Shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Muqdisho ayaa naftooda halis u galiya si ay u badbaadiyaan dad kale

Waxa Qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Maarso 15, 2012

  • 6 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Samafalayaasha ka shaqeeya gawaarida gurmadka degdegga ah ee caafimaadka Muqdisho ayaa aalaaba naftooda halis u galiya si ay u badbaadiyaan dad kale, gaar ahaan kuwa ku dhaawacma rasaasrta qoryaha ka dhacda iyo qaraxyada.

  • Shaqaalaha caafimaadka oo nin dhaawacmay ka soo dajinaya gawaarida gargaarka degdegga ah iyagoo jooga Isbitaalka Madiina ee Muqdisho. [Mahmoud   Mohamed/Sabahi]

    Shaqaalaha caafimaadka oo nin dhaawacmay ka soo dajinaya gawaarida gargaarka degdegga ah iyagoo jooga Isbitaalka Madiina ee Muqdisho. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

Markii uu burburay adeeggii xirfadlayda gurmadka degdegga ahaa ee magaalada, ayay koox ka kooban dhakhaatiir iyo samafalayaal maxalli ahi waxa ay dhiseen shaqaale ka shaqeeya gawaarida caafimaadka degdegga ah ee loo yaqaan ambalaasta si loo xaqiijiyo in dadka dhaawacma loo gaarsiiyo isbitaallada.

“Waxaanu adeegga ambalaasta Muqdisho ka hirgalinay saddex sano ka hor, xilligaa oo in la arko ambalaas dad dhaawac ah u wadda isbitaallada ay dadka magaalada daggan ku ahayd muuqaal la yaab leh,” ayuu yiri Cali Muuse, oo ah madaxa Life Line Africa Foundation oo ah urur maxalli ah oo fidiya adeegga gawaarida gargaarka degdegga ah.

Muuse waxa uu Sabahi u sheegay in shaqaalaha gargaarka dagdagga ah ay ku shaqeeyaan duruufo aad u adag, ayna soo food-saarto xaalado khatar ah oo aad u daran marka ay gudanayaan waajibaadkooda. “Marar badan, shaqaalaha gurmadka caafimaadka waxa ay la kulmaan is-rasaasaynta ka dhex socota dhinacyada dagaallamaya ama malleeyshiyaadka hubaysan,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in adeeggu biloowday xillii ayan “dadku ku dhici karin in ay furtaan albaabadooda, iskaba daa in ay dhaawacooda istibitaal gaystaane. Nolosha Muqdisho ayaa gabi ahaanba istaagi jirtay ka hor qorax-dhaca waxayna ahayd dhif iyo naadir in la helo gaadiidka dadwaynaha wixii ka dambeeya qorax-dhaca.”

Life Line Africa Foundation waxa ay leedahay siddeed ambalaas oo si buuxda ugu qalabaysan agabyada caafimaadka iyo shaqaale si fiican u tababaran, waxaana maal-galiyay shirkadda isgaarsiinta ee Nation Link, iyo weliba ganacsato iyo qurba-joogta Soomaaliyeed.

Muuse waxa uu sheegay in tan iyo markii la taaba-galiyay Life Line Africa ay isbitaallada Muqdisho gaarsiisay in ka badan 25,000 oo dhaawac ah, kuwaas oo 70% ay ahaayeen haween iyo caruur.

“Haddii aanu adeegga ambalaastu ka jiri lahayn Muqdisho sannadihii dhowrka ahaa ee ina dhaafay, xilligaa oo dhiigga ku qubanaya dagaalladu gaareen heerkoodii ugu sarreeyay, in badan oo ka mida dadkaa dhaawacmay waa ay dhiman lahaayeen. Eebbe mahaddii, adeeggani waxa uu badbaadiyay nolasha dad badan oo Soomaali ah,” ayuu yiri.

Nation Link waxa ay bixisay ambalaasyo wata khadad telefoon oo lacag la’aan ah, iyo darawallo wata taleefano mobile ah, taasoo ogolaatay in aan bixino adeeg aan kala go’ lahayn 24-ka saac.

“Nation Link waxa ay sidoo kale ka qayb-qaadataa bixinta shidaalka, daawada iyo agabyada caafimaad ee ay u baahan yihiin gawaaridaas,” Cabdullaahi Cali Caamir, madaxa ganacsiga iyo suuq-gaynta ee shirkadda ayaa sidaa Sabahi u sheegay. “Shirkaddu waxa kale oo ay bixisaa qayb ka mida dakhliga billaha ah ee safamalayaasha ka shaqeeya gaadiidkan.”

“Intaasi waa inta ugu yar ee aan u samayn karno, waayo kuwaa ka shaqaynaya adeegga ambalaaska waxa ay halis galiyeen naftooda si ay gacan uga gaystaan badbaadinta nafta dadka kale iyaga oo dhaawaca gaarsiinaya isbitaallada,” ayuu yiri Caamir.

In ambalaas lagu wado Muqdisho waa shaqo halis ah

Shaqaalaha caafimaadka ee la socda ambalaasyada iyo dawaralladaba waxa ay Sabahi u sheegeen in ay la kulmaan xaalado adag marka ay gudanayaan shaqo-maalmeedkooda sidaa darteedna ay ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ahba uga baahan yihiin ilaalo wanaagsan.

“Duruufaha ammaan ee aadka u daran iyo halbeegyada ammaan ee ciriiriga ah, iyo sidoo kale jid-gooyooyinka yaal magaala walba, intaaba midna nagama hor-istaago ka jawaabidda qayla-dhaanta nooga imanaysa dhibanayaasha iyo dadka dhaawaca ah,” ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah darawal ambalaas. “Waxanu gaari karnaa meel kasta oo ka mida magaalada, koox kasta ha ka talisee. Inta badan waxaannu dhex marnaa furimaha dagaalka innaga oo aan ogayn in aan badbaadi doonno iyo in kale.”

“Darawallada ambalaastu waxa ay naftooda halis u galiyaan iyaga oo isku dayaya in ay badbaadiyaan dadka ay ku dheceen hoobiyayaasha, madaafiicda artillariga iyo rasaasata wiiftada ah,” ayuu ku yiri Sabahi. “Nafteena ayaanu khatar galinnaa marka aanu aadayno jiidaha hore ee dagaalka, annagoo bartanka uga dhacnaa is-rasaasaynta, waxaanu ka shaqaynaa goobo ay ka buuxaan qaraxyada iyo banbaanooyinka macmalka ah.”

“Waxaanu qabannaa shaqadan mutaddawacnimada ah 24-ka saac maalintii annaga oo isku dayayna in aan badbaadinno nolosha dadka ku dhaawacmay dagaalka,” ayuu yiri Axmed.

Khaliif Daahir, oo shaqada darawalnimada ambalaasta bilaabay saddex sano ka hor, ayaa yiri in ambalaas lagu wado waddooyinka Muqdisho waa shaqo halis ah.

“Marka aan isku dayayno in aan badbaadino dhaawaca, waxanu khatar ugu jirnaa rasaasta dadka wax toogta iyo bambaanooyinka la macmalay. Dhimashadu waxa ay noqotay qayb ka mid ah shaqadeenna,” ayuu ku yiri Sabahi, isaga oo intaa sii raaciyay in laba ka mid ah saaxiibadii ay dhinteen iyaga oo isbitaalka u wada dad dhaawac ah.

Daahir waxa uu sheegay in baraha kontoroollada al-Shabaab ee bilihii ina dhaafay, maqnaanshaha shuruuc dhinaca waddooyinka ah iyo xaaladaha sii xumaanaya ee waddooyinka, duruufahaas ayaa iyaguna dhibaato ka dhigay in isbitaallaa lagu gaaro si dagdag ah.

“Mararka qaar, ambalaasta waxa la istaajiyaa baraha wax lagu baaro, raga qoryaha sitana ma ixtiraamaan shaqadeena,” ayuu yiri Daahir. “Xittaa marka ay maqlaan siiriga caanka ah ee ambalaasta lagu yaqaan, way na istaajiyaan iyaga oo baara gaariga, iyaga oo aan kala-jeclayn in aan wadno dad xaaladoodu daran tahay iyo in daahintani ay sababi karto dhimashada dadka aan doonayno in aan badbaadinno.”

Waxaas oo caqabado ah oo jira, haddana shaqaalaha caafimaadka ee la socda ambalaasta waxa ay sii wadaan bixinta adeeggan mutadawacnimada ah.

Dhakhtar Cabulqaadir Cabulraxmaan, oo ah maamulaha adeeg ambalaas oo la yiraahdo Aamin, ayaa sheegay in adeeggiisu uu daabulay 9,000 oo dhaawac ah tan iyo markii la hirgaliyay dhamaadkii 2008-dii.

Waxa uu u sheegay Sabahi in ka hor intii aan la bilaabin adeegga ambalaasta, in dadku dhaawacyadooda isbitaallada ku gayn jireen “gaari-gacanno lagu riixo gacanta, qaarna lagu qaadi jiray gaari-dameer halka dadka qaarna ay kiraysan jireen taksi.”

Marka laga hadlo dhibaatooyinka soo food-sara shaqaalaha ambalaasta, Cabdulraxmaan waxa uu yiri “Muqdisho ayay ka shaqeeyaan 24-ka saac maalintii, laakiin marka habeeynku dumo, isku dayidda in naf la badbaadiyo waxa ay ku dhawaataa waajib aanba la fulin karin, saas oo ay tahayna, wali waxaannu diyaar u nahay in aan khatartaas qaadanno oo aan caawinno dadka marka ay noo baahan yihiin…sababtoo ah waxanu tixgalinnaa in shaqada aan haynaa tahay adeeg bini’aadannimo iyo sidoo kale waajib akhlaaqi ah iyo mid qaran.”

Waxa jira ambalaasyo loo gaar-yeelay xeryaha barakacayaasha

Markii ay macaluushu asiibtay Soomaaliya sannadkii hore, Muqdisho waxa ay la dhibaatootay shaqaale la’aan dhinaca ambalaasyada ah.

Qaar ka mida hay’adaha khayriga ah ee Carabta iyo Islaamka, sida Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Hay’adda Turkiga ee Iskaashiga iyo Horumarinta ayaa yimid Soomaalya si ay gacan uga gaystaan yaraynta mushkiladaha, waxayna adeeg ambalaas ka bilaabeen xeryaha barakacayaasha si ay dadka buka uga daabulaan xeryaha una geeyaan isbitaallada Muqdisho.

Dhakhtar Maxamed Nuur Gacal, oo ah madaxwayne ku-xigeenka xafiiska isku-duwidda arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee Uruka Iskaashiga Islaamka xafiiskiisa Muqdisho, ayaa sheegay in ururku bishii February bilaabay mashruuc uu xarumo gargaar uga dhisayo dhowr xero oo ay barkacayaashu ka daggan yihiin Muqdisho.

“Mashruuca waxa ka mid ah ka shaqaysiinta toban ambalaas, kuwaasoo shan ka mida khaas looga dhigay xeryaha barakacayaasha, halka inta soo hartay ay caawiyaan unugta gargaarka degdegga ah ee Muqdisho dushana ay ka maamusho Wasaaradda Caafimaadku,” ayuu ku yiri Sabahi.

Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya waxa ay leedahay toddoba ambalaas. Si kastaba ha ahaatee, gawaaridaas midkoodna ma shaqeeyo, darawallada ambalaasyaduna waxa ay leeyihiin waxa loo baahan yahay ambalaasyo dheeraad ah si loo haqab-tiro baahida.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • said adulahi(siciid Gal-mudug)
    March 28, 2012 @ 04:10:47AM

    as/c dhamaan waxa salamay shaqaalaha wabka iyo masuuliyinnta sare wab salan ka dib waa ku mahadsan tihin sidaa uga hagaqabtiresin bulshada melkasta ay joogan kuwaa soo ugargaao bulshada wixii soogaa ro

  • Saney Yacquub
    March 25, 2012 @ 06:34:22PM

    Al-shabaab waxay gashay in ka badan hal dambi, oo ka hor imaanaya xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda beesha caalamka. Tani waa sababta beesha caalamka ay ugu qayb gashay xaqiijinta in la suuliyo kooxdan, ama in laga la wareego meelaha ay saameynta ugu gaysanayso bulshooyinka kale. Sida ay dadka badan ugu laayeen waddan, si la mida waxa waajib ah in kooxdan la horkeeno cadaaladda, oo ay qaab ama mid kale looga jaaseeyo dambiyada ay galleen ….. Dambiga kale ee ay sameeyeen waa curyaaminta xiriirka ganacsiga caalamka ee u dhaxeeyay waddamada Afrika iyo dunnida inteeda kale tanina waxaa sabab u ah habka ay al-shabaab ugu abuurtay burcad-badeeddnimada Geeska Afrika. Kooxdan waxay afduubteen maraakiib iyo doomo waaweyn oo badan, isla markaasina waxay baarteen isla maraakiibtaasi ayagoo sidoo kale dillaya dadka saran, sidaasna waxay geeska Afrika uga dhigeen goob cabsi badan in la maro gaar ahaan maraakiibta ganacsiga iyo doomaha waaweyn.

  • khuunkhaa
    March 20, 2012 @ 10:12:32AM

    waa waxa wanaagsan in la sameeyo gargaar dagdaga lakiin waxa ka wanaagsan inbulshada laga wacyigaliyo dhibta joogta ah iyo dhiban dabadheeratay

  • محسن محمد
    March 19, 2012 @ 12:23:34AM

    Weeerarada kooxda Al-shabaab ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee rayidka ah waa falal dambi oo foolxun, ku tusinayana intay ay leegtahay xiqdiga, colaadda, dhagarta iyo nacaybka canaasiirtaas sumaysani u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Dhaqankeedu waxa calaamad u ah sida ay uga shaqeeynayso in ay meel kasta ku fidiso xumaatada iyo baaba’a, waxa kaliya oo ay danaynayaanna waa sidii ay ku dabar-goyn lahaayeen ummadda Soomaaliyeed. Kooxdu waxay had iyo goor u qasdidaa in ay xaaladda ka dhigto mid is-dhexyaac ah, fowdo abuurid iyo in ay ummadda Soomaaliyeed ku hayaan argagax iyo baqdin joogta ah. Sidaa darteed kooxdu waxa ay si joogto ah u qaaddaa weerarro si ay u tusaan dadka soomaalieed in ay wali nooshahay oo ay tahay in la aqbalo. Laakiin, dhab ahaantii kooxda Al-shabaab hadda way jilicsantahy, waxaana ku dhacay wiiqan iyo dib u dhac badan kadib markii ay ciidamda AMISOM meel walba ka saareen. Inta waxa dheer qaar badan oo ka mid ah madaxdoodii waxay ku dambeeyeen xabsi ama dhimasho, arrintaana waxa suurto galiyay ciidamada afrikaanka ah, oo iyagu waajibkoodi si dhamaystiran uga soo baxay. Ciidamada afrikaanka ahi naftooda khatar badan ayay galiyeen iyagoo raba in ay tirtiraan dhamaan kooxaha iyo canaasiirta dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee argagixisada ah.

  • Mohammed Noor
    March 18, 2012 @ 01:13:35AM

    Walaallayaal, kuwa caafimaadka ka shaqeeyow, sii wada shaqada iyo dadaalka aad waddaan, waad garanaysaan markaad waxbarashada ku jirteen ballan ayaad qaaddeen inaad hagar la’aan waddankiinna u shaqaynaysaan. Waddanku wuxuu aad ugu baahanyahay shaqadiinna. Mahadsanidin.

  • Caraale
    March 16, 2012 @ 09:20:30PM

    Ilaa iyo markii la iclaamiyey inay soomaaliya tahay goob macaluul ka dilaacday, waxay hay’ado badan oo islami ah usoo dagdageen inay badbaadiyaan shacabka muslimka ah ee soomaaliyeed. Ducaad iyo muftiyaal kala duduwan ayaa ugu baaqey xukuumadaha iyo shucuubta muslimka ah inay usoo dagdagaan taakulaynta dadka dhibaataysan oo siiyaan sadaqooyin iyo sakooyinkooda. Hay’adda Iskaashiga Islaamka ayaa ugu yeedhay kooxa ku dagaalamaya Soomaaliya inay si dagdag ah dagaalka u joojiyaan si hay’adaha caalamiga ahi usoo galiyaan gargaarka una qaybiyaan dadka dhibaataysan. Hay’adda Islaamiga Caalamiga ah ee Gargaarka oo hoos timaada Hay’adda Iskku-xirka Islaamka Caalamka “Raabitaul Caalam Al-Islami” ayaa u keentay dadka dhibaataysay deeq cunnooyin ah waxayna u qaybisay dadka macaluusha la tabaalaysan. Intaa waxaa dheer, hay'addu waxay ka qayb-qaadatay in dadka biyo nadiif ah la siiyo ayadoo ceelal u qodday.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Al-Shabaab ma ku badbaadi doontaa hoggaanka Axmed Cumar iyadoo isku xiran kadib dhimashadii Axmed Cabdi Godane?

Fiirso natiijada