Maarso 26, 2012
Falanqeeyayaal Soomaali ah ayaa sheegaya in kooxda ku xiran al-Qaacida ee al-Shabaab ay qarka u saarantahay burbur sababo la xiriira khilaaf sii fogaanaya oo uu sii huriyay guul-darrooyinkii millatari indhawaalaha kooxda la darsay.
Cajaladii muuqaalka ahayd ee uu dhawaan faafiyay mid ka mida hogaamiyayaasha ajnabiga ah ee kooxda, Cumar Xammaami oo ah muwaadin u dhashay Maraykanka, kuna magaca-dheer Abu Mansuur al-Amriikii, ayaa waxa uu muujinayaa khilaafka ba’an ee ka dhex-taagan hogaamiyayaasha kooxda, ayay leeyihiin dadka waxa oddorosa.
Cajaladda ayuu Xammaami oo ah mid ka mida saraakiisha dhinaca dicaayadda ee kooxda, waxa uu ku sheegay in ay naftiisa khatar ku yihiin saaxibadii kale ee kooxda al-Shabaab. Sida ay leeyihiin falanqeeyayaashu, farriinta ayaa waxa ay daaha ka rogtay khilaaf ka jira dhinaca aragtida iyo istraatijiyadda kaasoo u muuqda mid ka soo tallaabay khilaaf fudud oo dhinaca aragtida ah, gaarayna qarax buuxa oo dagaal.
Hadalka Xammaami ayaa yimid bil kadib isku-milankii ka dhex dhacay al-Qaacida iyo al-Shabaab, kaasoo lagu macneeyay isku-day ay niyaddooda kor ugu qaadayaan xilli uu khilaaf ka taagan yahay halkii ay kooxdu wajiga saari lahay.
Hadalka Xammaami ee ah in ay noloshiisa halis ku yihiin xubno kale oo kooxda ah waa “tallabo ugub ku ah” taariikha al-Shabaab, sida uu ku doodayo Xasan Cabdullahi, oo ah falanqeeye dhinaca siyaasadda oo la socda dhaq-dhaqaaqa Islaamiyiinta Soomaaliya.
“Waa markii ugu horeeysay oo uu hogaamiye ajnabi ah oo ka tirsan kooxda uu muujiyo cabsi uga imaanaysa saaxiibadii,” ayuu yiri Cabdullaahi. “Dhacdadani waxa ay daaha ka rogaysaa kala-qaybsanaan iyo khilaafaad aad u qoto dheer oo ka dhex aloosan hogaamiyayaasha al-Shabaab, waxayna u badantahay in aan arki doono muran inta ka badan, kaasoo markiisana sababi doona dhimashada al-Shabaab mustqabalka dhow.”
Cabdullaahi waxa uu leeyahay tallaabadani waxa ay saamayn ku yeelan doontaa dadaalladii lagu soo qorayay mujaahidiinta ajnabiga ah ee doonaya in ay Soomaaliya u yimaadaan sifo ay u biiriyaan kooxda ku xiran al-Qaacida.
Kaalinta ay cayaarayaan mujaahidiinta ajnabiga ah ee ku jira al-Shabab ayaa ahaa bu’da khilaafka fogaaday, sida uu sheegayo Cabdiraxmaan Ciise Caddoow oo ah agaasimaah Raadiyaha Rasmiga ah ee Dawladda ee Radio Muqdisho, horayna u ahaan jiray afhayeenkii Midowgii Maxaakimta Islaamiga ah.
“Waxa jira macluumaad muujinaya muran qoto-dheer oo ka dhex-jira hogaamiyayaasha Soomaalida oo dhinac ah iyo mujaahidiinta ajaanibta ah ee al-Qaacida oo iyagu Soomaaliya u yimid in ay taageeraan al-Shabaab oo dhinaca kale ah,” ayuu u sheegay Sabahi.
“Hogaamiyayaasha Soomaalida ee kooxda, sida hogaamiyaha koxoda, Axmed Godane iyo ku-xigeenkiisa Ibraahim Afgaani kuma ay kalsoona dagaalyahaniinta ajnabiga ah, waxayna mar walba ka baqi jireen in ajnabigu ahaan karaan jawaasiis iyo camiillo,” ayuu yiri Caddoow. “Waa sababtaas tan mararka qaar loo samayn jiray howl-gallo wax lagu kala miirayo, iyada oo uu amiirka kooxda Axmed Godane ka baqayay in laga qaado mansabka, waana taas tan ku kalliftay in uu cayaaro dhammaan kaararkiisa si uu u cirib-tiro hogaamiyayaasha kale ee mucaaradka.”
Xammaami waxa uu Soomaaliya gaaray 2006-dii, waxana uu si dagdag ah ku gaaray hogaanka sare ee kooxda, isaga oo noqday taliye millatari iyo sarkaal qaabilsan arrimaha soo qoridda dagaalyahaniinta iyo arrimaha dacaayadda. Haatan waxa loo arkaa in uu yahay hoggaamiyaha ajnabiga ah ee ugu cadcad ee ka dagaallamaya hogaanka sare ee al-Shabaab.
Waxa uu magac ku samaystay kadib markii uu al-Shabaab u faafiyay cajalad ii dheh ah, taasoo uu shisheeyaha ugu baaqay in ay ku soo biiraan kooxda Soomaaliya taal.
“Khilaafka ka dhexeeya hogaamiyayaasha al-Shabaab waxa uu u muuqdaa mid ka tallaabay aragtiyo la isku khilaafsan yahay una gudbay isku-dhac, kaasoo keenay in uu Abu Mansuur duubo farriintaa uu kula hadlayo taageerayaashiisa kala jooga daafaha dunida iyo sidoo kale hogaamiyayaasha al-Qaacida,” ayuu yiri Xasan Calasoow, oo ah khabiir howl-gab ah oo ahaan jaray sarkaal ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya.
Sida uu qabo Calasoow, waxa jira tiro badan oo isugu jira dagaalyahaniin Soomaali iyo ajaanib ah oo la duuban Xammaami, kuwaa oo uu tababaray una suura-gashay in uu ku milmo sababtoo ah waxa uu awood u helay in uu kula xiriiro labada luqadood ee Ingiriiska iyo Carabiga, iyada oo ay u dheertay in uu illaa xad wax ka yaqaan Soomaaliga.
“Sababahaa dartood, taageerayaashiisu waxa ay u arkaan dagaalyahan muhaajir ah naftiisa u hibeeyay afkaarta jihaadiga ah,” ayuu yiri Calsoow, isaga oo saadaaliyay in kala jab wayni ku imaan doono hogaanka kooxda haddii uu khilaafkani sii socdo.
Waxa uu yiri mushkiladdu waxa ay kooxda ku keeni kartaa kala jab, laakiin natiijadu waxa ay si wayn ugu xiran tahay hadba sida ay madaxda al-Shabaab ee uu hogaamiyo Godane arrinka u xakameeyaan .
Guul-darrooyinkii millatari ee dhawaan kooxda soo gaaray ayaa iyaguna sii holciyay khilaafka, ayuu yiri Calasoow.
“Dhinac kasta oo laga eego, al-Shabaab waxa labadii bilood ee ugu dambeeyay la soo darsay khasaare aad u culus…jabhad kasta marka ay soo foodsaaraan khasaare bini’aadam iyo mid qalabeedba oo ay isaga baxdo dhulal dheeraad ah, waxa dhasha khilaafaad gudaha ah iyo mushkilado ka dhex abuurma hoggaankeeda, waana taa waxa xilligan al-Shabaab haysta,” ayuu yiri.
Khilaafaadka gudaha ee ka dhex aloosan hoggaanka sare ee al-shabaab waxa uu sii fogaaday dhawaanta, waxana uu bannaanka u soo baxay kadib dhimashadii Fasuul Cabdalla Maxamed, hogaamiyihii al-Qaacida ee Bariga Afrika, sida uu qabo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan, agaasimaha Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, oo isagu khabiir ku ah dhaq-dhaqaaqa Islaamiyiinta Soomaaliya.
Kooxdu waxa ay indhawaalaha la il-darnayd mushkilad dhinaca kalsoonida ah oo ka dhex taagan hogaankeeda sare, iyada oo xiriirka ka dhexeeya madaxda ajaanibta ah iyo kuwa Soomaalidu uu ahaa mid aad u kacsan. Dhinac waliba waxa uu kan kale ka rumaysan yahay in ay dhex galeen jawaasiis, ayuu yiri Cismaan.
Waxa uu sheegay in Maxamed, oo haystay dhalasho Kenyaan ah iyo mid Kamoros ah, kaasoo ay ciidamada dawladdu ku dileen bar-kontorool oo ku taal koonfur-gableed Muqdisho bishii June 2011-kii, uu ku dhacay dabin ay u dhigeen hogaamiyayaal ka tirsan kooxda.
Qaar ka tirsan saraakiisha sare ee kooxda, gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Godane ay kaalin wayn ka cayaaraan habaabintii Maxamed iyo darawalkiisii. “Waxay u muuqdeen in la siiyay tilmaan khaldan, taasoo afka uga soo shubtay bar-kontorool oo ay maamulayeen ciidamada dawladdu, oo tiil Koonfur-galbeed Muqdisho,” ayuu Cismaan u sheegay Sabahi.
Marka uu al-Amriiki sii daynayo farrintiisa uu ku cabbirayo cabsida uu ka qabo in naftiisa la dilo, waxa laga yaabaa in uu dareemay in uu mari dooni halkii uu saaxiibkii maray, ayuu yiri Cismaan.
“Waxa laga yaabaa in uu door-biday in uu farriin u diro al-Qaacida ka hor inta aan la dilin ama lagu tuhmin iin uu yahay basaas,” ayuu yiri.
Calasow oo ah khabiir dhinaca ammaanka ah ayaa leh al-Amriki waa laga yaabaa in la dilo hadii ay dhibaatadu ka sii darto.
“Waxa laga yaabaa in xaaladdu cirka isku sii shareerto, oo markaana Abu Mansuur al-Amriikii lagu eedeeyo in uu basaas u yahay quwado shisheeye, markaana, la dilo, sidii horay ugu dhici jirtay hogaamiyeyaal kale oo ka tirsan kooxda. Mid ka mida kuwii ugu caansanaa hogaamiyayaashaas la dilay waxa uu ahaa Axmed Keyse,” ayuu yiri.
Sannadkii 2010-kii, al-Shabaab waxa ay fagaare ku dishay mid ka mida hogaamiyayaashoodii, Axmed Kayse, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu camiil u ahaa hay’ad sirdoon oo reer galbeed ah. Sannadkii horena, hogaamiye al-Shabaab ah, Macallin Xashi Faarax, ayaa ku andacooday in ay jiraan basaasiin ka dhex-dagaallamaya ciidamada islaamihiina iyaga oo isku qarniya shaarka mujaahidiinta.
Cismaan waxa uu yiri “Waxa jira calaamado muujinaya in canaasiirta shisheeye ee al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya ay haatan u baxayaan Yemen iyaga oo ka baqaya in la dilo sababo la xiriira mushkiladda ka dhex aloosan kooxda, taasoo kasii dari karta gaari karnta in isa sifeeyn”.
Sarkaal ka tirsan al-Shabaab oo la hadlay Sabahi isaga oo shardi ka dhigay in aan magaciisa la sheegin ayaa beeniyay in uu jiro dagaal ka dhex taagan hogaamiyayaasha kooxda, halka uu qiray jiritaanka kala duwanaansho aragtiyada laga qabo qaddiyadaha qaar.
“Ma jiro khilaaf wayn oo u dhexeeya mujaahidiinta xarakada al-Shabaab. Waxa laga yaabaa in uu jiro kala aragti duwanaasho arrimo la xiriira qaddiyado maamul, laakiin taasi bataatanba ma taabanayso midnimada kooxda iyo dadaalkooda xilligan ee ka socda Soomaaliya,” ayuu sarkaalka ka tirsan al-Shabaab u sheegay Sabahi. “Waxa jira ololayaal ay wadaan qaar ka mida hay’ada wararka ee reer galbeedka kuwaa oo looga golleeyahay jahwareerin, si joogta ahna uga hadla khilaaf iyo shaki ku kala dhex jira mujaahidiinta. Kuwaasi waa been raqiis ah oo la dhoodhoobay oo aan wax raad ah ku lahayn xaqiiqda.”
Cajaladdii muuqaalka ahayd ee soo baxday 17-kii March, Xamaami waxa uu tilmaamay “Khilaafaad naga dhex taagan oo khuseeya arrimaha shareecada iyo arrimaha istiraatijiyadda”.
Farriinta ay cajaladdu wadday waxa ay keentay in ay kooxdu sii dayso farriin ay kaga jawaabayso arrinka iyada oo muujisay “la yaab” iyo beenin in nolasha Xamaami ay ku jirto halis.
“Mujaahidiina al-Shabaab waa ay la yaabeen waxayna ku noqotay kadiso cajaladdan muuqaalka ah ee ku jirta internetka, loona nisbeeyay walaalkood, Abu Masnuur al-Amriikii,” ayaa lagu yiri hadal ay soo saartay kooxdu.
Kooxdu waxa ay Twitter-ka ku tiri "Waxaannu walaalaha Muslimiinta ah u xaqiijinaynaa in al-Amriki aanay halis ku hayn Mujaahidiinta oo uu walaalkeen weli ku raaxaysanayo dhammaan galladaha ay leedahay walaalnimadu,”
Kooxdu waxa kale oo ay sheegtay in ay furtay baartiaan si loo ogaado run-ahaashaha cajaladda la duubay iyo danta laga leeyahay siidaynteeda. Xarkadu waxa kale oo ay beenisay war ay qortay saxaafaddu kuna sheegtay in la xiray Xammaami.
Al-Shabaab waa la soo gudboonaaday khasaare is xigxiga kaasoo ku khasbay in ay isaga baxdo Muqdisho, kana huleesho dhowr barood oo istraatiiji ah oo ay ka joogtay koonfurta Soomaaliya kadib markii uu fuulay cadaadis millatari oo uga yimid ciidamada Soomaaliya iyo quwo kale oo ka socda gobolka oo gacan siinaya kuwa dawladda.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa arrin ilaahay xagiisa ka yimi. Markaa midkoodba midka kale hala dagaalamo, sababtoo ah sidaas ayay mutaysteen!
Ilaahay u toobad keenay ayaan leeyahay kooxda alshabaab oo badbaadiya nolosha dumarka iyo caruurta aan waxba galabsan.
Arrinkani ma runbaa? laakiin waxaynu ognahay waa ka duwan yahay sidan, markaa aynu aragno inay dadka u sheegayaan runta iyo inkale.
Dagaalada ka dhex qarxay xubnaha ku abtirsada kooxda alshabaab waxay wax ka tarayaan dabar goynta kooxdani ay isku hayso. Waxaana laga yaabaa in arrinkani soomaalida ka caawiyo inay ka takhalusaan kooxahan mudada dheer wax kharibayay, falaagadana waday, dad badan oo waxba galabsana dhiigooda daadinayay. Aniga siday ila tahay, dagaalada u dhexeeya dagaalyahanada kooxda alshabaab waxay dadka qaar u arki doonaan arrin wanaagsan. Waxay kooxahan dagaalamayaa ka mashquuli doonaan dhibaatadii ay ku hayeen dadka soomaaliyeed. Intaa waxa dheer, midkoodba midka kale ayuu dili doona, markaa xaaladu way kasoo rayn doontaa, dadkuna nolol wanaagsan ayay ku noolaan doonaan oo waxay ku raaxaysan doonaan degenaansho, iyo raaxo iyo xorriyad iyo nabadgelyo. Waxay dadku ku raaxaysan doonaan arrimahaas kor ku xusan marka ay soo afjarmaan dhamaan hawlgallada dilalka iyo bahalnimada iyo damabiyadu ay ku dheehanyihiin. Waxay dadka soomaaliyeed u baahanyihiin inay midoobaan oo ay iskaashadaan si ay uga hortagaan hadhaaga argagixisada, ee kasoo hadhay kooxihii dadka aan waxba galabsan dilka u gaysanayay mudada dheer. Waxa dhamaanteen inagu waajib ah inaynu is garab galno, sii aynu isaga dhicino isku dayga ay wadaan qaar ka mid ah argagixisada kooxda alshabaab, ee ay ku doonayaan inayn dib u soo ceshaan dilkii ay ku hayeen dadka rayidka ah ee aan wax dambiya galabsan.
Al-shabaab waxay ku jirtaa xaaladdii ugu danbaysay
Waxaan ka baryeynaa Eebe inuu u naxariisto dadka ku shahiiday Soomaaliya oo uu galiyo Jannada. Nafafka aan waxba galabsan uu galiyo Jannada oo ay ku raaxaystaan jannada lagu waaro. Way dhinteen waxaanan ka baryayaa Eebe inuu idinku manaysto Jannada. Eebaw! Cafi waxaanan ka baryeynaa inaad u naxariisato. Sidoo kale waxaan Eebe ka baryaynaa inuu ooga aar gudo Takfiirta una naxariistu dadka shuhadada Soomaaliya oo uu galiyo Jannada oo eheladoodiina dulqaad iyo samir ka siiyo. Waxaan Eebe ka baryaynaa inuu ka raali noqdo kuwa ku shahiiday rabshadaha oo uu galiyo Jannada inay ku raaxaystaan wabiyaasha iyo beeraha. Eebaw! Ka cafi gafafkooda iyo danbiyadooda una naxariiso.
Ma jiro hal qof oo Muslim ah kaasoo fahma Makarka (shirqool) ka kufaarta oo aqabali doona dacaayadda raqiiska ah ee warbaahintan. Tani waxay kali oo muujinaysaa sida kuffaartu u quusteen.
soomalidu wexey u baahanyihiin war iyo wax la cuno marka soomalidu wey iska warbadan tahay ee waxaan dhihi lahaa soomalidu waxaan ka codsan lahaa in ay warka badan iska dhaafaan oo ay ilaahay ka cabsadaan ee waxaan soomalidu waxaan u rajeynayaa nabad iyo nolol mustaqbalka AAAmiin AAAmiin AAAmiin
kama jiro dagaal BARAKAYSAN Soomaaliya waxaa ka jira oo kaliya maslaxo gaar ahaaneed, Al shabaab waxay layn doontaa dhamaan dagaal yahaniinta ajanabiga ah ka dib na ayaga ayaa isku jeedsan doona mid mid si ay ujeedooyinkooda u ilaalsadaan dhaqankooda (ku salaysan colaadda) waa gaangiistaro danbiilayaal ah oo gaashaan ka dhiganaya diinta. WAA LAGA GUULAYSTAY.
dhamaan farxadda oo dhan
Dawladaha islaamka waxa soo maray kacdoono, arrinkaasina wuxu qaatay sanado. Dawladahaas waxa ka mid ah IRAQ, PAKISTAN. EGYPT. TUNISIA. LIBYA. SYRIA, YEMEN. Waxa aan soo jeedinayaa in quraanku uu inaga hago, sida uu injiilkuba kiristaanka u hago. Waxa is waydiin leh, ma xaq baa in la daadiyo dhiiga walaalkaa bini’aadamka ah, adigoo raba waxoogaa aduun ah???
marka hore bismilaahi raxmaani raxiim. Inta ka dib, dhamaantiin waan idin salaamayaa, salaam kadib, waxaan jecelahay inaan kula dardaarmo dawlada iiyo alshabaab labadaba inay joojiyaan dagaalkan aan joogsanayn. Sidaynu ogsoonahayna, sannado badan ayaynu dagaalamaynay, dadka soomaaliyeedna way ka daaleen dagaalkan, markaa waxaan kusoo koobayaa ra’yigaygan, dagaalka ha la joojiyo.
waxa quman in marwalba maskaxada lagu hayo in islaamku yahay diin nabadgleyo iyo barwaaqo iyo kalgacal iyo dhibirsanaan intaba leh. Nabigeenii suubanaa (CSW) wuxu inaga reebay dilka, dhaca, boobka, tuugada, beenta, qishka, iyo gacan ka hadalka. Si kastaba ha ahaatee, waxay diinta islaamku bini’aadamka ku boorinaysaa inay samir yeeshaan, oo aanay cidinna magaca alle dartiid wax ku dilin, ha ahaato cidaasi walaalkaaga muslimka ah ama jaarkaaga kiristaanka ah. Markaa iyadoo islkaamku sidaas yahay, maaha in cidii qaldanta loo canaanto dadka muslimka ah oo dhan.
Kooxaha alshabaab iyo alqaacida maaha muslim saafi ah, sababtoo ah kalmada islaam micnaheedu waa nabadgelyo, labada midkoodna dunidan lama rabaan nabad, xitaa hadii dadka aduunka ku nool oo dhami ay muslim noqdaan.
Iska daa wali dabka ha ku ciyaaraanee, kuwani war uma hayaan in aanu anagu nahay quwada milatari ee xaga cirka ee bariga iyo bartamaha afrika ugu awood badan. Wali waxaanu si taxaddar ku jiro isugu diyaarinaynaa magaalada kismaayo.
Kooxda alshabaab ilaahay ma waxay u haystaan in uu khalqigiisa uga baahan yahay inay rabitaankiisa aduunkan uga fuliyaan? Waxan moodayay aad u awood badan yahay oo hadduu rabana il bidhiqsi ku layn karo cadawga dhamaantood.
Runtii afrika waxay noqonaysaa goob dagaal, sababtoo ah awoodda aynu u leenahay in aynu fekernaa way kooban tahay, tolow goorma ayaynu iska dayn doonaa eedaynta uu midkeenba midka kale eedaynayo? Waa in aynu u dagaalanaa oo aynu baadi-doonaa horumarka, oo aynu iska daynaa dilka aynu is dilayno.
Waxa iman doona wakhti ay xubnaha kooxdani ay ogaan doonaan in dacaayada ay wadaan ay ka hor imaanayso diintooda. Anigu waxaan ahay qof kiristaan ah, waxaana aan qadarin badan u hayaa qaybo ka mida qiyamka diinta islaamka, qiyamkaas oo bulshada ka ilaaliya inay fasahaado. Laakiin waxa aan kaga soo horjeeda saddex arrimood. 1. muslimiintu waxay isu haystaan inay yihiin cidda kaliya ee galaysa jannada (qofku isagaa naftiisa u haya wadada uu janada u marayo, taasina kuma xidhna cid ama koox). 2. muslimiintu way iska daba shaqeeyaan iyagoo raba inay ogaadaan cidda dambi gasha (waxa fiican in dadka mar kaliya wax la baro ama loo sheego, kadibna laga hadho. Iska daba shaqaynta joogtada ahi maaha wax shaqaynaaya, arrinkan waxaan ku arkaa bulshadayda) 3. kooxaha argagixisada ahi waxay aaminsan yihiin in gaalada dhamaantood dunida laga sifeeyo, waxaana taasi ugu wacan aaminida ay aaminsanyihiin in ay kaligood janada galayaan. Dadkan waxa aan u sheegi lahaa in nabi maxamad iyo nabi ciise labaduba ay ku noolaayeen bulshooyin dadku ay dambaabi jireen, laakiin labada nabi midina inta uu seef qaatay muu laynin dadkaas. Fikrada aynu aaminsan nahay ee aynu rabno in aynu ilaahay ka caawino sidii uu u maamuli lahaa dadka arladan joogaa waa fikrad gabi ahaanba waalan. Waxaanan leeyahay aynu la noolaano bulshada keeda saxsan ee wadada toosan haysta iyo keeda wasakhaysan ee khaldan, aynuna ka fogaano ficilada xun xun, laakiin ciddii ficiladaasi la timaada yaynaan wax yeelin. Anigu waxaan rajaynayaa in si nabadgelyo leh loo kala daadiyoo kooxaha mayalka adag dhamaantood. Run ahaantii aad ayaan u xumaadaa marka aan maqlo kalmada ah “muslimiinta mayalka adag”, waayo anigu waxaan leeyahay asxaab muslim ah, waanan ka xumaadaa marka aan arko iyadoo diintooda ay dad noocasi adeegsadaan. Waxa kaliya ee aan dalbanayaa waa in diinta islaamku ay si cad doofaaradan uga mamnuucdo inay galaan meelaha lagu cibaadaysto. Waa in aynu la dagaalanaa dadkaas dhibaatada wada, mana aha in loogu yeedho muslimiin mayal adag.
Dagaalkani waa dagaal mudo dheer qaadan doona, muddo dheer oo aynaan xitaa qiyaasi karin, sababtoo ah waxaynu la dagaalamaynaa dad aynaan garanayn inay wax inala cuni karaan, ama inala shaqayn karaan, amaba xitaa dadka la dhaqmi karaan. Ciidamadeena reer Kenya ee haatan ku sugan Soomaaliya waxay haystaan fursad fiican oo ay dagaalkaas ku guulaystaan, laakiin taasi waa hadii ay istraatiijiyad dajiyaan oo ay ciyaarta badalaan. Waxaanan leeyahay yaan la dagdagin, oo xittaa dib ayaynu u laaban karnaa oo tababar dheeraad ah ayaynu u fidin karnaa, ama waxaynu baadhis ku samayn karnaa ilaha dhaqaale ee kooxdan argagixisada ah iyo halkay kasoo unkanto, si aynu u burburino. Sidoo kale waxaan leeyahay dawladaha aduunka ee nabada jecel in dagaalkani uusan Kenya oo kaliya khusaynin, markaa hadii aynu rabno nabad iyo midnimo iyo barwaaqo iyo horumar, aynu dhamaanteen gacmaha is qabsano oo aduunku mid ha noqdo oo kooxdan argagixisada ah ha burbursho, si ay soomaaliya u noqoto meel ku haboon in loo dalxiiso oo cid waliba si kalsooni leh u maal gashato. Guusha inaga ayaa leh, in aynu is dhiibnaana ma haboona. Ilaahay ha idin siiyo awood iyo waxgarad.
Waxaan dhamaantiin idiinku baaqayaa in aad ilaahay u toobad keentaan haddii aad rabtaan in aad qalbi ahaan iyo dibadba nabad ku noolaataan, waxaanan idin leeyahay u kaalaya diintaa islaamka, ilaahayna wuxuu idiin balanqaaday in uu janada idin gayn doono hadaad diintiisa raacdaan.
Mujahidiinta waxn dhihilaha nasriga way so dhowdahay ee an iska sugnoo
muhiim ma ahan inay alqacida inay xeladeda siyasaded ay u so bandhigto cadowga sida la ajliged guul ku sexda ban dhahaya musliminta nasriga wa dhowyahay
Arrinkani waa bilawgii burburkooda, ilaahayoow kooxahan argagixisada ah garansii in adigu nafta abuurto.
Yaa aaminaya warbaahinta reer galbeedka
Tani waa mid la xiriirta istaratijiyad iyo mid hogaanba hadalka ka soo yeeray Cumar Xamaami mida ah kala jabka Kooxda Shabaab waa mid dhow sabab la xiriirta shakiyada faraha badan ee la xiriira qulqulka ciidamada faraha badan ee ku biiraya Al shabaab, mida kale hogaanga iyo talo soo jeedinta kooxda alshabaab ma ahan mid madax banaan oo nin lagu sheego hogaan ku dhag in maamulka sare uu gacanta ku haayo waa Godane anyway waa mid la filaayo in shabaabku kala jabaan raadkooduna noqdo mid jirijiray Insha Allah
Qoraalkani bulshada muhiimad wayn ayuu u leeyahay
sidii ay soomaaliya u galeen ee ay u bilaabeen hawlgalka loogu magac daray hawlgalka Linda Nchi, ciidamada qalabka sida ee Kenya waxay hakiyeen budhcad badeedii. Bulshada aduunku waa inay ogaataa in dagaalkani aanuu Kenya oo kaliya khusaynin, balse uu khuseeyo cidkasta oo nabada jecel oo dunidan joogta. Anigu waxa aan diyaar u ahay in aan tadawuc ahaan u dagaalamo oo aan la dagaalamo argagixisada, waa haddii aan jaanis u helo in aan dalkayga daafaco.
Waxa aad moodaa inay dadkani jecel yihiin dhiiga walaalahood inay ku maydhaan. Laakiin hadeer waxaad moodaa in arrinkaasi ku filaan waayay oo ay rabaan inay iyaga dhiigooda ku maydhaan oo dhexooda is laayaan. Taasina waxa ay caddaynaysaa in wax kasta oo qofku sameeyo, ama ha xumaado ama ha samaadee, uu qufku wax la mid ah helo, dagaalkuna wuu ka socon doonaa dhexdooda ilaa inta ay dabar go’ayaan.
Aynu ilaahay u dayno.
Wax kasta oo qofku sameeyo, ama ha xumaado ama ha samaadee, qufku jawaabtiisa wuu helaa, qofkii seef wax ku dilaana isagana seef baa lagu dili doonaa. (wax jihaad ahina meesha ma yaallaan)
Ilaah ayaa mahada iska leh inaan uga takhalusnay dambiilahan, sida aan uga takhalusnay kuwii ka horeeyay
Maalin ayaa imaan doonta xaqiiqda nafsad ahantiina la ogaandoono fulayayahow, waxana la idinku tuuri doonaa qashin qubka taariikhda. Waddan idin soo dhoweyn doono ma jiro addunka oo dhan. Waxaad cunto u noqon doontaan tukaha iyo eeyda dad cunka ah.
Anigu waxan qabaa inay kooxdani bur bur hor leh ku jirto, sida ku cad maqaal hore usoo baxay. Arrinkan waxa u daliila inay haatan kooxdan u ka dhex dillaacay dagaal. Dilka loo gaystay Abu Mansoor Al Amriiki waxa laga yaabaa inuu u muuqdo dil shakhsi kaliya ku kooban, laakiin run ahaantii arrinkani wuxu ka dhashay kala jab ay kala jabeen dagaal yahannada carbeed iyo kuwa soomaaliyeed ee isla kooxda kawada tirsan.
HaHaHa! Abu Mansur waxuu noqdey taariikh iyo sidoo kale dhamaan dameerada Qaacida iyo Al-shabab ku jira way raaci doonaan. Waxaan soo jeedinaya soomalida inay ay u dabaaldegaan munaasabadaan maalmo maxaa yeeley xayawaankan waa la dilay. Shayga kale, waxan jeclahay inaan u sheego dhammaan kuwa la dhacsan ama taageera shabaab inay usheegaan inay haystaan labo doorasho, mid sedexaad uusan jirin, midka hore inay towbad keenaan oo ay xaqa usoo laabtaan, ama ay wadaan nacasnimadooda ilaa dhamaadka lana dilo. Ilaahay waxuu balanqaaday ina la dilo qofki qof dila. Waxa la taaban karo hadda waa inaan ku faraxsanahay iyo maqsuud ka ahay kuwa nacasiinta ah ee taageerey Qaacida iyo argagixisada iyo dhamaan ururada xunxun ee kale.
Bahalaha waxa lagu yaqaanaa inay iyagu dhexdooda is cunaan, ilaahay nacdal dusha hawga tuuro, waayo waa dambiilayaal aan naxariis garanayn oo dad badan oo soomaaliyeed laayay. Ilaahay ha ka aarsado, oo naarta ha ku fogeeyo Abu Mansoor Al Amriiki, kii isaga dilayna wuu ku xigi doonaa maxaa yeelay isaga laftiisu dad soomaaliyeed ayuu laayay.
Ilaahayoow nooga hiili kooxdan oo iyaga dab iyo dhib dhex dhig, dhibtoodana dadka islaamka ah ka fogee.
In ninkan ay dileen kooxaha argagixisada ah ee isaga taabacsan iyo aanagu dilnaya maaha wax aan kala jecelnahay. Laakiin cidda guusha taagani waa dadka soomaaliyeed, sababtoo ah ninkan argagixisada ah ee liita dhiiga dadka soomaaliyeed way la qiima yaraadeen. Sida aynu wada ogsoonahay, ninkan argagixisada ahi wuxuu ka masuul ahaa qaar badan oo ka mid ah falakii argagixiso ee la fuliyay ee lala beegsaday dad badan oo aan waxba galabsan. Hambalyo ayaan usoo jeedinayaa dadka soomaaliyeed, waxaanan ku bogaadinayaa dilka la dilay ninkii naftiisa ka gatay argagixisada ee laayay dad badan oo Soomaaliyeed, isagoo taa uga dan lahaa inuu hoggaanka Soomaaliya gacanta ku dhigo oo dadka aan waxba galabsan nafta ka qaadi lahaa! Ilaahay guushiisu way dhawdahay, goor dhaw ayaanay iman doontaa. Baadilkana waxa ka itaal roon oo ka awood badan xaqa. Aragagixisadooy waanu ognahay in aan annagu xaqa ku taagannahay. Dadka Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanku waxay sii wadi doonaan badigoobka ay baadigoobayaan madaxda kooxda alshabaa iyo cidda la shaqaysa ilaa intay dhamaantood madhanayaan ilaahay idankiis! Soomaaliya waxay marlabaad noqon doontaa meel ka caagan argagixisada, waxaanay noqon doontaa dal nabdoon oo ammaan ah. Cid baxsan kartaa ma jirto, ha ahaato ciddaasi qabqable dagaal, ama hogaamiye argagixisada ku lug leh, ama xitaa cidda talada dalka haysa, si kasta ciddaasi ha u makri badnaatee.
Ninkani wuxu laayaa dad soomaaliyeed, haddana wuxu isku sheegaa inuu yahay qof mujaahid ah. Jihaadku waa ka dheeryahay dadka noocan oo kale ah, waayo dadkani waa wasakhda bulshada kasoo hadha. Dadkani dil wax kawayn ayay mutaysteen. Ilaahay ayaa noo gargaari doona oo na caawin doona!
Ilaahay waxa aan waydiisanaynaa nabad iyo barwaaqo.
Habaar haku dhaco dhaq-dhaqaaqa Al-shabab, waa nidaam takfiiri ah iyo xagjirnimo, taasoo lagu eedeynaayo dhammaan dambiyadda ay sameeyaan Al-shabaab iyo argagixisada iyo dambiilayaasha ku xiran. Waxaan habaaraya dhaq-dhaqaaqa al-shabaab iyo waxay sameeyaan kuwaa oo wax yeeleynaya muwaadiniinta danibiga laheyn. Ilaahay habaar haku rido kuwa dillay carrurteena, dumarkeena iyo dhalinteena? Ilaahay habaar haku rido dhaq-dhaqaaqa ula jeedadooda tahay badashada caqiidooyinka mahada laheyn taasoo keentey marinhabaabka bulshadeena? Ilaahay habaar haku rido kuwa ku hogaaminaya waddankeena soomaliya aan jecelnahay xaaladan wareersan?
Afrika waxaan nahay dad culeys badan saaran oo ay ula jirto macaamilada dhibaatooyin badan, laakin wali waxaan nahay kuwa ugu horeeya ee is dilaaya halkii aan ka hormarin laheyn waddamadeena.
Waa markooda, ha waajahaan waxay horay u dhigteen. Alle ayaa cadaabaya ilaa ay ka fahmaan in dilka uu yahay sidoo kale dembi aad u weyn.
Dadka waa in ay sameeyaan wanaag waqti kasta, nabaddana waa waxa aan u baahan nahay fadlan dadyahow barta sida loo sameeyo nabadda ma aha in aad baratiin sida loo dagaalamo jah way idin jeceshay dhammaantiina walaalaheyga gabdhaha iyo wiilasha muslimiinta ahow Ilaahay ha idin barakeeyo.
KAAS MA JIHAADBAA? DILLIDDA DADKA AANAN WAXBA GALABSAN, CARRUURTA OYNAYSA, HAYE DHIB MALAHA MARKA HORE BADBAADIYA HAWEENKA IYO CARRUURTA KADIBNA AAN SII WADNO IN AAN LA DAGAALANO KUWAAS.
Al-Amriki waa in uu ogaadaa inuu dhiman doonaan maxaa yeelay alle ayaa sidaa raba (INSHALLAH). Dadka xumaanta galabsadaa way halaagsamaan aakhirka sida saddam, osama, sarqawi, qaddaafi, fazul. Dadka uu allaha sare u adeegsaday dilkoodana way sii joogi doonaan sida Gorge Bush.
Adduunka intabadan kama dhacdo xaalad sideeda ahaata oo aan is badalin, soomaaliyana maalin uun ayay dagi doontaa oo ay iska ilaawi doontaa kooxdan alshabaab ee hadal haynteedu ku badatay warbaahinta caalamka oo dhan.
waa la doogiye yaan la dacaroon ninka xabashi iyo gaalo dugsanayow guul haku riyoon
Islaamka kuma ay jiraan wax oranaya dadka aan waxba galabsan hala laayo, Islaamku ma bartilmaameedsado dadkaa oo kale
waynu wada joognaa abul roobow, oo haatan waxa lagu jiraa wakhti uu ilaahay kala soocayo munaafiqiinta iyo kuwa isaga dhabta u caabuda. Adduunkuna waa inaanuu filanin in kooxda alshabaab dagaal lagaga adkaan doono. (insha allaah)
Waan jeclahay
maxay rabaan kooxda alshabaab? Ma inay qofkasta uu dunidan jooga ay dilaan? Ilaahay sidaa kama yeelo!
waa wax aad u qurux badan!
waa xan ahay mujahid
Nabad iyo jecel goorwalba waa waxyaabaha ugu muhiimsan banii'aadamka oo dhan iyo weliba inta nool oo kale, Al-shabaab iyo kuwa lajiraba ogaada in aad kudagaalantaan nabad ee hanoqonina kuwo kudagaalama dhinaca kale.
ISLAAM WAA DIIN NABAD AH LAAKIIN FIKRADA AH IN LADILO DAD BADAN OO MUSLIMIIN AH WELIBA AYAGA OO AAN WAXBA GALABSAN MIDAAS MA AHAN MID DIINTA ISLAAMKA WAX KULEH, DADKA MIDAAS SAMAYNAYAna ALLE AYAA CADAABI DOONA WAQTI DHOW. ANIGU WAXAAN AHAY ARDAY OYNAYA MARKA AAN SOO XASUUSTO HOTEEL SHAAMU QARAXII KADHACAY WAAN ISKA OOYAA. ILLAAHOOW CADAALADDAADA HORKEEN KUWII ARRINKAA KA DAMBEEYAY.
waar al shaabab mu jaadhiiin kadheer ma sooma li baa lagu jihaada saaxiib yaal waaxaan leyahay wa xukun iyo kusi udirir
waxay ila tahay in la joogo xiligii alshabaab is gaaleysiin lahaayeen sida horay u dhici jirtay inay gaaleysiiyaan cida ay dhiigeeda baneysanayaan oo damacooda ka hortimaada sidaas oo kale waxaa jira mar hadii qola awood wax ku maamuleysay hadii ay jabto waxaa farxa dadkii awooda loo isticmaali jiray marka kuwa ajnabiga ah waxaa dilaayo isla shabaab qeybta somalida ahna waxaa dilaayo dadkii ay shalay awooda u sheegteen marka meeshaas ayay ku dhamaan doonaan ee dadoow taa hala ogaado Alla weyn
Wax hubaal ah ayay ahayd in ay dhacdo waqti hore ama waqti dambe
ilaahay ha ma dhiyo alshbaab shayaadiinta
alshabaab oo ka cabanaysaa inay kala jabto
waanjeclahay
Waa arrin aysan haba yaraatee bulshada Soomaaliyeed aysan lug ku lahayn ee loo matalayo oo ay matayaan dabadhilifyo Soomaaliyeed iyo kuwo ajaaniib ahba, bal idinku suubiya walaxaad suubaydiin ununkana walba walax jawaabahaa nalaga heli doonaa minii Allaha Awoodda lihi oggolaado. Iminka waa laynagu been abuurta mana dhici doonto sida aad doonaysaan idinka iyo dabadhilifyadiina xumi. Insha Allaah walaagun fadayne maqti uun gaanayne naargale madijey.
aniga waxay ila tahy in ay al shabaab u diyaar garawaday sidii ay umada muslinka ah u xasuuqi lahayd waayo sababtu waxaa weeyi marka ay qiranayso khasaareb meel ka dhacay maxay tahy ujeedad ay u qiranayssaa
walaahi daas waxaan u arkaa aysan horaatii horaba daacadi ka dhex jirin al-shabaab marka hadda waa ay kala tagayaan ayaan u arkaa mar haday is aamini waayeen.
Waa Fitan aad u weyn oo aad buunbuuninaysaan; Mujaahidiinta ka dayaaya beenta iyo Munaafaqada. Qofka jecel in uu islaamu Jabo oo laga adkaado waa munaafiq