Maajo 08, 2012
Kulanka xulashada Golaha Wakiillada Qaranka ayaa toddobaadkii la soo dhaafay la isugu soo ururay magaalada Muqdisho, kulankaasi oo ay isugu yimaadeen 135 oday oo ka mid ah odayaasha dhaqanka si ay u soo xulaan wakiillada qaadan doona dastuur cusub.
“Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan rabno inaan rumaysanno isbaddalka dhabta ah,” ayaa Sabtidii (May 5-teedii) laga soo xigtay Ra’iisal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali isagoo hadal u jeedinaayay odayaasha waxgaradka ee ka kala yimid guud ahaan dalka, isagoo sheegay in odayaashu ay sidaan “masuuliyad culus oo dusha ka saaran”.
“Odayaasha dhaqanka waxay maanta iskugu soo urureen dalkoodii hooyo … si ay u soo xulaan hoggaamiyayaasha noqon doona rajada iyo badbaadiyayaasha dalkan kuwaasi oo ka saari doona is-dhexyaaca uu hadda ku jiro,” ayuu yiri ra’iisal wasaaruhu. “Waxaan maraynaa marxalad muhiim ah oo xasaasi ah, waqti fursad la haysto oo lagu qabanayo kulano qaab u yeeli doona aayaha muqtaqbalka ee dal-waynahan. Waa doorka qof kasta oo Soomaali ah inuu taageero odayaasha dhaqanka isku-daygooda ay isku dayayaan in ay maalmaha soo socda qabtaan hawshan muhiimka ah.”
Ka dib siddeed sanno oo laga shaqaynayay wax ka-baddalka dastuurka Soomaaliya, dastuurka qabyada ah waxaa May 15-keeda loo soo bandhigi doonaa Golaha Wakiillada Qaranka, kuwaasi oo ka kooban 825 ergo oo ka kala socda dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sii loo ansixiyo .
Golaha Wakiillada Qaranku waxay haysan doonaan laba toddobaad si ay uga baaraan-dagaan ka dibna ugu codeeyaan ansixinta ku-meel-gaar ah ee dastuurka qabyada ah.
Oggolaanshaha dastuurka qabyada ah wuxuu kor u qaadi doonaa maqaamka dastuurka isagoo ka dhigi doona inuu noqdo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ahaan doona mid ku-meel-gaar ah ilaa ay dawladdu ka abaabuli karto doorashooyin qaran si dadka Soomaaliyeed loo siiyo fursada ay ugu codayn karaan dastuur kama dambays ah.
Dastuurka qabyada ah waxaa hawshiisa la soo dhamaystiray April 20-keedii, sida ay dhigayso muddada loo qabtay ee lagu heshiiyay ee ku xusan Roadmap-ka iyo Shirkii Mabaadii’da Garoowe. Qabashada hawshaa ayaa ka dhigan in DFKMG ah ee Soomaaliyeed ay jidka u bannaysay isbaddal bisha August loogu guurayo dawlad la soo doortay.
Cabdiwahaab Cabdiqaadir oo siyaasadda falanqeeya ayaa sheegay in dastuurka cusubi uu wakhtigan aad muhiim ugu yahay dadka Soomaaliyeed . “Qaadashada dastuurka cusubi waa tallaabo wayn waxayna muhiim u tahay mustaqbalka Soomaalida, “ayuu Cabdiqaadir u sheegay Sabahi.
“Soomaaliya waxay ku socotaa dhisidda hab dimuqraaddi oo cusub,” ayuu yiri. “Ma jiri karto kala dambayni haddii aanu jirin dastuur waaxyaha kala duwan ee dawladda iyo muwaadiniintabada hoos keena xukunka sharciga.”
Cabdiqaadir wuxuu dhicitaankii dawladdii Siyaad Barre ee labaatan sanno ka hor u aaneeyay jiritaan la’aanta caddaaladda iyo isla socosho la’aanta dawladda iyo bulshada, laakiin wuxuu Cabdiqaadir sheegay in dastuurka cusubi uu ka caawin doono dadka Soomaaliyeed in ay ka xoroobaan caddaalad daradii bulsho ee hore u jirtay sidoo kalena ay ka guulaystaan fawdada siyaasaddeed ee haatan jirta.
“Dastuurkan cusubi wuxuu sidoo kale leeyahay suurta-galnimada inuu Soomaaliya u hoggaamiyo madax-banaani dheeraada, horumarin dhaqaale iyo barwaaqo, kaasi oo bulshada Soomaalida u oggolaan doona in ay noqoto mid ku xiran mabaadii’da dastuuriga ah ee dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Farxaan Isaaq Yuusuf, oo ah macalin culuunta siyaasadda ka dhiga Jaamacada Muqdisho ayaa yiri Soomaaliya waxay u baahan tahay dastuur cusub si uu ula jaanqaado siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo isbaddalada dhaqanka.
“Soomaaliya waxay maraysaa marxalad xasaasi ah iyadoo ka guuraysa marxalad ku-meel-gaarnimo iyadoo noqonaysa dawlad joogta ah arrintani oo ah sababta ay ugu baahan tahay dastuur,” ayuu Yuusuf u sheegay Sabahi.
“Intaa waxaa dheer, in uu dastuurku uu dalka u hoggaamin doono mustaqbal wanaagsan oo iftiimaya, gaarida degganaansho siyaasaddeed iyo abuuritaanka hab dimuqraadi oo damaanad-qaadi doona caddaalada bulshada,” ayuu Yuusuf yiri. “Dastuurkan cusub wuxuu la socdaa tayada, waxyaalaha ay aaminsan yihiin iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaalida, wuxuuna awood u yeeshay in uu buuxiyo baahida iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed.”
Al-shabaab ayaa ku gooddisay in ay weerarayso goobta kulanku ka dhacayo iyadoo sheegtay in ay khaarajin doonto qof kasta oo ka qayb-qaata ansixinta dastuurka cusub.
“Waa xaq in la dilo qof kasta oo ka qayb-qaata ansixinta dastuurka cusub, kaasi oo ay maal-galiyeen cadawga Eebbe,” ayuu yiri af-hayeenka al-Shabaab Cali Maxamuud Raage. “Dastuurkani wuxuu ka hor imaanayaa Shareecada.”
Laakiin Cabdiraxmaan Xasan oo ah macallin maaddada sharciga ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa yiri dastuurka qabyada ahi wuu waafaqsan yahay mabaadii’da Shareecada.
“Lama oran karo dastuurkan cusubi wuxuu ka hor imaanayaa mabaadii’da guud ee Shareecada sababtoo ah qoraalka uu dastuurku ka kooban yahay waa lagu xusay adeeciddiisa mabaadii’da Shareecada,” ayuu yiri Xasan.
“Sharcigii kasta oo lid ku ah Shareecada Islaamka iyo maaha mid sharci ah sida uu dhigaayo dastuurku,” ayuu Xasan yiri. “Marka la sii ambaqaado, waa cadahay in jihada uu dastuurkani u socdaa yahay ka ugu dhow diinta Islaamka marka loo eego sida ay dastuurada Carabtu diinta ugu soo dhow yihiin."
Iskastoo ay jirto hanjabaado ka imaanaya al-Shabaab, ma jirin wax weerarro ah oo lagu qaaday goobta kulanku ka dhacaayay. Dawladda Federaalka Ku-meel-Gaarka ah iyo AMISOM ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday hanjabaadahaasi, iyagoo ku ballan-qaaday in ay al-Shabaab ka ilaalinayaan in ay dib-u-dhigto hannaanka dastuuriga ah.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo