Maajo 10, 2012
Labo mishiin oo kuwa kelyaha sifeeya ah ayaa lagu rakibay Somaliland si loogu daweeyo bukaannada kelyaha oo markii hore daweyn u doonan jirey waddamo kale.
Mashiinnada waxaa Somaliland ugu deeqay Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta 2009-kii, laakiin ilaa haatan lama hawl-gelinin.
"Lama rakibin waayo ma aynaan haysan cid aqoon lagu rakibo leh iyo cid wax ku tababbarta toona,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaaadka ee Somaliland, Dr. Xuseen Muxumad Maxamed oo la hadlayey Sabahi.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay Hindiya ka soo kiraysatay farsamo-yaqaanno iyo dhakhaatiir, iyadoo taasi ay qayb ka ah himilada ay dawladdu sare ugu qaadayso tayada adeegyada caafimaad ee dalka.
"Somaliland waxa ka jira baahi weyn, waayo in badan oo ka mid ah bukaannada oo qabay dhiig kar, sokorow iyo kelyo xanuun ayay cudurradaasi ku sababaan kelyaha oo fadhiista, deedna waxay u baahdaan kelyo-sifayn,” ayuu yiri. “Mishiinnadaani ma beddeli doonaan kelyihii bukaannada, laakiin waqtiga xaadirka ah waa lagu daweyn karayaa.
Maxamed waxa uu sheegay in aanay dalka oollin mishiinno ku filan in ay daweeyaan tirada faraha badan ee bukaannada ah ee u baahan kelyo sifaynta. Si aannu u daboollo baahidaa, mashiinkii kelyo-sifaynta ee markii hore loo qaaday Burco waxaa lagu soo celin doonaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa. Waxaa kale oo uu sheegay in ay dawladdu rajeynayso in ay dhawaan dawladda Ingiriiska ka hesho saddex mishiin ee gacan-tii labaad ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dawladdu ka shaqaynayso in ay qiimaha daryeelka caafimaad ka dhigto mid ay dadku heli karaan. “Waxaannu aad isugu dayeynaa in aannu daryeelka caafimaad u qiime-jebinno dadka uu hooseeyo dakhliga ay xoogsadaan oo dhibaatada kala kulma in ay iska soo daweeyaan Addis Ababa,” ayuu yiri Maxamed.
Dr. Axmed Weli Daahir, oo ah madaxa unugga kelyo-sifaynta ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa Sabahi u sheegay in ay bukaannada Somaliland adeegyo caafimaad u doonan jireen Addis Ababa, Dubai, Malaysiya, Jibuuti, iyo Nairobi. “Bukaannadaasi waxay geli jireen kharaj safar iyo wid daweyneed ilaa $5,000 ah,” ayuu yiri.
Daahir ayaa ka mid ah 30 dhakhtar oo Soomaaliyeed oo ay soo dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Finland oo ay is kaashanayaan Ururka Caalamiga ah ee Hijrada si ay u caawiyaan daryeelka caafimaadka ee Somaliland.
Daahir ayaa Sabahi u sheegay in ay mishiinnadu shaqaynayaan saddex beri maalintii aanay kelyo sifayn u samayn karaan lix bukaan. “Bukaan kasta oo u baahan kelyo sifayn waa in uu daweyntaa helo laba jeer toddobaadkii,” ayuu yiri, isagoo ku daray in uu bukaan kastaa bixiyo $70 halkii booqashaba.
Daahir ayaa tiknoolojiyadan u tababbaraya 12 xirfadleyaal caafimaad ah oo maxalli ah si ay daweynta kelyo sifaynta ugala wareegaan dhakhaatiirta shisheeyaha ah. Wuxuu sheegay in ay haatan marayaan bishii labaad ee tababbar saddex bilood ah.
In kastoo ay bukaanno badan oo kelyaha ugu ay ka faa’iidaysan karaan adeegyada kelyo sifaynta ah, weli qiimuhu aad ayuu qaali ugu yahay.
Layla Jaamac ayaa ah hooyo dhashay siddeed carrur ah oo uu saygeedu qabo dhiig kar uuna haa bukaankii ugu horreeyey ee kelyaha loo sifeeyey bishoo hore. Wuxuu sheegay in ay dhakhaatiirtu kula taliyeen in ay odaygeeda kelyo sifaynta keento toddobaadkiiba laba jeer muddo hal sano ah.
Laakiin Layla oo iyadu jaad ku iibisa Hargeysa ayaa Sabahi u sheegtay in aanay awoodin in ay bixiso khidmadda kelyo sifaynta. “Ma awoodo in aan baxsho $70 mar kasta oo aan odaygayga cisbitaalka u keeno kelyo sifayn, dakhligayga oo hooseeya dartii,” ayay tiri.
Wasiirka caafimaadku wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay bulshada ganacsigu taageerto dedaallada dawladda ee ku aaddan in ay daweynta muhiimka ah ka dhigto mid la heli karo oo waxtarna ah, oo ay ku deeqaan lacago lagu wado oo lagu dayactiro mashiinnada.
"Kuma oran karro dadka aan awoodin in ay iska bixiyaan khidmadda kelyo sifaynta iska dhinta haddaydnaan lacagta bixin karin,” ayuu yiri Maxamed. “Waa masuuliyaddeenna in aynu siinno adeegyada caafimaadka. Waa in aynu bulshada ganacsiga ka raadinnaa taageero oo aannu weydiisannaa in ay cisbitaallada wax ku sadaqaystaan si ay taasi inoogu caawiso in aannu wadno mashruucan.”
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
anigu aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arrinkan ku arko dalkayga, dadkaygana waan taageersanahay waanan hambalyaynayaa
Waxaan filayaa in adeegani wax badan ka qabanayo baahida jirta. dabcan dadka soomaalidu way ku nasan doonaan, intii ay meelo kale ka raadsani lahayeen adeega. kuwa buka waxaan allah uga baryayaa inuu caafimaad siiyo.
Waxan filayaa in adeegani yahay kii ugu qiimaha badnaa ee aan beryahaa maqlo.waxaan jeclahay inaan hambalyeeyo dedaalka wasaarada Caafimaadka Somaliland ay ku hirgelisay adeeggan, waanan leeyahay haka daalina inaad u adeegtaan dadkiina jilicsan