Guddi hawleed bilayska ah oo baaraya weerarkii kaniisaddii Nairobi

Waxaa qoray Julius Mokaya oo Nayroobi jooga

Maajo 01, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Guddi hawleed amni ah ayaa la dhisay si ay baaritaan ugu sameeyaan weerarkii dhimashada sababay ee ka dhacay kaniisadda ku taala magaalada Nairobi weerarkaasi oo dhacay Axadii (April 29keedii), halkaasi oo hal qof lagu dilay 14 qof oo kalena lagu dhaawacay, sida ay masuuliyiintu u sheegeen Sabahi.

  • Askarta bilayska Kenya oo ilaalinaya goobtii uu Axadii ka dhacay weerarka bambaabo ee kaniisada God's House of Miracles International Church oo ku taalla Nairobi. [Stringer/AFP]

    Askarta bilayska Kenya oo ilaalinaya goobtii uu Axadii ka dhacay weerarka bambaabo ee kaniisada God's House of Miracles International Church oo ku taalla Nairobi. [Stringer/AFP]

“Koox amniga ah oo ka kooban xubno ka tirsan Unugga Bilayska u qaabilsan la Dagaalanka Argaggisada iyo Waaxda Dambi Baadhista, oo taageero ka helaya ciidamada, ayaa bilaabay baaritaanno lagu hubinayo in dembiilayaasha la soo xiro iyo si loo ogaado ujeedada ka dambaysa weerarka, ayuu yiri Maamulaha Bilayska Mathew Iteere.

Iteere wuxuu Sabahi u sheegay in kooxda ammaanka u qaabilsani ay daba socdaan raadad lagu aqoonsanayo sidoo kalena lagu ogaanayo ujeeddada uu lahaa ruuxa weerarka gaystay.

Weerarku wuxuu abbaaraha 7:50 subaxnimo ka dhacay kaniisada lagu magacaabo God's House of Miracles International Church. Kaniisaddu waxay ilaa saddex kiiloo mitir u jirtaa Degmada Ganacsiga ee Bartamaha magaalada. Baadarigii salaadda tujinayay wuxuu ka mid ahaa dadkii goobta ku dhaawacmay.

“Wali ma kala garanayno in qofka weerarka soo qaaday uu ka tirsan yahay shabakad argaggixiso oo wayn oo ka hawl-galaysa magaalada ama inuu weerarku u dhacay sababa la xiriira khilaaf ku saabsan dhulka kaniisada laga dhisay,” ayuu Iteere yiri.

Wuxuu Iteeri sheegay in ay dambi-baarayaashu sii wadi doonaan inay maalin kasta bixiyaan macluumaadka cusub ee ku soo kordha baaritaanada la wado isagoo muujiyay rajada ah in warbixinta u dambaysa ee laga soo gudbiyo weerarka lasoo bandhigo doono ilaa Jimcaha.

Maamulaha Waaxda Dambi Baadhista Ndegwa Muhoro ayaa Sabahi u sheegay in dambi-baarayaashu ay isku dayayaan in ay dib-u-dhisaan muuqaalkii uu lahaa qofka weerarka soo qaaday iyadoo lagu salaynayo caddaymo laga helay dad goobta joogay si loo tixraaco sawirada dadka la yaqaano ee argagxisanimada looga shakiyay iyo kuwo dambiga la maleega ee ku jira diiwaanka waaxda dambi-baarista. Dambi-baarayaashu waxay sawirada tusi doonaan dadkii kaniisada ku cibaadaysanahay iyo markhaatiyo kale si ay u aqoonsadaan ruuxa weerarka gaystay.

“Wax fursad ah oo aan u reebaynaa ma jirto -- haddii ay tahay argagixisada ama falalka kale ee dambiyeed,” ayuu Muhoro yiri.

Axaddii, Madaxweyne Ku-xigeenka Kalonzo Musyoka ayaa weerarka ku tilmaamay inuu yahay fal argaggixisanimo, laakiin si gaar ah uma cadaynin kooxda argagixiso ee laga yaabo inay falka ka qayb-qaadatay.

“Kani waa fal argaggixisanimo. Waa wax murugo leh inay gaaraan ilaa heerka ay dadka ku weerarayaan xataa marka ay cibaadaysanayaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaan guud ahaan dalka ugu baaqaynaa deganaansho,” ayuu madaxweyne ku-xigeenku u sheegay koox suxufiyiin ah ka dib markii uu dadka dhibaatadu soo gaartay ku booqday Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta, halkaasi oo dadkii cibaadaystayaasha ahaa intooda badan la dhigay.

Kibet Mengich, oo ah masuul u qaabilsan xiriirinta Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta, ayaa Sabahi u sheegay in Talaadadii 14 qof oo ahaa dadkii dhibaatada dhaawac soo gaareen isbitaalka la dhigay, mudadaa ka dibna ilaa tobban ayaa isbitaalka laga sii daayay. Saddex kaliya oo ka mid ah dadkii dhibaatada dhaawac soo gaartay, oo xaaladoodu wali halis ku sugan tahay, ayaa isbitaalka jiifa,” ayuu yiri masuulku.

Maamulayaasha ayaa u digay masuuliyiinta ku sugan goobaha dadwaynaha si ay u kordhiyaan baaritaanada dhinaca ammaanka si loo baajiyo weeraro argaggixisannimo.

“Ilaa bishii la soo dhaafay, waxaan waydiisanay kaniisadaha, masaajidada iyo xarumaha kale ee lagu cibaadaysto, tukaanada waawayn ee laga adeegto iyo xarumaha bulshadu inay dardar galiyaan ammaankooda, laakiin uma muuqato in kuwo iyaga ka tirsani ay Taladaadi si dhab ah u qaateen,” ayuu Taliyaha Bilayska Gobolka Nayroobi Anthony Kibuchi u sheegay Sabahi.

“Dadka goobtaan kuma baarno sababtoo ah waxaan aaminsan nahay in dhamaan dadka Masiixiyiinta ahi ay wax wanaagsan rabaan,” ayuu Moris Atsali oo waardiye ka ah kaniisadda God's House of Miracles International Church u sheegay wargayska Kenya ka soo baxa ee Daily Nation.

Al-Shabaab, oo xiriir la leh al-Qaacida ayaa ilaa Octobar 2011-kii tiro weerarro ah ka fulisay dalka Kenya, ka dib markii ciidamada Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda. Bishii la soo dhaafay, al-Shabaab waxay ku hanjabtay cawaaqib-xumo ka dhalata sii joogitaanka ciidamada Kenya ay sii joogaan dhulka Soomaalida.

Dawladdu waxay labbadii weerar ee dhacay bishii Mach ku eedaysay al-Shabaab. Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay inka badan 60 qof oo kalena way ku dhaawacmeen markii bambada gacanta lagu tuuray rakaab sugayay in ay bas fuulaan weerarkaasi oo March 10-keedii ka dhacay boosteejada basaska ugu wayn Kenya ee ku taala Nairobi. March 31-keedi bambada gacanta ayaa lagu tuuray isku soo bax ka dhacayay banaanka kaniisadda goob u dhow Mombasa, kaasi oo dilay hal qof 16 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Al-Shabaab lalama xiriirinin weerarkii Axadda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • kevin t mwatela
    May 2, 2012 @ 11:07:15PM

    Ma garan karo sababta loo dilayo dad aan waxba galabsan, laakiin wax kasta ood qof ku sameyn kartid, oggow in Eebe uu DAAWANAYO!! Marka haddii aad seef ku disho---------- adigana seef ayaa ku dili doonta . Sidaa darteed iska jir markaan ka dib waxaa lagu qaban adoon ogayn!

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad