Maarso 19, 2012
Ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay tallaabooyinka ammaanka lagu sugayo iyagoo isku gadaamay jidadka aadaya xarunta madaxtooyada iyo dhismayaasha dawladda ee kale ka dib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday meel dibadda ka ah xayn-daabka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, weerarkaasi oo dhacay toddobaadkii hore sida uu sheegay mas'uul Soomaali ahi.
Ciidamada bilayska ayaa sheegay in weerarkii dhacay Arbacadii (March 14-keedii) ay ku dhinteen afar qof, kaasi oo uu ka mid ahaa qofkii naftiisa miidaamiyay halka ay 11 qof oo kalena ku dhaawacmeen.
Gaashaanle-sare Cabdullaahi Xasan Bariise oo ah af-hayeenka ciidamada bilayska Soomaalida ayaa suxufiyiinta u sheegay in qofka naftiisa miidaamiyay oo ahaa xubin hore oo ka tirsanaan jiray shaqaalaha xarunta madaxtooyada oo shaqada iskaga tagay weerarka ka hor si uu ugu mid noqdo xoogaga al-Shabaab.
“Waxaan haynaa warar hordhac ah oo tilmaamaya in qofka weerarka soo qaaday uu ahaa xubin hore oo ka shaqayn jiray xarunta madaxtooyada iyadoo baaritaanaduna hadda ay socdaan si ay daah furaan macluumaad dheeraad ah,” ayuu Bariise yiri.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo loo yaqaan “Yariisow” oo ah af-hayeenka dawladda ayaa suxufiyiinta u sheegay in qof shaqaale ah oo ka socday xafiiska madaxweynaha uu kaalmo siiyay qofka qaraxa gaystay si uu u gaaro deggaanka ay xurunta madaxtooyadu ku taalo.
Cali Cabdulqaadir oo ah masuul ka hawl gabay ciidamada millitariga ayaa Sabahi u sheegay in daldaloolooyinka ka muuqda dhinaca ammaanka iyo weerarka ismiidaaminta ee taasi daba socotay ay yihiin “calaamado khatar ah oo laga walwalo” oo tilmaamaya in al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarku ay wali tahay mid khatar ku ah ammaanka magaalada.
“Waxa ka dhacay xarunta madaxtooyadu waxaa weeye u diyaar garow la’aan iyo dayacaad ka imanaysa dhanka ciidamada ammaanka sidoo kalena waa yaraanta macluumaadka la xiriira xog ururinta ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxaha hubaysani ay ka wadaan deggaanada ay dawladdu fadhido,” ayuu Cabdulqaadir sheegay.
Xarunta Villa Soomaaliya waxay ka kooban tahay qasriga madaxtooyada, xafiiska ra’iisal wasaaraha, xafiisyada tiro masuuliyiin ah oo darajadoodu aad u sarrayso iyo xasiifka Gudida Ammaanka Qaranka iyo dhismayaal qaran oo kale.
“Ma diidayno inay cilladi ka jirtay goobta weerarka loo xushay in lala beegsado ama tallaabooyin ammaanka lagu sugayo ee la qaaday iyadoo baaritaanadu ay shaaca ka qaadi doonaan goobaha dayacaadu ka jirto,” ayuu yiri Mukhtaar Yuusuf oo ah masuul dhinaca ammaanka u qaabilsan oo ku sugan xarunta madaxtooyada.
“Ciidamada ammaanku waxay marar hore awoodeen inay ka hortagaan weeraro dhowr ah ee ay soo qaadeen kooxo hubaysani, laakiin aad bay u adag tahay in la joojiyo dhammaan weeraradani,” ayuu yiri Yuusuf. Wuxuu dadka muwaadiniinta ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo joojiyo khatarta ka imaanaysa kooxda hubaysan ee al-Qaacida xiriirka la leh ee al-Shabaab.
Yuusuf wuxuu sheegay in qofka ismiidaamiyay uu isku qarxiyay makhaayad yar oo ku taalay afaafka hore xarumaha af-hayeenka baarlamaanka taasi oo u dhow albaabka laga galo xarunta madaxtooyada. Wuxuu sheegay in qofka weerarka soo qaaday uu awoodi kari waayay inuu ka gudbo goobaha dadka lagu baaro ee ku dhexyaala xayn-daabka madaxtooyada.
“Suurogggal maaha inay walxaha qarxa lala soo galo xayn-daabka madaxtooyada halka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu ku noolyahay sababtoo ah ammaanka oo aad loo adkeeyay iyo goobaha dadka lagu baaro oo aad u taxadar baddan taasi oo ka dhigaysa in qofkasta sita walxaha qarxaa aanu ka gudbi karin goobtaasi,” ayuu yiri Yuusuf.
DKMS ayaa si adag u cambaaraysay weerarka ismiidaaminta ka dib markii ay kulan degdeg ah oo albaabadu u xirnaa ay yeesheen golaha wasiiradu kulankaasi oo dhacay Khamiistii la soo dhaafay si looga wadahadlo xaalada ammaan ee dalku ku sugan yahay.
“Dadaalka ciidamada ammaanku ay deganaashaha ku abuurayaan sidoo kalena ku ilaalinayaan ammaanka qaranka ee Muqdisho waa kuwo wali socda. Ciidamada ammaanku waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhowr weerar,” ayuu Yariisow u sheegay koox suxufiyiin ah ka dib kulankii degdegga ahaa ee golaha wasiirada.
Yariisow wuxuu sheegay inay dawladdu qaadayso tallaaboyinka ku haboon si looga hortago weeraradan oo kale inay markale dhacaan isagoo sidoo kale sheegay in dawladda ka go’an tahay inay sii xoojiyaan guulaha ammaan ee ay gaartay.
Ahmednuudr Mio oo siyaasadda falanqeeya ayaa yiri al-Shabaab waxay isku dayday inay awoodeeda ku muujiso weerar ay qaado.
“Kooxo ka mid ah al-Shabaab ayaa isku dayaaya inay muujiyaan xeeladahooga iyo awoodooda si ay ugu dhuuntaan inay galaan goobaha halbawlaha ah ee ay dawladdu maamusho iyo goobaha kale ee Muqdisho ku yaala taasi oo ay ka mid tahay xarunta madaxtooyadu, xaruntaasi oo ay gacan bir ah ku hayaan ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,” ayuu yiri Mio.
Sheekh Cali Raage oo ah af-hayeenka al-Shabaab ayaa weerarku ugu yeeray “guul wayn” isagoo wacad ku maray weerarro dheeraad ah oo ay qaadi doonaan. "Jihaadayaashu waxay awoodaan inay gaaraan qayb kasta oo ka tirsan magaalada, haddii ay tahay goob ammaankeeda aad loo ilaalinayo ama goob aan la ilaalinaynin, iyadoo weerarkan ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyadu uu cadayn dhab ah u tahay arrintani, “ ayuu Raage yiri.
Al-Shabaab oo laga saaray saldhigyadii ay ku lahayd Muqdisho, ayaa kordhisay weerarada ismiidaaminta iyo bamamka gacanta laga tuuro sidoo kalena kordhiyay qarxinta ay ka wadaan Muqdisho.
Bishii February, kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday makhaayada shaaha laga cabo oo ku taalay meel dibada ka ah Huteelka Muna, kaasi oo ku yaala meel u dhow dhismaha madaxtooyada, dhismahaasi oo ay ku nool yihiin kuwo baddan oo ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiinta dawladdu. Weerarka waxaa lagu dilay 15 qofood kuwaasi oo intooda baddani ay ahaayeen dad shacab ah.
Wakiilka Gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa si aada u cambaareeyay weerarka wuxuuna dadka Muqdisho ku nool ugu baaqay inay taxadir muujiyaan.
“Dhawaan dadka Muqdisho ku nool waxay arkayeen faa’iidada ay leeyihiin nabada iyo degganaanshuhu iyagoo qayb muhiim ah ka qaatay yaraynta tirada walxaha qarxa iyo ogaanshaha isku-dayada argagixisada,” ayuu yiri Mahiga, isagoo intaasi ku daraya wuxuu yiri weeraradani argagixisadu liicin maayaan hab-socodka nabbada.
“QM waxay diyaar u tahay inay taageerto maamulka ku-meel-gaarka ah isku daygooda ay isku dayayaan inay helaan nabadgalyo iyo degganaansho sidoo kalena ay gaaraan dib-u-heshiin qaran,” ayuu yiri Mahiga, isagoo ugu baaqaya kooxaha hubaysan in ay joojiyaan gardaradooda silica xad-dhaafka ah u keena dadka shacabka ah.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Qabsashada xukuumadda Soomaaliya ay qabsatay caasimadda muqdisho waa arrin muhiim ah, laakiin marka laga eego helitaanka xasilooni waxaa la dhihi karaa waxay keeni kartaa natiijooyin aan loo meel-dayin, waxaana waajib ah in la wada hadlo, maxaa yeelay miciinsiga awood shisheeye xalk ma keenayso. Xasilloonidu waxa ay la soo bilaabatay markii ay maxaakimtu awoodda qabsadeen, oo la magacaabay xubno barlamaan oo la doortya, laakiin faragalintii ciidamada Ethiopia ayaa wax kasta dhanka kale u rogtey, taasina waxay kutusinaysaa, xaaladdu haba daganaato hadday rabtee in dhib soo socda uu jiro, oo waqti kasta xaalku qarxi karo.