Hay’adaha samafalka oo qaxootiga is-xilqaamayaasha ah uga faa’idaysanaya wanaajinta cunto qaybinta

Waxa qoray Bosire Boniface oo Wajeer jooga

Abriil 30, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dareenka ka jira arrimaha ammaanka ayaa ku khasbay hay’adaha gargaarka in ay dib uga fakaraan habkii ay gargaarka uga qaybin lahaayeen xerada qaxootiga Dhadhaab.

  • Guddiga  is-xilqaamayaasha xerada Ifo oo kulan ka leh habkii cuntada loogu qaybin lahaa xerooyinka. [Bosire Boniface/Sabahi]

    Guddiga is-xilqaamayaasha xerada Ifo oo kulan ka leh habkii cuntada loogu qaybin lahaa xerooyinka. [Bosire Boniface/Sabahi]

  • Qaxooti ku sugan xerada Ifo oo hay’adaha gargaarka ka qaadanaya agab aan cunto ahayn. [Bosire Boniface/Sabahi]

    Qaxooti ku sugan xerada Ifo oo hay’adaha gargaarka ka qaadanaya agab aan cunto ahayn. [Bosire Boniface/Sabahi]

Kadib markii la qafaalay saddex ka mida shaqaalaha gargaarka bishii October 2011-kii, qalalaase ka dhacay xeryaha iyo hanjabaado is-daba-jooga oo ka yimid al-Shabaab, ayay hay’adaha samafalku waxa ay joojiyeen howlihii ay ka wadeen xeryaha, taas oo iyadu si wayn u saamaysay howlihii gargaarka bini’aadannimo, sida ay saraakiishu ugu warrameen Sabahi.

Si kastaba ha ahaatee, marka dhinaca wanaagsan laga eego, duruufahaasi waxa ay abuureen fursad ay hay’adaha samafalku uga faa’idaystaan in ay ku dhiiri-galiyaan qaxootiga sidii ay u maareeyn lahaayeen qaar ka mida howlaha, sida uu sheegay afhayeenka Hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR) ee Kenya Emmanuel Nyabera.

Si looga faa’idaysto muruqa bulshada, hay’adaha safamalku waxa ay dhiseen guddiyo qaxooti ah kuwaa oo mas’uul ka noqonaya qaybinta gargaarka, ayuu yiri. Guddi kasta waxa uu ka kooban yahay ugu yaraan 20 xubnood, kuwaa oo ay iska soo xuleen isla bulshada qaxootiga ah. Xubnaha ka tirsan guddiyadu waa in ay qaxooti ahaan uga diiwaan-gashan yihiin xerada ay shaqada ka hayaan, isla markaana ay ku shaqeeyaan isxil-qaannimo.

Marka la eego xerada Ifo, hay’adaha CARE International, Handicap International iyo Lutheran World Federation waxa ay haatan ku tiirsan yihiin guddiyadaas. Nyabera waxa uu sheegay in ay haatan Dhadhaab ka shaqeeyaan in ka badan 25 hay’ad samafaleed, kuwaa oo dhammaantood lagula taliyay in ay isticmaalaan guddiyadaas.

Nyabera waxa uu sheegay in qaxootiga loo xushay sidii ay u xiriirin lahaayeen dadaallada loogu jiro maaraynta qaybinta gargaarka, laakiin sidoo kale ay qaataan tababbarro la xiriira sidii ay ula xaali lahaayeen baahiyaha kale oo ka jira xerada, sida nadaafadda, waxbarashada, caafimaadka, ammaanka iyo biyaha.

Ka sakoow fududeynta qaybinta cunnada, guddiyadu waxa ay shaqaalaha hay’adaha gargaarka u soo gudbiyaan warbixinno waqtile ah kuwaa oo ay uga waramayaan xaaladda qaxootiga cusub iyo tan guud ee xerada.

Nyabera waxa uu Sabahi u sheegay in hay’adda UNHCR ay arrimaha isha ku hayso si looga fogaado isu-xaglin ku salaysan hayb qabiil. Shaqaale ka socda UNHCR-ta iyo hay’ado kale ayaa loo xilsaaray in ay guddiyada ku kormeeraan hannaanka ay u qaybinayaan cuntada iyo iyo agabyada kale ee aan cuntada ahayn.

Mustafa Khaliif Cabdi, oo la shaqeeya guddiga xerada qaxootiga Ifo, ayaa sheegay in ayan jir wax fursad ah oo wax lagu bi’iyo, bacdamaa ay guddiyada gacanta ka gaysanaya qaybinta gargaarka ay isticmaalayaan shuruudaha ay wax ku qaybiso UNHCR-ta.

Guddiga uu ka tirsanyaha waxa uu mas’uul ka yahay in uu qoys kasta bishii laba jeer gaarsiiyo saddex kiilo oo bur ah, saddex kiilo oo gallay ah, 250 millilitir (rubuc litir) saliidda cunnada ah, 300 oo garaam oo salbuko ah iyo boorashka nafaqaysan.

Cabdi waxa uu sheegay in kooxa la midka ah guddigiisa ay kulan la qaateen hay’adaha ka howl-gala Ifo si ay u codsadaan tababar dheeraad ah.

Cabdi waxa uu Sabahi ku yiri, haddii ay hay’aduhu bilowgiiba wadashaqaynta la bilaabi lahaayeen guddiyada, waxa u suura-gali lahaa guddiyadaasi in ay markiiba buuxiyaan kaalinkii ay banneeyeen hay’adihii ka baxay xeryaha markii uu weerarku dhacay.

Guddoomiyaha Degmada Dhadaab, Bernard Ole Kipury ayaa Sabahi u sheegay in ammaanka xeradu uu soo wanaagsanaaday isla markaana hay’adihii la baxay shaqaalahooda la waydiistay in ay dib u billaabaan shaqadoodii.

Tallaabooyin adag oo la qaatay tan iyo bishii January ayaa waxaa ka mida in ciidamo ammaan oo ilaaliya lagu daro shaqaalaha gargaarka marka ay dhex marayaan xerada. Ciidamada ammaanku waxa kale oo ay shaqaalaha ku ilaaliyaan xafiisyadooda iyo degaankooda, ayuu yiri Kipury. Ciidamada ammaanku waxa kale oo ay horay u soo rogeen bandoow aan waqti loo qaban si loo xakameeyo shaqaaqada.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa ammaanay shaqada ay hayaan guddiyada qaxootiga ee is-xilqaamay, laakiin waxa uu sheegay in adeegga caafimaadku u baahan yahay in loo helo shaqaale xirfadleyaal ah oo u tababaran howshaas.

“Waanu ku faraxsan nahay in mas’uuliyadda lagu wareejiyay bulshada, laakiin waxa jirta baahi loo qabo shaqaale caafimaad oo aad u tababaran si ay wax uga qabtaan baahida dadka oo aan howshaas lagu sii dayn shaqaalaha caafimaadka ee bulshada,” ayuu Sabahi ku yiri.

Maryan Xuseen Axmed oo ah hooyo 37-jir ah oo ku nool Ifo haysatana afar caruur ah, ayaa ammaantay dadaalka is-xilqaamayaasha. “Biloowgii, wax la yaab leh ayay nagu ahayd in dad qaxooti ah oo nala mida noo qaybiyaan gargaarka, laakiin waxa ay hayaan howl fiican, mana jirto sabab ay qaxootigu uga cowdaan,” ayay tiri.

Dhadhaab ayaa waxaa ku jira 463, 000 oo qaxooti ah, waxaanay ka kooban tahay xeryahaha qaxootiga ee: Ifo, Ifo II, Dhagaxley iyo Xagardheere.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 6)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada