Dhambaalka Bin Laden ayaa muujinaya xiriir murugsan oo ka dhexeeyey al-Qaacida iyo al-Shabaab

Waxa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Maajo 07, 2012

  • 16 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Waraaqo la helay ka dib geeridii Bin Laden ee ka dhacday meeshii uu uga dhuumanayey Pakistan ayaa muujinaya xiriirro murugsan oo ka dhexeeyey al-Qaacida iyo al-Shabaab.

  • Dagaalyahan al-Shabaab ah oo hubkiisa haysta iyadoo lagu jiro gaardiyada milliteriga. Hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ayaa dagalyahaniintooda ka dhaadhacsiiyay in ay si rasmi ah ugu xiran yihiin al-Qaacida, in kasta oo uu Osama Bin Laden uu diiddanaa xiriir muuqda.[Cabdirashid Cabdulle/AFP]

    Dagaalyahan al-Shabaab ah oo hubkiisa haysta iyadoo lagu jiro gaardiyada milliteriga. Hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ayaa dagalyahaniintooda ka dhaadhacsiiyay in ay si rasmi ah ugu xiran yihiin al-Qaacida, in kasta oo uu Osama Bin Laden uu diiddanaa xiriir muuqda.[Cabdirashid Cabdulle/AFP]

Dhambaal ku taariikhaysnaa 7-dii August 2010, ayuu hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida uga niyad-jebshay hoggaamiyaha al-Shabaab Mukhtaar abuu al-Zubayr oo loona yaqaan Axmed Godane in uu si furan Soomaaliya uga dhawaaqo in ay tahay imaarad Islaami ah. Bin Laden ayaa kula taliyey Abuu Zubayr in uu qariyo xiriirka ay al-Qaacida la wadaagaan, oo uu xiriirka labada kooxood u dhexeeya ku sheego “xiriir ku dhisan walaalnimada Islaamka kaliya.”

"Haddii aad xaaladda fashilisaan oo ay dibedda u soo baxdo, cadawgiinna ayaa kordhi doona oo isu kiin soo abaabuli doona; tanina waa tii ka dhacday Ciraaq iyo Aljeeriya,” ayuu Bin laden qoray.

Bin Laden waxa kale oo uu sheegay in xiriir furan oo ay al-Qaacida la yeeshaan uu ka niyad-jebin doono ganacsatada Carbeed in ay cawiyaan Soomaaalida, sidoo kalena ay murjin doonto xirrirka u dhexeeya dagaalyahaniinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Axmed Sheekh Xuseen oo ah falanqeeye siyaasadeed ahna khabiir ku takhasusay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Soomaaliya ka jira, ayaa wuxuu sheegay in ay waraaquhu muujinayaan kala jab labada kooxood ah.

"Waraaqahani waxay sawir ka bixinayaan in aanu Bin Laden aad ula dhacsanayn al-Shabaab, waxa kale oo ay muujinayaan xiriirrada murugsanaa ee u dhexeeyey al-Shabaab iyo al-Qaacida intii uu talada hayey Bin Laden gaar ahaan arrinta khuseeysa hankii al-Shabaab ee ku biiritaanka al-Qaacida,” ayuu yiri.

Xuseen ayaa sheegay in aanu Bin Laden u xamaasadaysnayn al-Shabaab, xitaa markii ay kooxdu 2009-kii caddaysatay in ay daacad u yihiin oo ay beecada la galeen.” Tani waxaa laga yaabaa in ay sabab u ahayd in uu aaminsanaa in waxqabashada al-Shabaab aanay gaarsiisnayn meeshii uu rabey iyo weliba in ay aad ugu ad-adkaayeen xoojinta Shareecada Islaamka, iyadoonba la gaarin kala qaybsanaanta u dhexaysay madaxdooda,” ayuu ku yiri Sabahi.

Warbixinnadii saxaafadda ee berigaa ayaa waxay soo yara hadal qaadeen in ay al-Shabaab qarka u saaran tahay in ay imaarad Islaami ah uga dhawaaqdo Soomaaliya, iyaga oo meel iska dhigaya taladii Bin Laden. "December 2010-kii ayay al-Shabaab waxay ku dhaweyd in ay magaceeda u bedesho ‘Imaaradda Islaamiga ah ee Soomaaliya’ ka dib markii ay shir qarsoodi ah kooxdu ku yeelatay magaalada Marka oo ay uga wada hadlayeen mustaqbalka al-Shabaab,” ayuu yiri Xuseen.

Wuxuu sheegay in labada kooxood ay lahaayeen xiriir joogto ah iyadoo wararka la sii marinayey xubnaha al-Shabaab ka mid ah ee xiriirka tooska ah la lahaa taliska dhexe ee al-Qaacida ama farrin-walayaasha al-Qaacida ee degganaa Soomaaliya.

"Marka dhan laga soo tago xiisadda u dhexaysay labada dhinac, al-Shabaab waxay talo iyo tababbarba ka heli jirtey xubnaha al-Qaacida, waxaanay isu haysatay xulufo al-Qaacida ee isuma haysan laan ka mid ah urur weynaha,” ayuu yiri Xuseen.

Hoggaamiyeyaasha al-Shabaab oo in la qaaddacay ka qariyey dagaalyahaniintooda

Hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ayaa bin Laden ku tirtirsiiyey in uu beddelo mawqifkiisa, dagaalyahaniintoodana ka qariyey in la diidey ku biiriddooda, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo ah baare u kuur-gala arrimaha al-Shabaab oo ka shaqeeya Xarunta Adeegyada Saxaafadda ee Soomaalida.

"In kasta oo ay hoggaamiyeyaasha al-Shabaab – ama ugu yaraan qaar ka mid ah – ay wax ka ogaayeen mawqifka Bin Laden, marka ay timaaddo in la shaaciyo in uu qaaddacay in xiriirka laga dhigo mid furan oo la wada og yahay... waxay dagaayahaniintooda ugu fasireen in xiriirka iyaga iyo al-Qaacida u dhexeeya uu wacan yahay, oo ay yihiin laanta al-Qaacida ee ka hawlgasha Geeska Afrika,” ayuu Cabdullaahi u sheegay Sabahi. “Sidan waxay u yeeleen in ay dhawraan niyadda dagaalyahaniinta oo bin Laden u haystay in uu u yahay hoggaan ay tahay in lagu daydo iyo hoggaamiye ruuxi ah marka laga hadlayo arrimaha jihaadka la xiriira.”

"Sababtan awgeed ayay hoggaanka al-Shabaab ugu adkaysan jireen in hoggaamiyahooda sare uu yahay Osama bin Laden; waxaanay soo deyn jireen cajalado iyo khudbooyin uu cinwaaankoodu yahay ‘Waannu ajiibnay baaqaaga Osamow’, ‘Adigaannu kuu adeegaynaa, Osamow’. Waxaannu nahay dadka ku raacsan ee jooga Geeska Afrika’, iyo waxyaabo la mid ah,” ayuu yiri.

Qaaddiciddii Bin Laden oo abuurtay kala qaybsanaan

Diidmadii bin Laden waxay sabab u noqotay kala jab dhex maray hoggaamiyeyaasha al-Shabaab, sida uu Sabahi u sheegay Maxamed Axmed oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo bare jaamacadeed.

"Waxay u muuqataa in diidmadii bin Laden ee uu diidey codsigii al-Shabaab ee ahaa in ay ku biiraan al-Qaacida in uu caro geliyey qaar ka mid ah hoggaanka kooxda,” ayuu yiri Axmed. “Waxay u arkeen arrintan in aanu hoggaamiyaha al-Qaacida iyaga la dhacsanayn oo aanu doonayn in uu aqbalo xubinnimada al-Shabaab, taas oo ururkooda ka dhigaysa mid aan wax ka tari karin sii faafinta aydiyoolojiyadda al-Qaacida.”

"Sababtan awgeed ayay hoggaamiyeyaashii al-Shabaab ugu kala jabeen labo qaybood: Tan koowaad waxay ahaayeen xag-jiriin waxaanay ku baaqeen in al-Qacida loogu biiro sida la quman hoggaamiyeheeda, kooxda labaadna waxay diideen in ay la xaalaan al-Qaacida ilaa inta uu hoggaamiyeheedu diiddan yahay in ay labada dhinac yeeshaan xiriir rasmi ah,” ayuu yiri.

Axmed wuxuu sheegay in kala-qaybsanaantaa ay jirtey ilaa intii bin Laden laga diley, taas oo al-Shabaab siisay waqti fursad ah oo ku habboon in ay ku biiraan al-Qaacida, iyadoo uu hoggaamiyaha cusub ee al-Qaacida aanu sii raacin tubtii bin Laden ee ku saabsanayd koxaha al-Qaacida xiriirka la leh.

Waraaq la rumaysan yahay in uu qoray al-Zawahiri bishii December 2010 oo isku mar lala sii daayay tan bin Laden ayaa bin Laden ku boorrinaysa in uu dib uga fikiro mawqifkiisa ku aaddan ku-soo biiridda al-Shabaab waayo “wax faa'iido ah kuma jirto in la diido”.

Al-Zawahiri ayaa si rasmi ah bishii February 2012-kii u shaaciyey ku biiridda al-Shabaab ay ku biirtay al-Qaacida. Isku-biiridda ayaa la rumaysan yahay in ay keentay kala qaybsanaan madaxda sare ee al-Shabaab, oo ay ka mid tahay khilaaf aan qarsoodi ahayn iyo waliba kooxda oo lumisay taageeradii shacabka ka dib markii ay hawlgalladooda ku bartilmaameedsadeen rayidka.

Waraaqda Bin Laden waxay caro-gelin doonta dagaalyahaniinta al-Shabaab

Shaacinta waraaqda bin Laden ayaa si weyn uga sii caraysiin doonta taliyeyaasha hoose ee al-Shabaab iyo kuwa haatan la qoray, ayuu yiri Axmed.

"Markii dhinac la eego dagaalyahaniintu waxay la yaabi doonaan sababta uu hoggaankooda sare u sii adkeynayey xiriirka ay leeyihiin bin Laden iyadoo uusan laftiisu aad u xiisaynayn fikradda ah in ay labada kooxood si rasmi ah is isugu xoog-darsadaan,” ayuu yiri. “Dhinaca kalena hoggaanka sare ee al-Shabaab ayaa dagaalyahaniintooda ku sasabi doona in ay yiraahdaan waraaqahani waa been abuur, qayb ka ah qorshaha dacaayadeed ee ay maleegayaan cadawgooda si ay jahawareer uga dhex-abuuraan mujaahidiinta dhexdooda.”

“Marka dhan la iska dhigo dabeecadda xiriirka labada kooxood, al-Shabaab waxay si rasmi ah u noqotay qayb ka mid ah al-Qaacida,” ayuu yiri. “Hoos geynta al-Shabaab la hoos geeyey dalladda al-Qaacida waxay noqon kartaa isku-day lagu doonayo in niyadda loogu dhiso, waayo tallaabadan ayaa timid iyadoo ay al-Shabaab soo food-saareen jab iyo khasaaroooyin ay sababeen ololaha milliteri ee heerka gobol ahaa ee iyaga looga soo horjeeday.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 49)

Dislike_icon(13)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • abdiqadir isgow
    July 17, 2012 @ 08:18:05AM

    Sidaynu aragnay, waxay kooxda alqaacida beegsataa dadka barigada dhexe ku nool ee rayidka ah ee aan waxba galabsan, dad badanina waxay is waydiiyaan maxay kooxdani uga soo diga rogatay la dagaalanka ciidamada hubaysan ee ay ugu soo jeesatay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Kooxdan falalkeeda waxaa loo aanayn karaa dhawr arrimood oo dhacay wixii ka dambeeyay dhimashadii Usaama Bin Laadin. Waa ta horee kooxda waxa gacantooda ka baxay il dhaqaale oo aad u muhiim ah, markaa waxay haatan beegsadaan dadka rayidka ah ee maal qabeenka ah, iyagoo ka dalbanaya madax furasho. Kooxdani quus ayay joogtaa, sababtuna waa lacag la’aanta haysa, sida kaliya ee ay lacag ku heli karaana waa iyagoo af-duuba muwaadiniinta maal-qabeenka ah. Dhanka kale, waxay alqaacidda beegsataa masuuliyiinta sarsare ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta, inkastoo dadkani aysan ayhayn kuwa ay alqaacidda u dan leedahay, laakiin cida alqaacidda amarka ku siisa ee kiraysataa waa masuuliyiinta maal-qabeenka ah, kuwaasoo aan rabin in wada hadalada nabaddu ay qabsoomaan. Markaa haddaan soo koobo, waxaan odhan karaa waxay kooxdu isu badashay calooshood u shaqaystayaal iyo dhiigya-cab u heelan inay fushadaan danohooda gaarka ah, cidda dhibta arrimahaasi ku dhacdaana waa dadka rayidka ah.

  • yaser hussein mazi
    July 12, 2012 @ 04:55:11AM

    Kooxaha arggaggixisada ahi waxay ka siman yihiin in marka la dilo hor joogayaashooda, waxay bilaabaan inay kala jajabaan. Arrinkanina waa qorshaha ay maraykanku ku shaqaynayeen, sababtoo ah waxay ogaayeen in marka ay dilaan horjoogaha alqaacidda, waxa fududaan doonta in kooxdu burburto. Sababta kale ee dilista hogaamiyaha alqaacida ay u sababtay burburka kooxda waa iyadoo ay alqaacidda isaga si toos ah uga amar qaadan jirtay. Taa macneheedu waa haddii uu Usaama Bin Laadin noolaan lahaa, wuxuu sii wadi lahaa inuu qorsheeyo meelaha ay tahay in kooxdu weerarto.

  • snichchisky
    July 3, 2012 @ 09:49:40AM

    Kooxda alshabaab waa inay is dhiibtaa oo joojisaa dagaalka, sababtoo ah Kenya weeyaan cidday la dagaalamayaan. Waxaan leeyahay wakhtigii aad dagaalami lahaydeen wuu dhacay. Marba markay ciidamadu ka badanyihiin ayay ka fiicantahay.

  • John
    July 2, 2012 @ 09:41:29AM

    Markaan akhriyay faalooyinka ku saabsan dadka soomaaliyeed iyo kooxda alshabaab, waxaa ii cadaatay in faalooyinkaas ay labada dhinacba sawir aan sax ahayn ka bixinayaan. Waa ta horee, anigu waxaan kasoo jeeda dalka Kenya, tobankii sano ee ugu dambeeyayna waxaan ula noolaa dadka soomaaliyeed hab nabad ah oo galgacayl leh. Dadka soomaaliyeed waa dad xdaariyiin ah, oo nabada jecel, oo qofka bini’aadamka ah noloshiisa qadariya, arrimahaana waxay kala mid yihiin dadka dunida inteeda kale ku nool. Sidoo kale, diinta islaamka ee ay aaminsanyihiin arrimahaas aynu kor kusoo xusnay ayay dadka faraysaa. Dhanka kale, kooxda alshabaab waa xayn dambiilayaal ah, oo gabaad ka dhigtay wax cilimi-kusheeg ah oo marinhabawsan, kaasoo ay u haystaan una aaminsan yihiin inuu yahay cilmiga saxda ah ee diinta islaamka kusoo arooray, laakiin arrinkaasi maaha dhab! Waayo ma jirto diin dhigaysa in qofkale la waxyeeleeyo, iska daa in dad caabudaya ilaaha nolosha dadka galiyay la laayee! Markaa waxaan alshabaab leeyahay, guulaysan maysaan ee joojiya falalka bini’aadamnimada ka baxsan ee aad gaysanaysaan, hadii kale ilaahay ayaa idin joojin doona.

  • ALLAH IS ONE AND MOHAMED IS MESSENGER OF ALLAH
    June 19, 2012 @ 07:11:35PM

    Dhamaan dadka soomaaliyeed maaha argagixiso.

  • Mikhail
    June 18, 2012 @ 09:18:39AM

    Usaama binu laadin wuxuu ahaa nin xeelad badan, sababtoo ah kolba marka ay badato tirada kooxda iyo dagaalyahannada isaga taabacsani, waxaa sii badanaya raadka ay ku yeeshaan aduunka, iyadoo waliba aan lagu xisaabtamayn basaasiinta. Anigu ma jecli inaan faraha la galo arrimo diinta ku shaqa leh, laakiin kalmada Jihaad si wayn ayaa looga leexiyay macnaha iyo duruufta keentay inay kusoo aroorto diinta islaamka. Diinta islaamku waa diin nabad ah, ilaahayna kaagama baahna inaad caawimo u fidiso. Islaamka uma dulqaato gacan-kahadalka, noockasta ha ahaadee, markaa waxaan leeyahay ha la iska daayo dadka nafohoodu intaa go’ayaan. Dhamaan kooxahani waa gaangistaro asal ahaan, laakiin waxay kusoo gabanayaan diinta islaamka, waxaanay ka faa’idaysanayaan jahliga muslimiinta. Waxay wadaan waa ganacsi ay wadaan koox tiro yar oo sidaan qabo ah argagixiso doonaya inay ka faa’idaystaan fawdada ka jirta dalalka islaamka ah. Hadii ay diinta islaamku dhab ahaantii tahay diin nabad ku salaysan, markaa waa inuu meesha ka baxaa dagaalka iyo dilka aan loo baahnayni. Dalalka isku sheega inay muslim yihiina waxaa la gudboon inay tusaale wacan bixiyaan oo ay muujiyaan inay yihiin dalal nabadda jecel oo ku dhaqmaya diinta islaamka iyo arkaanteeda. Salaamu calaykum!

  • Newton
    June 18, 2012 @ 02:48:30AM

    Anigu waan raacsanahay Bishaar Xaajji boqolkiiba boqol markuu ka hadlayay aragtida ay Cathereen ka qabto bulshada soomaaliyeed. Wakhtigan dunidu marayso maaha caqli gal in qof bini’aadam ahi uu walaalkiis ku sheego nacasnimo iyo dib usocodnimo. Sideebay dareemi lahayd hadii khalad uu qof ama koox ka mid ah bulshdadeedu galay loo aaneeyo bulshadeeda dhamaantood, oo bulshadaas kadibna lagu sheego nacasnimo, gaangistarnimo iyo inay tahay mid aan la doonayn! Waxaan leeyahy walaalihiina ilaaliya, oo hadalada aad afkiina soo marinaysaana ka taxadira.

  • kepher ondere
    June 17, 2012 @ 01:53:02PM

    Dadka soomaaliyeed ha u dagaalamaan dalkooda oo ha ku biireen aduunka intiisa kale si ay noloshooda u horumariyaan. Kooxaha argagaxisada ah wakhtigii wuu ka dhamaaday, waxaana ku waajib ah inay hormood ka noqdaan horumarinta dhaqaalaha dalkooda, oo aysan khatar galin daganaanshaha mindaqadda.

  • Jonas
    May 24, 2012 @ 03:15:17AM

    Anigu waxaan ahay qof u dhashay dalka Tansaaniya, waxaanan sannado badan ku noolaa nolol aanan arag dhiig bini’aadam oo la daadinayo, oo ay daadinayaan dad kale oo bini’aadam ah, iyagoo ku raaxaysanaya arrinkaas. Wixii intaa dhaafsiisan ee aan arkaa waa iyadoo dhiigu ku daato shilalka gaadiidka, sida baabuurta iyo mootooyinka iyo tareenada. Runta marka laga hadlo, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeedoow waxaad daadisaan dhiigga aabayaashiin, kadibna dhiiga hooyooyinkiin, kadibna dhiiga walaalihiin. Laakiin intaasi idinkuma filaato, markaasaad haddana daadisaan dhiiga carruurtiina. Anigu ma aaminsani in diinta islaamku ay ogoshahay falalkan oo kale. Suurot gal maaha! Anigu waxaan dadka Soomaaliyeed ka baryayaa inay iyagoo gacmaha is haysta ka garab dagaallamaan dawladdooda oo ay u jilib dhigaan kuwa isku sheegay al-Shabaab, waan inaysan ka baqanin kooxahaas waayo waa dad idinka idin lamid ah. Habka lagula dagaallami karo kooxahani waa hab aad u fudud, umana baahna qoryo in lagula dagaalamo kooxahaas. Anagu hadaanu nahay reer Tanzania, waxaanu haysanayaa hub kaliya oo aanu kula dagaalano cadawga noocaas ah. Hubkaasi waa: “Qof kastaa ha ilaaliyo oo ha ka war qabo jaarkiisa”. Taa macneheedu waa maxay? Waxa weeyaan haddii aad ogtahay in jaarkaagu uu xubin ka yahay kooxda al-Shabaab, si bilaa shanqadh ah oo qunyar ah u bax, kadibna xagga dawlada ama booliiska u dhaqaaq oo qofkaas magaciisa iyo dhaqdhaqaaqiisa iyo dhaqankiisa intaba ka war bixi, waxaanad booliiska u gudbisaa ciwaanka gurigiisa iyo teleefon kiisa iyo xitaa email kiisa iyo wixii macluumaad ah ee xagga ammaanka ah ee aad hayso. Maaha waajib inaad hubto in qofkaasi xubin ka yahay kooxda al-Shabaab, arrinku sidaas maaha! Waxa kaliya ee lagaaga baahanyahay inaad u fiirsato oo aad la socoto in dhaqdhaqaaqiisu uusan caadi ahayn iyo inkale. Tusaale ahaan, haddii uu qofkani hawlihiisa si qarsoodi ah u guto, ama uu lacag ka helo ilo ama meelo aan la sharixi karin waxay yihiin, ama uusan haysanin shaqo la fahmi karo ama la sharxi karo waxay tahay. Markaa haddaad tahay aabbe ama hooyo ama walaal Soomaaliyeed, fadlan habkan adeegso si aad u baabi'isid al-Qaacida iyo kooxaha iyo dadyowga kale ee la hal maala. Waxaan idin leeyahay idinku booliish isu noqda.

  • Bishar haaji
    May 15, 2012 @ 09:53:06PM

    Kathrin waxaan ugu jawaabyaa, waan la yaabay faalada aad dhiibatay in la soo dhigay website-ka inkastoo aad fikrad aad u foolxun ka qabto soomaalida, markaa maaha wax qarsoon in aad tahay qof cunsuriyad ah oo jaahil ah, kamana laba-labeeyn doono in aan sidaas kuugu yeedho. Soomaaliya in lagula xukumo labaatankii sano ee u dambyeeyay wixii ay soo martay waa arrin aan caqliyan sax ahayn, waayo waxa bari jiri jirtay dawlad soomaaliyeed oo qurxoo, oo adag, oo barwaaqo ah oo hormood ka ahayd qaraada afrika xaga xuquuqda dadka iyo xorriyada. Anigu waxaan ahay qof soomaaliyeed, waxaanay himiladaydu tahay inaan arko soomaaliya oo ka madhan argagixisada, kuna darsoo anigu waxaanan ahay nin cilmaani ah. Kooxda alshabaab waa dad iyaga iyo hogaamiyayaashooduba jaahil ah. Nin caqli badan ayaa bari yidhi: qof indhoole ahi qof kale oo indhoole ah ma hagi karo, markaa ninkii usaama binu laadin ee dhintay wuxu ahaa nin indha la’ , oo xoriyada ka indha la’, oo nabada ka indha la’, oo xuquuqda bini aadamka ka indha la’. Markaas kooxda alshabaab na waa sidiisa oo kale. Markaa waxa aad maqaalkan ku aragtaan waa xidhiidh dhex maray laba qof oo argagixiso ah oo bilaa naxariis ah, aniguna waan ka yaabay amaanta aad amaantay koox argagixiso ah sida kooxda alqaacida, adigoo ku amaanaya inaysan ku biirin kooxda arxanka daran ee alshabaab, adigoo u malaynaaya in kooxda alshabaab ay jaahiliin yihiin. Waa runtaa oo waan kugu raacsanahay arrinkaas, laakiin labada kooxoodba waa jaahiliin waana bahalnimo waxay wadaan. Dhanka kale, in soomaalidoo dhan wada alshabaab laga dhigaa maaha arrin haboon, sababtoo ah kooxahani waxay xakameeyeen xoriyadayaddeennii, waanay na laayeen, mandaqadana deganaansho la’aan ayay ka dhaliyeen. Markaa waxaan jeclaan lahaa inaad la timaado ra’yi xadaari ah oo dadnimo ku dheehantahay, oo ku dhiirro in aad nala naawisho Soomaaliya sidan ka fiican, oo dalka soomaaliyeed ee dalka gabayaasha ku magaca dheeri uu mar labaad cagaha isku taago. Heesa calankayagu waxa weeyaan marka aanu yara korno ayaanu awoodaysan doonaa, waxaanay noogu yeedhi doonaan xornimo, sida calan babanaaya.

  • Mr. ileeye
    May 13, 2012 @ 02:49:58AM

    waa in laga xishoodo wixii dhibaataynaya in dadka aan hubka sidan la dilo ama wax yeelo loo gaysto, waa la inooga digay in dhiiga macna daro loo daadsho.

  • Fanah ali
    May 12, 2012 @ 07:06:32AM

    Waxaan odhan karaa kooxda Al-qaacida xeeladeheeda dagaal wax badan ismay badalin kadib intii uu usaama binu laadin dhintay. Inkastoo uu isbadal ku yimi hogaanka kooxda Al-qaacida, hasayeeshee kooxdu siday hore u ahaan jirtay waxbaa iska badalay. Tusaale ahaan, waxay Al-qaacida u kala jajabtay kooxo yaryar oo dano gaar ah wata aargoosina u socda. Kooxahani uma dagaalamayaan wixii ay hore ugu sheegi jireen jihaadka, maxaa yeelay haatan waxay isu rogeen tuug kaliya raba inay xoolo uruursadaan. Kooxda Al-qaacida waxay haatan bilawday inay afduubto dadka maalqabeenka ah iyo kuwa caanka ah, kadibna waxay dalbadaan lacag madax furasho ah oo badan. Intaa waxa dheer, kooxda Al-qaacida waa calooshood u shaqaystayaal loo kiraysto inay dilal fuliyaan, halkaana waxa ka cad in ujeedadooda kali ahi ay tahay sidii ay lacag u heli lahaayeen. Markaa, anigu waxaan qabaa in ay istaraatiijiyadoodii ay isbadashay intii usaama bin laadin uu dhintay kadib, laakiin kooxda Al-qaacida wali waxay khatar ku hayaan dunida.

  • Bearth
    May 11, 2012 @ 09:22:38AM

    Waxay u dagaalamayaan is baabi’intooda wakhtiga oo kaliya ayaana ka markhaaati kici doona. Ma jirto diin oggol dilidda dadka aadamaha ah. Waxay ku khasbanaan doonaan in ay dhintaan haddii ayan xaqa arag.

  • Jm
    May 9, 2012 @ 10:19:21AM

    Maxay dalka oo dhan u hoos gaynayaan koox arxan daran taasoo ay tahay in ay la dirirto ajaanibta ayna ka fogaadaan in ay la diriraan walaalahood muwaadiniinta ah. Ma lacag darteed bay sidaa u yeelayaan? Waxan rajaynayaa in ay Soomaali maanta is garato.

  • Mohammed
    May 9, 2012 @ 02:58:35AM

    Alshabaab way dhimatay...Ciidamada Kenya iyo Ciidamada Itiyoobiya ayaa sii wada inay dilaan!!!

  • cathrynnozickbmxs
    May 8, 2012 @ 04:55:23AM

    Carabtu waa dad il-bax ah (Wastarabu) halka ay Soomaalidu yihiin kuwo aan is-qaban karin, badaw ah, guud ahaana ah bulshada ugu nidaamka daran.... way caddahay in jihadiyiinta xoogguudu iska fogeeynayaan sheegashada canaasiir iyaguba dayaysan oo axmaqiin ah sida Somaalida oo kale. Taasi waxa ay ka dhigantahay al-Shabaab in ayan ahayn koox jihaad laakiin ay yihiin gaangiistaro u ooman dhiiga oo daroogo ahaan u qabto, gaangiistaro danbiilayaal Islaam sheegta, kuwaa oo ku kaca kufsi, baad iyo dhibaato ay ku hayaan dumarkooda, wiilashooda iyo duqaydooda. Beesha caalamku waa inay u oggolaadaan Soomaalidu inay dagaan dalkooda, kuwan [dilaayaasha ah] waa in la tarxiilaa, loo diidaa dhalashada oo dib loogu celiyaa waddamadii qaraxa iyo kulayka ahaa ee ay ka yimaadeen, si ay tuugadani iskood neefta isugu celiyaan oo isugu dilaan dambiyadooda, hadda dadkan xunxuni ma waxay doorteen in ay ka hirgaliyaan aydiyoolajiyaddooda ay rumaysan yihiin Soomaaliya oo ay dhisaan Imaarad Islaami ah... fadlan Soomaaliyay .. meel cidla ah ka heesa !

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad