Abriil 04, 2012
Culumaa’uddiin iyo khubaro dhinaca shariciga ah ayaa ku eedeeyay dhaq-dhaqaaqa al-Shabaab gabood-fal iyo dilal iyaga taa u maraya “marmarsiinyo been ah oo ku aaddan dabakhidda shareecada Islaamka”.
Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha iyo dhaq-dhaqaaqayaasha ayaa sidoo kale dhalleeceeyay hannaanka maxkamadeed ee ay al-Shabaab ka fuliso goobaha hoos yimaada maamulkeeda. Khubarada ayaa sheegaya in kooxdu xukunnada u riddo iyada oo aan sameeyn maxkamadayn iyo gar-qaadid caddaalad ah, isla markaana ay jabiso qawaaniinta Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba.
Maxkamadaha al-Shabaab ayaa soo saara xukunno ay ka mid yihin dil, rajmin (dhagax-ku-dilid), karbaashid iyo waaxya goyn. Kooxdan ku xiran al-Qaacidda ayaa aalaaba dadka uga digta in ay wax wada-shaqeeyn ah la yeeshaan xukuumadda Soomaaliya, xitaa hadday ahaan lahayd sababo qoyseed, iyada oo ku hanjabta dil.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, kooxda al-Shabaab waxa ay rag iyo dumar Soomaaliyeed oo kala joogo goobo kala duwan oo dalka ah ku fulisay daraasiin xukunno dil ah iyada oo ku eedaysay in ay caawinayeen Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG) iyo ciidamada Midowga Afrika (MA), amaba ay u basaasayeen waddamada dariska ah.
Bartamihii bishii March, dagaalyahannada al-Shabaab waxa ay xukun dil ku fuliyeen nin dhallinyaro ah oo 20-tameeyo jir ahaa. Xukunka oo ka dhacay agaggaarka Galgalato ee waqooyiga Muqdisho ayaa waxa ninkaa lagu eedeeyay in uu u basaasayay ciidamada dawladda Soomaaliya.
“Xukunnada ciqaabta waxa fuliya dawlad sharciyad ku taagan, mana aha arrin ay ku tallaabsan karto kooxi, haday ahaan lahaayeen axkaamta dilalka ama fulinta xudduudaha kaleba,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir Soomoow oo ah afhayeenka Golaha Sare ee Culimada Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo qayb ka ah Xiriirka Guud ee Dariiqada Suufiyada Soomaaliya.
Sheekh Soomoow waxa uu sheegay in al-Shabaab ay gashay gabood-fallo isla markaana ay dishay rayid aan waxba galabsan iyada oo ku eedaynaysa in ay yihiin basaasiin. Waxa uu sheegay in culimada fiqiga Islaamku ay isku khilaafsan yihiin xukunka dadka lagu helo basaasnimada, hase yeeshee waxa uu sheegay in dilkoodu ayan banneeyneeyn shareecada Islaamku.
“Kooxdani waxa ay ku kacday wax ka badan dambi, haddii aad eegto sida ay dadka u dishana, tallaabooyinkeedu malaha wax asaas sharciyeed ah, bal taa ha joogtee waxaba ay ka soo horjeedaan shareecada Islaamka,” ayuu Sabahi u sheegay. “Kooxda al-Shabaab waxa ay xukunnadaas ku argagax-galinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.”
Soomaalidu waxa ay ka argaggaxeen sida adag ay ee ay kooxdu u tarjumayso shareecada Islaamka. Kooxdu waxa ay goowracday dad dhowr ah iyada oo ku eedaysay in ay haystaan diinta Masiixiga, basaasiin iyo in ay riddoobeen. Marka ay ku fuliyaan xukunka dilka ah, xubnaha al-Shabaab waxa ay dadka ku duugaan qayb ay ugu yeeraan “xabaalaha gaalada”, sidaana waxa sheegay dadkii degganaan jirey meelihii ay ka talin jirtay al-Shabaab.
“Saddexdii sano ee la soo dhaafay, uruka al-Shabaab, ee magaaladan ka talin jiray, waxa ay fuliyeen howlgallo naxdin leh oo xiriir ah, kuwaas oo aragagax galiyay in badan oo ka mida dadka daggan magaalada,” ayuu yiri Cumar Isaaq, oo ah 43-jir dagan Baydhabo, halkaa oo ay ciidamada isbahaysigu dhawaan la wareegeen maamulkeeda. “Baydhabo waxa ay ahayd masrixii ay ka dhaceen xukunnadii dilalka ee ugu badnaa. Qaybo ka tirsan al-Shabaab ayaa bishii June 2009-kii mar qura waxa ay madaxa ka jareen toddoba ka mida dadka degaanka iyaga oo ku eedeeyay in ay yihiin Masiixiyiin iyo basaasiin.”
Maxamed Xasan, oo 36-jir ah oo dagganna Beledweyne oo ku taal bartamaha Soomaaliya, taasoo ay ciidamada isbahaystay ay maamulkeeda la wareegeen sannadkan, ayaa sheegay in al-Shabaab ay dadka degaanka kula kacday gabood-fallo dhowr ah, iyada oo tallaabooyinkeeda ka dhanka ah muwaadiniinta ay gaareen heer ay xukun dil ah ku fuliyaan qof walba oo ay rumaysan yihiin in uu la shaqaynayo dawladda ku-meel-gaarka ah ama cambaareeya siyaasadda ururka.
“Dagaalyahaniinta al-Shabaab waxa ay Bishii October 2010-kii magaalada Beledweyne xukun dil ah ku fuliyeen laba gabdhood oo dhowr iyo toban jirro ah ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen ciidamo xulafo la ah dawladda, kaasina waxa uu ahaa dilkii ugu horreeyay noociisa oo laga fuliyo magaalada” ayuu Xasan u sheegay Sabahi.
Xasan waxa uu sheegay in qabuuro-wadareed ay al-Shabaab abuurtay laga helay Beledwayne bishii January, kaasoo ay ku jireen in ka badan 20 mayd. “maydadka laga helay qabuuro-wadareedka waxa ku jiray dad rayid ah oo ay al-Shabaab dishay iyada oo aan maxkamad la soo taagin,” ayuu yiri.
Soomoow ayaa ku eedeeyay al-Shabaab in ay ummadda Soomaaliyeed kula kacayso gabood-fallo iyada oo ugu marmarsiyoonaysa in ay fulinayso shareecada Islaamka.
“Kooxdan al-Shabaab waxa ay iyadoo huwan magaca Islaamka gashay gabood-fallo. Waa ayaan darro in magaca Islaamka loo isticmaalay in lagu dilo muslimiin aa waxba galabsan,” ayuu yiri.
Soomoow waxa uu yiri al-Shabaab “malaha wax sharciyad ah oo ay ku dabakhdo axkaamta caynkan oo kale ah, mana laha xaq ay ku soo saarto go’aanno garsoor sababtoo ah xuquuqdaa waxa iska leh maamulka rasmiga ah”.
Bashiir Axmed, waa bare dhiga sharciga, waana maamule ka tirsan urur isha ku haya arrimaha caddaaladda, waxana uu leeyahay, axkaamta dilka ah ee ay soo saarto al-Shabaab waxa ay ka soo baxaan maxkamadayn ii dheh ah kuwaas oo meel-ka-dhac ku ah a shuruucda caalamiga ah
“Xukunnada dilka ah ee ay fuliso al-Shabaab waxa ay ka soo baxaan maxkamadayn ka dhaca meel fagaare ah, iyada oo aan maxkamadayn caddaalad ah la siin eedaysanayaasha,” ayuu Axmed u sheegay Sabahi. “Kuwa la xukumo lama siiyo xaqa ay racfaanka uga qaadan karaan xukunnada lagu riday ama ay uga dhiidhiyi karaan go’aannada maxkamadda si ay naftooda u difaacaan.”
Waxa uu sheegay in xaqiiqda ah in aan eedaysanayaasha loo diido xaqooda ay racfaan uga qaadan karaan go’aannada lagu rido ama ay isku difaaci karaan ay muujinayso sida buuxda ee aysan kooxdu dan uga lahayn nolasha dadka.
Xasan Cabdullaahi, oo u shaqeeya urur maxalli ah oo u dooda xuquuqul-insaanka, ayaa sheegay in dhaqanka al-Shabaab uu ka mid yahay in ay dadka ku casunto daawashada fulinta xukunnada dilka ah, taasoo cawaaqib nafsi ah ku reebta daawadayaasha, taasina uu macneheedu yahay in dadka lagu beero cabsi halkii laga xoojin lahaa caddaaladda.
“Kooxda al-Shabab waxa ay soo bandhigtaa xubno laga soo jaray dadka meesha fagaaraha ah xukunka lagu fuliyay waxayna surtaa baallayaasha korontada si ay dadka caadiga ahi u arkaan,” ayuu yiri Cabdullaahi. “Fulina xukunnada dilalka iyo rajmintu waxa lagu qabtaa goob fagaare ah iyada oo ay daawanayaan kumanaan dad ah kuwaas oo lagu casumay sida ay u daawadaan fulinta axkaanta marka ay dhacayaan.”
Dagaalyahaniinta al-Shabaab waxa ay dadka degaanka ku khasbaan in ay daawadaan fulinta xukunnada dilka ah, rajminta iyo karbaashka ayuu yiri, iyaga oo dadka ugu yeera cod-baahiyayaal si ay u daawadaan.
“Dagaalyahaniinta al-Shabaab waxa ay laayaan dadka rayidka ah dabadeedna waxa ay maydkooda ku tuuraan waddooyinka iyo suuqyada, mararka qaarna madaxyo la soo gooyay ayay ku tuuraan waddada iyada oo qaybta kale ee jirkana looga soo tago meel aan ka fogayn meesha madaxa lagu tuuray si loo aragagax-galiyo dadka quluubta muwaadiniintana loogu abuuro cabsi,” ayuu yiri.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Anigu boqolkiiba boqol ayaan ku raacsanahay arrinkaas, waxaanan ku faraxsanahay waxa uu nabi maxamed scw uu ina faray. Dadka qaarkood waxay qabaan in aysan wanaagsanayn in tuugta gacmaha laga jaro, laakiin waxan leeyahay arrinkani waa ilaahay sharciga uu soo dajiyay, ama jeclaada ama ha jeclaanina. Sidoo kale, dadka sinaysta waxa ay ciqaabtoodu tahay in dhagax lagu dilo marka ay gogol dhaaf ku kacaan. Waxaa aan soo sheegay oo dhami waa wax kusoo arooray shareecada islaamka, laakiin ma lihi waxa ay alshabaab wadaan waa wax sax ah, ee waxaan ka hadlayaa waxa saxda ah ee diinta kusoo arooray. Markaa waxay ku waajib ah qofkasta oo muslin ah inuu diinta si buuxda ugu dhaqmo, dadka aaminsan in arrimaas aan kor kusoo sheegay ay lid ku yihiin xuquuqal insaanka, waxaan leeyahay xuquuqal insaanku maaha diin, ee waxani waa diintii alle, ilaahayna isagu sidii uu rabo ayuu yeelayaa.
waxa aaan anigu xalka uarkaa in loo soo noqdo kitaabka alle iyo sunada nabigeena (csws) taasi waa xala kaliya ee lagu gaadhi karo sacaadad aduunka iyo ta aakhiro
oo aan is waydiinee yaa dhaama oo shareecada islaamka wax ku xukuma ma dastuur ay gaalo dajisay baa dhaama
waan taageersanahay ciidamada africa iyo kuwa soomaaliya
Sheekh Abdiqaadir hadalkaaga waa run balse yaad hadalaysaa???? Xarakada Al-shabaab waa koox ka fog diin mana dabakhayaan diinta Islaamka waxaana doonaynaa in xukuumadda ay ka baabi'iso lana soo qabqabto loona gudbiya maxkamad si loo ciqaabo sida aan hore u sheegay waa ay qaldan yihiin sababtoo ah koox ma qaadi karto xukun dil ah sababo la xiriira sharci ahaanshaha maamulka ma aha maamulkooda maamula ay dadka sameysteen, aniga nasawir naga qaado sidee ayuu noqonayaa xaalka Soomaaliya ama dawlad kale haddii calaalada lagu sii daayo, sikastaba gacamaha koox kakooban shakhsiyaad gaar ah sida kooxda weecsan ee Al-shabaab oo kale.
al shabaab waxay ku gambanooyiin diinta islaamka ayagana waawada tuugo miiran
Runtii waa maqaal wacan, laakiin waa inaad la timaadaa xal wax ku ool ah oo soo afjari kara mushkilada jirta, ama yarayn kara mushkilaadaas, oo gaadhsiin kara heer aan wax dhaawaac ahi soo gaadhiin dadka.