Soomaalida oo xustay Maalinta Haweenka Adduunka

Waxa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga iyo Barkhad Daahir oo Hargaysa jooga

Maarso 09, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Iyaga oo xusaya Maalinta Haweenka Adduunka, ayay haweenka Soomaaliyeed waxa ay abaabuleen bannaan-baxyo lixaad leh, kulanno iyo xaflado ay ka oogeen dhammaan dalka si ay ugu dabaal-dagaan guulaha dumarka isla markana ay u dalbadaan xuquuq dheeraad ah iyo matalaad ka kabadan tan ay hadda haystaan oo ay ka helaan xukuumadda, bulshada rayidka ah iyo ganacsiga.

  • Haweenka oo Muqdisho ku xusay Maalinta Haweenka Adduunka, iyaga oo xiran dhar lagu xardhay calanka qaranka ee Soomaaliya. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

    Haweenka oo Muqdisho ku xusay Maalinta Haweenka Adduunka, iyaga oo xiran dhar lagu xardhay calanka qaranka ee Soomaaliya. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

  • Wasiiradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Ilham Maxamed Jaamac oo ka hadlaysay dabaal-daggii Hargaysa ee Maalinta Haweenka Adduunka. [Barkhad Dahir/Sabahi]

    Wasiiradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Ilham Maxamed Jaamac oo ka hadlaysay dabaal-daggii Hargaysa ee Maalinta Haweenka Adduunka. [Barkhad Dahir/Sabahi]

Wasiirro, saraakiil millatari iyo hogaamiyayaal ururo haween ayaa ka soo qayb-galay xafalad rasmi ahayd oo lagu qabtay “Guriga Hooyooyinka” Muqdisho Khamiistii (8-da March).

Urarada haweenku waxa ay sidoo kale qaban-qaabiyeen isu-soo-baxyo ay ka soo qayb-galeen boqollaal haween ah markii ugu horeeysay tan iyo markii al-Shabaab awoodda looga saaray Muqdisho. Haweenku waxa ay isugu soo baxeen bannaanka hore ee golihii hore ee Murtida iyo Madadaallada (Tiyaatarka Qaranka), oo u dhow qasriga madaxtooyada iyagoo sidoo kalena isugu soo baxay qaybo kale oo ka mida caasimadda si ay u xusaan munaasabadda.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay door muhiim ah oo aan la inkiri karin ka soo qaateen halgankii gobanimo-doonka iyo xuriyaddii,” ayuu yiri madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlay xafladda rasmiga ah ee ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. “Haweenku waxa ay ragga ku garab-taagnaayeen dhammaan duruufihii la soo maray.”

Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Soomaaliya Maryan Aweeys Jaamac ayaa soo dhawaysay heshiiskii lagu gaaray Mabaadii’dii Garoowe II ee haweenka u ogolaanayay in loo qoondeeyo 30% kuraasta barlamaanka xukuumadda soo socota, iyada oo arrinkaa ugu yeertay tallaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan iyo qaddarin la siiyay doowrka wanaagsan ee ay haweenku ka soo cayaareen labaatankii sano ee ugu dambeeyay.

“Xukkuumadda xilligan ee Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya waxa ay dhiiri-galinaysaa in ay haweenku ka qayb-qataan dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha, waxayna u argtaa xukuumaddu in ay haweenku doowr hogaamineed ka cayaaraan dadaallada dalka loogu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida,” ayaa tiri wasiiraddu. “Waanu sii wadi doonaa ololahan sifo loo helo ka-qayb-gal buuxa oo firfircoon oo ay haweenka Soomaaliyeed ku yeeshaan xukuumadda iyo hoggaankeedaba.”

“Haweenku waxa ay awood u leeyihiin in ay dalkooda ugu adeegaan sida ragga oo kale,” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Madaxweyne Axmed waxa uu sidoo kale ku celiyay taageeradiisa ku aaddan kuraasta dumarka loo qoondeeyay. Waxa uu sheegay go’aanka lagu gaaray in haweenka laga qayb-galiyo arrimaha siyaasadda in ayan ahayn natiijo ka timid cadaadis ka yimid bannaanka, laakiin taa baddalkeeda tallaabadu ka tarjumaysay qaddarin iyo garawshiyo laga sameeyay dowrka muhiimka ah ee ay haweenku ka cayaaraan bulshada dhexdeeda. Waxa uu ku dhaartay in uu sii wadi doono qorshihiisa ku aaddan horumarinta doowrka haweenku ku leeyihiin awoodda iyo sidoo kale bulshada dhexdeeda iyo arrimaha waxbarashada.

Wasiiradda Haweenku waxa ay sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay aragto haween Soomaaliyeed oo ku labbisan calankii buluugga ahaa ee Soomaaliyeed iyo qaar gashan dharkii hiddaha iyo dhaqanka. “Sannad ka hor in yar oo dumarka Soomaaliyeed ah ayaa lahaa geesinimada ay ku gashan karaan dharkii lagu yiqiin dhaqanka Soomaaliyeed, sababtoo ah waxa ay ka baqayeen in ay dilaan qolyaha argaggixisada ah,” ayay tiri.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay door wayn ka soo cayaareen badbaadinta qoysaskooda, waxayna dhabarka u riteen culayskii ugu badnaa 20-kii sano ee uu dalku ku jiray dagaalka sokeeye,” ayay tiri wasiiraddu.

Sidoo kale, wasiiraddu waxa ay dalbatay in dumarka Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha barakacayaasha loo fidiyo ilaalin dheeraad ah si looga difaaco colaadaha salka ku haya kufsiga iyo jinsiga. “Aad ayaan uga murogoonnaa markaan maqalno in ay xaalado kufsi ka dhex dhacaan xeryaha barkacayaasha ee Muqdisho,” ayay tiri. “Waa in aynaan oggolaan in dumarka, gaar ahaan kuwooda barakacayaasha ah, lagula kaco cadaawadda intaa le’eg.”

Sahra Cabdullaahi, waxa ay u dhaq-dhaqaaqdaa xuquuqda dumarka, waxayna Sabahi u sheegtay in xad-gudubyada ku salaysan jinsiga iyo kufsigu ay caadi ka yihiin xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay la soo dhibaatoodeen, walina la dhibaataysan yihiin, faquuqid, xaqiraad, shaqo-la’aan, xad-gudubyada noocyadooda kala duwan iyo fursado waxbarasho oo xadidan,” ayay tiri. “Waa in aanu soo af-jarnaa dhaqankaa oo isagu sabab u ah in haweenku kaalin xaddidan ku yeeshaan hanaanka siyaasadda.

“Waxanu ku baaqaynaa in la dhameeyo dhammaan noocyada xad-gudubyada ee lagula kaco haweenka Soomaaliyeed,” ayay tiri Sahra.

Dabbaal-dagyada Somaliland ayaa diiradda saaray nabadda iyo haweenka reer miyiga

Dabaal-dagyadii laga sameeyay Somaliland ayaa sidoo kale lagu muujiyay qaddarinta loo hayo kaalinta haweenku ku leeyihiin mujtamaca, iyada oo diiradda la saaray dadaallada haweenka ee dhinaca nabadda, dimuqraaddiyadda iyo dhismaha qaranka. Hal-ku-dhagga dabaal-daggii Hargaysa ayaa ahaa “Taageer Haweenka reer Miyiga, si loo cidhib-tiro Saboolnimada”.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada Baashe Axmed Yuusuf ayaa sheegay in haweenku ayan tiro u qalanta ku lahayn golaha xukuumadda Somaliland, barlamaanka iyo dawladaha hooseba.

“Haweenku waa qaybta ugu badan bulshada, qaybtaasi haddii ay maqan tahayna waxa xaqiiq ah in horumarka dalkuna aanu halka aynu doonaynay gaadhaynin,” ayuu ku yiri hadalkiisii uu ka jeediyay xafladdii rasmiga ahayd ee lagu xusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee ka dhacday Hargaysa.

Yusuf waxa uu sheegay in Islaamku uu taageerayo xuquuqda haweenka, haseyeeshee ayan bulshadu meel-marin.

Fowsiya Yusuf Xaaji Aaden, waxay madax ka tahay urur-siyaasadeedka Nabad, Dimoqraadiyad iyo Barwaaqo oo ah ka keliya ee ay haweenay hoggaamiso ee ka mid ah 15-ka urur-siyaasadeed oo dhawaan la aas'aasay, waxay sheegtay in haweenku ay kaalin muhiim ah ka soo cayaareen nabadayntii bulshada iyo dhismaha qaranka Somaliland, balse uu wali culays ka haysto markay timaado ka qayb-galka siyaasadda.

“Caqabadaha ugu waawayn waa in aanay lahayn kalsooni ah inay ka qaybgalka siyaasada ku dhiiradaan iyo dhaqaale-xumo,” ayay tiri.

“Waxaanu u ololaynaynaa in haweenku si mug leh uga qayb-galaan siyaasadda, ilaa haweenku ay ragga hadda kuraasta goleyaasha ku fadhiya ka bataana joojin mayno,” sidaa waxa Sabahi u sheegay Nafisa Yuusuf Maxamed oo ah Agaasimaha Fulinta ee shabakadda NEGAAD.

NEGAAD waa dallad kulmisa 46 urur oo Somaliland ah kuwaasoo ka shaqeeya in ay haweenka ka dhisaan dhinacyada waxbarashada, isku-fillaashaha dhaqaale, kulug-lahaashaha arrimaha madaniga ah, xuquuqda haweenka iyo ilaalinta degaanka.

“Nolosha Haweenka, gaar ahaan hooyooyinka reer Miyigu oo ku jira duruufo adag oo nololeed, ayaa waxaa ugu sii darsamay abaaro xoolihii ka baabbi'iyey,” sidaa waxaa yiri Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, oo ah agaasimaha urur la yiraahdo Candle Light oo ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo degaanka oo ka dhisan Somaliland.

“Waxaan dawlada iyo hay’adaha caalamiga ah ku boorrinayaa inay wax u qabtaan reer Miyiga, sababtoo ah dhaqaalaha Somaliland baa ku tiirsan,” ayay tiri Shukri.

Wasiiradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Ilhaam Maxamed Jaamac ayaa sheegtay in xukuumaddu u qoondeeysay dhaqaale sifo adeegyo caafimaad loogu fidyo haweenka reer miyaga ah.

“Shalay waxaan ka soo laabtay socdaal aanu aniga iyo wasiirka Beeruhu ku soo maray afar gobol oo dhinaca bariga ah,” ayay tiri wasiiraddu. “Waxaan ku soo arkay xaalad liidata oo hooyooyinku ku jiraan. Ma haystaan goobo caafimaad iyo jidad gaadiidku soo mariyaan marka ay fooshu qabato.”

Wasiiraddu waxa ay ugu yeertay ururrada ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimo in ay xarumo caafimaad u dhisaan muwaadiniinta ku nool dhulalka miyiga ah.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • سعدونيسة جبروت
    April 22, 2012 @ 10:45:26AM

    Qofka Soomaaliyaga ahi (Waryaa) waa miskiin intaa raadinaya meel uu ka shaqeeyo. Waryaa wuxu jecelyahay in uu u noolaado sida dadka kale ee dunidan ku nool. Waryaa wax u ku haysto waddankiisa ma jiraan. Cunno ma heli karo, cabitaan ma jiro, shaqo ma jirto, gaadiid ma jiro, waxba ma jiraan. Noloshaa adag dartee, Waryaa intaa waxa uu dalbanayaa meel uu magan galo. Marka hor iyo horraan, waa in aan aan garab is-taagnaa Waryaa si uu u helo quutul-yoomkiikiisa, markaa kadib aan ka wada hadalno qaddiyadda hawiinka Soomaaliyeed.

  • Mohamed Ahmed
    March 21, 2012 @ 05:15:07AM

    Bulshooyin badan oo Soomali ah ayaa kala burburay sababtoo ah cadaadiska uga yimid ciidamada hubaysan, waxaana qasab ku noqotey ragga iyo wiilashu inay maleeshiyaadkooda galaan, halka inta badan ay dumarku yihiin kuwo kali ah oo looga tagay laba caruur ah, dabadeedna waxa ay iska aaddaa safar u aaddaa xeryaha qaxootiga iyada oo maraysa waddo ay khatar badan.

  • rage
    March 19, 2012 @ 01:28:27AM

    Waxaybaha kudhaca haweenka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka loo gaysto iyo sida aan xuquuqdooda loo ilaalin iyo sida ayna haweenku iyo gabdhuhu loogu qoondeeyn wax adeeg ah,iyo sida ay gabdhuhu mar walba ula kulmaan noocyada kala duwan ee xadgudubka, arrimahaas oo dhan waxay kaqayb qaadanayaan in dambiyada haweenka laga galo ay si socdaan kuwaas ooy kamidyihiin kufsiga, dambiyada galmada la xidhiidha iyo kuwa aan la xidhiidhinba, sidaa darteed in gabadha wax la baro oo la wacyi galiyo waa arrin lagama maarmaan ah, waxaa kaloo ay tahay in lagu dhaqmo sharciga si loo ilaaliyo sharafta dumarka soomaaliyeed.

  • Moha
    March 17, 2012 @ 06:26:58PM

    Waxaa kamid ah khatarta soo waajahda haweenka soomaaliyeed inaysan jirin wacyi-galin diimeed iyo mid dhaqan iyo in ayna xidhiidh la yeelan ilaha kheyraadka waddanka iyo isgaarsiinta. Waxaa la ogyahay soomaaliya inay tahay meel caadaadka iyo dhaqanku ku xeel dheeryahay, oo inta badan gabdhuhuna aanay waxba baran, laguna xakameeyay in ay joogaan guryaha, markay inta bareerto guriga ka baxaysana waa mar ay hawl u socoto. Intaa waxaa dheer, arrinta ugu khatarta badan ee ku dhici kara dumarka waa inay uur qaadaan, maxaa yeelay mid ayaa boqolkii haweeen ee dhashaba u dhimata adeeg xumada daryeelka caafimaad ee ay helaan.

  • Katrush
    March 16, 2012 @ 09:38:01PM

    Islamarkaba, way fududahay in la ogaado in haweenka soomaaliyeed ayna taladooda haysan oo noloshooda say tahay u qaadan karin. Qoysasku way kasaaraan gabdhahooda iskuulada ayaa da’ yar wayna u guuriyaan, ayadoo ragga lacagta leh ay aadaan Muqidishu si ay naago ay guursadaan uga helaan, waxaana isla markaa waxaa qasab kunoqota qoysaska inay gabdhahooda raggaas u guuriyaan sidii ayagoo badeeca la iibinayoo kale ah, xiitaa haddaan eegno saxaafadda soomalida waxaa haysta rag taasoo waxayna taasi ka dhigantahay soo qaaditaanka arrimaha haweenku inay aad u yaryihiin. Wax kasoo qaad la’aanta iyo waxyaabaha khaldan ee la aaminsyahay ayaa ah waxybaaha ugu waawayn ee haysta dumarka soomaaliyeed, waxaana jirta in si wayn looga soo horjeedo xuquuqda haweenka, tusaale ahaan xaqa haweenka ee waxbarashada waa mid la duudsiyey. Waxay dadka qaar aaminsanyihiin in baaqii adduunka ee xuquuqda aadanaha inaysan haweenku wax kulahayn, mushkiladda dhabta ah ee haweenka soomaaliyeedna waa inayna dumarku haysan akhbaar iyo macluumaad kufilan oy ku gartaan xuquuqdooda mana jiraan haween kale oo meel dheer gaadhay oo ku daydaan mana jiraan cid dhiiri galin iyo geesi galin siisa. Haweenka soomaaliyeed ma awoodaan inay noloshooda gacantooda ku haystaan, mana laha cod siyaasadeed kama qayb galaan jaangoynta go’aamada.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxaa kugu dhiirri-galiya in aad mas'uuliyiinta amniga ku wargaliso falalka laga shakiyo ama xubnaha loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin ee al-Shabaab?

Fiirso natiijada