Dhaqaalaha lacageed ay EU ku deeqday oo loogu talo-galay wanaajinta addeegyada biyaha ee Somaliland

Waxaa qorat Barkhad Daahir oo Hargeysa jooga

Maarso 21, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Middowga Yurub waxay Somaliland ugu deeqeen lacag gaaraysa 20 malyuun oo euro si ay wanaajiyaan addeega biyaha una yareeyaan biyo yaraanta ka jirta afar magaalo.

  • Gabar Soomaaliyeed oo sidata jariikaan uu biyo ku jiro xero qoxooti oo dadka dalkooda ku barakacay oo ku taala Hargeysa. Mashruuca cusub ee biyaha ee ay dhaqaalihiisa bixisay Middowga Yurub ayaa la filayaa inuu kordhiyo helitaanka biyaha ee caasimadda Somaliland. [Roberto Schmidt/AFP]

    Gabar Soomaaliyeed oo sidata jariikaan uu biyo ku jiro xero qoxooti oo dadka dalkooda ku barakacay oo ku taala Hargeysa. Mashruuca cusub ee biyaha ee ay dhaqaalihiisa bixisay Middowga Yurub ayaa la filayaa inuu kordhiyo helitaanka biyaha ee caasimadda Somaliland. [Roberto Schmidt/AFP]

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo darajadoodu saraysa oo ka socday Middowga Yurub ayaa March 6-deedii ka qaybgalay xaflada si ay mashruuca uga bilaabaan Hargeysa.

Wasiirka Somaliland u qaabilsan Macdanta, Biyaha iyo Khayraadka Xusseen Ducaale ayaa ka hadlay xaflada isagoo sharaxay in machruucaasi loogu talo-galay inuu kordhiyo qaybinta addeegyada biyaha ee Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Tog Wajaale.

“Waxaa jirta baahi wayn oo loo qabo mashruucan wanaajinta qaybinta biyaha,” ayuu Ducaale yiri. “Si gaar ahaaneed, waa inaan si degdega u tilmaanaa dhibaatada biyo yaraan ee ka jirta magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale.”

Ducaale wuxuu sheegay in ay Somaliland qani ku tahay dhinaca khayraadka. “Waxaan Middowga Yurub ku casunay inay dalka maalgashadaan,” ayuu yiri Ducaale.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu dhaqaalaha lacageed ee dhan 20-ka malyuun ku tilmaamay inuu yahay mashruucii ugu waynaa ee noociisa oo kale ah ee laga dhaqan-galinayo Somaliland.

“Mashruucani wuxuu daliil u yahay Somaliland awooda dheeraadka ah ee ay u leedahay in deeqo caawimo ah oo aanan sidaasi u sii waynayn ay u isticmaasho horumarinta qaab-dhismeedka iyo ilaha kale ee dhaqaalaha sida biyaha iyo jidadka,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku.

“Mashruucani wuxuu u faa’iidayn doonaa Hargeysa iyadoo ay ku noolyihiin dadwayne lagu qiyaasay hal malyuun wuxuuna dadka ku nool awood u siin doonaa inay helaan biyo nadiifa isagoo sidoo kalena mashruucu u faa’iidayndoono saddex magaalo oo kale ay ku kuwaasi oo ay ku noolyihiin dadwayne aad u tiri baddani,” ayuu yiri madaxweyna ku-xigeenku. “Waxaan rabnaa inaan muujino mahadnaqayaga ku aadan Middowga Yurub.”

“Waxaan qiyaasnay in 60% oo ka mid ah dadwaynuhu aanay helin biyo ku filan waxaanan filaynaa isagoo mashruucani jiro inaan muddo gaaban dhibaatada ku joojin karno,” ayuu intaasi ku daray madaxweyne ku-xigeenku.

Mashruuca waxaa la filayaa inuu bilaabmo sannadka 2013-ka iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaystiro sannadka 2015-ka sida uu Sabahi u sheegay Ibraahim Saciid Yoonis oo ah madaxa Wakaalada Maamulka Biyaha ee Hargeysa.

Sida uu sheegay Yoonis markii la bilaabay qorshaha biyo qaybinta ee magaalada, waxaa loogu talo-galay dadwayne gaaraya 160,000 oo qof.

“Degganaanshaha ka jira Somaliland awgeed ayaa horseeday dadwayne aad tiro baddani ay ku noolaadaan Hargeysa, kuwaasi oo ka baddan intii aanu filaynay ka dib markii dawladda Shiinuhu ay sannadkii 1970-kii dhistay tuubooyinka biyaha qaada,” ayuu yiri Yoonis. “Tani waxay keentay dhibaatooyin ku saabsan siddii loo buuxin lahaa baahida biyood ee ka jirta magaalada.”

Yoonis wuxuu sheegay in lacag gaaraysa 16.5 malyuun oo euro oo deeqda ka mid ah loo qoondeeyay si loogu wanaajiyo addeegyada ka jira Hargeysa.

“Markaad eegto baahida loo qabo biyaha ee Hargeysa, dadwaynuhu waxay maalintii u baahan yihiin qiyaas dhan 27,000 cubic mitir oo biyaha. Wakhtigan xaadirka ah wakaalad ahaan waxaan dadwaynaha siin karnaa oo kaliya biyo qiyaastiisu gaarayso 10,000 cubic mitir taasi oo u dhiganta 50,000 oo fuusto,” ayuu yiri Yoonis. “Wakaalad ahaan waxba kama tilmaami karno biyo yaraanta ka jirta magaalada. Qaybo baddan oo tirsan dadwaynuhu waxay biyahooga ka helaan goobo ka baxsan Hargeysa iyagoo yar yaraysta biyaha ay isticmaalayaan biyo yaraan jirta awgeed.”

Yoonis wuxuu sheegay in tiro ceelasha biyaha ah lagu dari doono isla ceelasha biyaha ee haddaba jira ee ku yaala Geed-Deeble oo 25 kiiloomitir dhanka waqooyi kaga toosan Hargeysa, iyadoo dib loo cusboonaysiin doonaa ceelasha biyaha ee hadda jira. Qorshahani waxaa kaloo ku jira in dhulka la dhigo tuubo dhumucdeedu tahay 24- inch si loo kordhiyo xadiga biyaha, iyadoo sidoo kalena la dhidbaayo mishiinada biyaha soo tuura oo cusub iyo haamaha kaydka biyaha.

“Waxaan isku dayaynaa wixii karaankayaga ah si aan u dhaqan-galino mashuuracani si dhakhso ahna ugu dhamaystirno iyadoo ay la xiriirto baahida wayn ee mashruuca loo qabo,” ayuu Yoonis intaasi ku daray.

Maayarka Hargeysa Xusseen Maxamuud Jiciir ayaa sheegay inay jireen cabashooyin baddan oo ka imaanayay dadwaynaha oo la xiriira biyo yaraanta jirta iyadoo cabashooyinka ugu baddan loola jeeday maamulayaasha deggaanka. Wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay in mashruucani uu xalin doono dhibaatadan jirta.

Sahra Cismaan oo ah hooyo dhashay 6 qof oo ku nool xaafada Jaamia ayaa Sabahi u sheegtay inayna ilaa 2004-kii wax biyo ah ku helin iyadoo isticmaalaysa tuubooyinkii biyaha ee ay yagleeshay Wakaalada Maamulka Biyuhu. “Markii uu cadadka biyuhu yaraaday, biyihii waana soo gaari kari waayay. Ku dhawaad siddeed sanno wax biil ah kamaanu helin Wakaalada Maamulka Biyaha sababtoo ah wax biyo ah kamaanu helin ayaga,” ayay tiri Sahra.

Waxays sheegtay in booyadaha biyuhu ay sidda caadiga ah biyaha ka keeneen goobo ka baxsan magaalada iyadoo qiimaha fuustadiiba uu yahay 8,000 oo shilinka Somaliland ah oo u dhiganta ($1.33). “Mararka qaarkood caruurtaydu way xanuusadaan sababtoo ah biyaha oo aanan nadiif ahayn. Tani waxay igu khasabtaa inaan cabitaan ahaan u soo gato biyaha la sifeeyay” ayay tiri Sahra.

Abshir Askar Maxamed oo ah dhaqaaleyahan Hargeysa ku sugan ayaa sheegay in mashruucu uu dawladda ka kaalmayn doono yaraynta wixii degganaansho la’aana ee laga yaaba inuu ka dhasho mudaharaadyada ay sameeyaan dadka ay biyo yaraantu soo foodsaartay. "Intaasi waxaa dheer inuu mashruucu yarayn doonaa culayskii saarnaa dhaqaalaha sidoo kalena uu horumarka dardar galindoono,” ayuu Abshir u sheegay Sabahi.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • shariif
    March 21, 2012 @ 07:44:09PM

    Nolosha kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa khatar kusugan, maxaa yeelay Soomaaliya waxay si joogto ah ugu jirtey xaalad dagaal iyo fowdo, sidoo kale magaalooyinka waddanku way kharribmeen dadkuna wuxuu ka sheeganayaa gaajo. Gaajada iyo qaxa aawadoodna kumanaan haween ah ayaa si joogto ah u raadinaya cunno, bacdamaa ay macaluushu dumarka iyo gabdhaha ka dhigtay kuwo ku sugan xaalad khatar ah, wax ammaan ahna kuma haystaa nimdaaka ilaalada ah ee ku dhisan qabiilka, sidaa dartreed waxa ay xilligan baylah u yihiin kufsi iyaga oo aan soo marin waqti ay hadda uga nugul yihiin kufsiga inta lagala socdo taarkiihda cusub.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo xadkee baad ku kalsoon tahay in xukuumadaha Bariga Afrika ay tallaabooyin waafi ah u qaadayaan ka hortagga dillaacidda Ebola?

Fiirso natiijada