Abriil 25, 2012
Iyada oo ay roobab mahiigaan ahi ay ka da’ayaan inta badan dalka, ayay dadkii reer Kenya ee guryohooda uga cararay rabshadihii daba socday doorashadii dhacday afar sano ka hor waxa ay dareen ka muujiyeen dhibaatooyin bini’aadanimo oo soo aaddan inta ay sugayaan dib-u-dajinta.
Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in la isla meel-dhigay tallaabooyin wax-ku-ool ah si loo hubiyo in barakacayaashu ayan dhibaato ka mudan xilli roobaadka, iyada oo dhinaca kelana, wakiillo ka socda barakacayaasha ay Sabahi u sheegeen in xukuumadda iyo jaallayaasheeda kala shaqeeya arrimaha horumarinta looga fadhiyo in ay si dagdag ah arrinka u soo dhex-galaan si looga hortago dhibaatooyin bini’aadannimo oo la filan karo.
Guddoomiyaha gobolka Rift Valley Cismaan Warfaa, oo isagu ku lug leh barnaamijka dib-u-dejinta barakacayaasha gudaha ku barakacay ee xukuumadda, ayaa Sabahi u sheegay in xukuumaddu qaadday tallaabooyinka lagama marmaanka u ah sidii barakacayaasha ku jira xeryaha loogu fidin lahaa adeegyada asaasiga ah ka hor inta aan la dajin meelo kale.
“Markii hore, waxa jiray dhibaatooyin ay ka mid yihiin ciriiri iyo sahayda biyaha oo aanan sidaa u wanaagsanayn. Fayadhowr la’aanta ka jirta xeryaha ayaa barakacayaasha qaar baylah uga dhigtay in ay qaadaan cudurro, laakiin haattan xaaladaha caynkaa oo kale ahi waa kumo aad u yar,” ayuu yiri Warfaa.
Rift Valley waa mid ka mida gobolladii uu sida ugu daran u saameeyay qalalaasihii ka dambeeyay doorashadii 2007-dii, waxuuna marti-galiyaa baracayaasha ugu badan, sida ku cad warbixin uu sannadkii hore soo saaray Guddiga Xuquuqda Aadanaha Kenya iyo Shabakadda Qaranka ee Barakacayaasha.
Sida ay qabto Wasaaradda Barnaamijyada Gaarka ah, rabshadihii daba socday doorashooyinkaa waxa ku barakacay 663,921 qo. 350,000 oo ka mida tiradaas ayaa magan-galay 118 xero, halka 313, 921 ay dhex-galeen bulshooyinka ku nool daafaha Kenya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in 4,885 qoys ay wali sugayaan in dib-u-dajin loo sameeyo.
Degmada Naivasha, oo qiyaasaha 150 Kilomitir Nairobi uga beegan jihada waqooyiga-galbeed, ayaa waxa ku yaal in ka badan 10 xero kuwaas oo hoy u ah in ka badan 1,500 oo qoys wadarta guud. Si kastaba ha ahaatee, dawladdu waxa ay aqoonsantahay kaliya shan ka mida xeryahaas, sida ay Sabahi u sheegtay Guddoomiyaha Degmada Naivasha Hellen Kiilu.
Kiilu waxa ay sheegtay in xeryaha aan rasmiga ahayn ay abuureen barakacayaal door-biday in ay dagaan guryo ijaar ah ama ay ku dul noolaadaan asxaab iyo qaraabo, halkii ay ku biiri lahaayeen xeryaha rasmiga ah ee loo asteeyay. Shakhsiyaadkaa, ayaa intii ay sugayeen inta ay dawladdu uga samaynayso dib-u-dajin, waxa ay markii danbe si wada-jir ah u gateen dhul kadibna ka dhisteen xeryo ay leeyihiin iyaga oo gacan ka helaya ururro aan dawli ahayn iyo dad khayr-doon ah.
The government says such unofficial camps do not qualify for state help.
“Waxanu u qabannay taariikh aan ku aqoonsanayno dhammaan barakacayaasha, taasoo ahayd 31-kii December, 2008-dii, waana taa taariikhda aannu isticmaalayno. Qof alla iyo qofkii si iskii ah u samaysta xero wixii ka dambeeyay taariikhdaa kama-dambaysta ah, xukuumadda kama heli doono wax aqoonsi ah,” ayuu Sabahi ku yiri Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Barnaamijyada Gaarka ah Andrew Mondoh.
Wasaaradda Barnaamijyada Gaarka ahi waxa ay dadka ku jira xeryaha la aqoonsan yahay u fidisaa qoondo raashin ah, hase yeeshee dadka qaar baa leh qoondadaasi naguma filla.
Beatrice Nyokabi, oo ah wakiil deggan xerada ay dawladdu aqoonsantahay ee Ebenzer, ayaa sheegtay in qoysaska barakacay ay afartii sano ee lasoo dhaafay soo arkeen dhibaato aan horay loo arag.
“Waxa ay nooga dhigan tahay dhibaato aan dhammaad lahayn, waxaanan ka baqaynaa in siyaasiyiintu iska kaaya illaawaan oo ay mudnaanta siiyaan doorashooyinka guud ee socda,” ayay Sabahi ku tiri.
Rose Wanjiku, oo ka socota xerada Jikaze, ayaa sheegtay in inta badan dhallinyarada ku jirta xerada ay ka saaqideen dugsiyadii sababtoo ah cimilada aadka u adag iyo masaafada fog ee dugsiyada loo aado.
“Halkan kuma haysano gaadiid la isku hallayn karo, dugsiga ugu dhowna waxa uu ku yaal meel noo jirta qiyaasta shan kiilomitir, taasoo ku adag ciyaalka yar yar,” ayay tiri Wanjiku.
Barakacayaasha qaba xannuunnada aadka u daran, sida HIV/AIDS-ka, ayaa sidoo kale ku nool xaalado nololeed oo aad u ba’an, sababtoo ah ma helaan cunno munaasib ah oo ka caawin karta in ay la qabsadaan daawada culus ee ay ku nool yihiin, ayay tiri. “Dadkaasi, xitaa waxa ku adag in ay maalintii mar wax cunaan, tira ka mid ahna arrintaa ayayba u dhinteen,” ayay tiri.
Wanjiku waxa ay sheegtay in ay sidoo kale xarumaha caafimaadku ka fogyihiin xeryaha. “Isbitaalka noogu dhow waxa uu noo jiraa qiyaasta 30 kiiloomitir, waxanu u soo taagnayn qaar ka mida caruurta oo iska dhimanaya sababtoo ah lama aynaan gaari karin isbtitaalka, gaar ahaan marka ay xanuunsadaan habeeynnimada,” ayay tiri.
John Mututho oo ah xildhibaanka laga soo doorto Naivasha, ayaa sheegay in barakacayaashu ay adeegyadii ku ciriiriyeen dadka ku nool degaanka laga soo doorto. Waxa uu sheegay in ugu yaraan saddex baracake ay bishii dhintaan iyada oo dugsiyadii iyo isbitaalladiina ay aad u buuxsameen.
“Xukuumaddu waxa ay barakacyaasha galisay lacag aad u badan, misana ma aragno wax isbaddal ah, dhibbanayaashiina waa ay sii rafaadayaan,” ayuu Mututho u sheegay Sabahi.
Guddi barlamaani ah oo loo dhisay in uu qiimeeyo xaaladda barnaamijka dib-u-dajinta barakacayaasha ayaa ku helay Wasaaradda Barnaamijyada Gaarka ah in ayan shaqo waafi ah ka qaban sidii ay dadka ugu samayn lahayn dib-u-dajin, sida uu guddoomiyaha guddiga Ekwe Ethuro u sheegay Sabahi.
Laakiin Kaaliyaha Wasiirka Barnaamijyada Gaarka ah, Maxamed Gaaboow, ayaa Sabahi u sheegay in shaqada wasaaraddu u socoto sidii loogu talagalay. Waxa uu sheegay in December 2011-kii, ay dawladdu ku bixisay dib-u-dajinta barakacayaasha 10 bilyan oo shilin ($120 milyan).
Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay mar horeba qaar ka mida barakacayaasha ku noqday beerahoodii ka caawisay sidii ay dib ugu billaaban lahaayeen noloshoodii.
“Tallaabooyin wax-ku-ool ah ayaa mar horeba la qorsheeyay, xukuumadduna waxa ay saaxiibo dhowr ah oo kala duwan kana shaqeeya arrimaha horumarinta iyo hay’adaha aan dawliga ahayn kala shaqaynaysaa sidii loo hubin lahaa in la xiro dhammaan xeryaha barakacayaasha qof walbana dib-u-jin loo sameeyo ka hor doorashooyinka,” ayuu yiri Gaabow.
Tom Ondicho, oo bare ka ah Mac-hadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegay in ka sokow niyad-qaboojinta saraakiisha, ay xukuumadda waajib ku tahay in ay si sida ka wax-tar badan ula shaqeeyso saaxiibadeeda arrimaha horumarinta si loo xasiliyo dhaqaale iyo shaqaale ku filan in xal waara loo helo mushkiladaha taagan.
“Inkasta oo la isla meel-dhigay tallaabooyin waawayn oo lagu hubinayo in ilaalin iyo taageero loogu fidiyo barakacayaasha, haddana howshu waxa ay qaadatay waqti aad u dheer, teeda kalena, maaddaama uu dalku u diyaar-garoobayo doorashooyinka guud ee soo socda… dib-u-dajinta baracayaasha waa in la siiyaa mudnaan sare si loo weeciyo dhibaatooyin kale,” ayuu ku yiri Sabahi.
Doorashooyinka Guud ee Kenya ayaa loo muddeeyay in ay dhacaan bisha March, 2013-ka.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo