Puntland waxay diyaar u tahay in ay la dagaallanto kooxda al-Shabaab ku xiran, ayay leeyihiin saraakiishu

Waxa Qoray Darmaan Faarax Cadde oo Gaalkacyo jooga

Maarso 14, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Shaacintii Maxamed Siciid Atam uu ku sheegay in kooxdiisa ka dagaallanta Buuraleyda Golis ay ku biirtay al-Shabaab waa “kaliya riwaayad” sida uu qabo Gaashaanle Sare Jaamac Saciid Warsame oo ka tirsan ciidamada Puntland.

  • Dad rayid ah oo isugu soo baxay Muqdisho 15-kii February si ay u muujiyaan diidmadooda al-Shabaab kadib markii ay ku biiray al-Qaadicda. [Mohamed Abdiwahab/AFP].

    Dad rayid ah oo isugu soo baxay Muqdisho 15-kii February si ay u muujiyaan diidmadooda al-Shabaab kadib markii ay ku biiray al-Qaadicda. [Mohamed Abdiwahab/AFP].

Farriin maqal ah oo laga sii daayay idaacadda rasmiga ah ee al-Shabaab ayuu afhayeenka kooxda xag-jirta, Yaasin Khaalid Cismaan oo ku magac dheer Yaasiin Kilwe, waxa uu si rasmi ah u tibaaxay sida ay kooxdu daacad ugu tahay al-Shabaab iyo al-Qaacida.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa tan iyo 2010-kii dagaal kula jiray Atam iyo dagaalyahannadiisa, oo sidoo kale loo yaqaan dagaal-yahannada Galgala, iyagoo ku guulaystay in ay dagaalyahaniinta ka saaraan tuulada Galgala oo horay u ahaan jirtay xarun ay awood ku leeyihiin kuna taalla Buuralayda Golis.

Wasiirka Amniga Puntland Khalif Ciise Mudan ayaa bishii February sheegay in ciidanka amaanku ay qabteen dhowr xubnood oo ka tirsan kooxdaas, kuwaa oo uu ku jiray khabiirkii kooxda u qaabilsanaa sameeynta miinooyinka dhulka, Axmed Khayr Siciid.

Mudan ayaa Axmed Khayr Siciid, oo ay walaalo yihiin Atam, ku sheegay in uu yahay ninka kooxda “ugu khibradda badan arrimaha miinada dhulka lagu aaso”, isaga oo sheegay in lagu qabtay Buuraha Cal Madoow xilli uu shir ka qayb-qaadanayey.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ku biiradda kooxdan maxalliga ahi ay ku biirtay al-Shabaab, oo iyadu ruuxeedu ku biirtay ururka al-Qaacida, uunan ahanyn arrin lama filaan ah.

“Kooxda Atam iyo al-Shabaab ma ayan midoobin maanta, waxay midaysnaayeen tan iyo biloowgii,” ayuu yiri Warsame, oo isagu ah taliyaha ciidanka Puntland ee Bari. “Tani kaliya waa riwaayad ay matalayaan,” ayuu ku yiri Sabahi.

“Puntland xilli hore ayay shaacisay in ay dagaal kula jidho argagixiso ku jirta Buuraha Galgala, kuwaa oo xiriir la leh al-Shabaab iyo al-Qaacida,” ayuu yiri Warsame.

Dagaalyahannada Galgalada maaha khatar wayn oo dhinaca ammanka ah sababtoo ah way harjadayaan, laakiin ciidamada ammaanku waa ay diyaarsan yihiin haddii ay lacalla helaan gurmad, ayuu Warsame u sheegay Sabahi.

“Ma aha quwad ama awood buuxda oo isku xiran, sababtoo ah waa koox ku dhuumaaleysata dhulka buuraleyda ah,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanku ay ku guulaysteen in ay u babac-dhigaan xag-jiriintan isticmaalaya “ku dhufo oo ka dhaqaaqda”.

“Ciidamadu mar walba way fashilayaan weerarada fuleynimada ah ee ka yimaada kooxda argaggixisada,” ayuu yiri Warsame.

Afhayeenka dawladda Puntland, Axmed Cumar Xirsi, ayaa sidoo kale u sheegay Sabahi in warka isku biiritaanka uunan ku cusbayn dawladda. “Hadda waxa ogaaday caalamka oo idil,” ayuu yiri.

Puntland waa ay laba jibbaartay awooddeeda milliteri si ay ugu toog-hayso faragalin suuragal ah oo uga timaada al-Shabaab si ay -waa al-Shabaabe- u xoojiyaan xag-jiriinta Galgala, ayuu yiri Xirsi. “Puntland waxay heysataa ciidamo quwad leh oo ay uga hortagi karto kooxaha argagaxisada ah,” ayuu yiri.

Maxamed Daahir, oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray ciidamada Dawaladda Federaalka KMG ah, ayaa Sabahi u sheegay in hadalkii dhawaan ka soo yeearay Atam uu ahaa codsi gargaar.

“Tabar-darri baahsan ayaa soo food saartay taasi ayaana saldhig u ah in ay ku biiraan Alshabaab,” ayuu yiri. “Waxayna doonayaan in ay garab ka helaan al-Shabaab.”

Odayaasha dhaqanka Galgala ayaa ka gaabsaday in ay Sabahi kala hadlaan arrimaha khuseeya ku biiridda kooxaha ka dagaallama Galgala ay ku biireen al-Shabaab sababo ammaan dartood.

Tiro ka mida saraakiisha Puntland ayaa lagu dilay silsilad khaarrajin ah oo socotay tan iyo 2010-kii, kuwaa oo uu ku jiray guddoomiyihii degaanka Galgala Cali Maxamed Gurxan oo isaga lagu toogtay Boosaaso February 2011-kii.

Tan iyo markii la shaaciyay isku-biiridda al-Shabaab iyo kooxda ka dagaallanta Galgala, Puntland waxa ay kor u qaadday tallaabooyinka dhinaca ammaanka, ayuu yiri Warsame. Ciidamada ammaanku waxa ay sameeyeen goobo dadka lagu baaro, halkaas oo ay kala socdeen gaadiidka galaya iyo kan ka soo baxaya aaggaas, ayuu yiri.

28-kii February, ciidamada ammaanka Puntland waxa ay bar ay leeyihiin ciidamada ammaanka oo ku taal tuulada Sugure ku qabteen rag dhowr ah oo xiriir la leh Atam oo watay gaari xamuul ah oo uu ka buuxo qalab, ayuu yiri Warsame. Waxa uu sheegay in gaarigu uu sahay u waday kooxda.

Warsame waxa uu ku celiyay sida ay Puntland uga go’antahay in ay gobolka ka dabar-goyso xag-jiriinta isaga oo xaqiijiyay in xasilloonida la ilaalin doono. “Waanu sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno al-Shabaab iyo al-Qaacida,” ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 13)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • xamdi
    March 21, 2012 @ 09:58:41AM

    halala dagaalamo argagaxisada quruntay

  • Addow
    March 16, 2012 @ 09:23:50PM

    In la qabto shirar dib-u-heshiisiin iyo inay qolo waliba samayso tanaasulaad waxay keenaysaa in lays aamino oo dhinacyadoo idil ka qaybqaataan wadahadalka arrimaha kusaabsan waddanka iyo dowladda soomaaliya ooy kamid yihiin mustabalka siyaasadeed, diyaarinta dustuur kuhabboon soomaliya, dib-u-dhisidda waddanka, ilaalinta xuquuqda dadka iyo kooxaha oo ay siyaasadda ka qayb qaataan, dhisidda nidaam kudhisan federal iyo in gobollada ismaamul gaar ah la siiyo, qaabiilka in loo adeegsado sida fiican, kheyraadka iyo dhaqaalaha in si caddaalad ah loo qaybsado, in dib loo qorsheeyo loona taageero dhaqdhaqaayadii dhaqaalaha iyo wanaajinta heerka nolosha dadka soomaaliyeed, waana in dowladaha iyo uruurada caalamiga ahi iska ilaaliyaan inay koox u janjeedhaan si looga fogaado in loolanku soo noqdo.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada