Dr. Xaawa Cabdi: Soomaaliya waa Casrigaygii Dahabiga ahaa

Waraysiga waxa Nairobi ku qaaday Julius Mokaya

Maarso 22, 2012

  • 11 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Marka dhan la iska dhigo colaadaha arxan-darrada ah ee ka jira Soomaaliya, haweenay iyo labadeeda gabdhood ayaa u dhabar-adaygay oo, bartanka fowdada inta ay u babac-dhigeen ka dhex noqday tiirarka ay ku taagan yihiin rajada, niyad-samida iyo nabadda.

  • Dr. Xaawa Cabdi waxa ay xarun bukaan-socod oo ay furtay 1983-kii u baddashay xero ay ku noolyihiin barakacayaasha kadib markii ay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991-kii. [Julius Mokaya/Sabahi]

    Dr. Xaawa Cabdi waxa ay xarun bukaan-socod oo ay furtay 1983-kii u baddashay xero ay ku noolyihiin barakacayaasha kadib markii ay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991-kii. [Julius Mokaya/Sabahi]

Dr. Xaawa Cabdi oo Muqdisho ku dhalatay, ayaa ka hor intii aanu bilaaban dagaalka sokeeye, waxay xarun caafimaad ka furtay waddada Afgooye, meel 20 KM u jirta Muqdisho, xaruntaasoo markii dambana isu badashay xarun ay ku noolyihiin kumanaan kun oo ka mida barakacayaasha ka soo sal-kacay colaadaha.

Illaa iyo goor dhaw, waxa ay xarunteeda ay maal-galiso Mu’asadda Khayriga ah ee Dr. Xaawa Cabi (DHAF) (Dr. Hawa Abdi Foundation) ay gacanta ku haysay 90,000 oo barakacyaal ah, kuwaa oo ay u fidiso hoy, daryeel caafimaad iyo waxbarasho.

Dr. Xaawa waxa 27-kii February loo sharxay in ay istaahisho Billada Nabadda ee Nobel, maalin kadib markii ay xirtay xarakada al-Shabaab kuna khasabtay in ay xirto xeradeeda, halkaana ay uga uga tagto kumanaan isugu jira haween iyo caruur gabbaad la’aan. Xag-jiriintu waxa ay burburiyeen cooshadihii ay ku noolaayeen qaxootigu, waxayna la wareegeen qayb ka mida xerada marka laga reebo Isbitaalka iyo xarunta bukaan-socod-eegtada.

Waraysi gaar ah oo ay siisay Sabahi iyada oo joogta Nairobi, ayay Dr. Xaawa waxa ay ka hadashay waxa dhiiri-galiya ee siiya awoodda ay ku shaqeeyso.

Sabahi: Wax nooga sheeg caruurnimadaadii iyo sidii ay nolasha Soomaaliya ahayd ka hor dagaalka sokeeye.

Dr. Xaawa Cabdi: Soomaaliya waxay ahayd guri qurux badan oo nabad ah. Waxaan dhashay 1947-kii. Waddanka oo dhan waxa ka jiray nabad iyo xasillooni; dadkuna waa ay is jeclaayeen.

Waxbarashadayda hoose, dhexe iyo sareba waxan ku dhamasytay Muqdisho, oo aan ku dhashay. 1964-kii baan waxan deeq waxbarasho ka helay Golaha Haweenka ee Midowgii Soofiyeeti. Waxan wax ku soo bartay Moscow, halkaas oo aan waxbarashadaydii ku soo dhamaystay 1971-kii, waxanan ka mid noqday haweenkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee ku soo takhasusa cudurada haweenka iyo dhalmada.

Waxan ka shaqo-bilaabay mid ka mida isbitaallada ugu waawayn Muqdisho. 1972-kiina waxan waxbarashada sharciga ka bilaabay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed. 1973-kiina waan guursaday, ilmihii ugu horeeyayna waxay ii dhasheen 1975-kii xilligaa oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar aad u daran. Gelinka hore waan shaqayn jiray, gelinka dambana waxan baran jiray sharciga. 1979-kii ayaan dhamaystay daraasaadkii sharciga.

Sabahi: Goorma ayay ahayd xilligii ay kugu dhalatay in aad naftaada u hibaysid la tacaalidda musiibada, oo khatartaa u bareertay adiga oo isku tashanaya?

Xaawa: Waxa i saameeyay oo tusaale ii ahaa ayeeyday, oo igu barbaarisay iguna waanisay in aan kal-gacal u muujiyo agoonta iyo qarankeenna, oo aan noqdo qof daacad ah oo hawl-kar ah. Dhibaatada agoonta iyo barakacayaasha ee ka dhalatay dagaallada sokeeye, waanadii ayeeyday ee ahayd in aan jeclaado dalka iyo dadkiisa, iyo sidoo kale xasuustii macaanayd ee caruurnimadaydii, intaa oo dhan oo la isku daray ayaa iga dhigay shakhsi jecel waddankeeda wax wanaagsanna u qabata.

Inkasta oo ay xaafaddaydu lahayn waddooyin wanaagsan, biyo nadiif ah iyo xarumo caafimaad oo wanaagsan, haddan ayeeyday waxa ay igu waanisay in aanan Soomaaliya ka tagin, ee aan taa baddalkeeda caawiyo kuwa dhibaataysan.

Xaaladdu aad bay u adkayd markii ay burburtay xukuumaddii dhexe 26-kii January, 1991-kii, laakiin anigu waxan furay dugsi iyo rug caafimaad si aan wax ugu qabto dadka dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka sokeeye. Intii u dhexeeysay 1991-kii iyo 92-kii xaaladda Soomaaliya waxay ahayd mid aad u ba’an. Dadku waxa ay ku dhimanayeen waddooyinka. Ma jirin wax cunno ah. In kabadan hal milyan ayaa u dhintay gaajo iyo toogasho.

Yeelkeede waxan naftayda oo dhan u huray in aan dhibaatada gacan ka gayso, oo markii ay jaalkay ila midka ahi cararayeen, anigu waxan baaqi ku ahaaday dalkii.

Sabahi: Wax nooga sheeg shaqada mu’assasaddaada, xerada barakacayaasha iyo adeegyada aad fidiso.

Xaawa: 1983-kii bay waxay ku bilaabatay sidii Xarun Horumarinta Caafimaadka Miyiga, waxay ka koobnayd hal qol oo lagu caawiyo haweenka foosha ah, laakiin waqti kadib waxa ay xaruntu isu badashay isbitaal ka kooban 400 oo sariirood. Adeegyada lagu bixiyo waa lacag la’aan iyada oo ay maalintii ku dhalaan 24 dumar ah. Macnuhu waxa weeye saacaddiiba qof baa dhala. 2007-dii ayaa magacii waxa loo badalay Mu’asadda Khayriga ah ee Dr. Xaawa Cabi. Ka hor intaan adeegyada la joojinna xeradu waxa ay daryeel u fidin jirtay 90, 000 oo dad ah.

Sabahi: Imisa qof ayaad ku qiyaasaysaa in ay caawimaad ka heleen xaruntaa?

Xaawa: Way adagtahay in la mala’awaalo tirada daka ka faa’idaystay xarunta – marka laga bilaabo xarunta quudinta, dugsiga, isbitaalka, waxa adeeggaa ka faa’idaystay in ka badan 2 milyan oo qof.

Sabahi: Wax nooga sheeg shaqaalahaaga.

Xaawa: Waxaannu leennahay shaqaale gaaraya 102 qof iyo koox samafalayaal ah oo iskood isu xil-qaamay, beeralleey iyo kalluumaysato tiradoodu gaarayso 150. Shaqaalaha qaarkood waxa ay ka soo jeedaan waddamo kale, taasoo ka tarjumaysa kala-duwanaanshaha jinsiyadeed ee mu’assasadda. Anigu waxan ahayn asaasihii, gabadhayda Dr. Deeqa Aadan waa Maamulaha Guud, waxana caawisa gabadhayda kale Dr. Amina Aadan.

Sabahi: Imisa dhaqaale ah ayaa ku baxa in la maamulo adeegayada mashaariicda kala duwan ee gargar ee ay mu’assasaddu qabato, yaase kaa caawiya dhaqaalaha?

Xaawa: Ma lihin miisaaniyad mucayan ah. Shaqadu waxa ay ku socotaa hadba wixii deeq ah ee aan helno. Mashruuca ugu yar waxa uu ku kacaa $50,000. Biyaha iyo fayadhowrka kaliya ayaa ku kaca $70,000 sababtuna waxa weeye qiimaha shidaalka oo sabeeynaya. Waxaa aad qaali u ah daawada lagu isticmaalo istbitaalka, waana mashruuca ugu ballaaran ee u baahan in la joogteeyo. Marka ma jirto miisaaniyad cad, sababtoo ah waxan ku tiirsanahay deeqaha aan ka helno, laakiin howshu waxa ay u baahan tahay qiyaasta $300,000 sannadkii si loo helo agabka loo baahan yahay loona bixiyo mushaarka shaqaalaha.

Sabahi: Marka la eego ammaan-darrida ka jirta Soomaaliya, siday bay kuugu suura-gashay in aad si joogto ah u waddid una maamushid xerada muddooyinkii la soo dhaafay?

Xaawa: Waxan arkay dadkaygii oo ku sugan xaalad ba’an si waynna ugu baahan gargaar. Dadkaasi maaha dad aqoon leh, mana aha dad ay qaraabo dibadda u jirto. Waxan dareemay baahida loo qabo in aan joogo oo aan caawiyo.

Waa rabitaanka adag iyo jacaylka aan u qabo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, arrinta dhiiri-galisay aniga iyo qoyskaygaba. Waxan jeclaan lahaa in aan ku dhiiri-galiyo dhammaan caalamka in ay is jeclaadaan oo ay is taageeraan.

Mararka qaar arrinku wuu adkaadaa waxanan jeclaystaa in aan faraha kala baxo, laakiin marka aad dib-u-jalleecdo inta nafood ee aad badbaadisay, cabsidu waa ay iga baxdaa. Haddii aad in badan dhagaysato waxa ay dadku leeyihiin, marna guulaysan maysid. Waa in aad diiradda saartaa yoolkaaga si aad u guulaysatid.

Tallaabooyinka al-Shabaab oo hakiyay shaqadii

Sabahi: Noo sheeg wixii dhacay 26-kii February ee keenay in la hakiyo qaar ka mida adeegyadii xerada.

Xaawa: Aniga iyo dhowr kalkaaliye caafimaad ayaa nala qabtay oo nala xiray muddo ka badan 10 saacadood. 26-kii February waxay ahayd maalintii ugu xumayd, iyada oo ay dagaalyahaniintu burburiyeen dukaamadii iyo shaybaarkii kombiyuutarada.

Xaaladdu waxa ay sii xumaatay markay go’aansadeen in ay qayb dhulkayga ka mid ah siiyaan xubno ka tirsan al-Shabaab. Waxa ay burburiyeen wax walba mana ayan doonayn in ay arkaan wax wanaaga oo meesha ka socda. Guryihii ay ku noolaayeen dadka barakacayaasha masaakiinta ah ayay buldoosarro mariyeen, masaakiintiina waxay ku soo dhaceen meel cidla ah. Xerada waa la bililiqaystay waana la burburiyay.

Hadda waxanu ku jirnaa xaalad jahwareer ah, noloshuna aad ayay u adagtahay. Aniga iyo dadka ila shaqeeyaba waxa loogu hanjabay in nala dili doono haddii aan ka hornimaanno tallaabooyinkooda. Barakacayaasha ma haystaan meel ay aadaan. Waxa ay hadda baylah intii hore ka badan u yihiin cunno la’aan, biyo la’aan iyo hoy la’aan.

Sabahi: Xeradaadu markii horeba waxa ku hareeraysnaa dagaalyahaniinta [al-Shabaab]. Maxay xaaladdani kaga baddalan tahay tii hore?

Xaawa: Mar bay xilli hore ii yimaadeen oo waxay igu yiraahdeen adigu aad ayaad u gaboowday, ee waa in aad xerada annaga nagu soo wareejisaa. Waxaan ugu jawaabay xaq uma lihidin in aad arrinkaa i waydiisataan, dhulkanna waxaan ka dhaxlay hooyadeey.

Waxan u sheegay in aan wada shaqayn karno oo aan wax wanaagsan ummadda u qaban karno. Markaan ka hor imid qorshahooda, ayay na soo weerareen 5-tii May 2010-kii, laakiin waxa lagu khasbay in ay isaga tagaan xerada kadib markii ay dadwaynihii ka muddaaharaadeen tallaabadooda.

Nasiib darro, wax qaddarin ah uma hayaan dumarka. Laakiin haweenku aad ayay muhiim ugu yihiin bulshada; waa dad naxariis badan, howl-kar ah waana laf-dhabarka bulsho walba.

Sabahi: Hadda maxaa ka socda xerada, maxaadse qorshaynaysaa tallaabada xigta in aad samayso?

Xaawa: Dugsigii wali waa xiran yahay, laakiin waxa dib loo furi doonaa mar alla iyo marka ay xaaladda ammaanku ka soo rayso. Daryeelka caafimaad isaga waxa la rajaynayaa in uu shaqeeyo todobaadka soo socda – dadku waxa ay u baahan yihiin adeeg caafimaad. Waxan qorshaynaynaa in aan si buuxda u soo celino howlaheennii, laakiin ma garanayo dagdagsiiyaha ay taasi ku suuroobayso.

Sabahi: Ma jirtaa innaba wax aad jeclaan lahayd in aad u sheegto al-Shabaab?

Xaawa: Fadlan joojiya waxa aad samaynaysaan. Isku daya in aad noqotaan bini’aadam, ixtiraama Eebbe, oo u caddaalad sameeya Soomaalida iyo Afrika. Fadlan ha samaynina wax lid ku ah nolosha.

In aanan rajada laga quusan

Sabahi: Sidee bay qoyskaagu u arkaan shaqadaada?

Xaawa: Waa ay qaddariyaan waxa aan qabto waxayna rabaan in aan sii wado. Waxan baray in ay noqdaan waddaniyiin. Waxay ay ku joogaan raadkaygii. Nolashayda iyo maskaxdeeyduba wali waxa ay ku sugan yihiin Soomaaliya, inkasta oo ay aad u adagtahay in lala noolaado qolyahan wada dagaalka. Mar alla iyo marka aan ka fakaro in aan iska daayo howshan, caruurtayda ayaa waxay igu dhiiri-galiyaan in aan horay u sii socdo.

Afrika waxa ay hodan ka tahay khayraadka dabeeciga ah; waxanu nahahay hodan, haddana waanu tuugsanaynaa. Inaga oo u marayna mu’assasaadka khayriga ah, waxanu doonaynaa in aan baddalno nolosha dadka ku nool qaaradda Afrika oo aan reebno saamayn, anaga oo raacaynaa tusaalihii Kwame Nkrumah, madaxwaynihii hore ee Ghana oo ka mid ahaa aabayaashii Ururka Modinimada Afrika, [Markii dambena noqday Midowga Afrika].

Caruurtaydu aad ayay iigu taageeraan shaqadayda ayada ayayna u go’een. Riyadaydu waxa weeye in maalin uun kuwa ka faa’idaytay howsheeyda ay baddalaan Soomaaliya oo ay saamayn ku yeeshaan Afrika inteeda kale. In aan rajada laga quusan waa hal-ku-dhagayga.

Sabahi: Xaggee baad ka heshaa hal-adayga aad ku waddo in aad daryeel u fidiso kumanaanka dadka ah ee gargaarka u baahan?

Xaawa: Waxan ka helaa qaddarinta iyo taageerada aan ka helo beesha caalamka ee ku aaddan kaalintayda caawinta dadka ku sugan xaaladaha aadka u daran. Mar alla iyo marka aan codsado taageero, waxan helaa jawaab dagdag ah. Taageeradaasi waxa ay i siisay rajada iyo hal-adayga iyo awoodda aan wax ku caawiyo, gacanta Eebbe iyo tan beesha caalamka ayaa na siiya taageerada.

Caawinta aan caawiyo dadka kale darteed ayaan isku tiriyaa in aan ka mid ahay dadka maal-qabeenka ah. Taasina waa farxaddayda rasmiga ah.

Sabahi: Xerada waxa lagaaga yaqaan “Mama Xaawa”. Bal noo sheeg sida ay u dhadhanto in aad qof dumar ah iyo hooyo u tahay Soomaaliyada dagaalku googooyay.

Xaawa: Waxan ahay hooyo. Hooyonimadu waa mas’uuliyad aad u wayn. Qoyskayguna waxa uu ku sugan yahay Soomaaliya. Sharaf ayay ii tahay in la iigu yeero “Maama Xaawa” oo aan la iigu yeerin “Dr. Xaawa”. Waxan talooyinka ku bixiyaa waalidnimo, iyo in aan noqon karo tusaale lagu daydo iyo waliba ka qof mas’uul ah.

Waxan rajaynayaa in xaaladda Soomaaliya ay maalin uun is badasho. Waxan rajaynayaa in xilligaan ay beesha caalamku caawin doonto Soomaaliya. Soomaalida ruuxoodana waxa la gudboon in ay iyagu difaacdaan sharafkooda iyo waddankoodaba.

Dawladda Soomaaliya iyo beesha caalamkuba waa in ay maal-galiyaan tababarka iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya si ay u soo celiyaan nabaddii. Soomaalida kaliya ayaa keeni kara nabadda, tiro kasta oo ay leeyihiin shisheeyuhu ma keeni karo nabad. Xittaa dhaqaale ahaan, waxa jaban in ay Soomaalida shaqadaa qabato. Millatariga Soomaaliya ayaa yaqaan dhulka, dhaqanka iyo waddaniyaddaba.

‘Mustaqbalkaygu wuxuu yaallaa Soomaaliya’

Sabahi: Haddii lagu yiraahdo isku soo xoori guulihii nolashadaada, tee baad ku tilmaami lahayd guushaadii ugu wayneed?

Xaawa: Waxa ku jira xeradayda 90,000 oo qof; waxan dareemayaa in ay taasi tahay guul fiican. Qof waliba waa uu noqon karaa dhakhtar wanaagsan, laakiin qof waliba uma babac-dhigi karo in uu maareeyo 90,000 oo qof oo uu u fidyo nolosha ugu yar ee ay heli karaan kana caawiyo in ay kasbadaan sharaf.

In aan arko qabaa’illada kala duwan oo midaysan haddana faraxsan, arrintaa ayaa i farxad-galin lahayd. Waxay wadaagaan wax walba oo ay ku hubin lahaayeen in uunan midkoodna gaajo ku hoyan. Waxan khatar galiyay nolashayda, waxanse ku guulaystay wixii ugu fiicnaa. Markii ay i xireen al-Shabaab, bulshada ayaa dalbatay in la i sii daayo sababtoo ah ixtiraamka ay ii hayaan.

Sabahi: Waxa laguu sharxay Billada Nabadda ee Nobel. Sidee baad u aragtaa arrinkaa? Haddii aad ku guulaysatidse, sideebay wax uga baddali lahayd shaqadaada iyo tan mu’assasaddaada khayriga ah?

Xaawa: Waan ku faraxsanahay sharraxaadda; waxay timid xilligii munaasabka ahaa, waxay i siinaysaa rajo iyo dhiirranaan. Waxan sii wadi lahaa shaqadayda aan ku xoojinayo awoodda dhaqaale ee haweenka, waxan ku caawin doonaa kuwa aan haysan hoyga in aan siiyo hoy. Waxan sii wadi doonaa mashaariicda beeraha iyo kalluumaysiga. Waxan furi doonaa dugsi sare, waxanan ballaarin doonaa mashaariicda.

Sabahi: Sabahi: Maxaad filaysaa Mustaqbalka hadday ahaan lahayd Mu’asadda Khayriga ah ee Dr. Xaawa Cabi iyo Maama Xaawaba?

Xaawa: Waxan rajaynayaa oo aan dareemayaana in ay Soomaaliya maalin uun noqoto meel ammaan ah oo qurux badan sidii ay ahaan jirtay. Soomaalidu waa dad firfircoon oo yaqaan sida loo sameeyo lacagta. Waxay awood u leeyihiin in ay waqti kooban gudihii ay Soomaaliya dib ugu dhisaan.

Mu’assasaddaydu way sii shaqayn doontaa. Waxan rajaynayaa in jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka ay sii wadaan waddadii aan jeexay ee horumarinta dalka dhinaca bulshada, dhaqaalaha iyo sidii kale in ammaanka iyo sugnaanta cunnadu ay noqoto arrin mudnaan sare leh. Yurub waxa ay dalagga gurataa hal mar sannadkii, laakiin Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto waxaannu leenahay saddex xilli-abuur. Sidaa oo ay tahayna gaajo ayaa fara kulul ku haysa qaaradda. Waxanu leenahay cimilo wanaagsan, sidaa oo ay tahayna waynu ku fashilnay in aan ka faa’idaysano galladdaa uu Eebbe nagu mannaystay. Khayraadkeena badda si xun ayaa loo isticmaalay oo waxa qaybsaday kuwii hodanka ahaa. Waanu naqaan sida loo kalluumaysto dalkeenana loo ilaaliyo. Hodannimadii Soomaaliya waa la boobay.

Mama Xaawa ahaanna, waxan ku jiraa casrigaygii dahabiga ahaa. Waxaan sameeyay wax walba oo ay ahayd in aan u sameeyo bini’aadanimada. Mustaqbalkaygu waa Soomaaliya, waxa ay iiga dhigan Waqti Dahabi ah.

Sabahi: Maxad jeclaan lahayd in ay Soomaalida iyo guud ahaan dadku ay ogaadaan?

Xaawa: Waxan jeclaan lahaa in ay Soomaalida oo dhami midoowdo oo ay difaacaan xuquuqdooda ka dhanka ah saboolnimada iyo dagaallada, kana dheeraadaan in lagu danasyto, oo ay gacan iska siiyaan sidii midba ka kale sidii uu u af-garan lahaa.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • ali cabdi ahmed
    February 28, 2014 @ 12:48:03PM

    waan ku qancay maqaalkan aad ka ugu fican

  • khadra ahmed
    October 18, 2013 @ 05:53:36PM

    waxaan aad ujec lahay inaan weydiiyo su aalo, dr xaawa cabdi.... waxaan doonayaa telephon keeda shaqada ,,,inlaygu soo diro imail keyga ama hotmail keyga please.thanks

  • issack
    July 14, 2012 @ 02:37:23PM

    Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hawsha kuu fududeeyo, oo abaalmarin fiican aad Alle ka hesho.

  • osman
    June 15, 2012 @ 09:10:56PM

    maamo xaawa, waxaan bogaadinayaa naxariista aad u muujisay dadkeena saboolka ah, anigu maamo xaawa shaqsiyan ayaan u aqaanaa, maamo xaawa aniga way I caawisay markii aan ku jiray cisbitaalkeeda, aniga iyo qoyskaygaba way na caawisay. Waa wax yididiilo leh in aan aragno dad la mid ah maamo xaawa oo ay ku dheehantahay wadaninimo heersare ah oo ay u hayso dalkeeda. Maamo xaawa waxay inaga mudan tahay qadarin balaadhan, waxaanay tusaale ku dayasho mudan u tahay dadka soomaaliyeed iyo afrika oo dhan lababdab, waxaan maamo xaawa ku hambalyaynayaa inay tahay dumarka fara ku tiriska ah ee aduunka maanta kor jooga, kuwaasoo mutaystay in loo sharaxo inay helaan abaal marinta caalamiga ah ee nabada ee loo yaqaan (Nobel Preace Prize), rajada soomaaliyeed ha jirto oo ha joogto, maamo xaawana, halkaa kasii wad shaqada wacan, waanad mahadsantihiin maamo xaawo, digtoor deeqa iyo digtoor aamina.

  • virgin lady
    April 1, 2012 @ 08:20:21AM

    Maamo Dr xaawo cabdi si fiican aan u aqaana ma aha qof sahlan aad ayey usoo shaqeysay balse wax ma garato ayaa ugu abaalgudey inay nafteeda qatar geliyaa, waxaan u rajaynayaa inuu alle ka abaal mariyo, ayadana waxaan kula dardaarmayaa in shaqadii wanaagsaneed oo ay qabatey ay ka dhigto mid khaalis u ah alle dartii, iskana iloowdo iney niyadda ku qabsato in ay hesho jaaizad gaalo bixiso, ogoow waxaa ka qaalisan jaaizadda allah uu bixiyo, shaqada aad qabatey wey fiicanahay halgankaagana meeshiisa ka sii wad waad guulesan doontaa insha alaah.

  • Msemaovyo
    March 29, 2012 @ 04:04:51PM

    Aad ayay dadka u dhiiragelinaysaa in la arko qof aad u jecel waddankiisa/waddankeeda. Marka loo kaco xaaladdan, Mama Xaawo waxay mudan tahay dhammaan mudnaanta- deegaanka, waddanka, gobolka iyo aqoonsi caalami ah, kaliya ma aha in ay tahay haweenay balse sidoo kale xilka ka saaran waddankeeda iyo insaaniyada gebi ahaan. dadaalka sii wad Maama Xaawo. Maama Xaawo waa qof horumuud ah kaliya uma aha haweenka kale balse sidoo kale waxay u tahay qof kasta ee leh awood uu ku caawin karo dadka baahan. Sida ay maah-maahda caanka oranayso " Wax siinta waa rabitaanka, ma aha taajirnimo". Dhanka kale, waxay ku tahay ceeb weyn in Al-shabaab ay marar badan isku dayday in ay xagal-daaciyaan dadaaladeeda ah in ay caawiso kuwa baahan. Waxaan mar kasta ka qajilaa wadne adeega kuwa isku maga caabay "dagaalyahniinta Alle". Sidee qof dunida ku sugan uu iskugu dayayaa in uu dad aanan waxba galabsan ku dilo magaca Alle? Dad liita ayaad tihiin Al-shabaab, sababtoo ah haddii uu yahay Ilaaha dadka runta rumeysan ay aamin sanyihiin, waxaan hubaa in uu idin diyaariyay naarta ugu daran aakhiro. Naarta gala Al-shabaab!

  • yahye Ahmed Mohamed
    March 28, 2012 @ 03:31:06AM

    kolay maba dinaayo lkn waxaan ku koobayaa waa arin wanaagsan lehna waxkaqabasho iyo horumar hidiilo wadani nimo eh ilaahayna waxaan karajeenayaa in xaqan awaa fijiyo mahadsanidiin

  • christian
    March 26, 2012 @ 02:19:32PM

    Dr Xaawo, waxaan kuugu mahadnaqayaa naxariista aad u muujisay dadkeena Afrikanka ee saboolka ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed iyo waddaniyada aad u hayso waddankaaga iyo dhammaan dadka reer Afrika. Waxaan kuugu hambalyaynayaa ka mid ahaanshaha aad ka mid tahay haweenka tirada yar ee ku dhaqan Afrika ee waddankooda jecel, waxaa tahay muraayada iyo furaha dadka Soomaaliya ku waayay hooygooda, qoyskooda, hantidooda iyo waxyaabo badan. Waxaad na tusisay furaha guusha ee lagu xalinayo dhibaatada dadka reer Afrika. Waligaa haka quusan rajada Afrika.

  • shaymz zengo
    March 24, 2012 @ 08:15:45PM

    Runtii waa qof dadka dhiirigalisa waxayna diyaar u tahay in ay iska cafiso kuwa khaladka gala.

  • sunday jerome
    March 23, 2012 @ 02:31:41AM

    Waligey ma ogeen in marwadan, Dr Xaawo, ay sidaasi oo dhan geesi u tahay, waa haweenay adag, waxay istaahishaa in la siiyo billad, halkan Tansaaniya waxaa jara Soomaali badan oo halkan ku dhashay kuwaas oo gaaray guulo waaweyn, waa ay wanaagsan tahay in ay dacaayad isu sameynayso si ay taageero ugu hesho gebi ahaan Bariga Afrika, waa run in Afrika ay tahay qani, aan joojino in aan ku tiirsanaano Yurub, nooma haayaan niyad fiican, waxaa kaliya ay tixgeliyaan waa baahidooda, sida walaxa khayraadka cayriinka ah iyo in ay naga iibiyaan hubkooda

  • Mustafa
    March 23, 2012 @ 12:29:58AM

    Dumarka waa in la siiyaa door firfircoon oo ay kaga qayb qaadanayaan talada dalka, waana in lasiiyaa door hogaamineed si ay uga qayb qaataan xoojinta walaalahooda kale ee dumarka ah. Hadii la damco in waddan waddamada ka mida la horumariyo, waxaa loo baahanyahay in cidwaliba ka qayb qaadato hawsha horumarkaas loo galayo, rag iyo dumarba. Dumarku waa qaybta ugu muhiimsan mujtamac kasta, dumarkoo la xoojiyaana waxay ka dhigantahay mujtamacoo dhamaantii la xoojiyay.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Al-Shabaab ma ku badbaadi doontaa hoggaanka Axmed Cumar iyadoo isku xiran kadib dhimashadii Axmed Cabdi Godane?

Fiirso natiijada