Dawladda Soomaalida oo abaal-marin ku bixinaysa xogta al-Shabaab

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Abriil 27, 2012

  • 4 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dadka muwaaddiniinta ah ee la yimaada macluumaadka horseedaya xarigga ama dilka xubnaha ka tirsan al-Shabaab ay siin doonto lacag abaal-marin ah oo gaaraysa ilaa $500.

  • Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya ku sugan oo March 22-keedii la hadlaayay xubno looga shakiyay inay al-Shabaab ka tirsanaayeen ka dib markii lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dawladda ayaa hadda dadka muwaaddiniinta ah siinaysa lacag abaal-gud ah oo ku saabsan wixii macluumaad ah ee horseeda in la soo xir-xiro al-Shabaab. [Stuart Price/AFP]

    Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya ku sugan oo March 22-keedii la hadlaayay xubno looga shakiyay inay al-Shabaab ka tirsanaayeen ka dib markii lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dawladda ayaa hadda dadka muwaaddiniinta ah siinaysa lacag abaal-gud ah oo ku saabsan wixii macluumaad ah ee horseeda in la soo xir-xiro al-Shabaab. [Stuart Price/AFP]

Dawladdu waxay sheegtay inay filayso in abaal-marinta lacageed ay keeni doonto inay dadka Soomaalida uhu daneeyaan sidoo kale in ay dadka ku dhiirri-galiso inay ciidamada nabad-sugida ku soo war-galiyaan halka ay ku sugan yihiin madaxda kooxda xiriirka la leh al-Qaacida.

Dawladda ku-meel gaarka ahi waxay sii wadaa hawl-galladeeda si ay u dhaqan-galiso tallaabooyin ammaanka lagu adkaynayo si loo bur-buriyo goobaha ay argaggixisadu awoodda ku leeyihiin ee dalka dhinacyadiisa ah, sidoo kalena ay u xoojin lahayd dadaalladeeda ay kula dagaallamayso argaggaxisada, iyagoo sii wadaya inay beegsadaan madaxda al-Shabaab iyo dadka dhaqaalaha siiya argaggixisada," dawladda ayaa April 18-keedii warbixin ku sheegtay sidaasi.

Tani waa markii u horreysay ee ay dawladdu ku deeqdo abaal-marin dhaqaale oo la xiriira macluumaadka ku saabsan halka ay ku sugan yihiin madaxda kooxda al-Shabaab. Dawladdu waxay ku balan-qaaday inay magaciisa qarinayso qof kasta oo keena macluumaad wax gal ah.

Duqda magaalada Muqdiso Maxamed Ahmed Nuur ayaa yiri dawladdu waxay lacag gaaraysa $100 ku bixin doontaa macluumaadka ku saabsan xubnaha darajadoodu hoosayso ee al-Shabaab ka tirsan halka ay lacag gaaraysa $500 ay ku bixin doonto macluumaadka ku saabsan hoggaamiyayaasha kooxda. “dagaal-yahannada al-Shabaab waa sida xayawaanka oo kale, waana in la ugaarsadaa sidoo kalena la soo qabtaa meel kasta oo ay ku sugan yihiin,” ayuu Nuur u sheegay dadka ku nool magaalada caasimadda ah.

Nuur wuxuu sidoo kale sheegay inay jiri doonto lacag abaal-marin ah oo loogu talo-galay qof kasta oo keena macluumaad ku saabsan wixii walxaha qarxa ka mid ee magaalada caasimadda ah lagu qariyay.

Abaal-marintu waxay ku dhiirri-galin doontaa muwaadiniintu sidii ay ula shaqayn lahaayeen ciidamada nabad-sugida sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha xagjirayaasha ah iyo argagixisadaba., ayuu yiri Gaashaanle sare Ibraahim Cabdulqaadir oo millitariga ka hawl-gabay.

“Markii tallaabada noocan oo kale ah la dhaqan-galiay, ciidamada nabad-sugidda waxay noqon doonaan saaxiibbo ku dhow muwaaddiniinta taasi baddalkeeda dawladduna waxay heli doontaa in ay dadku aaminaan,” ayuu Cabdulqaadir u sheegay Sabahi. “Ciidamada nabad-sugidu waxay u baahan yihiin dadka haya macluumaadka ku saabsan halka ay ku sugan yihiin [dagaalyanniinta] al-Shabaab ee soo dhex-gala kuna dhex dhuunta bulshada iyo dadka ku nool degaannada ay dawladdu maamusho -- haddii ay tahay caasimadda Muqdisho ama goboladii kale ee dhawaanta la xoreeyay.”

“Ciidamada qalabka sida kaligood ma cirib-tiri karaan al-Shabaab iyaga oo taageero ka hela dadka maahee. Bulshadu waa inay door wayn ka cayaartaa taageerada la siinayo ciidamada bilayska iyo ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Cabdulqaadir wuxuu dawladda ugu baaqay inay bilawdo olole muwaadiniinta lagu wacyi-galinayo si ay uga qayb-qaataan soo dabbaalida nabad-gelyada iyo deganaanshaha.

Wuxuu tilmaamay in lacagta abaal-marintu ay tahay tallaabo muhiima oo qaaday isagoo sheegay inay ahayd wakhti hore inay arrintani timaado.

“Way fiicnaan lahayd in haddii abaal-marintan lacageed la iskugu balan-qaadi lahaa isla markii sannadkii la soo dhaafay dagaalyahannada al-Shabaab laga cayriyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si ay ciidamada nabad-sugidu ula shaqayn karaan bulshada si magaalada caasimadda ah sida uga dhakhsaha badan loogu sifeeyo haraagii al-Shabaab,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Cabdiqani Maxamed oo siyaasadda falanqeeya ayaa yiri tallaabada cusubi waxay cabsi ku beeraysaa niyada hogaamiyayaasha al-Shabaab, iyadoo ay intaasi dheer tahay kasbashada kalsoonida Soomaalida degaanka ku nool.

Ilaa hada, kuwo badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha al-Shabaab, marka laga reebo hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa Cali Ahmed Godane, waxay si muuqata ugu war-wareegayeen dhulka ay ka taliyaan, ayuu yiri Maxamed.

Maxamed wuxuu dawladda u aaneeyay guul-darada ay ku guul-daraysatay inay soo qabtaan ama dilaan mid ka mid ah hogaamiyayaasha magaca ku leh kooxda iyadoo aanay jirin wada-shaqayn dhab ah oo ka dhaxaysa ciidamada nabad-sugida dawladda iyo bulshadu.

“Hogaamiyaasha al-Shabaab waxaa lagu arkay goobo ku dhow magaalada Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Afgooye iyo meelo kale,” ayuu Maxamed yiri, “Qoondayntan la qoondayno abaal-marinta dhaqaale waxay keeni doontaa nooc wada-shaqayn ah oo dhex-mara bulshada iyo ciidamada nabad-sugida dawladda, sidoo kale waxay cabsi ku beeraysaa niyada hogaamiyayaasha al-Shabaab. Ugu dambayn, hogaamiyayaal badan oo muhiima oo ka tirsan kooxda waxaa lagu khasbi doonaa inay dhaq-dhaqaaqooda bulshada dhexdeeda ay xaddidaan si ay iskaga ilaaliyaan in la garto oo ay muwaaddiniintu markaa iyaga bartilmaameedsadaan,”

Maxamed wuxuu yiri ka hor intii aanan dagaal-yahannada al-Shabaab laga cayrin magaalada caasimadda ah, dadku waxay ka cabsan jireen inay cambaareeyaan kooxda, iska dhaaf inay bixiyaan macluumaadka halka ay ku sugan yihiin hogaamiyayaasha kooxduye, sababtoo ah waxay ka cabsanayeen in ay aqoonsadaan xubno ka mid ah sirdoonka kooxdu.

“Arrimihii hada way isbaddaleen, iyagoo dadku ay hada ku dhiirran karaan cambaaraynta al-Shabaab iyo dhaqankeeda adag,” ayuu yiri Maxamed. “Tani waxaa sabab u ah Soomaalida oo muddo badan la soo dhibaataysnayd sida xun ee loola dhaqmay markii ay kooxdani maamulaysay, hada dadku waxay u soo ban-baxayaan in ay la shaqeeyaan ciidamada nabad-sugida dawladda iyagoo keenaya macluumaadkii loo baahnaa.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 9)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Abaadir Jaamac
    May 19, 2012 @ 05:49:18AM

    Waxa jirta hab ay xukuumadaha dawladuhu ay abaalmarin lacag ah u siiyaan cid kasta oo soo sheegta koox argagixiso ah ama xubin argagixiso ah oo heer sarraysa. Habkani mudo dheer ayuu jiray, waxaana loogu tala galay in dadka haya warark argagixisada lagu dhiiri galiyo inay soo gudbiyaan wixii warar ah ee ay hayaan. Inkastoo arrinkani uu khatar ku yahay qofka noloshiisa hadiiba uu qofkaasi go’aansado inuu shaaciyo wararka uu hayo, laakiin marar badan ayuu habkani noqday mid wax ku ool ah. Dhanka kale, arrinkani wuxu leeyahay dhibaatooyinkiisa, sababtoo ah lacagta abaal marinta ahi aad ayay u badan tahay, taasina waxay dadka qaar ku kaliftaa ina warar been abuur ah soo gudbiyaa, kaliya si ay u helaan lacagta, kadibna waxa booliska qasab ku noqota inay dabagalaan dhalanteed aan jirin. Markaa inkastoo ay dadbadan oo dhibaataysan oo dalalkaas joogaa ay hungureeyaan lacagtan faraha badan, laakiin habkani wuu shaqeeyay inkastoo uusan marwalba wixii la rabay aan laga gaadhin, sababtoo ah argagixisadu waxay dadka ku xeeraan u fidiyaan lacag badan si aysan u sheegin wararkooda.

  • kumando
    May 1, 2012 @ 07:26:39AM

    ceeb la soo darastey kooxda ridada soomaalia waxay bilaabeen in ay been usheegayaan dhalin yarada muslimiinta waxaan usheegeyna kuwaasi in ay al shabaabhadaan nahay aan bilowney dabargoynta p I s ta meeshii aan ku aragno

  • Abdullahi Ahmed
    April 30, 2012 @ 08:03:20AM

    Waxaan rajaynayaa in ay istaraatiijiyadani ay shaqayn doonto, waxaan u soo jeedinayaa muwaadin kasta oo soomaali ah inuu taageero dawlada federaalka ku meel gaadhka ah iyo waaxaha kala duwan ee taabacsan dawlada. Tani waxay fududayn kartaa in la soo afjaro fawdadan dalka ku daba dheeraatay. Sidoo kale waa in la hirgaliyaa istaraatiijiyad lagu yaraynay saamaynta weerarada kooxda alshabaab mustaqbalka. Anigu shaqsi ahaan waxaan kal iyo lab taageersanahay dawlada, waxaanan jecelahay in aan arko soomaaliya oo cagaha isku taagtay. Abdullahi Ahmed

  • ricky
    April 29, 2012 @ 11:00:54AM

    Aniga waxa ay ila tahay in dawlada Kenya ay la iman doonto siyaasad tirtiri doonta kooxda alshabaab, waxaanan sidaa u leeyahay kulamada dawlada ee isdaba jooga ah.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada