Hal sano ka dib dhimashadii bin Laden, al-Qaacida wali waxay ku socotaa waddada is burburinta

Falanqayntan waxa qoray Raajix Siciid oo London jooga

Abriil 27, 2012

  • 6 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Sanad ayaa ka soo wareegay markii hogaamiyihii al-Qaacida Osama bin Laden lagu dilay bartii uu ku dhuumaalaysan jiray ee Abbottabad, Pakistan.

Hoggaanka xilligan ee al-Qaacida oo ku sugan xudduudka u dhexeeya Afgaanistaan iyo Pakistaan, uuna madax u yahay Ayman al-Zawahiri, uma muuqato in uu maanta ku sugan yahay xaalad ka fiican tii markii uu hoggaaminayay bin Ladin sannadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa: hoggaanku wuxuu ku sugan yaay xaalad go’doomin ah iyo hoggaanka oo ka le'anaya.

Ha yeeshee, taasi kama dhigna in al-Qaacida gabi ahaanba la jabiyay. Sida muuqata, ururku wali waxa uu awoodaa in uu u habar wacdo oo uu u martiyo xulafadiisa, kuwaas oo u noqday waaxiyiihiisa caalamka ku kala fidsan. Qayla-dhaantii ugu dambaysay waxa ka soo jawaabay dhaq-dhaqaaqa Soomalida, Xarakada al-Shabaab al-Mujahideen.

Inkasta oo hoggaamiyaha cusub ee kooxda al-Zawahiri uu amaanay isku biiriddii al-Shabaab iyo al-Qaacida una arkay “guul”, haddana xaqiiqdu waxa ay ahaanaysaa in sida ay haatan u dhaqmaan dhaqdhaqaaqan Soomaalida ah ee hubaysani uu ku tusayo oo keliya in ay ku sii socdaan waddadii ay mareen xulafadii hore ee al-Qaacida iyo kooxihii kale ee hubaysnaa iyaga ka hor, kuwaa oo sida kakan oo ay u fahamsan yihiin diinta Islaamka uu keenay in ay ka fogaadaan dadka isla markaana ku khasabto in ay ku biiraan awoodaha kooxda ka soo horjeeda.

Al-Shabaab waxay ka horimanaysaa daadka

Dilalka iyo qaraxyada ay qaaddo al-Shabaab ayaa muujinaya in ay kooxdu ka go’antahay in ay ismaqiiqdo oo ka hortimaaddo daadka.

Halkii ay howl-galladeeda uga heli lahayd taageero shacab, kaliya hadda waxa ay ka helaysaa saamayn taa lid ku ah, sida uu ka markhaati kacayo qarixii ay kooxdu ka fulisay Muqdisho 4-tii April, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo rayid ah, oo ay ka mid yihiin madaxdii isboortiska Soomaaliya oo aan iyagu qayb ka ahayn dagaalka socda ee u dhexeeya al-Shabaab iyo ciidamada dawladda ee ay taageerayaan ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

Inkata oo ay xarakadu horay u fulisay qaraxyo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah, haddana weerarkii ugu dambeeyay ee ay ka fulisay bartamaha magaalada waxa uu noqday mis si gooni ah loo eego sababtoo ah waxa uu dhacay kadib markii ay kooxdu si rasmi ah ugu biirtay al-Qaacida bishii February ee sannadkan. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in howlgallada al-Shabaab haatan loo aanayn karo ururka al-Qaacida.

Sida laga soo xigtay saxaafadda, weerarka waxaa qaaday haweenay isa soo miidaamisay, taasoo isku qarxisay Masraxa Qaranka Soomaaliya ee Muqdisho, kuna dishay ugu yaraan lix qof, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyihii Guddiga Olymbiga Soomaaliyeed iyo Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya. Si muuqata bartilmaameedka al-Shabaab waxa uu ahaa Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali kadib markii uu bilaabay in uu khudbad ka jeediyo masraxa – oo xilliyadaa un la furay kadib labaatan sano oo uu xirnaa – hayeeshee ra’iisal-wasaaruhu ma uunan dhaawacmin.

Ka sakoow khasaaraha qaraxa Masraxa Qaranka ka soo gaaray dadka, misana qaraxan waxa uu gaystay xanuun iyo niyadjab aad u wayn, waayo waxa uu ku soo beegmay xilli ay caasimadda Soomaaliya uu ka soo muuqanayay ifafaale iyo calaamado muujinaya in ay nolashii ku soo noqonayso xaaladaheedii caadiga ahaa kadib labaatan sano oo dagaal ah oo ka soo wareegay markii uu dhacay taliskii Siyaad Barre 1991-kii.

Tan iyo markii al-Shabaab bannaanka looga saaray Muqdisho bishii August 2011-kii, si muuqata ayay kor ugu soo kacaysay kalsoonida Soomaalida, iyaa oo la furay dugisyo cusub, dukaamo iyo makhaayado iyo waliba iyada oo ay si cad uu muqdaan dhismayaal si xowli ah uga socda caasimadda burburtay.

Intaa waxaa dheer, shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa bishii March waxa ay biloowday duullimaad caalami ah kii ugu horeyay, kaas oo ay laba jeer todobaadkii ku tagayso magaalada Muqdisho.

Arrimahaas dartood, weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday Masraxa Qaranka waxa laga yaabaa in ay ka mudato natiijo ka duwan kii ay quud-daraynaysay, maaddaama tallaabadaasi caro wayn ku abuuri karto dadka daggan caasimadda, ee doonaya in ay bilaabaan nolosha cusub.

Xittaa xubno ka mida dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ee ku sugan Soomaaliya ayaa fahamsan in howlgallada caynkaa oo kale ah ayan waxba ka maalayn mujaahidiinta iskood isku magacaabay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo hoggaamin jiray dagaalyahaniintii Islaamiyiinta ahaa ee Xisbul Islaam ka hor intii uunan xisbigiisu ku biirin al-Shabaab 2010-kii, ayaa dhawaan cabbiray ra’yigiisa arrinkaa ku aaddan.

“Waxaan uga digayaa walaalahayga mujaahidiinta ah ee ka tirsan al-Shabaab daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah iyo dilka dadka aan waxba galabsan iyada oo la adeegsanayo magac Islaam,” ayuu Aweys u sheegay dad isaga taageersan oo isu yimid 30-kii March.

Dhaleecayntiisan ayaa ku soo beegantay cajalad fiidiyoow ah oo uu Internet-ka soo galiyay Cumar Hammaami, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Mansuur al-Amriiki, taas oo uu ku sheegay in uu naftiisa uga baqayo al-Shabaab, oo uu ku biiray dhowr sano ka hor si uu u gutto “jihaadka”. Al-Amriiki waxa uu cajaladda uga hadlay khilaaf khuseeya dhinaca istraatijiyadda oo u dhexeeya isaga iyo al-Shabaab, laakiin ma ayan caddeeyn in khilaafku khuseeyay sidii loo sharciyeeyn lahaa ama loo xalaalayn lahaa dilka iyo daadinta dhiigga dadka.

Inkasta oo ay al-shabaab cajaladdaa uga jawaabtay in aysan qorshaha ugu jirin dilka al-Amriki isla markaana ay fureen baaritaan la xiriira arrinka, haddana warar ay saxaafaddu isla dhex-martay ayaa sheegaya in al-Amriki la dilay oo ay u suuragal tahay in ay madaxa ka gooyeen xubnaha garab ka mida al-Shabaab.

Inkasta oo aan la xaqiijin dhimashadiisa, dhawaanna ay soo bexeen warar kale oo tibaaxaya in uu nool yahay, misana al-Shabaab wax faallo ah kama bixin wararka sheegaya in uu dhintay.

Buuqa ka taagan masiirka al-Amriiki, iyo kala-qaybsanaanta laga soo tabinayo xubnaha sare ee kooxda, ayaa muxalliliiin badan oo Soomaali ah ku riixay in ay shaaciyaan in kooxdu “qarka u saaran tahay giiri”.

Wixii ka dhacay Ciraaq iyo Yaman ayaa Soomaaliyana ka socda

Sababaynta joogta ah ee al-Shabaab u sameeyso dilka iyo qaraxyada ay ka waddo Soomaaliya ayaa muujinaya in ay ku socoto waddo la mida tii ay hadda ka hor qaadeen xulafadii kale ee al-Qaacida, taasoo ay ku mutteen burbur kadib markii ay hoos u dhacday taageeradii ay ka heli jireen shacabka.

Tusaalaha ugu cad ee arrinkan laga bixin karo ayaa ah tallaabooyinkii ay qaadday al-Qaacidadii Ciraaq, xilligii uu hoggaanka u hayay Abu Muscab al-Zarqaawi.

Howl-galladii al-Zarqaawi waxa ay galaafteen nolosha boqolaal dad ah oo ku naf-waayay qaraxyo iyo dilala aad u fool-xun, taasoo kama dambaystii keentay in tiro aad u badan oo Ciraaqiyiin ahi ka soo horjeestaan, kana shaqeeyaan sidii al-Qaacida looga dabar-goyn lahaa Ciraaq. Dadkaa iyaga ah ee ka horyimid al-Qaacida xittaa waxa ku jiray kuwii isugu yeeri jiray muqaawamada hubaysan ee ka soo horjeeda ciidamada ajnabiga ah ee jooga Ciraaq iyo ciidamada dawladda.

Wararka ayaamahan laga helayo Yemen ayaa iyaguna muujinaya caro la mida taa Ciraaqiyiinta oo kasoo fufaysa qaybo ka mida shacabka Yemen. Yamaniyiintaasi waa ay diideen dhaqanka al-Qaacida Jasiiradda Carbeed iyo jaalkeeda Ansaar al-Shariica, taasoo xuddunteedu tahay dhaqan-galinta xukunka shareecada iyada oo la isticmaalayo tarjumaad aad u adag, sida fulinta xukumo culculus.

Diidmadaasi kuma eka oo kaliya dadka Yamaniyiinta ah, ee xitaa waxa ay ka soo if-baxday xubnaha Ansaar al-Shariica oo diiday dhaqanka dilka ah ee al-qaacida, sida ku caddaatay dilkii dhawaan loo gaystay todoba xubnood oo ka mida Ansar al-Shariica oo diiday in ay qaraxyo ismiidaamin ah la beegsadaan golayaasha muqaawamada shacbiyadda leh ee magaalada Lawder ee gobolka Abyan.

Diidmada ay xubnahaasi diideen in ay qaadaan weerarrada ismiidaaminta ah, ayaa shaki la’aan waxa ay ka dhigan yihiin horumar tilmaamaya burburka hoose ee uu dhex jibaaxayo ururka al-Qaacida ee Yemen waxana uu muujinayaa in qaar ka mida xubnuhu ay bilaabayaan in uu u soo noqdo xiskii oo markaa laga yabaabo in ay ku qancaan in ay khalad tahay u dagaallanka al-Qaacida.

Diidmo-shacbiyeed la mida kuwan sare ku xusan ayaa ka dhacay Aljeeriya sannadihii sagaashameeyadii kadib markii dilalkii ay fulin jirtay Kooxda Islaamiyiinta Hubaysan (GIA) ay dhaliyeen caro shacab oo aad u ballaaran, taasoo xukuumadda dhexe ka caawisay in ay jabiso xag-jiriintii. Dilalkii ay kooxdu ka fulin jirtay tuulooyinka ku yaal baadiyaha ayaa keenay in dadka ku dhaqan tuulooyinkaas ay si iskood ah ugu biiraan kooxo ay dawladdu hubaysay oo u dhismay in ay naftooda difaacaan. Tallaabadaas ayaa markeedana kooxdki GIA-da ka qaaday xoriyaddii ay xubneheedu ku dhex mari jireen dhulalka baadiyaha ah ciidamada ammaanka dawladdana ku caawisay in ay daba-galaan oo ay tirtiraan xubnihii ururkaas.

Shaqaaqooyinkii hubaysnaa ee ka dhici jiray Aljeeriya ayaa si wayn oo muuqata hoos ugu dhacay tan iyo markii la dabar-gooyay GIA, inkasta oo Ururka Salafiyiinta ee Dacwada iyo Dagaalka (GSPC, oo ah garab ka soo jabay GIA, uu ku adkaystay in uu sii wado dagaalka hubaysan. Iyada oo ah calaamad muujinaysa sida ay al-Qaacida ugu fashilantay in ay cashar ka barato sida ayan colaaddu mira-dhal u ahayn, ayay kooxdii GSPC waxa ay 2007-dii la midoowday al-Qaacida, waxana ay si rasmi ah u noqotay laanteeda Waqooyiga Africa iyada oo la baxday al-Qaacidada Maqribka Islaamiga ah.

Marka arrimahan laga shidaal-qaato, waxa cad in al-Qaacida iyo xulafadeedu ay u baahan yihiin in ay dib-u-qiimayn ku sameeyaan sii wadidda howl-galladooda dilalka iyo qaraxyada ee ay ku galaaftaan rayidka aan waxba galabsan. Shaki la’aan al-Qaacida waa ay ogtahay in marka ay waydo taageerada shacabka ay noqonayso kalluun biyo waayay oo markaa sugaya in uu dhinto.

Xittaa bin Laden, ka hor dhimashadiisii, sida la warinjiray, waxa la fahamsanaa in ururkiisu uu dhex maquurayay mushkilad dhinaca sumcadda ah, gaar ahaan markii tallaabooyinkoodii miisaan lala saaray xeeladihii nabdoonaanta ku dheehnayd ee loo maray Kacdoonkii Dhaqdhaqaaqii Carbeed.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkii dhawaan ka dhacay Somaaliya iyo Yemen, ayaa muujinaya in aan wali wax laga la baran casharaddaan asaasiga ah ee tilmaamaya ma-dhalaysnimada colaadda. Sidaa darteedna, isku day walba oo ay mustaqbalka isku daydo al-Qaacidda in ay dib ugu “cusboonaysiiso magaceeda” iyada oo ku tolaysa kooxaha maxalliga ah waxa uu ahaan doonaa, sida ay u badan tahay, mid iyaga dib ugu soo noqda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 20)

Dislike_icon(11)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Omar
    July 13, 2012 @ 12:50:40AM

    Arrinka kale ee ka dhashay dilka usaama bin laadin ee aadka u muhiimka ahi waa nabada dunida haatan ka jirta. Inkastoo ay wali alqaacida ku nooshahay meelo gari go’an ah, laakiin dadka maraykanka ah iyo dadyowga kaleba waxay heleen xasilooni iyo nabad, wixii dhimashadiisa ka dambeeyayna maysan dhicin qaraxyo waawayn oo la sheegi karo. Dhanka kale, waxaa macquul ah in dhimashadii usaama ka dib ay qaar ka mid ah kooxda xubneheedu ay isu soo dhiibeen ciidamada bilayska, qaar kalena ay kooxda ka googoosteen.

  • Faqih
    May 12, 2012 @ 07:30:22AM

    Usama binu laadin wuxuu abuuray kooxaha argagixisada tii ugu sumcada xumayd dunida. Kooxdani waa kooxda alqaacida, waxaanay kooxdani sidii loo asaasay toban sano kahor dunida ka waday argagixiso aan laga sheekaynkarin. Waxa tiro iyo cadad beelay dambiyada kooxdan, dambiyadaas oo ay ka mid yihiin qaraxyo, afduub, dilal, jidhdil iyo qaarkale oo aan la soo koobi karin.

  • cabdifatax
    May 4, 2012 @ 04:36:24AM

    alshabaa waxaan odhan la haa qarax somalida aad kaad ku wadaadn ka daayaay galadan wadan ka ku soo weertay inaad waxa ka qabataan ayaay ubaahantahay oo aa ka shaqaysaan badbaadad dalka iyo daadka

  • zuberi
    May 3, 2012 @ 05:32:14AM

    Waxay ila tahay inaadan qorin wax aadan hubin. Abu Mansuur wuu noolyahay waxuuna la joogaa Al shabaab.

  • Concerned Kenyan
    May 2, 2012 @ 01:28:14PM

    Meesha ay Kenya ku dadaalayso inay ka dhigto Soomaaliya wadan nabad ah meeshaas oo caruurtoodu ku noolaan doonaan farxad, Al shabaab na waxay ku mashquulsantahay laynta shacabka aan waxba galabsan ee Kenyanka badanaa kuwa kaniisada ee kiristaanka ah. Sabab? Sabab? Sabab? …….. Daanyeero baa mahadsan (Asante ya punda)

  • rayan
    May 1, 2012 @ 04:16:12PM

    Ogoow in argagixisnimadu aduunka dhexdiisa ayna ka dhammaan doonin ilaa iyo hadda waxaa jira nacayb badan oo ka dhaxeeya jiilka dhalinyarada Carabta iyo Cadaanka sababtoo ah dilalka ay fuliyeen Ameerikaanku ee looga soo horjeedo hagaamiyayaasha wadamada Carabta ayay maskaxda ku hayaan jiilka dhalinyaradu, sidaa darteed jiilka soo kacaya waxay fulin doonaan weeraro aargudasho, taasina waxa sababi doontaa dagaalka sadaxaad ee aduunka,

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada