Febraayo 28, 2012
Shirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya ku saabsanaa ee London ee dhacay 23-kii February ayaa fursad aan iyadoo kale horay loo arag u siiyay dalku in uu dib isu dhiso ka dib 20 sano oo dagaallo ah.
Shirka London ayaa wuxuu dhacay wax yar ka dib Shirkii Garoowe II oo uu intii uu socday Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay heshiis kula gaartay hoggaamiyeyaal kooxo badan oo siyaasadeed oo Soomaaliyeed kuwaa oo ku heshiiyey in loo gudbo hab maamul oo ka salballaaran tan haatan, haysatana kalsoonida shacabka, ka dib marka uu dhamaado xilliga sharcinnimada ku-meel-gaarnimada ah ee dawladda haatan oo dhamaanaya bisha August.
Shirkii Garoowe ayaa waxa uu ku soo hagaagay xilli ay dawladdu ballaarisay awooddoodeeda meelaha ka baxsan caaasimadda markii ugu horeeysan sanado badan, kadib guuldarrooyin isxig-xiga oo soo gaaray xarakada al-Shabaab, oo noqotay xulufo rasmi ah oo ay al-Qaacida ku leedahay Geeska Afrika.
Dhab ahaantii Soomaaliya hal habeeyn kuma bogsan karayso laakiin sida uu rajeeyey raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, shirka London wuxuu noqon karaa “kala-bayrka” tubta soo kabashada.
Ka qaybgalayaashii shirka London,oo kala metelayey 40 dal iyo hay’ado caalami ah ayaa isla caddeeyey in dhamaynta dhibaatada Soomaaliya ay ugu dambayntii ku jirto gacmaha Soomaalida, laakiin beesha caalamku ay keliya taageeri karto go’aankii ay iyaga Soomaalida ahi gaaraan.
Beeha caalamka ayaase caddaysay in aanay u dulqaadan doonin in la arbusho soo kabashada Soomaalida iyo weliba in cunaqabatayno la saari doono ciddii hor istaagto in nabad la gaaro.
War-murtiyeedkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay shirka wuxuu isaguna caddaynayey in ay beesha caalamku iska diiddey in si joogto ah loo kordhiyo xilliga ku-meel-gaarnimada ee DFKMG ah, iyadoo halkaa hoosta looga xarriiqay ballantii ay madaxda Soomaaliyeed ku galeen Garoowe.
Axmed ayaa shirkii Garoowe uga dhawaaqay in in DFKMG ah ay heshiis kula gaartay madaxweynaha Puntland, Abdulraxmaan Maxamed Faroole, madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo hoggaamiyeyaasha malleeshiyada dawladda la xulufada ah ee Ahlu-sunna Wajamaaca in xilliga ku-meel-gaarnimada ahi la soo ebyo August, in la sameeyo hab labo aqal oo baarlamaan leh, iyo in la kordhiyo ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka siyaasadda iyadoo haweenka 30% kuraasta baarlamaanka ah loo meel-dhigay.
Ka sakow taageeridda hannaanka xaalad-ka-gudbinta siyaasadeed, wakiilladii shirka London waxay isku raaceen in dawladda FKMG ah laga taageero dedaalladeeda ay xukunkeeda ugu ballaarinayso aagagga laga xoreeyey dagaalyahaniinta al-AShabaab.
Qaramadu waxay sidoo kale isku raaceen in la sameeyo barnaamij loo sameeyo kuwa soo taga si loo dayactiro dagaalyahaniinta ka soo goosta askarta al-Shabaab iyo kooxaha hubaysan. Dagaalyahaniinta al-Shabaab ayaa lagu dhiirriggelinayaa in ay isaga baxaan qalalaasaha oo ku soo biiraan bulshadooda, iyadoo la siin doono fursado shaqo iyo tababbarro u suuro-geliya in ay raadsadaan xirfado ay ku xoogsadaan.
Barnaamijkan ayaa horay looga hir-galiyay meelo adduunka ka mida, sida in santuukh gaar ah loo abuuro xag-jiriinta ka soo goosta Talibaanta Afgaanistaan.
DFKMG ah ayaa haatanba ku dhex jirta fulinta qorshaha caynkan ah oo siinaysa dagaalyahaniintii hore daryeel iyo shaqo joogto ah. In kastoo aan la saadaalin Karin guusha ay arrintani keeni karto oo ay tahay waqti hore, haddana waxaa jira fursado lagu soo xero-gelinayo kuwa doonaya in ay dhismaha dalkooda uga qayb qaataan qaabab ka maran colaadda.
Si ay arrintani u guulaysato, waa in xubno al-Shabaab ka mid ahi ku qancaan in mustaqbalka ugu fiican ee dalkoodu in aanu ku jirin in la joogteyo dagaalka lagala soo horjeedo dawladda ama in lagu biro jihaad caalami ah oo qayb laga noqdo al-Qaacida.
Xarakada al-Shabaab ayaa waxaa ku jira kooxo kala afkaar duwan, oo qaar ay shaki ka muujin karaan macquulnimada in lagu biro al-Qaacida oo dagaallo lagu qaado waddamada Galbeedka. Waddamadaa iyaga ah oo reer Galbeedka ah ayaa waxay inta badan bixiyaan cawinta ay aadka ugu baahan yihiin muwaaddiniinta Soomaaliyeed, sida kaalmada aadaminnimo iyo dawada, iyo xitaa caawinta amniga iyo dhismaha hay’adaha qaranka.
Waqti dhaw ayaa laga yaabaa in ay aad u soo muuqdaan khilaafaadka ka dhexeeya kooxda al-Shabaab, gaar ahaan haddii ay sii socdaan guuldarrooyinka ku dhacaya xarakada oo Muqdisho ay gacantooda ka baxday guud ahaanteed iyo weliba magaalada Baydhaba, oo ay soo galeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya toddobaadkii hore. Hoos iyo dhinaca koofureed, xaalad aan tan ka fiicnayn ayay wajahayaan al-Shabaabku, iyadoo meelo dhawr ah oo muhiim ahi ay ka qabsadeen ciidamada daacadda u ah dawladda Soomaaliya iyo kuwa Raskamboni oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Al-Shabaab waxaa kaloo uu cadaadis ka haystaa u gaarsi lagu hayo ajaanibta ka garab dagaallanta oo ay ciidamada caalamiga uhu u qabaan in ay yihiin xiriirka isku xira al-Qaacida iyo al-Shabaab. Hoggaamiyeyaashaa aan Soomaalida ahayn ayaa duqayn u eg midda ku dhacda al-Qaacidada Wasiiristaan lagu dilaa. Duqaymaha Soomaaliya ayaa sida kuwa Afgaanistaan waxtar u ahaa.
Duqayntii ugu dambaysay oo dhawr beri ka hor uun ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose ee koofurta ka xiga Muqdisho ayaa dishay tiro al-shabaab ah oo ajaanib ah. Dhimashada raggaas ayaa timid wax yar ka dib dilkii “Abu Hafs” oo reer Lubnaan ahaa, laguna sheegay in uu ahaa hoggaamiye al-Qaacida ah oo joogay Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa xaqiijisay in lagu dilay meel Muqdisho u dhaw.
Waxaa laga yaabaa in ay xilli hore tahay in la qiimeeyo shirka London ee Soomaaliya ku saabsanaa, laakiin markii ay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee ka soo qayb-galay dalkoodi ku noqdaan waxay shaki la’aan og yihin caqabadaha waaweyn ee hortaagan, iyo in aanay beesha caalamku qaban karayn waxa ay tahay in ay iyagu qabtaan.
Xagaaga markii la gaaro, waxaa caddaan doona tubta ay qaaddo xaaladda Soomaaliya, waxaa kale oo caddaan doona sida ay dawladda Soomaaliya u guda gasho dib-u-dhiska hay’adaha dawliga ah ee ay ka samayn doonto meelaha ay al-Shabaabku ka baxeen.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waddamo badan oo horumaray ayaa dhab ahaantii doonaya inay gacan ka gaystaan si ay Soomaalidu waddankooda dib ugu dhistaan. Waddamadaasi waxay isku dayayaan inay maal-galinyaan Soomaaliya una soo jiidaan deeq bixiyayaasha si loo caawiyo dhallinyarada. Sababta ku qasbaysa dhallinyarada Soomaaliya inay ku biiraan ururada argagixisada ah waa shaqa la’aanta jirta. Haddii beesha caalamku soo gasho waddanka oy horumarin ku sameeyaan taasi waxay sahlaysaa in dhallinyaro badan u soo istaagaan in ay ka qayb-qaataan qaddiyadaha macnaha leh. Taasina waxay gacan ka siinaysaa dhallinyada in ayan noqon xag-jir isla markaana ayan u nuglaan afkaarta xag-jirnimo ee al-Shabaab. Dhallinyaradu way u fududyihiin in la lunsado oo fikrado khaldan lagu shubto gaar ahaan marka lacag lagusoo jiidanayo, taasina waa sababta dhallinyaro faradbadan ay ayagoon la qasbin ururadaas argagixisada ah ugu biiraan.