Abriil 05, 2012
Dadka falanqeeya arrimaha kooxda al-Qaacidada ku xiran ee al-Shabaab ayaa sheegaya in dhalleecayntii aan qarsoodiga ahayn ee uu dhawaan hogaamiyaha ka tirsan al-Shabaab Sheekh Xasan Daahir Aways kala horyimid hogaamiyaha sare ee kooxda iyo tallaabooyinkeedaba ay muujinayaan khilaaf isa soo taraya oo ka dhex jira kooxda.
Jimcihii (30-kii March), ayuu hogaamiyihii hore ee Xisbul-Islaam, Aways, waxa uu ku eedeeyay hogaamiyayaal kale oo ka tirsan al-Shabaab in ay daadinayaan dhiigga muslimiinta oo ay magaca Islmaanka ku laynayaan muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxa uu ku tilmamaay tallaabooyinka qaar ka mida hogaamiyayaasha al-Shabaab kuwo ka fog diinta Islaamka.
“Waxan uga digayaa walaalahayga mujaahidiinta ah ee ka tirsan al-Shabaab daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah iyo dilka dadka aan waxba galabsan iyada oo la adeegsanayo magac Islaam,” ayuu Aways u sheegay dad isku yimid oo isaga taageersan.
Digniintan ayaa soo baxday ka hor wax ka yar todobaad markii ay al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda weerar ay ku dhinteen laba ka tirsan madaxda cayaaraha Soomaaliya oo ka dhacay masraxa qaranka ee Muqdisho, xilli ay samada isku shareertay dhalleecayn isa soo taraysa oo ay dadka indhaha ku haya xaaladaha Soomaaliya ku eedeeynayaan kooxda xiriirka la leh al-Qaacida in ay xukunno dil ah ku fulinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay ku eedayso in ay naqdiyeen tallaabooyinkeeda iyada oo aan marsiin maxkamad caddaalad ah.
Sidoo kale, digniintu waxa ay timid kadib markii hogaamiyaha ajnabiga ah ee al-Shabaab, oo loo yaqaan Abu Mansuur al-Amriiki, uu soo saaray hadal uu ku sheegay in uu naftiisa uga baqayo hogaamiyeyaal kale oo ka tirsan al-Shabaab sababtoo khilaafaad dhinaca istiraatijiyadda iyo fikirka ah.
Aways ayaa waxa uu faallo ka bixinayay hadal uu todobaakii hore soo saaray hogaamiyaha sare ee al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane, oo sidoo kale loo yaqaan Mukhtar Abu Zubayr.
“Waxa reebban in laga dhiso dhulalka ay ka taliyaan mujaahidiinta al-Shabaab koox, xisbi ama urur hubaysan ama aan hubaysneeyn, sababtoo ah taasi waxa ay ka dhigan tahay waddada loo maro furfurka, wiiqidda iyo kala firdhinta Muslimiinta. Koox kasta oo isku dayda in ay al-Shabaab ka dhex dhisto huwan ama xisbi cusub waxa loo qaadanayaa in ay tahay cadow waana in lala dagaallamaa,” ayuu yiri Godane.
Aways waxa uu ahaan jiray guddoomiyihii hore ee Golihii Shuurada ee Ururkii Maxaakimta Islaamiga ahaa, waxana loo arki jiray mid ka mida hogaamiyayaasha ugu mayalka adag kooxda. Waxa uu la wareegay hogaanka ururkii Xisbul-Islaam 2009-kii, isaga oo ku dhaartay in uu la dagaallami doono dawladda Soomaaliya. Waxa uu isku dhiibay al-Shabaab sannadkii 2010-kii kadib markii uu ku jabay dagaal dhinaca awoodda ah, taasoo ku khasabtay in isaga iyo kooxdiisuba ay ku biiraan al-Shabaab, si iskii ahna uu hubka u wareejiyo.
“Dhalleecayntaan aan qarsoodiga ahayn ee Sheekh Aways uu uga horyimid hogaamiyayaasha kale ee al-Shabaab waxa ay ka tarjumaysaa khilaafka isa soo taraya iyo dagaalka ka dhex taagan hoggaanka al-Shabaab, taasoo ku sugan xaalad rajo-beel ah,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda isla markaana ah hogaamiyahah Xisbiga Isbahaysiga Nabadda.
“Waxa laga yaabaa in ula-jeeddada Sheekh Aways uu ka lahaa in uu cirka ku sii shareero khilaafka kala dhexeeya hogaamiyayaasha kale ee al-Shabaab, ay ahayd in uu abuuro fursad uu kaga baxo kooxda una abuuro dhaq-dhaqaaq kale oo jihaadi ah oo ka duwan al-Shabaab,” ayuu yiri Xasan. “Waxa kale oo suurta-gal ah in doonayay in uu diro farriin uu ku baaqayo in uu diyaar u yahay wada-xaajood uu la galo dawladda.”
Inkasta oo uu Aways hadallo hore oo uu soo saaray si cad ugu qirtay in uu jiro khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Godane, haddana tani waa markii ugu horreeysay ee uu ku dhiiraday in uu si aan qarsoodi ahayn u dhalleeceeyo tallaabooyinka hogaanka al-Shabaab, ayuu yiri Xasan.
Sida ay qabaan warbixino ku soo baxay saxaafadda Soomaaliya, khilaafka u dhexeeya hoggaanka al-Shabaab waxa uu sii fogaaday wixii ka dambeeyay xorayntii Muqdisho ee Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka ah iyo Ciidamada Midowga Afrika.
Xasan waxa uu sheegay in Aways uu heeysto fursad uu ku muujin karo awooddiisa sababtoo ah waxa uu haystaa malleeyshiyaad ka soo jeeda beeshiisa. Markase la eego Godane, oo ka soo jeeda Somaliland, ma haysto taageero u dhiganta taa uu Aways ku haysto koonfurta.
Isaga oo ka jawaabaya hanjabaadda Godane ayuu Aways waxa uu yiri, “Dadka uguma gooddin kartid dil, mana jiro koox kaligeed sheegan karta xaqa jihaadka, sababtoo ah jihaadku waa waajib diini ah, mana jirto koox kali ah, sida al-Shabaab oo kale, oo xaq u leh in ay kaligeed qaadato shaarka jihaadka. Qof waliba waa uu ka qayb-qaadan karaa jihaadka, hadday ahaan lahayd shakhsi-shakhsi ama koox-koox, urur-urur iyo qabiil-qabiil ba.”
“Dadku waa ay ka baqaan in ay si toos ah u naqdiyaan hogaamiyayaasha al-Shabaab sababtoo ah dilka aan loo aabayeelin ee ay kula kacaan rayidka,” ayuu yiri. “Anigu ka baqi mayo in aan naqdiyo.”
Maxamed Mustafa, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa yiri khilaafka u dhexeeya madaxda al-Shabaab waa uu sii xoogaystay tan iyo markii ay kooxdu shaacisay in ay ku biirtay al-Qaacida bishii February.
“Khilaafadka ba’an ayaa ragaadiyay kooxda, laakiin kala qaybsanaanta hoose waxa ay banaanka u soo baxday markii ay kooxdu ku dhawaaqday in ay ku biirtay shabakadda argagixisada caalamiga ah ee al-Qaacida,” ayuu yiri Mustafa. “Haddii ayan arrintu sidaa ahayn, muxuu Sheekh Aways hadda ka hor si cad uga hali waayay dilka ay al-Shabaab ku hayso rayidka iyo daadinta dhiigga dadka aan waxba galabsan?”
“Tan iyo markii ay xoogagga al-Shabaab ku biireen al-Qaacida, waxa jiray calaamado muujinaya khilaafaad isa soo tarayay oo ka dhexeeyay hoggaanka sare ee al-Shabaab, khilaafkuna waxa uu si isa soo taraysa ugu dul-wareegayay kuwa door-bidaya in lagu biiro al-Qaacida iyo kuwa tallaabadaa ka soo horjeeda,” ayuu yiri.
Aways waxa uu sheegay in isku biiridda al-Shabaab iyo al-Qaacida ayan ka tarjumayn khilaafaddii Islaamka oo ay waajib tahay in la raaco.
“Al-Shabaab iyo al-Qaacida waxa ay qayb yar ka yihiin Islaamka ka wayn ee ballaaran, aragtida al-Qaacidana maaha in loo arko in ay tahay manhajka kaliya ee saxda ah ee Islaamka” ayuu yiri.
Al-Shabaab waligeed ma noqon koox aragti ahaan midaysan, bacdamaa ay hogaamiyeyaasha kooxdu ay u kala qaybsanaayeen laba garab oo uu tartan ka dhexeeyo, ayuu ku dooday Axmed Cabdiraxmaan oo ah falanqeeye siyaasadeed.
Sida uu qabo Cabdiraxmaan, kooxda hore waxa ay ka kooban yihiin mujaahidiin ay saamayn wayn ku leedahay al-Qaadica. Garabkan waxa hogaamiya Godane, “oo ku hanwayn in uu noqdo hogaamiyaha al-Qaacida ee bariga Afrika” waxana uu ahaa mas’uulkii ka dambeeyay in kooxdu ku biirto al-Qaacida.
Garabka kale, oo ka kooban Aways iyo hogaamiyaha al-Shabaab Mukhtaar Rooboow, waxa ay ku doodaan in ay dagaal kula jiraan “gumaysi ajnabi ah”. Kooxdan “waxa ay aaminsantahay in Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ahi tahay camiiliin ajnabi soo dhoodhoobay, laakiin sidoo kale waxa ay qabaan in ay suura-gal tahay in lala xaajoodo, haddii ay ciidamada ajnibigu ka baxaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Haddii ay hogaamiyayaasha ay ka mid yihiin Aways iyo Rooboow door-bidaan waddada wada-hadalka, Godane waxa uu galayaa go’doon, ayuu yiri Cabdiraxmaan.
“Waxa ay u badnaan doontaa in uu u maara-waayo sii wadidda jihaadka sababtoo ah ma uu haysto awood u dagaallanta, waxana uu waayay inta badan dagaallyahannadii ka soo jeedahay qabaa’ilka reer koonfureedka,” ayuu yiri. “Haddana kooxdu intaa oo dhib ah waxa ay dhex muquuraysaa iyada oo uu dagaal uga furan yahay saddex furimood isku mar.”
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow” ayaa ugu baaqay Aways in uu dhigo hubkiisa, joojiyo dilka rayidka kuna soo biiro geeddi-socodka nabadda.
“Haddii uunan Aways ka jawaabin baaqaas, waxa uu mudan doonaa masiirkii aragagixisadii isaga ka horeeysay, waana sababtaa tan ay tahay in uu iisho nabadda inta ayan talo fara ka haadin,”
Xasan meesha kama saarin xiriir dhex-mara Aways iyo dawladda si la isugu dayo in la gaaro xal nabadeed oo ogolaanaya in Aways uu ku soo biiri geeddi-socodka nabadda haddii uu isaga haro colaadda, oo uu hubka dhigo isla markaana iska fogeeyo al-Shabaab.
“Waa arrin la iska wada ogyahay in Aways uu mar walba doonayay in uu yeesho awood siyaasadeed … laakiin dadaalkaas waxa ka kala tuuray al-Shabaab,” ayuu yiri Xasan. “Haatan, waxa uu isku dayayaa in uu isaga dhigo ummadda Soomaaliyeed sidii qof aan u hogaansanayn mabaa’diida al-Shabaab, inkasta oo uu wali gacmihiisa ka qoyanyahay dhiig.”
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Anigu ma garanayo waxa uu yahay dagaalkan barakaysan. Sideebay suurtogal u tahay inay dadka qaarkood ay dadkale laayaan iyagoo ku andacoonaya inay ku jiraan dagaal barakaysan? Xitaa hadday ku jiraan dagaal barakaysan, waa maxay sababta ay u laynayaan dad aan waxba galabsan? Way caddahay in dagaalkani uu yahay mid siyaasadaysan. Waxa kaloo iswaydiin mudan sababta ay u rabaan inay gacan ku haynta dalka la wareegaan, iyadoo ay tahay inay arrinkaas faraha uga qaadaan dawladda. Dadkani wax mustaqbal ahi uma hadhin, waxaana sugaya burbur iyo baaba, iyaga ayaaba horyaba ugu gogol xaadhay burburkoodaas.
asc marka hore aniga waxaan qabaa in alshabaab markii hore ay isu arkayeen inay jihaad kujiraan lkn ay hada u cadaatay inay jirto siyaasad kasocoto xaga godene oo ah koonfur mashquulin sifo ay cagaheedu isugu taagto soomaali land nimankan kalana waxay raadinaayeen oo kaliya jiho ay kuhelaan hugaanka dalka lkn may doonayn in dad islaam ah oo hadana soomaaliya sii kala go,aan balse baryihii danbe ayaa waxaa soobaxayey hanjabaadyo ku aadan gooni isku taaga soomaaliland oo kasoobaxayey hugaamiyaasha kasoojeeda koonfurta sida labo xassan iyo muqtaar rooboob , sifo ayna usuuragalintaas ayuu godane si dag dag ah ugu dhawaaqay in alshabaab ay kubiirtay alqaacida mana aha arin ay udhanaayeen hugaanka waayo hadii ay udhanaayeen way isku raaci lahaayeen taas ayaan qabaa anigu nimankan ayaa waxay ukala baxeen arin ah fiqi tolkiisa kama jano tago
Fikrada uu soo jeediyay walaalkeen ee ku saabsan kala jabka kooxda alshabaa, iyo rabitaanka ay qaarkood rabaan inay kusoo biiraan geedi socodka siyaasadeed, haddii laga helo shardiga ah inay ka hadhaan afkaarta xagjir nimada ah ee kooxda alshabaab. Markaa waxaan qabaa in arrinkani yahay mid wacan, waxaanan rajaynayaa in xukuumadu ay fursad siiso qolyahan ka dib marka ay toobad keenaan kana qomameeyaan falalkii ay hore ugu kaceen. Taa waxa dheer, waa inay geed iskaga xidhaan afkaarta xagjir nimada ah, maxaa yeelay alle wuxu toobadooda aqbalayaa haddii aysan dib ugu noqon falalkoodii foosha xumaa ee hore.
war waa ninka wax baad soo qortay dadka islakma hi ma kla jcala cidna islaku nimankana waaxay ahyeen shadan insi scadabkayna galayaan jannaba gelayan
Xassan Dahir Aways iyo Godane waa isku dambi ... ina aways na markuu dantiisa meesha ka arki waayay ayuu goansaday inuu khilaafo saxibadiis waxay dhamaantood mudanyihiin ini lasoo taago maxkamad caalami ah haddii ay dhici waysana tii Alle ayaa lasoo taagi doonaa maalinka qiyaamo waayo dhamaantod kumaan kun oo ruux ayay dileen, barakiciyeen, dhaceen, hadna waa kala cararayaan
waxaan anigu u arkaa aragtida xasan daahir aways inaysan ahayn midkusalaysan rabitaanka shacabka soomaliyeed ee uu yahay mid uukuguuldaraystay sataasadiisii khaldanayd ee uu soowaday mudadheer hadana uu kufashilmay raacidaankii alshabaab waxayna akdhigeen buul sidaas daradeed wuxuudarinayaa kursi iyo xil lkn waa uu kuguuldaraysat wakhtigisiina waxaa uukudhamastay cilo
waa macquul laakiin xasan hala sugo inta warkiisa cadaynayo waayo xasan weli wuu laba canlaynayaa
Way iska caddahay in saraakiisha sarsare ee Al-shabaab uu soo dhexgalay khilaafaad ku salaysan ula jeedka jihaadka iyo ku biirista ay Al-qaacida ay ku biireen dhowaantan ah. Xukuumaada Federaalka kumeelgaarka ah waa in ay gacamo furan ku soo dhoweeyaan Xasan Daahir Aweys oo ka baxay Al-shabaab taasi waxaa loola jeedaa in Xasan uu doonayo in uu ka tanaasulo tallaabadiisa hore marka uu arkay Al-shabaab oo wajahaysa labo dhibaato oo kala ah cadaadis militari oo kaga imaanayo ciidamada isbaheysiga oo daciifiyay awooda maleeshiyada. Mida kale oo ah in Godane, hoggaamiyaha Al-shabaab oo ka soo jeedo waqooyi wuxuuna ku istareexayaa koonfurta asagoo aan wax saameyn ahna ku sameynin gobolada waqooyi ama faragelin sababtoo ah qabiilkiisa waxay degan yihiin deegaan xasilloon ma oggolaanaya in faragelin lagu sameeyo nabadooda marka laga reebo gobolka sool oo uu ku dilay dhawr saraakiil sarsare oo ka soo jeeda qabiilka dhulbahante. Hadafka Godane ma aha jihaad balse wuxuu doonayaa in uu dhibaato aan dhammaad lahayd ka sameeyo koonfurta Soomaaliya iyo gobalada bari, waxaa jira su’aal mudan in la is waydiiyo, Waa maxay sababta Godane uusan ugu hergelinin Jihaadka gobolada Waqooyi.