Al-Shabaab ayaa masuul ka ah qarxintii tartanka kubbadda cagta: saraakiil Soomaaliyeed

Waxa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Febraayo 29, 2012

  • 8 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ugu yaraan shan dhallinyaro ah ayaa ku dhintay dhawr kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay bambaano ka qaraxday tartan kubbaddeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho maalintii Isniinta ee (27-ka February).

  • Ciyaartoyda Kubbadda Cagta Soomaaliyeed oo ku hardamaya xakamaynta kubbadda iyadoo ay dad badani ay garoonka ku daawanayaan tartanka Kubbadda Cagta February 22keedi. Shan maalmood ka dib, bambaano ayaa lala beegsaday taageerayaal kubbaddda cagta ah oo kuwan oo tartankan oo kale daawanayey. [Mustafa Abdi/AFP]

    Ciyaartoyda Kubbadda Cagta Soomaaliyeed oo ku hardamaya xakamaynta kubbadda iyadoo ay dad badani ay garoonka ku daawanayaan tartanka Kubbadda Cagta February 22keedi. Shan maalmood ka dib, bambaano ayaa lala beegsaday taageerayaal kubbaddda cagta ah oo kuwan oo tartankan oo kale daawanayey. [Mustafa Abdi/AFP]

Qaraxa ayaa ka dhacay Garoorka Minishipio oo ku yaalla degmada Wardhiigley ee bartamaha Muqdisho iyadoo lagu jiray ciyaarihii kama dambaysta ahaa ee tartanno maxalli ahaa, kuwaa oo qayb ka ahaa olole wacyigalineed oo lagu doonayey in lagu abuuro wadajir iyo isdhexgal bulsho oo ay soo abaabushay Dawladda Hoose ee Muqdisho

Ciduna ma sheegan masuuliyadda qarxintan balse Dawladda FKMG ah ayaa al-Shabaab ku eedaysay qaraxan.

"Kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ayaa ka dambaysa weerarka lagu qaaday istaadiyamka Muqdisho,” ayay warmurtiyeed ku tiri DFKMG ah.

"Maalin murugo leh ayay u tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed mar haddii carruurteenna lagu xasuuqayo in ay xaafaddooda ku cayaarayeen kubbad oo keliya,” ayuu ku sheegay war-murtiyeed ku hadlayey afka DFKMG ah. “Waa wax ka sii qarracan badan in dadka gurracan ee arrintan ka dambeeya ay sii sheeganayaan in ay yihiin Muslimiin.”

Warmurtiyeedkan ayuu Nuur carrabka ku adkeeyey sida ay dawladda uga go’an tahay raadinta nabadda iyo degganaanshaha, wuxuuna sheegay in ammaanka la xoojin doono meelaha ay bulshadu ku soo ururto gaar ahaan meelaha ay isugu yimaadaan carruurta iyo dadka waaweynba.

"Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in ay la dagaallanto fallaagadan u baratay daadinta dhiigga carruurteenna aan waxba galabsan iyo muwaaddiniinteenna” ayuu yiriu Nuur, isagoo intaa ku daray in dawladdu aysan waxba ka dib dhigan doonin in ay difaacdo dadkeeda.

"Dhacdooyinka caynkan ihi ma cabsi gelin doonaan dadka Soomaalida, ciidamadooda qalabka sidana iyagoo ay shacabku taageerayaan ayay ka lib keeni doonaan fulayadaan dhammaan xagjirradana waa la kala eryi doonaa,” ayuu yiri Nuur.

DFKMG ah ayaa dhawaan billowday in ay maamullada degmooyin dhawr ah oo Muqdisho ka mid ah ku dhiirriggeliso in ay abaabulaan munaasabado sida Isboortiga oo kale ah ooo nabadda lagu taageerayo si dib loogu soo nooleeyo isdhexgalkii bulshada ku nool caasimadda, iyo weliba in la muujiyo in nolosha Muqdisho ay caadi ku soo noqotay.

Inkastoo ay jiraan waxyaabo badan oo caasimadda ka soo hagaagay oo dhinaca amniga ah, haddana weli waxaa magaalada halis ku haya ismiidaaminta baabburta iyo bambaanooyinka la macmalo.

Al-Shabaab ayaa horay ugu gooddisay in ay sii dardargelin doonto weerarradeeda Muqdisho ka dib markii ay ciidamada amnigu dibedda uga riixeen meelihii ay awoodda ku lahaayeen ee caasimadda iyo meelo kale oo Soomaaliya ah. Bilayska Soomaaliya ayaa sheegay in ay heegan sare ugu jiraan in ay xoojiyaan amniga caasimadda oo ay ka hortagaan weerarro lagu bar-tilmaameedsado rayidka aan waxba galabsan.

'Shaki ma leh' in bambaanada lala beegsanayey taageerayaasha kubbadda cagta

Wax yar ka dib markii uu dhacay weerarkii Isniinta ayay ciidamada nabadgelyadu degdeg ku yimaadeen goobtii weerarka si ay u furan baaritaan la xiriira sida ay arrintu u dhacday. Goobjoogeyaal ayaa sida muuqaalku ahaa u faahfaahiyey Sabahi.

"Qaruxu wuxuu ka dhacay istaadimyamka dhexdiisa wax aad u yar ka hor billaabashadii ciyaarta kama-dambaysta ah ee u dhexysay labo kooxood oo degaanka ah,” ayuu Cabdirisaaq Xuseen Yamani, oo goobjooge ahaa oo ugu warramay Sabahi.

"Ma jirin wax werwer ah oo ku saabsan weerar dhici kara, in kastoo ay dhab tahay in ay bilaysku meesha ka heleen waxyaabo qarxa haraagood,” ayuu yiri. “Boqollaal ka mid ah dadka kubbadda cagta u judbaysan ayaa meesha isugu soo ururay, daawadayaashiina waa ay fariisteen, iyadoo ay cid waliba sugaysay in ay ciyaartu billaabanayso. Dabadeed, markiba qarax weyn ayaa ka dhacay meesha laga soo galo istaadiyamka, iyadoo ay u dhawaayeen tobannaan daawade.

Yemeni ayaa sheegay in dadkii istaadiyamka joogey ay cabsi weyn haraysay markii uu qaruxu dhacay.

Cabdiraxmaan Faarax oo goobjooge kale ah ayaa Sabahi u sheegay in cid kastaa ay nafteeda kala baxday istaadimyamka qaraxa ka dib.

"Waxaan arkay meydadka labo wiil oo qaraxa ku dhintay iyo toddoba kale oo dhaawacantay, qaar kuwaa ka mid ahina waxay ahaayeen saaxiibbaday,” ayuu yiri.

"Dhamaan dadka wax gaareen intooda badan waxay ahaayeen daawadayaashii, mana jirin cid ka mid ah cayaartoyda oo ay wax gaareen,” ayuu yiri Faarax.

Maxamed Macallin oo ah wade ambalaas oo u shaqeeya Muasasada Al-Ameen ee Adeegyada Ambalaasyada ee Muqdisho ayaa Sabahi u sheegay in dhibanayaashu ay u badnaayeen dhallinyaro iyo in qaarkood uu xaalkoodu liito.

"Ambalaasyada mu’asasada waxay meesha qaruxu ka dhacay ka daabbuleen 15 dhibbane oo ay geeyeen cisbitaallada Muqdisho, saddex dadkaa ka mid ahna gadaalkii waxay u geeriyoodeen dhaawacyadii halista ahaa, meesha 12 ka kalena haatan lagu dabiibayo cisbitaallada, ayuu yiri Macallin.

Talaadadii, DFKMG ah ayaa sheegtay in labo qof oo kale ay u dhinteen dhaawacyadii habeen hore,taas oo tirada geerida gaarsiinaysa shan qof.

Aagga ay bambaanadu ka qaraxday ayaa waxaa horay ugu dagaallami jirey al-Shabaab iyo ciidamada dawladda intii aanay al-Shabaabku caasimadda isaga bixin bishii August.

Goobjoogeyaal Sabahi la hadlay ayaa sheegay in aysan garanayn in miino horay ugu xabaallayd istaadiyamka ay shil ahaan ku qaraxday, taas oo keentay qaraxa, iyo in si kas ah miinada meesha loogu geliyey si ay u qaraxdo markii ay ciyaartu billaabato

Gaashaanle sare Maxamed Cadi oo ah sarkaal ka mid ah bilayska maxalliga ah oo yimid meesha qaraxa ka dib ayaa dadka hubaal uga dhigay waxa meesha ka dhacay. “Shaki kuma jiro maskaxdeenna oo waa inoo caddahay in shayga qarxay mar dhaw la geliyey istaadiyamka lalana beegsanayey tartanka kama dambaysta ah,” ayuu ku yiri Sabahi.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 8)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • maria
    March 31, 2012 @ 05:40:46AM

    qiyaas bal sida bini aadanimada ka baxsan ee uu dadku u dhaqmo, dadku waa in ay joojiyaan dhaqanka aan caadiga ahayn waana in ay sameeyaan waxa saxda ah. waa anaga nafteena kuwa laga rabo in ay dhameeyaan dagaallada oo ay nabad dhaliyaan. Dowlada waa in ay si fiican u ilaalisaa nooca dadka loo ogolaanayo in ay soo booqdaan dalka.

  • raibu chura
    March 20, 2012 @ 03:01:10AM

    Waxaynnu nahay Afrikaan isleynaya…..waxay taas ku caddaanaysa in waxa caddaanku in badan inagu sheegi jirey ineynu nahay qaaraddda mugdi ah oo dadkeedu uusan ilbixin inay run tahay….. waa dagaal macna darra ah….hadday eedaynayaan dowladda …. Waa inay halkaa bar-tilmaameedsadaan….

  • kenindiah
    March 15, 2012 @ 09:30:44AM

    Adduunkan si dagdag ah oo kadis ah ayuu ku dhamaan doonaa. Caqligan dadka lagu laynayo waa mid bini'aadanimada ka fog. Rabiyow soo fara gali

  • Musa Ode
    March 13, 2012 @ 12:06:49PM

    Waa xanuun akhrinta maqaalkan. Ma garanayo sababta dadku u doonayaan inay u dhaqmaan sida xoolaha oy dadka aan waxba galabsan magaca Alshabab iyo Alqaacida iyo wax lamid ah ugu laynayaan. Ciisow imow oo kaalay na bad baadi, waxaannu ka daalnay arrintan mar kasta dhexdannada ka dhacaysa.

  • Martin M.
    March 7, 2012 @ 03:43:30PM

    Wax kastoo dhaca, riyadeeyda ah iney maalin uun Soomaaliya amaan noqoneyso way rumoobi. Way xanuun badan tahay akhrinta maqaalkan, laakiin waa wax fiican in la ogaado in dadku ay dadaal ugu jiraan sidii soomaaliya ay waddan nabad ah u noqon lahayd.

  • mohamed abdul
    March 4, 2012 @ 09:13:32AM

    Adduunkoo idil waa inuu isku hawlaa arrimaha Soomaaliya oo jawaabta kuhaboon bixiyaa.

  • Richard Ouko
    March 2, 2012 @ 06:39:51AM

    Waxaan maqaalkan akhriyay ayadoo muruga badan ay ku dheehan tahay wadnaheyga. Gaar ahaan in maamulka Soomaaliya uu isku dayayo in uu dadka ku caawiyo in ay noolaadaan ayagoo ka qaybgalaya waxqabadyada bulshada ee caawimaada ka geysta in ay dhaliyaan isku-xiraan. Aniga ma ihi Muslim balse waxaan fahansanahay in Islaamka uu yahay diin nabadeed. Kuwa fuliyay weerarka masiibada ah ma sheegan karaan muslimnimo. Sida kale maqaalka waxaa loo qoray sida ay xaqiiqadu tahay. Sare u sii qaad.

  • Leonard G Maina
    March 1, 2012 @ 08:45:34AM

    Masiixinta, Yahuuda, Muslmiinta iyo dhammaan inta alle rumaysan ee ilaaliya sharafta xurmada bini'aadanka waa in ay gacmaha is qabsadaan. Dhammaan kooxaha argagaxisada waa in laga cirib-tiraa bulshada ilbaxday dhexdeeda. Waa arrin shaydaanimo daris la ah in qof ama koox ay ay ku aqdaamato magaca alle marka ay dilayanaan dadka aan waxba galabsan ee aan maciinka haysan. Ilaaha Ibrahim, Isaaq iyo Yacquub ma aha fulay umana baahna bini aadam dhinte ah in ay u dagaalamaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada