Maajo 09, 2012
Dhawr soo-saare ayaa meheradahooda ku yaalla Kenya albaabbada u laabayey korantada oo qaali ah iyo liidasho ka jirtey dekadda Mombasa, iyo weliba cabashooyin kale oo qaar ka mid ah dadka warshadaha ka shaqeeya ay sheegayaan in ay halis ku yihiin beec-galnimada qalabka Kenya ee suuqyada adduunka.
"Waa waqtigii ku habboonaa in ay dawladdu wax ka qabato qaddiyadaha tamarta, kaabayaasha iyo hawl-xafiiseedyada cakiran si loo sahlo qiimaha ay ku kacdo in ganacsi lagu haysto Kenya,” ayay tiri Betty Maina oo ah madaxa fulinta ee Xiriirka Kenya ee Soo-saareyaasha, koox u ololaysa dadka ku foogan wax soo saarka.
Maina ayaa sheegtay qaar ka mid ah wax-soo saareyaashu ay meelo kale u guureen sababta oo ah waxaa qaali ah –bay tiri—in ganacsi laga sameeyo Kenya, marka laga hadlayo wax soo saarid iyo daabbulid labadaba.
"Waqtiga ay qaadato in alaabaha laga saaro dekedda Mombaasa iyo u daabbulidda meelaha kala duwan ee loo wado ayaa saamayn ku yeelata wax-soo-saarka tiro ka mid ah sirkadaha. Waxaa weli jira waraaqo xad-dhaaf ah oo sabab u noqdo in ay daahdo ka saaridda alaabaha dekedda laga saaro, oo markaana aad u sii adkaysa in aad alaabtaadii waqti ku habboon dekedda kala baxdo,” ayay tiri.
Shirkadaha oo u guuray meelo kale oo qaaradda ka mid ah ayaa waxaa ka mid ah Colgate-Palmolive, Reckitt Benckiser iyo Cadbury, taas oo intii badnayd hawlaheedii soo saaridda shukulaatada u wareejisay Koofur Afrika.
Sahan ku saabsan sahlidda samaynta ganacsiga oo uu Baanka adduunku soo saaray bishii April ayaa muujinaya in in kastoo ay jiraan waxyaabo laga hagaajiyey sida ay wax uga socdaan Beesha Bariga Afrika, haddana ay Kenya waddamo ay ka mid yihiin Koofur Afrika, Masar, Muriishiyas iyo Ruwaanda uga dheeraynayeen habraaca beec-galka.
Warbixinta ayaa sheegaysa in maqaamkii Kenya uu ka soo dhacay booska 98-aad oo uu tagay 109-aad intii u dhexaysay 2011 iyo 2012, marka laysu miisaamo 183 dal ee dhaqaalahooda lagu sameeyay sahanka. Marka la eegayo waddamada Beesha Bariga Afrika, warbixinta ayaa waxay Ruwaanda gelinaysaa booska 45-aad, Ugaandhana 123-aad, Tansaaniya 127-aad, iyo Burundi oo gelaysa booska 169-aad. Dhamaaan waddamadaa iyaga ah ayaa ama horay u yara dhaqaaqay ama meelahoodii uun joogay.
Warbixinta ayaa eedda hoos u dhicidda Kenya dusha uga tuurtay qiimaha tamarta oo sarreeya, kaabayaal liita iyo hannaan garsoor oo ka gaabiya waqtigii ay ahayd in uu ku xalliyo dacwadaha ku saabsan ganacsiga.
"Canshuuraha la saaro qiimaha korantada oo aad u sarreya ayaa iminkaba saamayn taban ku leh waaxda wax soo saarka dalka,” ayay tiri Maina. “Taa ayaa markaa wax u dhimaysa beec-galnimadeenna suuqyada caalamka, iyadoo waxyaabaha dalka laga soo saaro ay ka qiime badan yihiin kuwa ay soo saaraan waddamada inala beretamaya.”
Madaxda Dekedaha Kenya (KPA) ayaa sheegaysa in ciriiriga iyo daahidda ka jirta ka jirta dekedda haatan wax laga qababnayo.
"Waxaa ina soo food saaray dhawr caqabadood oo dhinaca hawlaha ah, gacanta ayaannuna kula jirraa wax ka qabashadooda iyadoo ay ina caawinayaan shuraakooyin dhinaca horumarinta ah iyo waaxda ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyadoo aannu ka shaqaynayno xalal waqtiga dheer ah,” ayuu Sabahi u sheegay Bernard Osero oo ah madaxa KPA ee xiriirka shirkadda.
Wuxuu sheegay in ay dawladdu ballaarinta dekedda iyo wax-tarnimadeeda dhinaca hawlaha ku maal-gelisay 10 bilyan oo shilin ($120,) waxaana hawlahaa ka mid ah shaqooyin waarididda ah, dhismaha kaabad-marseed cusub iyo teknoolojiyada dhinaca xogta iyo is-gaarsiinta ah oo dayac-tir lagu sameeyey. Arrintan waxaa si fiican u muujin doonta dhamaystirka mashruuca dekedda Lamu oo uu March billaaabay Madaxweyne Mwai Kibaki.
Intaa ka sakow, dawladdu waxay January billowday mashruuca ay ku kordhinayso awoodda ay leedahay dekedda Mombaasa.
Dawladda ayaa waxaa sidoo kale ay sheegaysaa in dib loo qaabeeyey waaxda tamarta sifo ay si ku habboon wax uga qabato baahida macaamiisha wax-soo-saarka iyo kuwa gudahaba.
"Dawladda ayaa caqabadahaa wax uga qabanaysa iyadoo si degdeg ah u ballaarinaysa awoodda korantada oo markaana casriyaynaysa shabakadaha gudbinta iyo qaybinta, kordhinaysana maal-gelinta tamarta la cusboonaysiin karo,” ayuu yiri afhayeenka dawladda Alfred Mutua oo la hadlay Sabahi.
Bishii hore ayay dawladdu heshiis la sixiixatay shirkad Shiinaha laga leeyahay si ay reer Kenya ugu hesho korantada dhulka laga dhaliyo oo rakhiis ah.
Unilever Group oo ah shirkad deggan Ingiriiska oo masaalix tiro badan oo dhinaca wax soo saarka ah ku leh Kenya, ayaa shir la qaadatay Raysal Wasaare Raila Odinga bishii April si ay dawladda uga codsadaan in ay soo fara-geliso qaar ka mid ah caqabadaha soo food-saaray bulshada ganacsiga.
Madaxa Unilever, Paul Polman, ayaa si kastaba ha ahaatee, u xaqiijiyey Odinga in aanay shirkaddiisu ka guuri doonin Kenya, inkasta oo uu qiimuhu sii kacyo.
"Taa baddalkeeda, waxaannu maal-gelin xooggan ku samaynaynaa dayac tirrada, hawlaha horumarinta suuqyada, awoodda wax soo saarka, tiknoolojiyadda, hantida shaqaynaysa, kaabayaasha qaybinta iyo horumarinta hibooyinka,” ayuu yiri Polman.
Jonathan Chifalu, oo ah maareeyaha is-gaarsiinta ee Aagagga Hagaajinta Waxyaabaha laga Dhoofiyo Kenya (Kenya Export Processing Zones,) ayaa sheegay in tiro shirkado ah oo aagga ku sugan, oo ilaa iyo 10 KM-na bannaanka ka ah Nairobi ay galeen khasaare lagu qaddaray 20 milyan oo shilin ($240,000) bishii April, taana waxaa sababtay korantada oo tagtay oo maqnayd muddo saddex beri ah.
"Shirkadaha ayaa ku khasbanaaday in ay isticmaalaan dab-dhaliyeyaal heegan ah oo ay lacag badani ku baxdo in laga shaqaysiiyo,” ayuu ku yiri Sabahi.
Sidoo kale, Orata International, Ltd., oo ah shirkad soo saarta cuntada xayawaanka oo saldhiggeedu yahay Nairobi ayaa waxaa ka khasaartay in ka badan 3 milyan oo shilin ($36,000) intii u dhexaysay bilihii March iyo April, khasaarahaas oo ay u sabab ahayd korantada oo tegaysay.
"Waa wax aad u adag in la wado ganacsi iyadoo ay jirto koranto go'id joogto ah oo aanay ciduna inoo sharxaynin,” ayuu Sabahi ku yiri agaasimaha maaraynta ee Iyadi Orata. “Yaa magdhaw inaga siin doona khasaarahaa?”
Isbahaysiga Waaxda Ganacsiga Gaarka loo leeyahay ee Kenya (KEPSA) ayaa sheegaya in shaqo xafiiseed xad-dhaaf ah oo ku tacalluqda shati siinta meheradaha ay niyad jebinayso maal-gashadayaasha.
"Sababta ay Ruwaanda uga horrayso Kenya waxaa u sabab ah iyadoo ay –Ruwaanda-- tahay waddanka keliya ee dejiyey hab xafiiseed ku salaysan xafiis kaliya oo laga dhamasyto hawshaada oo runtii ah mid shaqaynaya,” ayuu yiri guddoomiyaha KEPSA, Patrick Obath oo la hadlayey Sabahi.
Obath ayaa sheegaya in ay Kenya u baahan tahay in ay la jaan-qaaddo dib u habaynada dhinaca garsoorka ee lagama maarmaanka ah si ay u dedejiso xallinta murannada ganacsiga ku tacalluqa.
Marka dhan la iska dhigo koranto tegidda is-xigxigta iyo hawl-xafiiseedyada is-biirsaday ay ku culaysiiyaan waaxda ganacsiga, saadaashu weli waa mid wanaagsan, ayuu yiri Aly Khan Satchu, falanqeeye u kuur-gala suuqyada soo kacaya oo isagu Nairobi ku sugan.
Wuxuu Sabahi u sheegay in ay dhibaato ku timid koboca waaxaha aad ugu tiirsan tamarta, laakiin tiro ka mid ah shirkadaha aan wax warshadayn ay diiwaan geliyeen koboc la taaban karo.
"Soo jiidasho darrada waxay asiibtay shirkadaha isticmaala tamarta culus. Waxaa jira dhawr shirkadood oo caalami ah oo Kenya degaya, tusaale ahaan kuwa tiknoolojiyada wararka iyo xiriirrada sida Visa, MasterCard iyo kuwo kale.
Si kastaba ha ahaatee, haddii aanay dawladdu wax ka qaban dhibaatada dhinaca tamarta ee curyaaminta keenaysa, himiladii horumarinta ee Kenya Vision 2030 ma noqon doonaan kuwo mira dhal ah, ayuu yiri.
"Haddii si sahlan loo yiraahdo, qiimaha sare ee korantadu waa mid aan la aqbali karin. Waxay tani u muuqataa in aynaan markii dunida laga hadlayo kuba jirin beretenka beec-galnimada markii ay timaaddo wax soo saariddu,” ayuu yiri.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Tamarta la cusboonaysiin karaa waxay gacan ka gaysan kartaa xal u helista mashaakilka mandaqada ee xaga cimilada ah. Waxa mandaqadan kusoo food leh heerka dikhawga deegaanka oo sii kordhaya, kaasoo ay weheliyaan maceeshada oo sii qaaliyoobaysa iyo tayada nolosha oo hoos usii dhacaysa. Sidoo kale, waxay mandaqaddu haatan la tacaalaysa heerka dikhawga cimilada dunida ugu sareeya. Teeda kale, adeegsiga tamarta la cusboonaysiin karaa waxay yarayn kartaa saliida iyo gaasta loo isticmaalo dhalinta korontada, waxaana shidaalkaas la madhxiyay loo iib gayn karaa dalal kale oo macaash badan lagaga heli karo. Markaa hadii ay tamarta la cusboonaysiin karaa badali karto qayb ka mid ah saliida iyo gaasta loo isticmaalo dhalinta korontada, waxaa halkaa kasoo bixi kara shidaal dheeraad ah oo dibada loo dhoofin karo, kaaso macaash buurani kasoo bixi karo.
Waa arrin aan marag u baahnayn in ay jiraan warshado albaabada loo xidhay, sababtoo ah waxaa lasoo gudboonaaday dhibaatooyin xagga cimilada ah. Laakiin waxaa suura gal ah in dhibaatooyinkani ay ka dhasheen maamul xumo xaga raasamaalka ah. Tusaale ahaan, shirkadaha pan paper mills, iyo Webuye waxaa albaabada loogu xidhay maamul xumo xaga raasamaalka ah.