Maajo 02, 2012
Muqdisho iyo deegaannada miyiga ah ee ku hareeraysan ayaa waxaa ka da’ay roobab mahiigaan dhawrkii maalmood ee u dambeeyey oo uu bilowday xilli roobaadka, dadka gudaha ku barakacayna waxay ka cabsi qabaan in ay xaaladahoodu sii xumaan doonaan.
Sida ay sheegeen ilo dhinaca caafimaadka ah iyo goobjoogeyaal, roobabkii ugu dambeeyey iyo daadadkii ay sababeen ayaa waxaa ugu yaraan u geeriyooday toddobo qof oo ay ugu yaraan shani carruur tahay, waxaa kaloo ay sababeen 30 dhaawac ah.
Sannadkii la soo dhaafay, boqollaal kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa ka soo buuxsamay Muqddisho iyagoo raadinaya cunto iyo hoy – dadkaa oo ay qaar badani ka soo qaxeen meelaha miyiga ah ee ay abaartu ku dhufatay. Inta badan IDP-yada Muqdisho ayaa ku nool waabab gaboobay oo baakado iyo dhigo geedaha laga soo jaray ka samaysan oo aan u adkaysan karin roobabka culus iyo dabaylaha xoogga leh.
"Roobabkii ugu dambeeyey waxay culays saareen xeradaan iyo xeryaha kale ee magaalada ku filiqsan,” ayuu yiri Cabdullaahi Axmed, oo ah hoggaamiyaha xerada Saybiyaano ee ku taal Hodan oo ku taalla koofurta Muqdisho. “Inta badan waababka iyo buulasha oo ahaa hoyga asaasiga ah ee dadkan soo barakacay ayaa dumay. Haatan inta ugu badan qoysasku waa ay guryo beeleen ka dib markii uu roobku hafiyay guryahoodii kab-kabka ahaa.
Axmed ayaa Sabahi u sheegay in ilaa 5,000 oo qof oo barakacayaal ah oo haatan ku nool xerada Saybiyaano ay ku sugan yihiin xaalado halis ah, guryo ku habboon oo aanay haysanin awgeed. “Qoysaska qaar ayaa ku khasbanaaday in ay bannaanka ku noolaadaan, haddii ay roobabku sii da’aanna, xaaladdoodu way sii xumaan doontaa,” ayuu yiri.
Saadaasha ayaa sheegaysa in ay roobab badan di’i doonaan waqtiyada soo fool leh.
"Roobabku waxa ay dhibaato ku yihiin dadka barakacayaasha ah waayo xaaladohooda ayay sii xumaynayaan khatarna waxay ku hayaan xeryahooda,” ayay tiri Xaliima Mukhtaar, oo ah hooyada shan carruur oo ku jirta xerada Siligga ee Wadajir oo ku taalla Koofurta Muqdisho. Waxay sheegtay in laba qof iyo dad waayeel ahi ay roobabka mahiigaanka ah daraaddood ugu dhinteen xerada.
"Barakacayaasha ku sugan xeradan waxay horayba ugu noolaayeen duruufo qallafsan, laakiin roobabka ayaa arrimaha aad u sii kharribay, khaasatan marka ay timaaddo xaaladaha nolosha,” ayay ku tiri Sabahi. “Waxaannu rajeynaynaa in ay jirto cid caawin karta barakacayaashan. Waxaannu si degdeg ah u codsanaynaa bacyaasha buulasha lagu dedo, waayo guryaha kab-kabka ah oo aannu ku dhex noollahay waxaa dhib u geystay dabaylo iyo roobab.
Cumar Cabdi oo 56-jir ah oo deggan xerada Siigaale oo ay ku jiraan 9,000 oo dad barakacay ah, ayaa yiri “Saddex carruur ayaa ku geeriyootay xeradeenna markii ay roobabku maasheeyeen guryahoodii kab-kabka ahaa. Barakacayaasha halkani waxay ku nool yihiin guryo iska taag daran oo aan ka ilaalin karin roobabka.”
Cabdi ayaa Sabahi u sheegay in xaaladda Siigaale ay sii xumaanayso oo ay inta badan waababka oo ka samaysan dhis iyo baakadona ay ama aad jugi u gaartay ama aslanba ay dumaan. Wuxuu hay’adaha samafalka iyo dawladda ku meel gaarka ah ugu baaqay in ay tallaabo arrintan ka qaadaan oo ay dadkan caawiyaan.
"Xeradu waxay ku taal meel babac ah oo u nugul daadadka markii uu roob da’o waayo meeshani ma leh biyo-xireenno,” ayuu yiri. “Daadadka ayaa xaaqay guryaha ku dhawaad 700 oo qoys.”
Shaqaalaha gargaarka ayaa ka digey in ay barakacayaashu wajahayaan cawaaqib darro aad u xun haddii aan la siinin bacay guryahooda ku detaan. Intaa waxaa dheer, shakhsiyaad badan oo hoy la’aan ah ayaa khatar ugu jira in ay dhibaato dhab ahi gaarto haddii ay roobabku sii socdaan – gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka waayeelka ah.
Cali Muuse oo ah agaasimaha gaadiidka bukaanka qaada ee Lifeline Africa oo saldhiggeedu uu yahay Muqdisho ayaa Sabahi u sheegay, “Waxaannu ilaa haatan isbitaallada Muqdisho u daabbulnay 23 qof oo qaba dhaawacyo ay sababeen. Dhamaantood waxay ahaayeen dadka soo barakacay.
Muuse ayaa sheegay in baahi degdeg ah loo qabo in la bixiyo agabyada la jirsado, bacyaasha guryaha lagu gadaamana ay yihiin kuwa loogu baahi badan yahay.
Faaduma Maxamuud oo u shaqaysa Xarunta Nabadda iyo Horumarka oo ah hay’ad maxalli ah oo gargaar ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarku ay la daalaa-dhacayeen in ay gargaarka degdegga loogu baahan yahay siiyaan barakacayaasha.
"Innagoo kaashanayna Hay’adda Badbaadinta Carruurta (Save the Children,) waxaannu 6,000 oo qoys gaar ahaan kuwa ay gaadhay saamaynta ugu xun oo ku kala nool xeryaha Siigaale iyo Daraawiishta u qaybinnay in ka badan 6,000 oo ah bacyaasha guryaha lagu gadaamo,” ayay ku tiri Sabahi.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in cudurrada faafa ee ay biyuhu sidaani fidaan. Dhakhaatiirta ayaa ka digaya in cudurrada sida duumada, daacuunka iyo shubanku ay ku bullaalaan biyaha fadhiya jidadka Muqdisho, iyadoo ay haatan xaaladaha caafimaad ee labada xero ee barakacayaashaba sii xumaadeen.
"Waxaannu aad uga werwersan nahay in roobabkan mahiigaanka uhu ay saamayn doonaan dadka barakacayaasha ah oo laba sii il-darraa xaalado adag oo dhinaca bani-aadannimada iyo caafimaadkaba ah,” ayuu yiri Cabdinaasir Cabdullaahi oo ah dhakhtar ka shaqeeya Muqdisho.
Cabdullaahi ayaa Sabahi u sheegay in kumannaan barakacayaal ahi ay u nugul yihiin cudurrada la yimaada roobka, isagoo hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay bixiyaan agabka lagama maarmaanka u ah in ay barakacayaashu naftoooda ku ilaaliyaan, gaar ahaannna isaga xafidaan kaneecada oo fidisa duumada.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo