Akadeemiyo isboorti oo ku taal Kenya oo carruurta tabaalaysan barta tenniska

Waraysiga waxa qaaday Julius Mokaya oo Nairobi jooga

Abriil 17, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dr. Elizabeth “Liz” Odera waxa ay isaga tagtay shaqadeedii dhakhtarnimada, taa baddalkeedana waxa ay xaafadda isku raranta Nairobi ee Kibera ka asaastay Akadeemiyada Isboortiska ee Sadili Sadili Oval Sports Academy – (SOSA), halkaas oo ay ka biloowday in ay cayaarta tayniska barto caruurta ka soo jeedda qoysaska saboolka ah.

Ula-jeeddada SOSA waa in ay sare u qaaddo cafimaadka, waxbarashada, bay’ada iyo xirfadaha carruurta ka soo jeeda bulshooyinka faqriga ah oo ay u diyaariso sidii ay ula-jaanqaadi lahaayeen qaybaha kale ee bulshada iyada oo siinaysa fursad ay ku soo saari karaan hibadooda dhinaca isboortiska.

Akadeemiyaddu waxa ay heshay aqoonsiyo iyo qaddarin caalami ah waxaana ka mid ahaa Abaal-marinta (Spirit of The Land) taas oo ay 2002-dii ka heshay Guddiga Olambigga Caalamiga ah, xilligii ay socdeen ciyaarihii olambigga jiilaalka ee ka dhacay Salt Lake City. Akadeemiyaddu waxa kale oo ay 2003-dii Japan ku qaadatay abaal-marin caalami ah oo lagu bixiyo arrimaha isboortiska iyo ayi’ada (Global Forum for Sport and Environment Award. Sannadkii 2004-tiina waxa ay Diiwaanka Xirfadlayda Tayniska ka heshay Abaal-marinta Sannadka ee Arrimaha Bini’aadannimada.

Bishii August, 2001-dii, SOSA waxa ay sidoo kale Barnaamijka Qarmada Midoobay ee Bay’adda iyo Isbhaysiga Caalamiga ah ee Isboortiska (Global Sports Alliance) ka heshay aqoonsi caalami ah, kaasoo loogu doortay in ay tahay xarun hormuud u ah Taya-saraynta Afrika.

Waraysi gaar ah oo ay Sabahi siisay ayay Odera sharraxaad uga bixisay waxyaabaha ku dhiiri-galiyay iyo arrimaha ku qaaday shaqadeedan iyo sida ay taasi saamayn ugu yeelatay nolasha caruurta saboolka ah.

Sabahi: Goorma iyo sidee baad ku biloowday danaynta isboortiga?

Elizabeth "Liz" Odera: Kalgacalka aan u qabo isboortiga waxa uu soo biloowday caruurnimadaydii, xilligaa oo aan, fasaxyada iyo galbihii iskuulka kadib, wiilasha iyo gabdhaha kale ee xaafadda kuwada cayaari jirray kubadda annaga oo dhowr iyo toban-jirro ah.

Markii aan ku biiray Dugsiga Sare ee Kenya, ayay mid ka mida macallimiintayda, oo ahayd tababare kubadda tayniska ah, waxa ay igu dhiiri-galisay in uu ku soo biiro barnaamijka tababarka tayniska ee iskuulka. Waxa ay aragtay hibada aan u leeyahay ciyaartaas, waxayna gacan iga siisay sidii aan ku horumrin lahaa hibadaas. Xilligii aan galay Jaamacadda, waxan ahaa laacibad buuxda, rabitaankii aan u hayay tayniskana waa uu sii xoogaystay. Waxan ka qayb-qaatay tartammo badan, muddo koobanna waxaban isku dayay in aan noqdo xirfadleey kubadda tayniska ah.

Sabahi: Bal wax nooga sheeg Akameeyadda Isboortiska ee Sadili Oval.

Odera: SOSA waxan biloownnay 1992-kii. Waxa bilaabay koox xirfadleey ah oo dhallinyaro ah kuwaa oo ku soo barbaaray degmada Langata, fursadna u helay in ay waxbarasho jaamacadeed ku soo qaataan Maraykanka iyo waddamo kale oo bannaanka ah.

Mashruucu wuxuu ahaa kii aan ku xaqiijinnay riyo aan ku taami jirray, oo ay kooxdaas xirfadlayda ah ee ka soo kala jeeda qaybaha kala duwan ee nolosha, ku raadin jireen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen isla markaana wax uun isbaddal wanaagsan ah ugu soo kordhin lahaayeen mujtamacadooda marka ay dib ugu noqdaan Kenya.

Sabahi: Maxaa dhiiri-galiyay in la bilaabo mashruuca SOSA?

Odera: Arrinta ugu wayn ee dhiiri-galisay SOSA waxa ay ahayd sidii aannu bulshada wax uga siin lahayn aqoonteenna iyada oo aan taa u marayno mashaariic isugu jira isboortis iyo waxbarasho. Waxannu doonaynay in aannu dhisno mustaqbalka dadka Kenya innaga oo siinayna tababar heer caalami ah oo khuseeya dhinacyada isboortiska iyo waxbarasho sifo aan gacan uga siinno in ay horumariyaan dabadeedna xaqiijiyaan hibada ay ku dhasheen iyo kaalimaha ay buuxin karaan mustqabalka.

Dugisga Malezi, oo ah dugsgii ugu horreeyay [oo lagu barto manhajka rasmiga ah ee dugsiyada] waxa la furay 1989-kii iyada oo akadeemiyada isboortiskana la furay saddex sano xilligaa kadib. Waxanu ogaannay in dhallinyaro badan, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska saboolka ah, iyo kuwa ku nool xaafadaha isku-raranka ahi, ay mustaqbal fiican ku leeyihiin isboortiska, haseyeeshee ay waayeen fursaddii ay hankaa ku xaqiijin lahaayeen.

Waxaannu ku biloownay kubadda kolayga, tan cagta ka dibna waxaan si tartiib-tartiib ah ugu so kordhinay tenniska, cayaartaa oo ahayd tan ugu muhiimsan ee aan diiradda ku haynay. Ardaydii ugu horeeysay ee barnaamijka lagu qoro waxa ay ku cayaari jireen ul-taynis mac-mal ah, kuwa aan taa heli karinna waxa ay adeegsan jireen gacmahooda iyo iyo kubad balaastic ah. Waxa uu ahaa biloow aad u hooseeya.

Waxannu ku biloownay arday kooban, qiyaastii 18, laakiin hadda 700 oo arday ayaa todobaad walba qaata barnaamijyadeenna.

Sabahi: Bal wax nooga sheeg ardaydiinna.

Odera: Sida caadiga ah waxaannu bartilmaameedsannaa ardayda ka imanaysa isku-raranta Langata iyo nawaaxigeeda, iyo arday walba oo leh isboortiga hibo iyo mustaqbal ku leh oo ka soo jeeda qoysaska hodanka ah. Caruurta saboolka ah iyo kuwa dhibaataysan haba yaraatee, innaba wax lacag ah ma bixiyaan, haseyeeshee waxa lagu kabaa khidmaddooda lacagaha laga qaado caruurta ka soo jeedda qoysaska hodanka ah.

Sidoo kale waxannu xarumo tababarro ka furnay dugsiyo aan si gaar ah u doorannay, kuwaas oo aqbalay in ay nala shaqeeyaan. Laakiin waxannu si gaar ah diiradda u saarnaa xaafadaha isku-raranka ah halkaas oo ay ka yimaadaan 85% aradayda ka qayb-qaadata banraamijyadeenna.

Carruurta waxannu u dajinay shuruudo fudud. Ma jiro arday ka qayb-qaadan kara barnaamijyadeenna haddii uunana diyaar u ahayn in uu u dhamaysto waxbarashadiisa rasmiga ah. Waxa kale oo shuruudda ka mida in ay diyaar u yihiin in ay mujtamaca ula shaqeeyaan si iskaa-wax-u-qabso ah sida beeridda dhirta.

Sabahi: Imisa carruur ah ayaa ka faa’idaysatay barnaamijkaan sidee bayse bulshadu u aragtaa?

Odera: Qiyaastayada illaa iyo 7,400 oo caruur ah oo ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ayaa ka qayb-qaatay barnaamijyadeenna. Jawaabta bulshadu ka bixisay mashruuca waxa uu ahaa mid cajiib ah. Dhabtii, waaliddiinta carruurtu waxa ay si lacag-la’aan ah ugu deeqeen xooggooda mar alla iyo markii uu noo yaallo mashruuc fulin u baahan.

Tusaale ahaan, xilligan waxannu garoon lagu ciyaaro tayniska ka dhisaynaa isku-raranta Kibera, iyada oo dhulka laga dhisayo garoonka ay ku deeqeen waaliddiinta qaar ka mida ardayda aan tababarayno. Aabbayaashu waxa ay ka qayb-qaadanayaan, waliba si lacag-la’aan ah, dhismaha iyaga oo qodaya garoonka. Guud ahaan, runtii waxannu bulshada ka helnay qaabilaad aad u wanaagsan.

Sabahi: Sidee bay ciyaarta tennisku gacan uga gaysan kartaa koriinka iyo horumarka caruurta?

Odera: Taynisku guud ahaan waxa uu dhallinyarada ka caawiyaa sidii ay isugu fillaan lahaayeen, sababtoo ah waxa uu u baahan yahay dabeecad gaar ah. Caruurtu marka ay isla macaamilayaan waxa ay baranayaan sidii ay u horumarin lahaayeen xirfaddooda gorgortanka. Waxad ogtahay in lagaaga fadhiyo in aad waqtiga ilaaliso, sidaa darteed waxa uu kaa caawinayaa in aad naftaada xakameeyso.

Waxa kale oo uu ardayga ka caawinayaa in uu si wanaagsan wax u qorsheeyo isla markaana barto sidii uu ula dhaqmi lahaa dadka kale ulana shaqayn lahaa koox ahaan, arrimahaas oo ugu dambaynta qofka gayaysiinaya in uu maskaxda ka koro.

Waxa jira dabeecado badan oo wanaagsan oo laga dhaxlo tayniska … waxa uu dhisaa dabeecadda shakhsiga. Waxa uu kaa dhigayaa qof muuqda. Waxa uu caruurta ka caawiyaa in ay si fiican u qorsheeyaan iskuguna duba-ridaan arrimaha khuseya iskuulkooda iyo noloshooda ijtimaaciga ah.

Guud ahaan, waxa uu caruurta ka caawiyaa in ay hantaan oo ay horumariyaan xirfado nololeed oo muhuumah.

Waxaannu soo saarnay dhallinyaro ku guulaystay inay helaan deeqo waxbarasho. Qaar baa hadda wax ku baranaya Australia iyo Maraykanka waxana ay ka cayaaraan horyaallada isbortiska ee meelahaa ka socda. Waxan sidoo kale soo saarnay qaar ka mida cayoortyada Afrika ugu fiican tayniska, sida Xasan Ndayashimiye oo ka soo jeeda Burundi. Waxa uu nagu soo biiray markii uu ahaa 9-jirka waxana uu nala joogay shan sano. Waxa uu ka yimid xaafad isku-raran ah oo ku taal Bujumbura.

Sabahi: Maxaa ka mid ahaa caqabadihii idinka ka qabsaday in aad maamushaan barnaamijkaan?

Odera: Maal-galinta mashaariicda ayaa illaa iyo haatan ah caqabadda ugu wayn ee jirta. In caruurta la hormariyaayi waxa ay u baahantahay dhaqaale badan. Caadi ahaan, waxad u baahantahay qiyaastii afar sano in aad ku noqto ciyaartooy wanaagsan, waana wax adag in aad dhaqaale ku filan u hesho si aad u taageerto ilmahaa muddadaas oo dhan.

Taageero la’aanta dhinaca xukuumadda ayaa iyaduna ah caqabad kale. Inkasta oo ay ka war-hayaan howsha aan qabanno, haddana wax muuqda kama gaystaan guusheenna. Kaliya way ammaanaan shaqadeenna, haseyeeshee wax intaa dhaafsiisan ma qabtaan.

Dhawaan, waxa jiray isku day la doonayay in lagu dhiso xarun lagu soo saaro hibada caruurta oo ay dhisi lahayd Hay’adda UNICEF ee QM u qaabilsan gargaarka caruurta, inkasta oo aan gudbisanay codsi aan ku fulinno arrintaas, haddana waa la iska kaaya illaaway. Si kastaba ha ahaatee, waxannu ku rajaynaynaa in ay dib noo tix-galin doonaan oo ay nagu caawin doonaan in aan xarumo lagu soo saaro caruurta hibada u leh tayniska ka dhisno meelo ka mida degmooyinka dalka.

Caqabadaha kale ee jira waxa ka mida, waalidka oo aan tix-galin sidaa u wayn siin isboortiska iyo gabdhaha oo ah kuwa dhibaatada ugu wayn ku qaba arrintaas, iyada oo ay waalidiinta qaar ay gabdhaha ka saaraan barnaamijka marka ay gaaraan da’ mucayan ah sababtoo ah waxa mashquul looga dhigaa in ay gacan ka gaystaan shaqada guriga.

Sabahi: Maxaa ka mida khibradaha ay caruurtu maraan inta ay ku jiraan barnaamijka?

Odera: Waxannu qaban-qaabinnaa tartanno kala duwan oo isugu jira heer maxalli iyo heer gobol-ba. Waxanu samaynaa safarro aan ku marno Bariga Afrka kuwaas oo ay cayaartooydeennu ku tagaan Tansaaniya, Ugandha, Burundi iyo Kenya.

Waxan sidoo kale qaban-qabinnaa tartanno heer qaran ah kuwaas oo aan ku kalanno kooxo kala duwan isla markaana aan ku soo bandhigno kartida iyo hibada caruurteenna. Tartanka heerka gobol ayaa kan ugu xiisaha badan howlaha aan qabanno sannadka halkaa oo ay tababarayaal badan oo isugu jira maxalli iyo caalamiba u yimaadaan in ay ka illaalaystaan kana xushaan cayaartooyda wanaagsan.

Waxaan iyadana qaban-qaabinnaa tababarro tennis oo la qaato xilliyada ay xiran yihiin dugsiyada, saddexdii sano oo walbana mar bay caruurtu safar ku soo maraan gobolka Florida ee Maraykanka. Qaar ka mida caruurtaa ayaa deeqo warxbarasho ku helay safarrada caynkaa oo kale ah.

Sabahi: Sidee bay idiinku suura-gashay in aad dhaqaaqle u heshaan oo aad joogtaysaan SOSA?

Odera: Inta badan waxan ku wadnaa barnaamijyadeenna qaabka wada-shaqaynta. Haatan waxannu wada-shaqayn la leenahay hay’adda QM u qabilsan ilaalinta degaanka ee UNEP, taasoo gacan ka gaysata barnaamijkeena geedo-tallaalka iyo mashaariic kale oo aan bulshada wax ugu qabanno. Waxa kale oo aan wada-shaqayn la leenahay safaaradda Faransiiska ee Nairobi, taasoo deeq-waxbarasho siisa qaar ka mida caruurta tabaalaysan. Shirkadda Hewlett-Packard iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Virgin Atlantic oo iyaguna caruurta laba jeer sannadkii u duuliya London. Waxan sidoo kale ku tiirsanahay sama-falayaasha halka xilli taageerada bixiya.

Sabahi: Waa sidee mustaqbalka akadeemiyadda?

Odera: Mustaqbalku waa mid aad u ifaya. Mar horeba waxaannu gaarnay guulo badan, waxaannuna rajaynaynaa in aan taas sii wadno mustaqbalka. Waxa ay nagu qaadatay 22 sano in aan dhisno oo aan horumarinno SOSA, haatanna waxa ay leedahay magac aad u wayn loona yaqaan, hadday ahaan lahayd gudaha iyo caalamka dibaddaba.

Waxaannu jeclaan lahayn in naloo aqaansado akadeemiyo heer caalami ah oo soo saarta hibada caruurta isla markaana fursado horumarineed u abuurta caruurta ka soo kala jeedda dabaqadaha kala duwan ee bulshada, hadday ahaan lahaayeen kuwa saboolka ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska hodanka ahe.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Ahmed
    April 17, 2012 @ 07:09:14PM

    Ciyaarahu waa wax aad u wacan, waxaanay carruur badan ka caawin karaan inay ka gudbaan dhibaatooyinka haysta, iyo inay wax wax-ku-ool ah ay qabsadaan. Dhanka kale, waxa ila tahay in abaal marinaha la gudoonsiiyay carruurto ay ka turjumayaan horumarka uu iskuulku gaadhay. Xukuumaddu waa inay ka qayb qaadataa dadaalka, si carruurta loo caawiyo oo waa in dadaalku uusan ku koobnaan ururada aan xukuumiga ahayn (NGO yada)kaliya, sababtoo ah horumarinta bulshooyinku, gaar ahaan bulshooyinka dunida saddexaad, waa in ay noqotaa hadaf ama yool xaqiijintiisa iyo ka midha dhalintiisaba ay ka qayb qaataan dawlada iyo ururada aan xukuumiga ahayni (NGO yada).

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada