Abriil 13, 2012
Dawladda Kenya iyo saaxiibadeeda arrimaha horumarinta ee ku sugan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa maal-galinaya waxbarashada beer-qodashada si loo yareeyo ku tiirsanaanta cunnada gargaarka ah isla markaana loo dhiiri-galiyo isku-fillaashaha iyada oo taa loo marayo tabaca beeraha.
“Wixii ka dambeeyay musiibooyinkii laga dhaxlay abaartii dhawaan ku dhufatay gayiga, taasoo xoolo-dhaqatadu intooda badan ku xoolo-waayday, waxa iska caddaatay in noloshoodu halis ku jirto oo ay markaa tabcashada beeruhu, gaar ahaan kuwa kuwa ku tanaada waraabka, ay si wayn gacan uga gaysan karaan yaraynta xaaladda cunno yarida iyo [ku tiirsanaanta] cunnada iyo lacagta deeqda ah,” sidaana waxa saxafiyiinta u sheegay Cabbaas Guuleed oo ah Xoghayaha Guud ee Laan-Qaydha Cas ee Kenya kadib markii ay hay’addu koox beeralay ah oo ku sugan Gaarisa ugu deeqday 24 mashiin oo ah nooca beeraha lagu waraabiyo.
Guuleed waxa uu bulshada deegaanka ku tirtiirsiiyay in ay gaaraan isku-fillaasho oo ay bartaan qaabka ugu manfaca badan ee ay u isticmaali karaan khayraadka ay haystaan. “Ku tiirsanaanta cunnada gargaarka ahi waxay ka dhigan tahay in aad waliga baaqi ku ahaato xaalad saboolnimo. Cunnada gargaarka ahi waxa loogu talagalay in muddo kooban looga gudbo xaalad taagan, laakiin hadda inta badan bulshooyinka waxa ay u noqotay il si joogto ah loogu xisaabtamo,” ayuu yiri.
Wasiiru-dawlaha Horumarinta Waqooyiga Kenya iyo Dhulalka kale ee Oomasooraha ah Maxamed Ibraahim Cilmi ayaa Sabahi u sheegay in qorshahani looga golleeyahay in lagu bixiyo tababarka iyo qalabka ay beerallaydu u baahantahay si loo dhiiri-galiyo taranka wax-soosaar, iyo sidoo kale in beer-qodashada lagu baro xoolo-dhaqatadii cayroowday.
“Xoolo-dhaqato badan ayaa haatan camal la’aan iska fadhiya kadib markii ay xoolihii dhaafeen, taasoo ah hab-nololeed ayan u baran, xilliganna, waa kuwaa dadka aan sida gaarka ah u bartilmaameedsanayno,” ayuu yiri Cilmi. “Kuwaa isku dayay in ay wax beertaan sida caadigaa xaaladdoodu waa ay wanaagsan tahay.”
Waxa uu sheegay in xoola-dhaqatadu la gudboontahay in ay dhaqdaan tiro ku filan oo xoolo ah si ay uga maagtaan in ay xoolo badan ku waayaan xilliga abaarta, iyada oo xaaladaha cimillada ee aan la saadaalin karin ay wax adag ka dhigtay in si bad qabta loo dhaqo tirooyin badan oo xoolo ah.
Nin horay xoolo u dhaqan jiray ayaa Sabahi u sheegay in mashruucan beeraha ee ay maal-galinayso xukuumaddu uu wanaag u horseeday noloshoodii.
Ibraahim Xasan Cumar oo 52-jir ah, degganna Gaarisa ayaa sheegay in uu saf u gali jiray xarun cuntada lagu qaybiyo kadib markii ay dhaafeen 200 oo neef sannadkii 2006-dii.
“Waxaan qaadan jiray cunno aad u yar, waxana quudin iiga fadhiyay qoys aad u ballaaran. Markaan sannadkii hore ogaaday in xukuumaddu qaybinayso matoorrada waraabka beeraha si dadku isugu dayo beera-qodashada, ayaan go’aansaday in aan ka qayb-qaato isku daygaa,” ayuu yiri.
“Maanta waxaan haystaa cunno kayd ah, oo waan iibiyaa qaar ka mida si aan reerka wax ugu qabto. Caruurtayda oo markii hore isaga tagay waxbarashada, dib ayay u bilaabeen fasalladoodii mid ka mid ahna dhawaan ayuu bilaabayaa jaamacadda.”
Aadan Maxamuud Cabdi oo 56-jir, oo xilligan beer ka qota jiinka Wabiga Daua ayaa sheegay in inta badan noloshiisa uu isaga gooshayay dhulka wayn ee Degmada Mandheera mararka qaarna uu u tallaabi jiray Soomaaliya iyo Itoobiya isaga oo biyo iyo daaq u raadinaya xoolihiisa.
Cabdi waxa uu sheegay in tobankii sac ee ugu dambeeyay ay dhaafeen bishii June 2011-kii kadib markii ay abaar aad u ba’an ku dhufatay inta badan gobolka.
“Waxaan isku dayay in aan u jeesto beer-falashada kadib markii Hay’adda Horumarinta iyo Gargaarka Bulshada Reer Miyiga (Rural Agency for Community Development and Assistance - RACIDA) ay Mandheera ka biloowday barnaamij dhinaca waraabka ah. Hay’addu waxa ay nasiisay matoorrada lagu waraabiyo beeraha isla markaana waxa waxa naga bartay xirfadaha wax loo beerto. Haatan waxan ku noolahay faa’iidadii sababtoo ah dalaggaygu si wanaagsan ayuu iigu soo go’ay,” ayuu yiri isga oo farta ku fiiqaya beertiisa cagaaran.
“Waqti badan ayaan ku lumiyay xoolo-dhaqashada, sidaa oo ay tahayna ugu dambayntii abaar ayaa laysay dhamaan xoolahaygii. Kama aanan warqabin in aan wax badan ka tabcan karo beeraha. Xolo dambe dib uma dhaqan doono,” ayuu yiri.
Maxamuud Isaaq Ducaale oo Isku-duwe ka ah Barnaamijka RACIIDA ayaa Sabahi u sheegay in Cabdi uu ka mid yahay 200 oo qof oo bishii October loo soo xushay mashruuca waraabka. Waxa uu sheegay in barnaamijka ay isla fuliyeen RACIDA iyo Hay’adda Norwegian Church Aid (NCA).
Ducaale waxa uu sheegay in ka hor intii aysan NCA ku soo biirin mashruuca, ay RACIIDA la shaqayn jirtay hay’ado kale oo caalami ah, sida Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Laan-Qaydha Cas ee Kenya.
Cabdilqaadir Xuseen Maxamed oo ah xildhibaan laga soo doorto bartamaha Mandheera ayaa sheegay in uu u ololeeyn jiray sidii bangiyada looga heli lahaa daymo lagu taageero isku-dayada caynkan oo kale ah ee beer-falashada, maaddaama xoolo-dhaqashadu ayan ahayn hab lagu sii noolaan karo.
“Waxanu taageeraynaa mashaariicda dhismaha guryaha yaryar ee Mandheera,” ayuu Maxamed ku yiri Sabahi “Waxanu qodaynaa ceelal dheeraad ah biyaha roobkana waxannu ku kaydinaa barraago waawayn. Biyaha waxa kale oo loo isticmaali karaa waraabka meelaha ka fog in ay helaan biyo-xilliyeedka Wabiga Daua.”
Axamed Shariif Buule oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Xannaada Xoolaha iyo Horumarinta, ayaa Sabhi u sheegay in inkasta oo ay jiraan caqabado, misana ay mashaariicdu ay muujinayaan natiijooyin isa soo taraya.
“Saddexdii sano ee ugu dambeeyay, iyada oo ay jirtay roob yari, ayaa haddana inta badan cunnada lagu kala iibsaday suuqyada waxa soo saaray dad horay u ahaan jiray xoolo-dhaqato,” ayuu yiri.
Sanadkii hore, ayuu markii ugu horreeyay, gobolku waxa uu soo saaray khudaar iyo miro ka badan wixii gudaha lagu isticmaalayey, waxana u suuraggalay in uu suuqyada Nairobi u beec-geeyo, ayuu yiri Buulle. “Taa macneheedu waxa weeye in hindisayaashani ay guulaysanayaan,” ayuu yiri.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waxaan rajaynayaa inaysan cidina saboolnimo ku noolaanin
Xoolo dhaqatadu waa inay wax ka badalaan hab nololeedkooda, waana in ay bartaan sidii ay u noqon lahaayeen dad beeralay ah oo reer guuraanimada uga bixi lahaayeen. Dawlado badan ayaa la yimi qorsheyaal iyo habab badan oo xoolo dhaqatadu ku noqon lahaayeen beeralay, si loo balaadhiyo wax soo saarka beeraha. Dawlada ayaa waxay haystaan dhul beereedyo wacan oo ku haboon in wax laga beero, laakiin waxay dawladaahaasi la' yihiin biyo, biyuhuna waa laf dhabarta nolosha noolayaasha oo dhan. Hadii biyo la helo, taa macneheedu waxa weeyaan dhammaan marinnada nolashu waa ay jiraan. Waxa inagu waajib ah in aynu la nimaadno habab casri ah oo fudud oo biyo loogu heli karo wax soosaarka beeraha, si dhulka saxaaraha ahi uu u noqdo dhul cagaaran oo dadka iyo dugaaga iyo xooluhu intuba ay ku manaafacaadsan karaan. Arrinkaasina maaha arrin adag, waayo waxa kali ee loo baahan yahay waa in dadku ay ikhtiraacaan qalab ka caawin kara wax soosaarka beeraha. Hadii taasi la helo, waxaynu heli karnaa dhul ballaaran oo cagaaran, oo kor u qaadi kara heerka wax soosaarka beeraha iyo tirada xoolaha, iyadoo dadkuna heli doonaan dalaga ay u baahan yihiin.
Waxay ila tahay sida uu walaalkeen ku sheegay maqaalka in arrinka muhiimka ahi uu yahay amaahda beeralayda yaryar la siiyo, arrinkaasina waa arrin muhiim ah oo ay tahay in laga wada hadlo. Waxay ila tahay ku tala jirka ururada qaramada midoobay raacsani ay ku tala jiraan inay gargaar siiyaan beerahay iyo beeralaydu waa arrin ay tahay in lasoo dhaweeyo, sababtoo ah xukuumadu ma awoodo inay kaligeed waxsoosaarka beeraha kor u qaado, taasina wax ceebi kuma jidho, oo dawladaha dunidu dhammaantood waa is caawiyaan iyagoo caawimooyinkaasi sii mariya ururada qaramada midoobay raacsan. Sidaas ayayna dawladaha baahani ku helaan gargaarka ay u baahanyihiin, dhaqaalaha adduunkuna waa uu isku xidhan yahay, haddii dhaqaale ka mid ah dhaqaalayaasha dunida ka jiraa ay dhibi soo gaadho, kuwa kalena saamayn ayuu ku yeeshaa. Halkaa halaga sii wado dadaalka, waanad ku mahadsantihiin maqaalkan.
Maaha qasab in xoola dhaqatadu ay ka shaqeeyaan beeraha, laakiin waxa loo fidin karaa tababar iyo qalab labadaba, si ay uga hawlgalaan beero hababka kala duwan ee wax beerista lagu tijaabiyo. Arrinkan waxa u sabab ah xooluha dhiqistooda waxa dawladaha soo korayaaa ay ka helaan lacag farabadan. Dhibtu se waxay ka jidhaa aqoon la’aanta iyo karti la’aanta. Hadii ay jiri lahaayeen iskuulo wax soosaarka beerahay lagu barto oo beeraha iyo xoolo dhiqistaba caawimo u fidayaa, waxa dadka u suurtoobi lahayd inay xoolaha ku noolaadaan oo lacag ka helaan. Intaa waxa dheer, waxa dalka soo gali lahayd lacag adag oo laga helo badeecadaha dalka suuqyada caalamka lagu iibiyo. Laakiin waxa jira arrin muhiim ah oo ay tahay in aynu is dul taagno. Arrinkani wuxu ku saabsan yahay in badeecadaha iyo hilibka afrika laga soo waarido aan suuqyada aduunka laga soo dhawaynin, sababtoo ah baraasiil iyo laatiin ameerika ayaa suuqyada haysta, taana waxa ugu wacan daryeelka ay daryeelaan xoolohooda.
Beeraha dhaqda Soomaaliyeey, xoola-dhaqashada kaligeed waa dhaqan halis ah, taasoo ay suuragal tahay in aad si fudud ku waydo dhammaan xoolihii abaaraha taagan darto. Hadii aad isku daydid beer-falashada, waxad si fudu u heli kartaa wax-soo-saarka ugu danbeeya ee xoolahaaga.
Tani waa fikrad aad u wanaagsan si loo soo yareeyo ku tiirsananshada cuntada meelaha baadiyaha ah.
Waa wax aad u fiican
Waxa la qaataa beera-falashada intii xoolo lagu sii jeedi lahaa!
waxay faladan waxay ka turjumaysaa sidda xoolaha loo dhaqdo