Kenya oo xasilisay koboc dhaqaale, laakiin uu sii kacayo sicir-bararku

Waxa Qoray Andy Kagwa oo Nairoib jooga

Maarso 23, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Iyada oo uu Kenaya ka jiro sicir-barar sii koraya, ayay dad badan oo daggan Nairobi waxa ay muujinayaan in ayan dareemin faa’idooyinka ka dhashay horumarka u xasilay dhaqaalaha Kenya.

  • Dadka reer Kenya oo u lugeeynaya shaqooyinka iyaga oo ku dadaalaya sidii ay u samayn lahaayeen kayd lacageed xilli uu sicir-bararku sii kacayo. [Andy Kagwa/Sabahi]

    Dadka reer Kenya oo u lugeeynaya shaqooyinka iyaga oo ku dadaalaya sidii ay u samayn lahaayeen kayd lacageed xilli uu sicir-bararku sii kacayo. [Andy Kagwa/Sabahi]

David Kihiko oo ah shaqaale deggan Deegaanka Warshadaha ee Nairobi, ayaa ku dooday in mushaarka ciriiriga ah ee uu sameeyo dartiis ay ku adag tahay in uu haqab-tiro baahida maalinlaha ah ee qoyskiisa.

“Waxa naloo sheegayin dhaqaaluhu horumar sameeyay, sidaa oo ay tahayna wali way igu adag tahay in aan qoyskayga miiska u saaro cunno,” ayuu Kihiko u sheegay Sabahi xilli uu ka soo baxay gurigiisa ku yaal isku-raranta Kibera una sii lugaynayay shaqadiisa oo qiyaasata u jirta 12 kiloomitir.

Kihiko oo 32 jir ah ayaa sheegay in mushaarka uu qaato bishii oo ah 1,5000 oo shillinka Kenya ah ($182) ay dirqi ku tahay in uu ku fillaado qoyskiisa ka kooban afarta ruux. “Dhowr sano ka hor, lacagtani waa ay nagu filnayd, laakiin qiima-kaca ku yimid quutul-daruuriga ayaa arrinaan suuroggal ahayn ka dhigay in la daboolo baahida qoyska,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in marka la eego mushaarkiisa uu kaliya awoodo kirada gurigiisa ku yaal Kibera, halkaa oo guryaha lagu kireeyo ugu yaraan 2,000 oo shillin bishii, isla markaana uu shaqadiisa u sii lugeeyo oo ka soo lugeeyo.

Kahiko kali kuma ah lugta uu ku tago shaqada. Arooryo walba, kumanaan kun oo ka mida dadka dakhligoodu hooseeyo ee reer Kenya ayaa lagu arkaa dhinacyada waddooyinka mashquulka ah ee Mbagathi iyo Langata iyaga oo u kala lugeeynaya xaafadda Kibera iyo Deegaanka Warshadaha ee Nairobi.

Xitaa kuwa uu dakhligoodu dhex-dhexaadka yahay kama ayan badbaadin sicir-bararka sare. James Muli ayaa Sabahi u sheegay in ay dani ka gayn wayday in uu u guuro degaannada ku yaal bannaanka Nairobi kadib markii uu milkiilihii lahaa guriga uu daggan yahay uu kiradii ku daray koror ku dhow 30%.

“Waxan daganaan jiray Buru Buru, laakiin waxan ku khasbanaaday in aan u guuro magaalada bannaankeeda, sababtoo ah ma anaan awoodi karin in aan bixiyo kirada xaafaddaa,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in kirada guryaha Wajiga II ee Buru Buru ay ahayd 15,000 oo shilin guriga labada qol ah. Inta badan dadka ku nool Buru waa dadka u soo galo dakhliga dhexe.

“Milkiilaha guriga ayaa kirada ka dhigay 20,000 oo shilin. Ma aanan awoodi karin in aan bixiyo qiimahaas waxayna noqtay in aan u guuro xaafad ka raqiisan oo ku taal bannaanka Nairobi,” ayuu yiri Muli.

Sababtoo ah qiimaha sare ee maciishadda, ayay in badan oo ka mida dadka leh dakhliga dhexe waxa ay ku nool yihiin meelo ka fog bartamaha magaalada halkaa oo ay kiradu ka yara jaban tahay.

Dhawaanahan, in badan oo ka mida dadka ku nool Nairobi ayaa u guuray aaggag soo magaaloobaya sida Kitengela, Ngong, Ongata Rongia, Ruiru, Thika, Kasarani iyo Kiambu si ay uga faa’idaytaan kirooyinka macquulka ah. Kirada guriga labada qol ee ku yaal aagaggaas waxa uu u dhexeeyaa 10,000 ilaa 15,000 oo shilin. Guryaha kuwaa la midka ah ee ku yaal aagagga ka ag dhow degmooyinka uu gancasigu yaallo ee bartamaha magaalada, ayaa kiradoodu waxa ay tahay mid ku laba jibbaaranta tan xaafadaha ku yaal bannaaka.

Guulo u xasilay dhaqaalaha guud

Dhaqaaleyahanka Ngenye Kariuki ayaa Sabahi u sheegay in inta badan horumarka dhaqaale ee u xasilay Kenya uu ahaa mid laga dareemay dhaqaalaha guud, taasoo aan saamayn ku yeelan nolol-maalmeedka kooxaha dakhligoodu hooseeyo.

Waxa uu sheegay in ay Kenya xaqiijisay koboc dhinaca xajmiga ganacsiga ah kaasoo ay badeecooyin iyo adeegyo ugu iib-gaysay waddamada dariska sida Ugaandha, Tansaaniya, Ruwanda iyo Burundi, waddamadaa oo kulligood sameeynaya kacaan dhaqaale.

“Guulahaas laga gaaray dhaqaalaha waxa ay isla go’een kororka maciishadda nolosha ee ka yimid sicir-bararka,” ayuu yiri Kariuki. “Dhaqaaleheena ayaa waxa uu u qaabaysan yahay si markasta oo uu qaaliyoobo waxyaabaha laga sameeyo bartroolka in ay taasi markeeda si toos ah u saameeyso wax soorka cunnada.

Waxa uu sheegay in sicirka ay macaamiishu ku iibsadaan bur-gallayda, oo quutul-daruuri ka ah Kenya, uu si joogta ah kor ugu kacayay lixdii bilood ee la soo dhaaafay, isaga oo ka kacay 80 shilin oo uu ahaa sannadkii hore, gaarayna 112 shilin sanadkan.

“Waxa la yaab leh, xittaa marka heerka sarrifku hoos u soo dhaco, oo sicirka bartoolka ee suuqyada caalamka uu hoos u soo dhaco, si naadir ah ayay ula jaan-qaadaan ascaarta cunnada ee ay wax ku iibsadaan isticmaalayaashu (macaamiishu) ,” ayuu yiri Kariuki.

Waxa uu sheegay in isla arrintaa oo kale laga dareemo waaxda gaadiidka, iyada oo uu nooligu qaaliyoobo marka uu sare kaco qiimaha shidaalka, laakiin aan dib loo soo celin marka uu sicirka shidaalka ee suuqyada caalamiga ahi hoosu u dhaco.

“Waxa ka jira dalkan dhaqan kaasoo ay xiriirada gaddislaydu ka caroodaan mar alla iyo marka ay kacdo maciishaddu,” ayuu yiri Kariuki. “Taa ayaa iyadu keenta in warshadlaydu cirka ku shareerto ascaarta badeecada, markaas oo uu sicir-bararkuna kor sii aado.”

Kariuki, oo ah milkiilaha Shirkadda Dullaalayda ee Ngenye Kariuki, ayaa ku doodaya in ay xiriirada gaddislayda iyo ururada ka wakiilka ah macaamiisha ay ugu badin lahayd in ay dawladda ka gadaan in ay hoos u dhigto ascaarta suuqa ee ay bixiyaan macaamiishu.

“Marka aad kordhisid mushaarka, taasi ma ayan daawayn dhibkii. Kollay iyo kollay, inta badan macaamiisha wax iibsada maaha kuwo shaqeeya sidaa darteed dhibaatada kala soo gudboonaata marka ay ascaartu kacdo waa ay sii socon doontaa,” ayuu yiri Kariuki. “Natiijaduna waxa weeye in ay ku sii fogaadaan xaaladda saboolnimo.”

Bartilmaameedkii sicir-bararka oo la hakiyey

Sida ku cad warbixinta billaha ah ee dhaqaalaha ee ka soo baxda Baniga Dhexe ee Kenya, teedii ugu dambaysay ee soo baxday October 2011, guud ahaan heerka sicir-bararka ee qiimaha cunnada iyo shidaalka 12-ka bilood ayaa ka kacay 17.3% kiiba oo uu ahaa bishii Septermber ee 2011-kii, isaga oo bishii October gaaray 18.9%. Waxyaabaha aan ahayn cunnada iyo shidaalka ayaa iyagu bishii October, 2011-kii ka kacay 9.7% halka ay bishii September ee sanadkaa ay kaceen 8.52%. Sidoo kale celceliska sannadlaha ah ee sicir-bararka ayaa September 2011-kii ka kacay 10.2% isaga oo gaaray 11.5% bishii October 2011-kii.

Bishii November, Bangiga Dhexe ee Kenya waxa uu shaaca ka qaaday in heerka sicir-bararka lagu hakiyay 9% sannadka 2011-ka ilaa 2012-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Kenya, Njuguna Ndungu’u ayaa dhaleeceeyay xakameeynta sicir-bararka, isaga oo sheegay arrimaha ka baxsan awoodda iyo xakamaynta bangiga sida keenidda cunnada ee aan la isku hallayn karin iyo sugnaan la'aanta ascaarta saliidda ee suuqyada caalamiga ah, ay wax adag ka dhigayaan in la xakeeyo heerka sicir-bararka ee Kenya.

Sida ku cad saadasaha Bangiga Dhexe ee Kenya sannadka 2012-ka, cadaadiska ka jira dhinaca sicir-bararka ayaa la filayaa in uu dabco bilaha soo socda, taasoo loo celinayo rajo laga qabo in ay shaqeeyaan dib-u-habayno lagu sameeyay in lagu bari-taaro wax soo saarka cunnada iyo sidoo kale in ay dagto ascaarta saliidda cayriin ee suuqyada caalamiga ah iyo waliba heerka sarirka ee shilinka, taasoo markeedana hoos u dhigi doonta ascaarta saliidda ee suuqyada maxalliga ah.

Wakiilka Hay’adda Lacagta Adduunka ee Nairobi Ragnar Gudmundsson ayaa sheegay in si ay Kenya u meel-mariso siyaasad ay ku xakameeynayso sicir-bararka loo baahan yahay waqti dheeraad ah, kaasoo si wayn loo rumaysan yahay in uu yahay xalka ugu wanaagsan ee lagu xakamayn karo ascaarta badeecadaha.

“Waxaannu isku raacnay in xakamaynta sicir-bararka aan markiiba la meel-marin karin sababtoo ah Kenya waxay u baahan tahay in ay marka hore fahamto hannaanka ay siyaasadda lacagtu u saameeyso guud ahaan dhaqaalaha, iyo gaar ahaan ascaarta badeecooyinka,” ayuu yiri Gudmundsson kadib markii uu 12-kii March wadahadal la yeeshay mas’uuliyiinta Kenya. “Waxanu u baahan nahay in aan aragno sicir-bararka oo hoos u dhacaya, iyada oo u dalku si buuxda u fahamsan yahay sida ay siyaasadda lacagtu u shaqaynayso.”

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Dhacdooyinkii ammaan ee dhawaan ka kala dhacay Mombasa iyo Nairobi sida ay u badan tahay waxay ka dhasheen:

Fiirso natiijada