Abriil 16, 2012
Sida ay Sabahi u sheegeen falanqeeyayaal Soomaliya ah, culayska millitari ee aan kala-joogsiga lahayn ee al-Shabaab kala soo darsay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa ku khasbay kooxda xiriirka la leh al-Qaacida in ay u baxsato meelo kale oo ay gabbaad ka heli karto.
Kadib guul-darrooyin is-xig-xiga – oo ay kuwii ugu dambeeyay kala kulantay Xuddur, Maxaas iyo Ceel Buur – ayay dagaalyahannada al-Shabaab waxa ay dib ugu gurteen Buuraha Golis si ay dib isugu soo habeeyaan ayay yiraahdeen falanqeeyayaashu.
“Shaki kuma jiro in al-Shabaab ay ku jirto baxsi. Maalinba tan ka dambaysa waa ay sii wiiqmaysaa, iyada oo dagaalayannadii kooxdana ay iska war-heleen iyada oo go’doomiyeen ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Maxamed Xuseen, oo ah falanqeeye dhinaca ammaanka ah isla markaana ah gaashaanlle sare ka howl-gabay ciidamada qalabka sida.
“Labadii bilood ee ina dhaafay, al-Shabaab waxa laga qabsaday inta badan magaalooyinkii ay awoodda ku lahayd ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya; hadda waxa ay isku dayayaan in ay baxsadaan,” ayuu yiri. “Xilligan ma haystaan khiyaar kale oo aan ka ahayn in ay is dhiibaan ama ka cararaan Soomaaliya.”
“Canaasiirta al-Shabaab iyo al-Qaacida haatan aad ayay u tabar-yareeyeen waxayna ku jiraan xaalad aad u fool-xun,” ayuu yiri Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali isaga oo Arbacadii (11-kii April) ka hadlayay shir jaraa’id.
Ismaaciil Cabdullaahi, waa falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Geeska Afrika oo Muqdisho ku taal, wuxuuna leeyahay, “dagaalyahannada al-Shabaab haatan jiho walba waa laga soo ooday, waxana si dagdag ah ciriiri ugu sii noqonaya fursadaha ay ku baxsan karaan.”
Kalsooni darro ka dhex-dillaacday hoggaanka, kana dhashay khilaaf daba-dheeraaday ayaa saamayn ku yeeshay go’aan ka gaaridda halkii ay dagaalyahaniintu u baxsan lahaayeen. “Hogaamiye walba oo kooxda ka tirsani haatan waxa uu ka fakarayaa halkii uu u baxsan lahaa,” ayuu yiri.
Khilaafka ka dhex jira hoggaanka kooxda waxa uu bannaanka u soo baxay markii la soo wariyay in la dilay jihaadyahanka Cumar Xammaami ee u dhashay dalka Maraykanka, sidoo kalena loo yaqaan Abu Mansuur al-Amriiki 5-tii April. Xubno ka tirsan hoggaanka sare ee kooxda oo dilka al-Amriiki ku ogaaday shir ay madaxdu lahaayeen oo ka dhacay Baraawe, ayaa iyaga oo caraysan gooni ula baxay dagaalyahannadooda, sida ay ku soo warantay Gedo Online.
Cabdullaahi waxa uu ku dooday in maadaama ay hoggaamiyayaasha al-Shabaab ay horay u lumiyeen kalsoonida qabaa’ilka Somaalida, ayan haatan ku noqon karin magaalooyinkii ay ka soo jeedeen si ay mar kale dib isugu soo abaabulaan iyaga oo ku tiirsan taageerada qabaa’ilkooda. “Khiyaarka kaliya ee ay haystaan waa in ay u baxsadaan buuraha dhagaxlayda ah ee dhaca waqooyiga-bari ee dalka,” ayuu yiri.
Falanqeeyayaal ayaa Sabahi u sheegay in dagaal-yahannada al-Shabaab iyo kuwa kooxaha kaleba ay u door-bideen Buuralayda Golis sababtoo ah meesha ay ku yaallaan oo ah goobo istraatiiji ah oo ku beegan Gacanka Cadmeed iyo Marinka Baab al-Mandab iyo waliba sida ay isugu eg yihiin Buuraha Tora Bora ee Afgaanistaan.
Cabdulqaadir Cismaan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda isla markaana indhaha ku haya islaamiyiinta xag-jira ee Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahaniintu qorsheeyeen in ay Silsiladda Buuraha Golis ka sameeyaan xarumo sir ah iyo xeryo tababar, sidaana ay argagixisada ugu noqto goob ammaan ah oo lagu dhuumaalaysan karo.
Cismaan waxa uu sheegay in dagaalyahaniinta Buuralayda Golis, oo horay bishii February taageeradooda iyo daacadnimadooda ugu yaboohay al-Shabaab, ay halkaa uga how-gali jireen isla sababahaa kor ku xusan.
“Waxay ka faa’idaysteen dabeecadda dhulka iyo maqnaanta hay’adaha ammaanka, waana taa sababta ay hoggaanka al-Shabaab ugu fikirayaan in gobolkan buura-layda ahi uu ugu noqon karo meel ammaan ah oo ay in muddo ah ku dhuumaalaystaan,” ayuu yiri.
Sida ay falanqeeyayaashu u sheegeen Sabahi, dabeecadda dhuleed ee aadka u adag ee gobolka maaha mid dhiiri-galinaysa ama ku fiican dagaalka fool-ka fool-ka ah, taasina waxa ay adkayn doontaa in ay ciidamada dawladdu gudaha u galaan.
“Ciidan walba oo isku daya aad ayay ugu adkaan doontaa in uu si fudud ku gaaro halkaa oo uu kula dagaallamo kuwaa ku xididaystay meesha, sababtoo ah waa buuro, dhagax ah oo waliba leh godod iyo bohollo badan kuwaas oo goobo sir ah u noqon kara xag-jiriinta,” ayuu yiri Daa’uud Maxamed oo ah bare jaamacadeed oo Muqdisho ku nool.
Ciidamada ammaanka gobolka ayaa isu diyaarinayay sidii ay ugu babac-dhigi lahaayeen dagaalyahaniinta baxsadka ah ee al-Shabaab, kuwaa oo hayaan u sii ah waqooyiga kadib markii kooxda cadaadis aan kala go’ lahayn uu ka soo wajahay saddex furimood oo ay kala dagaallamayeen Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo xulafadeeda.
Ka dib kulan ay Axaddii guddiga amnigu ku yeesheen Gaalkacyo, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac waxa uu sheegay in la xiri doono xudduuda koonfureed ee gobolka, taasoo ah tallaabo ka hortag ah oo gobolka looga ilaalinayo in ay soo galaan dagalayahaniinta al-Shabaab.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ballan-qaaday in dawladda ku-meel-gaarka ahi ay taageero ka gaysan doonto howl-gallada ammaanka ee ka socda Puntlan si looga hortago in ay al-Shabaab dib isaga soo abaabusho dawlad-goboleedka Puntalnd.
Talaadadiina, Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku celiyay sida ay maamulkiisa uga go’antahay in ay ka tirtiraan al-Shabaab gayiga; isla markaana ka hortagaan in ay kuwo hor leh soo galaan. “Haddaanu u baahanno gargaar millitari, waannu dalban doonnaa, hase yeeshee, waxaan ku kalsoonahay in millitarigeennu ka guulaysan doono fallaagada,” ayuu yiri.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Alshabaab mar qudha waa in la baabiiyaa
Runtii arrinkani waa dagaal ka dhexeeya muslinka iyo kiristaanka, dagaalkanina malaha xili uu dhamaanayo oo ka horeeya qorrax dhaca. Hadaad tahay qof soomaaliya oo muslim dhaba ah, oo aanad ahayn kuwa ay kiristaanku ku shaqaystaan ee lacagta jecel, su’aashuna waxa weeyaan: 1 dagaalkani wuxu socday mudo 26 ilaa 28 sano gaaraysa, markaa hadii ay dawladahan kiristaanka ahi soomaaliya nabad la doonayaan, maxay hadda ka hor inoogu imaan waayeen? 2. Hadii aad tahay qof muslim ah, goormay muslinka iyo kiristaanku walaalo noqdeen? Miyaanuu quraankeenu inoo sheegin in kiristaanku ay cadawgeena yihiin oo ay rabaan sidoo kale inay gubaan oo baabiiyaan quraanka? Fadlan eeg, maxaa aduunkan ka socda, hadii aad maskax wanaagsan leedahay oo aad ku fikiri karto, isla markaana aad wax ka taqaano diintaada! fadlan jawaabtaada iisoo gudbi, mahadsanid.
haddii alle yidhaahdo soomaaliya maalin uun bay noqon wadan nabdoon.
waa arrin wacan
Maleeshiyada Al-shabaab waa lala dagaalami doonaa ilaa ay iska dhiibaan laakiin iska ilaaliya aarsashadooda. Rayigayga u malaynayo in CIIDAMADA KENYA ay iska daawan doonaan marka ay ku biirayaan AL-QAACIDDA.
Hambalyo AMISOM iyo isbahaysiga shaqada wanaagsan ay qabteen, waxaan tabayaa dugisyadii iyo warshadihii Soomaaliya. Horumarka Soomaaliya wuxuu sii xoojin doonaa bulshadeena Bariga Afrik qof walibana waa uu kusii farxi doonaa.
Iinshaa Allah Soomaaliya waxay noqon doontaa nabad
Maleeshiyada Al-shabaab waa in loola dhaqmo si naxariis darro ah sababtoo ah kooxdu Soomaaliya kali ah khatar kuma hayso laakiin sidoo kale waxay saameysay dhaqaalaha wadamada dariska ah ee gobalka. Hawlaha dalxiiska waxay qayb ahaan la curyaameen cabsi daraateed. WAXAAN U HANBALYAYNAYAA DAWLADDA KENYA TALLAABADA ADAG EE AY KA QAADAY KOOXDAN ARGAGIXASADA AH. HANBALYO!
Al-shabaab way burburisay aaminaadii aan u qabnay dhalinyarada Kenya ayadoo shaqaalaysiinaysa qaar dhalin yarada ah fikradahooda xun xunna ku abuuraya, maxuu midi u dilayaa dad aan waxba galabsan si loo helo Eebe raali noqoshadiisa cawaaqibku muxuu noqon?
Hambalyo koox waa in meesha laga saaro!!! Nabaddu waa inay ku faaftaa walaalaheen.
Nabad! Inkastoo ay iska dhigi jireen geesiyaashii Al Andalus, haddana waxa soo foodsaaray jahwareerkii ugu darnaa ee howlahooda aragagixisanimo. Ha! Ha haaaa! Saaxiib marbaan waxaan u sheegay in Ciidamada Kenya (KDF) ayna dan ugu jirin in ay ku ciyaaraan shaqadooda. Dibdhac badan nasiib darro badan, sida ugu dhakhsaha badan ula carara naftiina qaaliga ah.
alshabaab waa calooshooda ushaqaystayaal aan arxan lahayn guumaadna kuhaya maatida aan waxba galabsan ; amaanka geeskana halibay ku tahay
Shaqo wacan weeyaan. Waxaan alle ka baryayaa in la laayo dhammaan argagixisada, si dadka Soomaaliyeed een waxba galabsan ee qalbiga wacan ay gacmaha isu qabsan lahaayeen oo dalkooda dib u dhisi lahaayeen. Dunida inteeda kale waxay ku socotaa in dadku helaan xornimo caalami ah, halka tuugta soomaaliya joogtaa ay rabaan inay dadkooda xabsiyada dhigaan oo dadku waligood ku jiraan faqri iyo awood la’aan iyo niyad jab. Arrinkani runtii waa ceeb wayn, waxaanan leeyahy ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM labadaba halkaa kasii wada hawsha.
Wax bilaash ahi ma jiro, alshabaabna ha ogaato in warkani wacanyahay, hana isu diyaariyaan dhimasho.
Arrinku in uu sidan u dhaco waa la filayay, laakiin waxoogaa ayaan ka warwarsanahay sida uu xaalku noqon doono hadii kooxda alshabaab ay bilawdo dagaal ku-dhufoo-ka-dhaqaaq ah, oo ay galaan buuraha golis. Waxa dhab ah in haddii taasi dhacdo in dhimashada iyo dhaawacu ay cirka isku shareeri doonaan. Iyadoo ay taasi jirto, laakiin waxaan hambalyaynayaa ciidamada difaaca ee dalka Kenya, iyo xukuumada iyo dawladaha kale ee xulafada inala ah ee inagula jira ciidamada AMISOM.
Warku waa war wacan, markaa waa in aynu taageernaa ciidamada AMISOM iyo ciidamada difaaca dalka Kenya ee hawsha ugu maqan dib u dhiska dalka soomaaliya. Waxaan sidoo kale soomaalida ku boorinayaa inay ka midoobaan dib u dhiska dalkooda oo ay iska jiraan loolanka aan wacnayn sida is dhaleecaynta, dagaalada qabiil, iyo falal dambiyeeda. Hadii qofku wax dilo ama uu ku tashado inuu wax dili, waxaa gabi ahaan burburaysa noloshiisii. Waxaan idinka baryayaa in aad ka fogaataan kooxaha wasakhda ah ee wax burbriya sida kooxda alqaacida iyo kooxda alshabaab, maxaayeelay waxay dalkiina u dhex joogaan si ay uga fuliyaan falalkooda wasakhda ah ee wax-dumis ka ah. Hadii ay taasi u suurto gasho argagixisada, waligeed la gaari maayo in heerarka nolosha dalka kor loo qaado, waayo kooxahan ayaa burburinaya. Sida kaliya ee soomaaliya ku hagaagi kartaa waa iyadoo la helo dawlad-wanaag iyo iskaashi lala galo dawladaha kaleeto si loo dhiso dhaqaalaha dalka.
Waxaanu idinku hambalyaynaynaa macluumaadkan aad na siiseen, laakiin arrinka baqdinta iyo hiyikaca wada socda igu beeray waa sida habsamida leh ee ciidamada difaaca Kenya ay hore ugu kaceen waanan ku faraxsanay dhabar-adaygooda, inkastoo ay wali dadka reer Kenya ay dhibi ka haysato bambooyinka lagu qarxiyo goob kasta oo ka mid ah dalkan. Dadkii waxay noqdeen wax nafahoodii waayay iyo wax ku jira warwar iyo walaac iyo rajo.
Kacdoonka dawladaha carbeed wuxu dhibaato wayn u gaystay kooxaha mayalka adag, waa siday aniga ila tahaye. Kooxaha ajandayaasha mayalka adag lihi waxay ka faa’idaysanayaan maamulada dalalka muslimka ah ka jira ee aan dimuqraadiga ahayn. Laakiin marka ay dalalkani marba marka ka dambaysa ay xaga dimuqraadiyada ka horumaraan, kooxahay mayalka adag karaar jab ayaa ku dhaca. Arrinkan waxay kooxahani kala mid yihiin kooxda alshabaab, maxaa yeelay marka ay dawlada Soomaaliya marba marka ka dambaysa ay sii xoogaysato oo ay horumar samayso, kooxda alshabaab waxay waydaa wax ay adeegsato oo ay ka faa’idaysato. Hadaba waxan dalkayga u rajaynayaa horu-socod, dhawaana waxaynu ka mid noqon doonaa dawladaha casriga ah, alshabaabna jahanama alle ha geeyo.
Waxa hubaal ah in kooxda alshabaab aanay wax faa’ido ah aysan lahayn, waxa kaloo hubaal ah in habka kaliya ee ay dadka Soomaaliyeed nabada macaankeeda ku dhadhamin karaan uu yahay in kooxahan la dabar gooyo. Waxaanu ilaahay ka baryaynaa in aad mawjaddan kacsan aad ka baxdaan oo aad u gudubtaan daganaansho mustaqbalka dhaw.
Anna waan jeclaystay, laakiin waa hadii hogaamiyayaashan Soomaliyeed ay howsha dhab ka tahay, bal aan aragno inuusan aheeyn hadal siyaasadeed kaliya.
Waxaan ku faraxsanahay dadaalka ciidamada KDF kuwaasoo la dagalamaya kooxda argagixisada. Sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu waajibkooda u mira-dhali doona hadii ay sii wadaan oo aysan ka daalin.
tani gabi ahanba waa waali buuxda
maxaa laysku dilayaa laysku dabar jarayaa dagaalada sokeeyaha yay dani ugu jirtaa, in qabiilku duli yahay alshabaabna ay baaabiinayso dalka iyo dadka shacabkuna ildaranyahay daayinbaan idinku dhaarshee diinta soo xasuustoo danta nabada doona waar dadka nolo u raadsha sidani si maaha shacabka soomaliyeed ha kacaan alshabaab waxay doonaysaa in dadka soomliyeed ay cidhibtirto waxaaana lagaga bixi karaa iaydoo laysku duubnaado.
Tani waa macluumaad wanaagsan laakin al-shabaab aan idiin sheego, Soomaliya Soomali baa leh iyaga kaliya ayaana awooda inay sameeystaan dowlidnimo. Dhis wadankaga oo jooji dhaqdhaqaaqa maletiriga sababtoo ah adiga iyo waddanka midna taasi dan uguma jirto. Dadka banaanka ka imaday waxay u imanayan sababo dhaqale mana aha kuwo dan ka leh in ay caawiyaan Soomaalida, sidaa darteed, waa idinka Soomaaliyeey kuwa dhisi lahaa dalkinka, taana cid kale laga sugi maayo. Haddii aad rabtaan in aad horumartaan, iska diida al-Qaacada, al-Shabaab iyo qabiilaysigaba. Soomaliya waxay awood u leedahay inay qabsato waxyaabo badan uma baahna falal danbiilinimo ah. Dadyahow hadaad jeceshahiin Soomaaliya, fadlan joojiya al-Shabab, al-Qaacida oo taageera caawiya howlaha KDF iyo AMISOM si loo helo Soomaliya sidan dhaanata.