Xaashiyihii bin Laden ayaa muujinaya in ay xaalad kacsani ka dhex jirtay al-Qaacidda iyo xulufadeeda

Falanqayntii Rajeh Said oo London jooga

Maajo 08, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xaashiyo laga helay gurigii Osama bin Laden ee ku yiillay Abbotabad oo Pakistan ku taalla ayaa muujinaya in ururkiisa ay dhibaato ka haysatay xakamaynta laamihiisa adduunka ku filiqsan, gaar ahaan falalkii keenayey in la laayo dad Muslimiin ah.

  • Wiil Soomaali ah oo eegaya haraaga gaari lagu qarxiyey waddo mashquul ah oo ku taalla meel u dhaw xarunta madaxtooyada Muqdisho bishii March 21-keedii. Saraakiil maxalli ah ayaa al-Shabaab ku eedeeyey weerarka [Maxamed Cabdiwahab/AFP]

    Wiil Soomaali ah oo eegaya haraaga gaari lagu qarxiyey waddo mashquul ah oo ku taalla meel u dhaw xarunta madaxtooyada Muqdisho bishii March 21-keedii. Saraakiil maxalli ah ayaa al-Shabaab ku eedeeyey weerarka [Maxamed Cabdiwahab/AFP]

Xaashiyaha oo si furan loo shaaciyey Khamiistii (3-da May) ayaa muujinaya in hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida oo ka war-hayey saamaynta taban ee weerarrada ay kuwa wakiillada u ah iyo xulafadiisu ku yeesheen sumcadda al-Qaacida.

Sumcadda ay al-Qaacida ku leedahay dadweynaha ee sii xumaanaysay ayaa xittaa keentay in uu ka fikiro beddelidda magaca ururka.

Soamaaliya

Xaashiyaha ayaa sheegaya in dilka iyo qarxinta ay ku tallaabsadeen al-Shabaab ay ahaayeen kuwo walaac gelinayey bin Laden, oo markii dambe diidey codsigii xarakada ee ahaa in ay si furan u noqdaan kuwo al-Qaacida la bahoobay, isagoo ka digey in hawlahoodu ay marmar dhibaato u geystaan dad Muslimiin ah, oo markaa isku-darsan ay al-Qaacida la sameeyaan ay Muslimiinta Soomaaliya ka hor joogsan doonto deeqo dibedda uga yimaada oo ay si wayn markaa ugu baahnaayeen ka dib dagaallo sokeeye oo tobanaan sano ku soo jireen.

In kasta oo farriintii bin Laden uu August 7-deedii 2010-kii u diray Axmed Cabdi Godane (Mukhtaar Abuu Zubayr) oo ah amiirka al-Shabaab ay ahayd mid si khafiif ah u xarfaysan, wixii ku qorraa iyo farriimihii kale ee arrintaa la xiriirayba waxay muujinayaan walaac uu hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida ka qabey in al-Shabaab ay ku kacayeen falal Soomaalida ka sii fogeyn karay dhaq-dhaqaaqa. Kan ayaa ahaa mawqif ay abidkood wada qabeen qaybo badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed, oo ay xitaa ku jiraan “jihaadiyiin” caan ah sida Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo isagu bishii March al-Shabaabka uga digey halista ay leedahay dilka loo geysanayo Muslimiinta Soomaaliya.

Talada bin Laden ayaa muujinaysa in uu ogaa in sida ay al-Shabaab u dabbakhdo ciqaabaha xad-ka – sida gacma ka jaridda tuugada, jeedlidda muqayiliinta iyo dadka daawada telefishannadaba – ay dadka ka hor keeni karaysay.

In kasta oo aanu bin Laden farriintii uu al-Zubayr u diray si cad ugu sheegin gaws-haysigaa, wuxuu si cad arrintaa ugu qeexay waraaq uu April 2011-kii u diray hoggaamiye ka mid ah kuwa al-Qaacida oo la yiraahdo Attiyah Cabdulraxmaan.

"Waxaa fiicnaan lahayd in aad kula talisid walaalaha Soomaaliya jooga in ay tix-galin siiyaan waxyaabaha mugdiga iyo shakiga ku jira (sugnaanta) marka ay la xaalayaan dembiyada oo ay dabbakhayaan shareecada, iyagoo raacaya wixii uu Nebigu sheegay ee ahayd in shakiga loo isticmaalo in looga fogaado ciqaabta” ayuu qoray bin Laden, isagoo markaa xiganayey tarjumaadda sharciga Islaamka oo xaaraannimaynaya in la isticmaalo ciqaabta xadka haddii ay jiraan wax shaki ah oo ku saabsan eedaymaha qofka tuhman lagu soo oogey.

Farriinta uu bin Laden u direy hoggaamiyaha al-Shabaab waxa kale oo ay caddaynaysaa in uu ka gaws-haysto hawlgallada milliteri ee ururka. Weerarrada ururka ayaa inta badan sababa khasaare soo gaara rayidka Soomaaliyeed ee aan ku shaqo lahayn dagaallada.

"Marka aan ka hadlo weerarrada aad la beegsanaysaan Ciidamada Afrikaanka ah, waa in aad si ku filan uga fiirsataan si aad u dhintaan khasaaraha Muslimiinta ka soo gaari kara weerarradooda culus ee ay la beegsanayaan suuqa Bakaara,” ayuu qoray bin Laden.

Habkii ay al-Shabaab weerarrada u qaadi jirtey ayaa cad in aanu beddelmin xitaa markii lagu khasbay in ay ka huleelaan magaalada Muqdisho ee caasimadda ah. Waxa jira warbixinno iska-daba-dhacaya oo tibaaxaya qaraxyo ay sameeyeen al-Shabaab oo sababa khasaare xoog leh oo gaara dadka rayidka ah, kuwaana waxaa ka mid ah weerarkii 4-tii April lala beegsaday Masraxa Qaranka ee Muqdisho.

Xaashiyaha ayaa muujinaya in go’aanka bin Laden uu ku gaarey in uu gaashaanka ku dhufto codsigii al-Shabaab ee ahaa in ay noqdaan laan rasmi ah oo al-Qaacida ka mid ah oo Soomaaliya joogta ayan ahayn mid ay isku raacsanaayeen madaxda sare ee al-Qaacida. Farriin la aaminsan yahay in uu December 2010-kii qoray Ayman Al-Zawahiri ayaa bin Laden ugu baaqaysay in uu dib uga fikiro go’aankiisa ah in uu qaaddaco codsiga al-Shabaab ee ah in ay noqdaan laan rasmi ah oo al-Qaacida ka tirsan.

Bishii February, ayay al-Zawahiri oo ah ninkii talada uga dambeeyey bin Laden iyo hoggaamiyaha al-Shabaab, al-Zubayr ku dhawaaqeen in kooxda Soomaaliyeed ay noqotay laan rasmi ah oo al-Qaacida u joogta Bariga Afrika.

Ma cadda in dhaq-dhaqaaqa al-Shabaab, haatan mar haddii ay soo baxdey in uu bin Laden ka gaws-haystay falalkooda, ay beddeli doonaan qaar ka mid ah siyaasaddooda. Hawlihii ay fulinayeen bilihii dhawrka ahaa ee la soo dhaafayse waxay muujinayeen xaal taa ka baddalan.

Ciraaq, Pakistan iyo Yemen

Xaashiyo kale oo laga helay gurigii bin Laden oo uu qoray Adam Gadahn oo ah xubin Maraykan ah oo ka tirsan al-Qaacida ayaa ah farriin muhiimad badan leh.

Gadahn ayaa taxay falal badan oo is-xigxiga oo ay ku tallaabsadeen laamaha al-Qaacida, waxaanu ku baaqay in ay al-Qaacida iska beri-yeesho kooxahaas waayo waxay isaga ula muuqatay in ay ku xad-gudbayeen tacaaliimta Islaamiga ah.

Qoraaga xaashiyahan ayaa taxaya tusaaleyaal cad-cad oo qarxinno ah oo dad rayid ah ay ugu le’deen Pakistan, Afgaanistaan, iyo Soomaaliya. Gadahn ayaa daliishaday dhacdooyin laftiisu uu ku lug lahaa, waxaanu halkaa ku muujiyey doonista ay jihaadiyiintu qaar u heellan yihiin in ay masaajidyo qarxiyaan iyagoo marmarsiinyo ka dhiganaya in dadka masaajiddaa gacanta ku haya aanay ahayn Muslimiin dhab ah.

"Waa wax la og yahay in taariikhda inta ay xusayso oo dhan, qabsashada masaajidda iyo daadinta dhiigga dadka aan waxba galabsani ay ahaayeen kuwo lagu yaqaanno kooxaha iyo shakhsiyadka dadka ugu liita,” ayuu qoray Gadahn. “Haatan, dadka caanka ku ah arrimahaa ayaa lagu tiriyaa dhinaca mujaahidiinta, sida Xamaas, Dhaalibaanta Pakistan iyo kuwa Afgaanistaan.”

"Shaki iigama jiro in waxyaabaha ku dhacaya mujaahidiinta dalalkaas aanay ahayn ayaan darro ee ay tahay ciqaab ka timid xag Eebbe oo innaga nagu dhacaysa, sababna ay u yihiin dembiyadeenna iyo caddaalad darradeenna, ama ay sabab u yihiin dembiyada qaar innaga mid ah iyo aamusnaanta inteenna kale,” ayuu ku daray.

Ma cadda in ay farriintani saamayn ku yeelatay bin Laden waayo farriin kale oo gurigiisa laga helay, oo ay Attiya Cabdulraxmaan iyo Abuu Yaxya al-Liibi u direen hoggaamiyaha Dhaalibaanta Pakistan, Xakiimullaah Mexsuud ayay si daran ugu canaanteen falalka ay samaynayaan Dhaalibaanta Pakistan, iyagoo ku eedeeyey in ay ku xad-gudbeen tacaaliimta Islaamiga ah, gaar ahaan “dilidda Muslimiinta lagu dilo hawlgallada ismiidaaminta ah ee ka dhaca suuqyada, masaajidda, jidadka iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan.

Canaanta adag ee ay al-Qaacida u jeedisay Dhaalibaanta Pakistan waa arrin muhiimaddeeda leh, waayo xubno badan oo al-Qaacida ah ayaa ku nool Pakistan waxaana gabbaad siiya Maxsuud.

Marka ay timaaddo arinta Ciraaq, waxay u muuqataa in hoggaanka al-Qaaacida ay ka war hayeen carada ay hawl-gallada al-Qaacida ka keenyayeen dalkaa, taas oo ka soo billaabanaysa Abuu Muscab al-Zarqaawi kuna imaanaysa hoggaamiyeyaasha Wilaayada Islaamiga ah ee Ciraaq.

Wilaayada Islaamiga ah ee Ciraaq “waxaa – ama aan jeclaanno ama yaynaan jeclaane—ay dadku u yaqaanniin al-Qaacidada Ciraaq,” ayuu qoray Gadahn.

Wuxuu sheegay in falalka Wilaayada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo war-murtiyeedyadii ay jeedisay ka dib qarxintii kaniisadda Baqdaad, October, 2010-kii in aanay kooxda ka caawinin in ay dadka ka hesho beer-nugayl iyo rabitaan, laakiin ay dadka si weyn uga sii fogeysay.

"Ma tanbaa caddaaladda aannu ka hadallo iyo waxyaabaha uu sheekh bin Laden uga hadlo war-murtiyeedyadiisa iyo farriimihiisa?” ayuu qoray Gadahn, isagoo cambaareeyey laba-wajiilenimada ka muuqata mawqifyada ay caddaystaan hoggaanka al-Qaacida oo u ololeeya caddaaladda, iyo falalka laamaha al-Qaacida oo iyagu si toos ah uga hor yimaada hadallada caynkaas ah.

Farriimaha laga helay guriga bin Laden waxaa sidoo kale ka mid ahaa eedaymo uu u jeediyey laanta kooxda u joogta Yemen isagoo ku eedeeyey in ay si ay ku degdegeen weerarro ugu qaadaan ciidamada dawladda. Wuxuu muujiyey in falalka caynkaasi oo kale ahi ay qabaa’ilka reer Yemen ka hor keeni karaan ururka, taana waa mid ka dhacday dhawr gobol oo ay dadkii qabaa’ilku dawladda ugu xoog-darsadeen in layska caabbiyo weerarrada al-Qaacida.

Magac beddelid

Waxaa eedaymahaas oo dhan ka cad in uu bin Laden ka warqabay ilaa xadka uu gaarsiisan yahay dhibta ay hawlaha laamaha ururkiisa ee adduunka ku filiqsani sababayeen, taana waxay ku sababtay in uu ka fikiro in uu magac cusub u oo aan al-Qaacida ahayn bixiyo ururkiisa. Laakiin maxaa faa’iido ah oo ay taasi soo kordhin lahayd hadddi aysan laamaha ururku beddelin falalka ay ku kacayeen?

Waxay u badan tahay in aanay wax sidaa ah beddesheen, iyadoo ay laanta al-Qaacida ee Jasiiradda Carabtu haatan isticmaasho magaca la yiraahdo Ansar Alshareeca taas oo ah tallaabo cad oo ay ku doonayaan in ay taageerada bulshada ku helaan. Ha yeeshee ku madax-adayga kooxda ee fulinta ciqaabaha xad-ka iyo hawlgallada ay fuliyaan oo dila askar iyo muwaaddiniin oo markaa keena dhaleecayn guud oo baahsan, ayaa muujinaya caddayn waafi ah in isbeddel magac u yaal ah oo afka baarkiis ah aanu keeni doonin isbeddel run ah haddii aanay la socon isbeddello dhab ah oo sidoo kale lagu sameeyo falalka kooxaha.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • said
    May 14, 2012 @ 08:45:28AM

    Aniga waxa ay iila eegtahay in ninkaasi uusan ku tala jirin inuu dad dhiigood daadsho, laakiin way wanaagsantahay in dadkii taabacsanaa la waraysto oo wax laga waydiiyo dareenkiisii io baahiyiihiisii halkii dagaal lagu qaadi lahaa. l

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada