Abriil 03, 2012
Madaxda Kenya ayaa al-Shabaab ku eedeeyay labada weerar oo lala kala beegsaday kaniisad iyo makhaayad ku yaalla deggaanka Mombaasa kaasi oo dhacay Sabtidii (March 31-keedii), iyagoo cambaareeyay rabshadaha ballanna ku qaaday inay soo xiri doonaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.
“Waxaan isticmaali doonnaa wixii cudud ah ee markaasi jirta si aan u tirtirno kooxdan argaggixisada ah,” ayuu Wasiirka Amniga Guddaha ee Kenya George Saitoti uu Mombasa ka sheegay isagoo u laab-qaboojinayey dadkii ay dhibaatadu qaraxyadaasi ka soo gaartay ee ku sugnaa Isbitaalka Guud ee Xeebta. “Kenya waa inay markasta heegan ahaataa. Ka daali mayno inaan ugaarsanno dadkan ilaa aan ka cirib-tirayno. Waxay soo baab’iyeen dalkoodii hadana waxay halkan u yimaadeen inay baabi’iyaan dhaqaalaha Kenya.”
Hal qof ayaa lagu dilay, 33 qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerarkii dhacay Sabtidii. Weerarkii hore wuxuu dhacay abbaaraha 6:30 maqribnimo, kaasi oo lala beegsaday dad Masiixiyiin ah oo isugu soo ururay oo bannaanka ku tukanayay goobtaasi oo ahayd Mtwapa oo 10 kiiloo mitir waqooyi-bari kaga toosan magaalada Mombaasa. Weerarka labaad wuxuu cabaara 7 maqribnimo ka dhacay makhaayad ku taala xaafada Tononoka ee Mombaasa.
Qaraxyadu waxay dhaceen wax ka yar laba bilood markii weerar kale oo qarax loo adeegsaday uu ka dhacay boosteejada gaadiidka basaska ee dalka ugu mashquulsan ee Nayroobi ku taalla, weerarkaasi oo lagu dilay 9 qof , 60 qof oo kalena lagu dhaawacay. Bilayska iyo dawladda Kenya ayaa sidoo kale al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkan.
Wasiirku wuxuu yiri dawladdu waxay dadka reer Kenya iyo dadka booqashada ku joogaba ka ilaalin doonaan al-Shabaab, isagoo yiri waxay rabaan inay dalka Kenya khalkhal geliyaan.
Ra’iisal wasaaraha Kenya Ralia Odinga u xaqiijiyay dadka dalxiiska ah iyo muwaadiniintaba in dawladdu ay kordhisay tallaabooyinka ay ammaanku ku sugayso, isagoo intaasi ku daray in dadka gacanta siinaya dadka weerarka soo qaaday la xiri doono.
“Bilayskayagu waxay soo dhiraandhiriyeen caddaymo aad u mihiima, kuwaasi oo aynaan la wadaagi karin dadwaynaha. Waxay hayaan raad aad u fiican iyagoo isku dayaya inay soo qab-qabtaan kuwii ka dambeeyay falkan naxariis darrada ah,” ayuu yiri Odinga, isagoo sidoo kale kormeeray goobihii ay dhibaatadu saamaysay isbitaalkana ku booqday dadkii weerarka dhibaatadu ka soo gaartay.
“Kenya waa meel ammaan ah. Qofna ma aha in uu u cabsi geliyo dadka dalxiiska ah. Waa inay sii wadaan imaatinka ay Kenya imaanayaan dawladduna way ilaalin doontaa,” ayuu Odinga saxaafada ku yiri.
Af-hayeenka ra’iisal wasaaraha, Dennis Onyango, ayaa Sabahi u sheegay in masuuliyiin dheeraada oo hawlaha ammaanka qaabilsan loo diray magaalada xeebta ku taala si ay u xoojiyaan ammaanka xilliga lagu jiro dabaaldegga Easter-ka, iyadoo Mombaasa tahay goobta ugu wayn ee Kenya loo nasashada tago.
“Ra’iisal wasaarahu wuxuu amar ku siiyay bilayska iyo ha’yadaha kale ee dhinaca ammaanka inay si dhakhso ah u dhaqaaqaan una dardar galiyaan hawlaha ammaanka dhamaan deggaanada xeebaha iyo qaybaha kale ee dalka ee bar-tilmaameedka u noqon kara argaggixisada,” ayuu yiri af-hayeenku.
Saacado ka dib markii masuuliyiintu ay kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ku eedeeyeen masuuliyada weerarka, al-Shabaab waxay farriin ku soo qoreen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka iyagoo ka digaaya inay weeraro dheeraad ah ka fulin doonaan Kenya ilaa iyo inta ay Ciidamada Kenya ay hawlgalladooda millitari ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Hawlgalka Kenya ay Soomaaliya ka waddo ee Linda Nchi waa mid wax ka taray si uu al-Shabaab uga cirib tiro koonfurta Soomaaliya ilaa iyo Oktoobar, ka dib markii weerarro is=daba-joog ah iyo afduub ay al-Shabaab ka sameeyeen deggaanada xeebaha ku yaala. Afduubyadaasi intooda badan waxaa lala beegsaday dadka shisheeyaha ee dalxiiska ah. Bishaan, ciidamada Kenya ay ku biireen kuwa AMISOM.
“Dadwaynaha Kenya waa inay oggaadaan marka ay sii badato ciqaabta ay ciidamada Kenya ciqaabayaan Muslimiinta Soomaaliya ku nool ee aan waxba galabsan, inay magaalooyinka dalka Kenya-na ay noqon doonaan kuwo aan ammaan ahayn; marka ay sii badato tacaddiga ay dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliya ku nool ay dareemayaan, ay nolosha dadka reer Kenya-na ay noqon doonto mid xirxiran,” kooxda dagaalamaysa ayaa ka digtay. “ In kani yahay sharci wax ciqaabaya. Ammaankiinu wuxuu ku xiran yahay ammaankeena. Waa dagaal daba dheer, dadka reer Kenya waana inayna jiran sabab ay niyad-sami ay u muujiyaan ama rajo ah inay guul gaari doonaan.”
Sheekh Juma Ngao oo ah madaxa Golaha Talada Qaranka Muslimiinta Kenya, ayaa cambaareeyay weerarada isagoo ku tilmaayay inay yihiin kuwo aan loo qiil-bixin karin kana soo horjeeda dastuurka dalka Kenya.
"Tani waa ka hor imaad laga hor imaanayo xuquuqda dadka kale ay u leeyihiin inay isku yimaadaan ayna cibaadaystaan. Waa fal fulaynimo waana in la cambaareeyaa,” ayuu Sheekhu u sheegay Sabahi. “Dastuurka ayaa damaanad qaadaya sidoo kalena ilaalinaya xuquuqda qof kasta waana in la ixtiraamaa. Dawladdu waa inay si adag oo awood leh ula dhaqantaa kuwa ka dambeeyay weeraradii iyadoon la eegayn diintooda.
On Monday, the Coast General Hospital announced that people injured in the attacks were safe.
Waxaan idiin caddayn karaa in inta badan dadkii bukaanka ahaa, 20 qof ka mid ahi ay isbitaalka laga sii daayay kuwa harayna ayna wax khatar ah ku sugnayn. Xataa wiilkii yaraa ee ay xaaladiisu aadka u liidatay waxaa laga soo saaray qolkii gargaarka degdegga loogu talo-galay, isagoo kaliya u baahan doona dhakhtar khabiir ah oo dhinaca indhaha u qaabilsan si uu qaliin ugu sameeyo mid ka mid ah indhihiisa,” Dr. Maurice Simuyu, oo ah agaasimaha caafimaadka isbitaalka gobolka, ayaa Sabahi u sheegay.
Madaxa bilayska gobolka Xeebta Aggrey Adoli aya Sabahi u sheegay in walxaha qarxa loo adeegsaday weerarada, iyadoo bilayskuna isku dayayaan inay caddeeyaan suuraggalnimada in ay jirto koox kale oo argaggixiso ah oo laga yaabo inay weerarrada qaadeen.
“Waan sii wadnaa baaritaannada, al-Shabaab-na waxay ka mid tahay kooxaha argaggixisada ah ee aan baaritaanka ku wadno,” ayuu yiri Adoli. Baaritaankayagii bilowga ahaa wuxuu tilmaamay in weerarada loo adeegsaday walxaha qarxa, laakiin wali waxaan wadnaa si aan u caddeyno nooca qalab ee uu ahaa iyo meesha ay suurta galka tahay in laga keenay.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in goobaha muhiimka ah ammaankooda la kordhiyay, sida Warshada Sifaynta Batroolka ee Kenya ee Mombaasa ku taala.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Arrinka ugu wacani waa ilaahay oo ina hogaamiya, taasina maaha kaliya sidii cadawga loo jabin lahaaye, hoggaanka illaahay wuxuu guud ahaan u fiican yahay sidii aan Kenya uga dhigi lahayn mid ka wanaagsan tan maanta jirta.
Dadkani waa inay ogaadaan in ilaah caadil ahi jiro, oo uu ilaahay dadkiisa cadaalad kuwada maamulo. Markaa iyaga waxa u wacan in ay dib u fekeraan oo ay dib u eegaan waxa burbur iyo dhibaato ay u gaysteen dad farabadan oo aan waxba galabsan. Ilaahay ha inaga ilaaliyo waxay wadaan, oo ha garansiiyo waxay wadaan waxa uu yahay.
fadlan naga caawiya xaga ducada, oo noogu duceeya in aanu argagixisada ka guulaysano
Maxay dadku ugu maleeyaan in ayan al-Shabaab bini'aadam ahayn, marka ay ciidamda Kenya ay horseedayaan wax walba oo ayan hadhow maarayn karin? Anigu waxan ku talin lahaa in ay ciidamada Kenya kasoo baxaan dhulka alshabaab joogto iyo soomaaliyaba. Annaka mar walba dad kale badbaadintooda kuma jiri karno, dadkale oo jecel inay noloshoodu silic ku jirtana aawadood dhibaatooyin u gali mayno. Markaa haddii ay soomaaliya joogaan dad wanaagsan, meeye dadkaasi????????
waa in aynu u dhaqanaa sida maraykanka, oo waa in kooxda alshabaab wax wada hadal ah loo furin.
Waa in hawsha la laban laabaa si loo tirtiro kooxda alshabaab.
Kenya shaqo wacan ayay kawadaa soo celinta nabada.
Waa in dhamaantood ay naarta gaalaan, oo aanay janada iyo xuural cayn midna arag.
Shaqo wanaagsan.
Dadka reer Kenya waa in ay feejignaadaan waqti kasta iyo meel kasta oo ay joogaan. Iska ilaaliya meelaha dadka badan waana in aad si degdeg ah ugu soo sheegtaan booliska dadka laga shaki-qabo .
Waxa ay Al-shabaab aaminsan tahay, ma muujinayaan jaceelka iyo daryeelka Alle ee aan aaminsanay in uu yahay Allaha weyn. Haddii ay sidaasi noqoto, waxay la macne tahay in Alle uu yahay dillaa iyo argagaxiso, oo ah wax aan mudnayn in Alle lagu sifiiyo, oo ah Allaha na wada abuuray oona baabi'inin waqti kasta waxa uu u arko in ay wanaagsan yihiin.
Waqtigan uu dalkeenu waajahayo khatarta kaga imanasaysa kooxda alshabaab, shacabka kenyana waa in lagula dardaarmaa inay ka foogaadaan meelaha dadku ku badan yahayn. Haddii taasi adkaato, waa inay dadku feejignaadaan oo ay tuhmaan wax kasta oo aan waadix ahayn. Sidoo kale waa in lagala taliyaa habka ay ku garan karaan kooxaha iyo canaasiirta hubaysan. Intaa waxa dheer, shacabka keenya waa inay alla bari u sameeyaan ciidamada difaaca ee keenya oo haatan ku jira wakhti adag, waana in lagu hambalyeeyaa shaqada ay qabteen.
Faaladeyda waxaa waaye in aysan jirin meel ay kaga qoran tahay Quraanka Kariimka in la dilo dadka aanan waxba galabsan. Waxaa jira aayad ku jirta Quraanka Kariimka oo Alle ku odhanaya ha gubina guri aanan lagu sheegin magaca Alle. Waxa ay Al-shabaab sameynayso waa dembi weyn. Al-shabaab ma aha muslimiin wanaagsan waa in ay toobad keenaan kahor inta aysan dhimanin.
Fadlan nagu soo caawiya duco, si aan uga guulaysano argagaxisada
Taasi waxay dhacday kadib habeenkii aan meesha ka soo tagay. Ragga amniga waxay sida caadiga ah waqtigooda ku lumiyaan meelaha ay soomaalida ku nooshahay. Maya, ragga amniga waa in ay ilaaliyaan muslimiinta Kenyanka ah sababtoo ah Soomaalida ku nool Kenya waa kuwa nabad iyo degenaansho ku nool. Haddii ay dooni lahaayeen dagaal Soomaaliya kama soo tagi lahayn. Waxaan ka xumahay in dhammaan dadka aanan waxba galabsan wax la gaarsiiyo waxaan u sheegayaa ragga iyo haweenka amniga in aysan had iyo jeer ku mashquulin Soomaalida. Bilahan booliska uma xumo sidii ay hore u ahaan jireen. Waxaa laga yaabaa dastuurka cusub in uu isbaddel fiican sameeyay aniga waxaan u codeeyay HAA anigoo ah Kenyan been ah.
Waxa la joogaa wakhtigii ay hogaamiyayaasha Kenya ogaan lahaayeen muhiimada ay leeyihiin ciidamada difaaca ee Kenya, iyo inay yihiin ciidamo caalami ah oo leh xirfadnimo iyo dhawrsoonaan, waxaanay ciidamada Kenya ka yaabiyeen quwadaha caalamka ka jira markii ay muujiyeen xariiftinimo iyo qummanaan ay ku rabaan inay dabargooyaan kooxda alshabaab ee caalamiga ah. Hambalyo ha gaadho ciidamada difaaca Kenya, ilaahayna ha idin hago awoodna ha idin siiyo.