waxay shaqo tabaruc ah u galeen sidii loo keeni lahaa dalka daganaansho isla markaana amaanka dalkooda loo horumarin lahaa. "Halkaa kawada hawsha wacan" qaar badan oo katirsan argagixisadu waxay ku dhuuntaan dumarka gadaashooda, markaa haatan waxa la joogaa wakhtigii ay isa soo dhiibi lahaayeen.
Wada howsha dumarkoow
Anigu waxaan hambalyaynayaa dumarka soomaaliyeed, waxaanan leeyahay ilaahay ha idin barakeeyo. Mahadsanidiin. Caroline.
Waa si wacan, dadka reer Kenyana way jecelyihiin arrinkaas. Waa wax fiican in soomaaliya haddeer wax xoogaa soo miyirsanayso, waxaan jecelnahay inaan aragno soomaaliya oo barwaaqo noqoto. Dumar geesiyiin ah ayaa tihiin, hore u socda! hore u socda! hore u socda! hore u socda!
Gacan baan u taagay dumarka soomaaliyeed oo way ammaanan yihiin
Dumarka soomaaliyeed waa qaar qiimo wayn, waxaana laga yaabaa inay hormood ka noqdaan nabada ay dunida oo dhami sanadaha badan sugaysay. Ilaahay ha idin barakeeyo intaad hawshaas ku jirtaan.
Dumarku waa hooyooyin iyo waalid, waxaanay taa kala mid yihiin raga. Dumarka wanu u baahanahay si ay inoo taageeraan oo dalkeenana u taageeraan. Waxaan leeyahay ha loo oggolaado inay mansab qabtaan si ay gacan uga gaystaan horumarinta qaranka. Waxaan leeyahay dumarku xuquuqdooda ha u dagaallameen, anaguna waanu idin garab taaganahay, khayrna waa idiin rajaynaynaa.
Waa arrin wacan in dumarka laftoodu ay dalkooda u dagaalamaan oo u dhintan, waxaanan hambalyaynayaa dumarka soomaaliyeed.
waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dumarka soomaaliyeed anigoo ku hambalyaynaya go’aan qaadashada ay go’aansadeen inay masiibada dalkooda ku habsatay ay tirtiraan, markaan waxaan leeyahay braafo.
Dumarka soomaaliyeedoow.. waan idin salaamayaa waanan idin hambalyaynayaa.
Dumarku waxay xaq u leeyihiin inay arrinkan gadhwadeen ka noqdaan. Dumarku waa kuwa dhabarka u rita dhibaatooyinka dagaallada, sababtoo ah ma awoodaan inay walaalohood ka yaacaan. Dumarku laftoodu wax way saamayn karaan, iyagaana keeni kara xalka loo baahanyahay. Waxaan leeyahy marwooyinka soomaaliyeed hambalyo oo intaad gacmaha is qabsataan dib ula soo noqda dalkiina hooyo.
Sidaasi waa sida kaliya ee horumar lagu gaadhi karo, marka ay dumarku ka qaybgalaan dhismaha dalka, sidoo kalena waxay sahlaysaa in nabadayntu gaadho bulshada soomaaliyeed dhamaanteed. Dalka soomaaliyeed waa cusub ayaa u baryay, markaa waa in dumarka soomaaliyeed la tusaa in ay dalkooda u shaqayn karaan, oo ay xitaa hogaamin karaan. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu soomaaliya ciidankeena ku xoreeyo.
Run ahaantii dumarka ayaa ku haboon in soomaaliya iyo dalalka kaleba ay dejiyaan, waxaanan idinku hambalyaynayaa fikradaas!
Tani waa habka dawldaha jaarka nala ah iyo walaalaha Somaaliyeedba ay tahay inay qaataan. Waa inay nabagalyo ku noolaadaan, dumarkuna waa inay arrinkan ka qayb qaataan…………….halgana halkaa kasii wada.
Waxay ragu qaban karaan dumarkuna way qaban karaan oo waliba si ka wacan ayay u qaban karaan!
waaw, arrinkani waa dhiiri galin leh, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan arko hooyooyinkeena oo ka qayb qaadanaaya sidii dalkeena hooyo nabad looga dhalin lahaa, waxaanay diyaar u yihiin inay dadka wasakhda ah dalka ka safeeyaan.
hambaliyo ayaan idin leeyahay waa in ay dumarku halkaa kasii wadaan hawsha amniga nabad gelyada ee ay bulshada u hayaan aad baanay ugu mahadsan yihiin
Arrinkani waa arrin wacan oo xukuumada Soomaaliyeed ay qabatay, dumarkana waxaan leeyahay hambalyo mar hadii aad ogaateen in nabadgalyadiinu ay idinka idinku xidhan tahay. Waxaan leeyahay afrikaanka kale waa inay ku daydaan dhaqankiinan oo kale.
Dumarka soomaaliyeed waxaan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen, insha alaah ilaahay ayaa ka caawin doona wax kasta oo ay doonayaan inay qabtaan.
Waxa hadda la joogaa wakhtigii nabad la heli lahaa, markaa aan fikradaha qaldan ee xun ka fogaano. Waxa jira carruur yaryar oosan garanahayn nabada micneheeda. Xeryaha qaxoontiga looguma talogalin soomaalida oo kaliya.
Hambalyo walaaleheena dumarka ah.
Dumarka soomaaliyeed waxaan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen. Quruumihii hore waxaa noolaa dumar iyaga laftoodu u dhashay dhiiranaan iyo fariidnimo, waxaana ka mid ahaa dumarkaasa gabadhii la odhan jiray Esther ee Bible ka lagu sheegay, iyo gabadhii la odhan jiray Miriam ee nabi muuse walaashii ahayd. Waxan rumaysanahay in dumarka soomaaliyeed ay doorkooda ku munaasibka ah ka ciyaaraan bulshada dhexdeda, isla markaana waa inay wixii ragu hore u dumiyeen iyo waxa ay mustaqbalka dumin doonaan labada dhisaan, waana inay noqdaan hogaamiyayaal dhab ah oo naftooda huray. Ilaahay ha barakeeyo soomaaliya iyo dumarka soomaaliyeed, iyo cidii qortay maqaalkan aadka u wacan.
Soomaalida waxaan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen mar haddii aad dumarka u ogolaateen inay ka qayb qaataan soo celinta nabada. Sidoo kale, wacyi-galiya oo u ogolaada dhallinyarada inay ka qayb qaataan arrinkan. Waxaan idiin rajaynayaa guul inaad ka gaadhaan hawl kasta oo aad guda gashaan.
Waa ra’yi wacan ayaan leeyahay Somaliland mar hadii aad u ogolaateen dumarka qalbiga adag in ay ku biiraan ciidanka. Dumarku waxay ogyihiin xanuunka ay leedahay dhalmadu, aniguna waan jecelahay dumarka, sababtoo ah waa waardiyaheenna ugu muhiimsan, waxaanan leeyahay si dhakhso ah ayaad nabad u heli doontaan, laakiin waxaan soo jeedinayaa in loola dhaqmo sidii walaalihiin ama hooyooyinkiin.
Anigu waxaan is adag uga soo horjeedaa in dumarku ay noqdaan booliis iyo wixii la hal maala, sababtoo dumarku way u nugul yihiin dhibaatada.
Waxa ragu qaban karo dumarkuna way qaban karaan, arrinkaasina inaga ayuu inagu xidhan yahay. Dumarka Soomaaliyeed waxay qaadeen tallaabo aad u wacan, waxaanan qabaa in dadaalkoodaasi uusan hal bacaad lagu lisay noqon doonin. Waa in gabi ahaamba la baabiiyaa dadka nabada la cadawga ah!
Shaqo wacan ayaad qabateen walaalahayga dumarka ah ee soomaaliyedoow, ilaahayna wuxuu la jira kuwa samirka la yimaada.
Ragu si ay u noqdo ceeb-ka-saliim, waxay u baahan yihiin dumar, dumarkana waxa lagu yaqaannaa inay yihiin kuwa nabada ka shaqeeya, sababtoo ah markastoo dagaal dhaco, dumarku waxa soo gaadha saamaynta ugu ballaadhan. Markaa si ay soomaalidu u helaan nabad, waa in dumarku arrimaha Soomaaliya ay lug ku yeeshaan. Waxaan leeyahay dumarka Soomaaliyeed shaqo wacan ayaad qabateen, ilaahayna waxaan idiinka baryayaa inuu idin siiyo dhiiranaan, si aad kooxda alshabaab u baabiisaan.
Wadajirku wuu guulaystaa.
Habka ugu wacan ee lagu badbaadin karo dalka soomaaliyeed waa iyadoo loo ogolaado dumarka da’da yar inay ku biiraan booliiska iyo ciidamada milatariga. Dumarka soomaaliyeed in badan ayaysan fursad u helin inay dalkooda badbaadiyaan, taasoo ay ugu wacnayd dhaqanka dalka ka jira iyo waxa diinta ay dadku ka aaminsanyihiin. Markaa arrinkanin wax caawimo ah ma leh, dumar iyo caruur badanina way dhinteen. Markaa dumarka ayaa labada ku wacan inay bulshada ilaaliyaan, gaar ahaan dumark iyo carruurta. Markaa anigu waan taageersanahay barnaamijkan.
Sidaa way yeeli karaan sababtoo ah ilaahay ayaa iyaga la jira, markaa dumarku waligood is ma dhiibaan.
Arrinkaasi waa talaabo wanaagsan in la nabada la soo cesho, dumarka oo qudha ayaa garanaya xanuunka la waayayo uu yahay dhiig
Waxay ragu qaban karaan dumarkuna way qaban karaan.
Dalka soomaaliyeed haduu midoobo wuxu dib usoo ceshan doonaa nabada iyo daganaanshaha uu baahida u qabo. Arrinkanina dadka soomaaliyeed oo kaliya faa’ido uma aha, ee wuxuu sidoo kale faa’ido u yahay dalalka jaarka ah iyo aduunkaba guud ahaan. Waxan qadarin u dirayaa dhamaan dumarka arki doona riyadan oo rumoowday.
Dumarka soomaaliyeed ha noolaadeen. Dumarkani waa cida kaliya ee gacan ka gaysan karta in dalka nabadi ka dhalato. Dhinaca kale, cidda waxyeelada ugu badani ay soo gaadho xiliyada colaaduhu jiraan waa dumarka iyo caruurta. Waxaan ilaaha wayn ka baryayaa inuu caawiyo dumarka oo uu awood siiyo. Nabad soomaaliya ka dhalataa waxay ka dhigantahay nabad afrika ka dhalatay.
Aniga waxay ila tahay waxa tusaale wacan u tahay dumarka kale ee aduunka ku dhaqan, waxaanan jecelahay inaan hambalyo u diro dumarka soomaaliyeed, waxaanan ku hambalyaynayaa dhiiranaantooda iyo mooraalkooda sareeya, waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu tubta tuusan ee ay hawshan ay hayaan u mari lahaayeen ku hago.
Hagaag! maxaan dhahaa, dumarku way u qalmaan arrinkan, markaa sida uu qof iga horeeyay sheegay, waa in dumarku la siiyaa jagooyin hogaamineed oo badan. Waxaan leeyahay hambalyo dumarka soomaaliyeedoow.
Maxaad beenta u sheegaysaa, dumarka aduunkoo dhan ayaa laga ogyahay inay nabada jecel yihiin, dhab ahaantiina dumarka soomaaliyeed iyaga ayay saamaynta ugu wayn ku yeesheen dagaaladan bilaa micnaha ahi. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu siiyo calool adayg iyo adkaysi si ay uga hortagaan dambiilayaashan.
Waxan ku faraxsanahay inaan akhriyo in dumarka islaamka ah ee soomaaliyeed ay haatan gacan ka gaysanayaan dabar goynta ururka alshabaab. Waxaan leeyahay walaalayaal halkaa kasii wada, bari dhowna tuugta alshabaab dalku wuu ka xoroobi doonaa.
Haa, waxannu u baahannahay nabad!
Aad ayaad u mahadsantihiin walaalah dumarka soomaaliyeed ee iyagu ah kuwa nabada ka wada dalka. waxan leeyahay soomaaliya ha noqoto qaran nabdoon oo yaysan noqon qaran colaadeed. Waxaanan ilaahay ka baryaynaa inuu awood siiyo si ay uga adkaadaan argagixisada, anaguna iyaga waanu taageersanahay.
Maqaalka aad ayaan uga helay.
Aniga waxay ila tahay kooxda alshabaab waa inay wada hadal la galaan dawlada haatan jirta, sababtoo ah alshabaab laftoodu waa soomaali, sifo markaa nabad loogu helo Soomaliya iyo gobolka. Dagaalkan aan joogsiga lahayni waxa kaliya ee ka dhashaa waa dhibaatooyin laxaadleh oo ku habsada dadka soomaaliyeed, kuwaaso haatan meel walba qaxoontinimo ku jooga, aduunkuna uu ka daalay. Dadka soomaaliyeed waxay bari ahaan jireen dad qab wayn, laakiin maanta waxay yihiin qaar wax dawarsada oo kootarabaan ka shaqaysta, waanay yaryihiin dadka aamini karaa, sababtoo ah tacliintoodu aad ayay u hoosaysaa. Dadka soomaaliyeed waxa ku waajib ah inay talaabo dhiiran qaatan oo ay xaga nabada u kacaan, waayo sidaas ayuu dalkoodu mar labaad ku noqon karaa qaran culus oo ka dhisan geeska afrika, oo arrimaha afrika wax laga waydiiyo.
Waxaa Mahad Leh, illahay, waxaan ku farax sanahay in Somalia maanta ay gaadhay qaan gaadh, iyadoo ka soo gudubtay xiliyo badan oo ay wax ka baran karto, runtii nasiib daro ayay noqonaysaa hadii ay maanta Somalidu ay wax ka baran waayaan waayihii soo maray, waxaana haboon oo ila quman in ay Somalidu wax ku qaadato mudo dheer oo mushkilad iyo qax, iyo mashakil ay ku jirtay, cashrna ka barato cidkasta oo wax ku dhaanta, Tusaale ahaan, walaalahooda Somaliland wadadii fiicnayed ee ay mareen isla markaana dawladnimada iyo maamulka suuban ku gaadhen in ay maraan xitaa ay talo ka qaataan, waa intaasoo Rabi (swt) dawada Somalia iyaga u soo dhiibaaye, Somaliland ,maaha mid maanta Somalia u baahan, ee Somalia ayaa runtii maanta Somaliland u baahan, Rabi Somalida ha garadsiiyo dantooda, . Aamiin.....Aamiin........Aamiin
Waxay u eegtahay in ilaahay dumarka ka dhigay qaar adkaysi badan. Sidoo kale, dumarku waxay ku wacan yihiin shaqooyinka maamulka iyo hogaaminta. Waan ka xumahay wiilal kale ayaan dhalay, laakiin waxay ila tahay in ragga hoggaanka haya ay adduunyadoo dhan fashaliyiin, oo xittaa ilaahii abuurtay ay ku ballan-fureen!!! Arrinkani waa calaamad xaga samada ka timid, oo ah in dumarku ay rabaan inay noqdaan cidii dalka soomaaliyeed ee burburay nabad ugu soo celin lahaayeen. Waxaan ilaahay ka baryayaa in sida ugu dhakhsaha badan ay soomaaliya noqoto meel dadku u dalxiisaan, oo ay ku raaxaystaan nabada taala. Raxmadda Ciise ha idin gaarto.
Wali lama saadaalin karo in kooxda alshabaab ay diciiftay oo ay nabad iyo miyirqab dalka kusoo noqon doonaan. Xataa haday kooxda alshabaab daciifto, cida badaylasaana way kasii diciifsan yihiin. Tusaale ahaan xukuumadu waxay ku jirtaa xaalad aad u adag, dumarkuna inkastoo ay ciidamada ku jiraan, laakiin arrinkaasi waxba badali maayo. Markaa waxaynu u baahanahay waa dawlad-wanaag iyo madax masuul ah. Kuwan caloo-shood u shaqaystayaasha ah ee loogu yeero DGKM kama jawaabi karaan heshiisyada ay galeen iyo tafaasiisha waajibaadkooda, baarlamaan ku sheega TFG duna waa dad dhintay, wasiiraduna waa annaaniyiin u shaqaystayaal ah oo danahooda gaarka ah wata, ciidamada AMISOM iyaguna waa ciidamo laga keenay dawladaha afrika ugu liita, waana qaar ku fashilmay inay dalalkooda wax ka qabtaan, laakiin iyadoo arrinku sidaa yahay ayay qaramada midoobay ka dhigtay oo gaadhsiisay heer sare.
Sinaanta raga iyo dumarka waa in la xurmeeyaa, waxaanan leeyahay dumarkeena hambalyo shaqa wacan ayaad qabateen.
Waxa hubaal ah in soomaaliya ay qaangaadh noqotay. Dumarkuna waa bini’aadam, dhab ahaantiina waxay u shaqeeyaan si daacadnimo ku dheehantahay.
Waxaan hambalyo u dirayaa dumarka soomaaliyeed ee naftooda u huray inay dhibaatadan u babac dhigaan oo ay dalkooda ka daafacaan argagixisada. Aniga waxay ila tahay dumarkani waxay noqon doonaan hooyooyin soomaaliyeed oo dunida oo dhan.
Hambalyo kash iyo lab ah ayaan idin hambalyaynayaa walaalahayga, taasi oo ay ugu wacan tahay dhiiranaanta aad muujiseen.
Anigu waxaan qabaa in ay al-shabaab maanta ugu liidato sidaaa daraadeeda waxa aan u soo jeedinayaa shacabka iyo dawladda soomaaliyeed in meel looga soowada jeesto sidii nimankaaas dalka looga qabanhaay
Waa arrin wacan in haatan uu soomaaliya caqligu ka shaqaynayo, waxaanan soo jeedinayaa in dumarka loo ogolaado inay shaqooyinka milatari iyo shaqo kastaba ay qabtaan. Dagaalkan haatan soomaaliya ka socdaa wuxuu bilawday anigoo ilma yar ah, maantana nin wayn ayaan ahay. Miyaydaan ka daalin dagaalka dadyohow? fadlan dagaalka jooja oo bilaaba dib u dhiska dalka, oo sida dalaka jaarka ah noqda, waayo dalalka jaarka ahi waa dalal nabdoon. Waxaa inala gudboon inaynu ilaahay barino oo waydiisano inuu soomaaliya usoo diro malaa’ig si soomaaliya nabad uga dhalato oo dhibaatooyinkan loo soo afjaro.
Waxaynu u baahanahay waa kaliya in nabad la helo, hadii taasi dhacdona, waxa aynu yarayn karnaa dhibaatooyinka jira. Waxa aan alshabaab usoo jeedinayaa inay joojiyaan khatarta ay ku hayaan ciidamada.
Waa wax wacan. Dumarka waa in laga faa’idaystaa oo ay taa kala mid noqdaan ragga, waana in looga faa’idaysta ka hortaga iyo xakamaynta argagixisada. Sidoo kale, dumarku waa hooyooyin, waxaana ay saamaynta ugu wayn ku leeyihiin caruurtooda. Dumarku waa nabad-sameeyayaasha rasmiga ah.