Dadka eedaysanayaasha ah ee Muqdisho ku sugan oo hela matalaad dhinaca sharciga ah oo lacag la’aana

Waxaa qoray Maxameed Maxamed oo Muqdisho jooga

Abriil 26, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Eedaysanayaasha dacwada lagaga soo oogay maxkamadaha dawladda hadda waxay heli karaan matalaad dhinaca sharciga ah oo lacag la’aana, dhowr ka mid ah ururada maxaliga ah ee u olaleeya xuquuqda bani’aadanka iyo caddaaladda ayaa hawsha adeegga kala shaqaynaya qareenno gaar ah.

  • Hay’adaha xuquuqda u bani’aadamka u dooda ee Muqdisho ku sugan oo abaabulaya sidii ay si lacag la’aana dhinaca sharciga u matali lahaayeen dadka eedaysanayaasha ah ee aanan awoodin inay is-difaacaan ama qabsadaan qareen. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

    Hay’adaha xuquuqda u bani’aadamka u dooda ee Muqdisho ku sugan oo abaabulaya sidii ay si lacag la’aana dhinaca sharciga u matali lahaayeen dadka eedaysanayaasha ah ee aanan awoodin inay is-difaacaan ama qabsadaan qareen. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

“Dadka ka faa’iidaysta adeegyada gargaarka sharci ee lacag la’aanta ah ee aan fidino waa barakacayaasha iyo maxaabiista aanan heli karin qareenno ayaga difaaca ama aanan awoodin in ay qabsadaan qareen, “ayay tiri Xaawo Sabriye, oo ah haweenay guddoomiye ku-xigeen ka ah Ururka Haweenka Qareenada Soomaaliyeed (SWLA).

SWLA waa mid ka mid ah saddex urur oo ka hawl-galaya Muqdisho kuwaa oo fidiya adeegga difaacidda. Kuwo kale waxaa ka mid ah Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) iyo Midowga Urur-waynaha Haweenka Soomaaliyeed COGWO).

Xaawo waxay sheegtay in ururradu wada-shaqeeyn kala leeyihiin qareennada gaarka ah dadaalka loogu jiro sidii loo ilaalin lahaa eedaysanayaasha "nugul'. Waxay Xaawo sheegtay wakiilo ka socda haya'ddeeda inay xabsiyada dawladda si joogta ah u booqdaan si ay u arkaan in maxaabiistu u baahan yihiin in dhinaca shacriga lagu matalo. SWLA waxay bishii qaadataa dacwado dhan ilaa 50, ayay Xaawo tiri.

Adeega bilaashka ahi wuxuu matalaad dhinaca sharciga ah siiyaa dadka u baahan ee xaqa u leh, ayay Xaawo u sheegtay Sabahi. "Hadda waxa awoodaan inay xuquuqdooda muujiyaan, taasi oo aanan suurta-gasheen haddii ayan [maxaabiistu] haysan adeegyada gargaarka sharciyeed, ayay Xaawo tiri.

Isku-duba-ridayaasha adeegyada gargaarka sharciyeed ayaa Sabahi u sheegay in ku dhaqanka adeegyada gargaarka sharciyeed ay taageerayaan si loo hubiyo in xuquuqda dadka la ilaashay iyo inuu caddaaladana qofka kastaa heli karo.

Naadiya Cabdi, oo madax ka ah qaybta adeegga gargaarka sharciyeed ee SWDC ee Muqdisho, ayaa sheegtay in dad badan oo shacab ahi ay heleen adeegga wuxuuna sal u yahay ilaalinta xuquuqda bani'aadamka iyo caddaaladda ee Soomaaliya.

"Markaan la kulano dadka [gacanta] bilayska ku jira ee dambiyada lugu soo oogay wakhtigii sharcigu dhigayay, waan u dagaalannaa si loo qaado tallaabada sharci ee ku habboon," ayay Naadiya u sheegtay Sabahi. Waa in dacwadda lagu soo oogaa ama la sii daayaa haddii aanay jirin dacwad ayaga ka dhan ah."

Malaaq Weheliya oo 45-jir ah oo ah dilaal iskii uga shaqaysta kala gadashada guryaha oo Muqdisho ku sugan, ayaa Sabahi u sheegay inuu awoodi waayay inuu helo matalaad dhinaca sharciga ah isagoo tilmaamay in adeeg lacag la'an ah uu ka helay sharci-yaqaannada COGWO kuwaasoo ka caawiyay inuu xoriyadiisa dib u helo.

Weheliye waxaa lagu hayay Xabsiga Gobolka Banaadir isagoo dambiga lagu haystay uu ahaa mid madani ah oo la xiriira dhinaca dhulka waxana la sii daayay ka dib markii qareenno ka socday qaybta adeegga gargaarka sharciyeed ee COGWO ay dacwaddiisa difaaceen. "Maxkamadddu way isii daysay markii ay wax dambi ah igu wayday," ayuu yiri.

Shari-yaqaan Daahir Maxamed Cali, oo la shaqeeya barnaamijka adeegga gargaarka sharciyeed ee COGWO, ayaa yiri bixinta gargaarka sharciyeed ee lagu matalayo dadka eedaysanayaasha waa wax ku cusub Soomaaliya.

Wuxuu yiri ururradu way awoodi kari waayeen inay Muqdisho ka dhaqan-galiyaan adeegyo kuwan la mid ah markii uu xukunkeedu hoos tagi jiray al-Shabaab. Cali wuxuu sheegay in aanay al-Shabaab maxaabiista u ogolaan jirin inay qareen qabsadaan ama ay rafcaan ka qaataan amar ay bixiyeen maxkamaduhu.

Cismaan Jaylaani, oo ah qareen ku nool magaalada Muqdisho, ayaa Sabahi u sheegay in bixinta gargaarka sharciyeed ee lagu matalayo dadka eedaysanayaasha ay tahay midka mid ah isbadallada wanaagsan ee ka dhacaya magaalada ka dib markii al-Shabaab laga saaray.

"Ilaa iyo markii al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho waxaa jiray isbadallo waawayn oo cadaaladda lagu ilaalinayo," ayuu Jaylaani yiri.

Wuxuu Jaylaani yiri al-Shabaab maxaabiista uma ogalayn inay naftooda difaacaan, haatanna dawladda iyo hay'adaha gargaarka ayaa taageero ka gaysanaya sidii loo abuuri lahaa hab caddaaladeed ka furfuran.

"Marka aad eegto maxkamadaha dawladda, waxaa jirta cadaalad la arki karo, dadka dambiyada looga shakiyay waxay leeyihiin xuquuqda ah inay naftooda difaacaan. Waxay heli karaan qareenno u fidin kara difaac dhinaca sharciga ah oo lacag la'aana. Taasi waxay ku tusaysaa faraqa u dhexeeya [dawladda iyo al-Shabaab]," ayuu yiri Jaylaani.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Abdi Hussein
    May 12, 2012 @ 07:17:05AM

    Soomaaliya waa wadan haatan kasoo kabanaaya burburkii ka dhashay dagaaladii sokeeyay, waxaana haatan dalka laga dhisay xukuumad, waxaana lagu dadaalayaa in xukuumada arrimaheedu hagaagaan. Waxa haatan la wadaa in garsoorka dalka wax laga qabto, waayo garsoorku wuxa inbadan ku sugnaa cadaadis iyo musuqmaasuq farabadan iyo iska horimaad. Waxa haatan garsoorka soomaaliya lagu sameeyay dib-u-habayn dhamaystiran, haatanna dad badan oo soomaaliyeed way arki karaan arrinkaas midhihiisa. Intaa waxa dheer, dumar badan ayaa lagu daray xukuumada oo la siiyay fursad ay ra’yigooda iyo afkaartooda ku dhiibtaan. Sidoo kale, waxay xukuumadu laashay oo ay tirtirtay xeerarkii cadaadiska ku hayay dumarka, waxaana haatan dadku dareensan yihiin cadaalad. Intaa waxa dheer, waxa gabi ahaanba laga saaray afkaartii xagjirka ahayd, kuwaasoo dhalinyarada adoonsi ku hayay, dumarkana cadaadis ku hayay. Markaa imika garsoorku wuxuu fursad siin karaa horumar ka bilaabma dalka soomaaliyeed, waxaanuu soomaaliya ka dhigi doonaa meel cadaalad iyo sinaan ay ka jirto.

  • Xaaji
    April 26, 2012 @ 09:12:38PM

    Arrinkani waa wax wacan sababtoo ah waa waajib in qofka bini’aadamka ahi uu helo qareen ka difaaca kiiska lagu haysto. Laakiin waa in sidoo kale la hubiyaa in qareenku yahay mid wanaagsan oo uusan ahayn mid dhawaan jaamacada ka qalin jabiyay. Arrinkani waa arrin aynu samayn karno haddii aynu leenahay ururo bulsho (ururada mujtamaca madaniga ah) oo adag, sababtoo ah ururadaasi waxa ku jira dad mutadawiciin ah oo qareeno u noqon kara dadka xidhan. Ilaahay ha idin barakeeyo, hawlkaana kasii wada mashruucan fadlan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada