Ciidamada Nabbad Illaalinta Afrika oo gaaray saldhig ay al-Shabaab ugu xooga badnayn bannaanka Muqdisho

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga.

Febraayo 16, 2012

  • 60 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada wadajira ee Soomaalida iyo kuwa nabbad illaalintu waxay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaal qadhaadh oo Talaadadii (February 14-keedii) ka dhacay dhinaca galbeed iyo koonfureed ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen masuuliyiin Soomaaliyeed oo qaabilsan suggida ammaanka iyo Madaxda Ciidamada Nabbad Illaalinta Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ku sugan.

  • Askari ka tirsan Ciidamada Dawladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka oo garab taagan taangi ay leedahay AMISOM oo ku sugan aagagga furinta ee dagaalka ka dhanka ah xoogagga al-Shabaab. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

    Askari ka tirsan Ciidamada Dawladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka oo garab taagan taangi ay leedahay AMISOM oo ku sugan aagagga furinta ee dagaalka ka dhanka ah xoogagga al-Shabaab. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

“Ciidamada qaranka, oo ay taageerayaan Ciidamada Nabbad Illaalinta Afrika, waxay awoodeen inay hore ugu sii durkaan goobtii ay awoodda ku lahaayeen kooxda mucaaradka ee al-Shabaab -- ee xiriirku ka dhexeeyo al-Qaacida -- goobtaasi oo ahayd deggaanka Ceelasha Biyaha iyo marinka Afgooye," ayuu yiri Kornayl Cabdilaahi Cismaan oo ah abaanduulaha guutada labbaad ee ciidamada Dawladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka.

"Hawlgallada millatarigu ma joogsan doonaan. Waan sii wadaynaa ilaa gacanta aan ku dhigno goobaha ay difaaca kaga jiraan xagjiriintu ee ku yaala deggaanka Ceelasha Biyaha iyo jidka aada Afgooye, illaa iyo laga sifeeyo gobolka, " ayuu Cismaan u sheegay Sabahi.

Taliyaha ciidamada AMISOM sarreeye guuto Audace Nduwumunsi ayaa yiri, "AMISOM waxay subaxnimadii Talaadada ay qaaday hawlgal guul ku dhammaaday oo ka dhan ahaa argagixisada al-Shabaab ku sugan duleedka magaalada Muqdisho. Waxaan awoodnay inaan gacanta ku dhigno goobo muhiima oo ku yaallay dhinaca koonfureed iyo galbeed ee albaabada laga soo galo magaalada caasimadda ah, iyo sidoo kale jidka aada Afgooye, halkaasi oo ah goob ay xagjiriintu xoog ku leeyihiin."

Nduwumunsi wuxuu sheegay in la dilay ugu yaraan 10 ka tirsan xoogagga al-Shabaab, iyadoo ay dhankooda ay ka dhinteen labba askari oo ka socday ciidamada dalka Burundi ee ka tirsan AMISOM.

Marinka Afgooye oo 30 kiiloomitir dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Muqdisho, wuxuu hoy u yahay dadku ugu tirada baddan ee Soomaaliyeed ee guryahoodii ka soo baracakay, kuwaasoo lagu khasbay inay guryahooda ka qaxaan sannadihii la soo dhaafay sababo la xiriira dagaallada iska socda iyo xaaladaha macaluusha.

Nduwumunsi wuxuu sheegay ku ballaarinta ciidamada isbahaysiga ee marinka Afgooye inuu qayb ka yahay hawlaha ay AMISOM ay ku sugayso ammaanka magaalada Muqdisho si ay u kordhiyaan deggaanada nabadu ka jirto ee hoos yimaada xoogagga ammaanka.

Dadka ku nool Ceelasha Biyaha oo ka cararaya colaadaha

Isagoo dagaalku ku soo dhawaanayo Ceelasha Biyaha, ayaa kummanaan dadka barakacay ah oo ku nool degaankaasi ay ka carareen guryahoodii cooshadaha ahaa.

Saciida Cabdi oo ah hooyo lix carurua dhashay oo daggan Ceelasha Biyaha, ayaa Sabahi u ku tiri, "Aad baan uga walwalsanayn, markii la xiray jidka aada magaalada Muqdisho sababo la xiriira dagaalka awgood iyadoo isku socodka dadka shacabka ee tagayay ama ka imanayay Muqdishana uu joogsaday."

"Dadku waxay billaabeen inay deggaanka ka cararaan si ay dagaalka uga badbaadaan," ayay Saciida tiri. "Dadku waxay isticmaalayaan jidad kale si ay Muqdisho u aadaan."

Ahmed Cumar oo ku nool deggaanka loo yaqaan Kiiloomitir 13, ayaa sheegay in "Qoysaskii intooda baddan ku noolaa deggaanka Kiiloomitir 13 ay hadda meesha ku go'doonsan yihiin oo ayan ka bixi karin, iyadoo jidkii kaliya ee tagaayay magaalada Muqdisho la xiray."

"Aad baan ugu walaacsanahay inuu dagaalku soo gaadho goobaha aan degganahay. Dabin ayaan ku jirnaa," ayuu u sheegay Sabahi. Wuxuu yiri madaafiicda ay labbada dhinacba soo ridayaan ayaa soo gaaray deggaankiisa. Wuxuu ugu baaqay labbada dhinac ee dagaalamayaa inay furaan jidka si ay dadka shacabka ah ugu oggolaadaan inay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo codsaday in la qaado xayiraada hubka

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed ayaa maalintii Arbacadii Qaramada Middoobay iyo bulshada caalamkaba ka codsaday inay qaadaan xayiraada dhinaca hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay 1992-kii.

"Waxaan ka codsanaynaa in bulshada caalamku ka qaadaan xayiraadda dhinaca hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay sababtoo ah maaha caddaalad in la sii wado xayiraadani wakhti aan dagaal kula jirno al-Qaacida," ayuu ku yiri hadal uu u jeediyay dadwayne isugu soo baxay meel u dhow xarunta madaxtooyada kaasi oo looga soo horjeeday middowga dhexmaray al-Shabaab iyo al-Qaacida.

"Middowgii ay middoobeen al-Shabaab iyo al-Qaacida waxay lagama maarmaan ka dhigaysaa joojinta xayiraada lagu soo rogay keenidda hubka ee Soomaaliya," ayuu yiri Madaxweynuhu."Waxaan wadnaa samaynta qorshaynta iyo taakulaynta ciidamada Soomaalida, laakiin waan awwoodi waynay inay hubayno ciidamada qarranka iyadoo ay xayiraadda hubku wali taagan tahay."

"Ciidamada Soomaalida waxaa hadda haysata dhibaatooyin iyadooy ugu wacan tahay dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah iyo hub yaraan soo food-saartay," ayuu yiri Madaxweynuhu. "Al-Shabaab iyo al-Qaacida waxaa Soomaaliya kala soo dersay dib-u-dhac iyo guuldarooyin waawayn waxaanan u baahanahay in ay ciidamada Soomaaliyeed ay helaan taageero dheeraad ah, si ay u adkeeyaan cududooda millatari ayna u awoodaan inay baabi'iyaan al-Shabaab oo si toos ah u caddaysay inay tahay wakiilka al-Qaacida ee Geeska Afrika,"

Soomaali ku mudaharaaday al-Qaacida iyo al-Shabaab

Sida lagu soo waramay, kummanaan Soomaali ah ayaa habeenimadii Arbacadii ilaa subaxnimadii Khamiistii isugu soo baxay jidadka iyagoo sameeyay mudaharaadyo kala duwan oo ka dhan ah middowga al-Shabaab iyo al-Qaacida ee lagu dhawaaqay toddobaadkii la soo dhaafay.

"Al-Qaacida ha dhacdo! al-Shabaab ha dhacdo! ayay dadwaynuhu magaalada Muqdisho ku dhawaaqayeen iyagoo mararey meel ku dhow xarunta madaxtooyada, dhinaceedana socday goob ay dhawaan weerartay al-Shabaab.

"Waxaan halkan isugu nimid inaan cambaareyno middowga ay al-Shabaab la middowday al-Qaacida, "Yuusuf Shedni oo ka qayb-qaadanayay mudaharaadka ka dhacay goobta u dhow madaxtooyad ayaa Sabahi u sheegay. " Dhibaato nagu filani wayna soo gaartay intaa wax ka baddana ma rabno. Al-Qaacida iyo al-Shabaab waa inay iska kaaya daayaan oo dalkayagana iskaga baxaan, haddii kale dadka Soomaalidu waxay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan."

Maryan Daahir oo ahayd qof mudaharaadaysay oo kale ayaa Sabahi u sheegtay, "Waxaan u mudaharaadaynaa waa inaan taageero u muujino ciidamada dawladda Soomaaliyeed, oo guulo ka soo hoynaya cadowga, isla markaana aan diidno isku biiriddda al-Qaacida iyo isbahaysigooda Soomaaliyeed. Qofna ma oggolaanayo in dalkayagu jaha-wareer kusii jiro.

"Dalkani Soomaali baa leh maaha mid ay leeyihiin dagaal-yahana shisheeye sida al-Qaacida oo kale -- hadda ka dib rabshadaha u dulqaadan mayno, " ayuu madaxweynuhu ku yiri dadka isku soo baxay.

Mudaharaadyo kuwaasi la mid ah ayaa ka dhacay degmada Luuq oo ku taala dhinaca waqooyi ee gobolka Gedo, sida ay baahisay Idaacadda Soomaalida ee Bar-kulan. Kummanaan ka tirsan dadka mudaharaadayaasha ah ayaa ku dhawaaqayay "Soomaaliya Soomaali baa leh", iyagoo dhex socday jidadka magaalada Luuq.

Sida la soo weriyay mudaharaadka waxaa soo qaban-qaabisay Dawladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah iyo isbahaysigeeda, wuxuuna yimid labba maalmood ka dib markii al-Shabaab ay sameeyeen isku soo baxyo ay ugu dabaal-deggayeen middowga ay la middoobeen al-Qaacida.

Al-Qaacida waa caqabadda kaliya ee hortaagan horumarka iyo nabadda Soomaaliya, sida Diyaad Cabdi Kaliil oo ah musuul dhinaca ammaanka uu u sheegay dadka mudaharaadayay ee magaalada Luuq. Wuxuu ku balan-qaaday in ciidamada suggida ammaanku ay al-Qaacida si xoog ah uga saari doonaan dalka Soomaaliya wuxuuna ka codsaday dadka muwaadiniinta ah inay dalka ka difaacaan kooxdani argagixisada ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 163)

Dislike_icon(31)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • supber
    April 3, 2012 @ 02:26:10PM

    shabaab alle harido wayo dhig muslimbaydadihayaaaan oo aylehin waa gal (ilaahay suba xa watacala wakiyidhi qofowna qofkale xaqdaro hakudilin ).............waxan leyay shabaab hadhacdo hana sokiciwaydo waxa lagadhay xiligi shabaab lahagaajinlahaaaaaaaa

  • axmed jaamac cuweyd (qaasdj)
    April 2, 2012 @ 04:00:25AM

    kkkkkkkkkkkkkkanoo hadalkayga soo gaabinaya marka hore waxaan joogaa wadanka jaarka ah ee somaliland hadana dhibta haysata wllday waan garan karaa waxaana ii sawiran somaliya in ay lugaheeda maalin dhaw ay is ku taagto waxaan leeyahay somaaliya is ku kol soonaada wll macaan waxa kasta waa kolsoonida

  • muna bashe cismaan
    March 31, 2012 @ 07:36:11AM

    soomaali weligeedna horu mar gaadhi mayso inta axmaaro ilaaweligeed aynu col ahyn ay dalka imanayso gaal ku xoraynmaayo ee wuu kaa aar goosanayaa oo maatadaada ayuu inta ka dhimataba ka jarayaa anuu waxan odhan laa dalka haloo tababaro ciidamada sooliyeed oo shisheeyahay ha laga saaro oo ha laysku kalsoonaado hadaanad gurigaaga hagaajisan cadowgaaguna waxba kuu qaban maayo waxan amasom lagu sheegayo hal dawlad oo muslina ma laha jabuuti ba hada timi iyan a waa gaala la joog ilaahayba ma aaminsana ee faransiis aayay aaminsantahay anuu waxan odhan laa sidaa somali land arinka geed hoostii halagu dhameeyo halay s turxaan bixiyo oo soomaali iyadu nabadeeda ha ka shaqaysato

  • ismaaciil mahamed osman
    March 28, 2012 @ 11:01:18AM

    Aanigo ah ismaaciil mahamed osma waxan uarka somaaliya

  • mukhtar mohamed
    March 18, 2012 @ 06:52:26AM

    waan ka helay tvkan ee ila soo xidhiidha

  • I D Mamai
    March 14, 2012 @ 08:32:58AM

    Waa wax aad u fiican in Soomaalidu u istaageen difaaca waddankooda, waxaana hor loo yidhi safarka kunka mayl wuxuu ku billawdaa hal tallaabo. Kuwa idin jecel talaabooyin badan ayey qaadeen, marka idinkana waxaa la idiinka baahanyahay inaad talaabo qaaddan ood taas ku socotaan. Saaxibayaal, u caddeeya maleeshiyaadkaas inta badan idin xoogga idinku haystay iyo falalkooda shaydaaniga ah inaysan dib dambe idiin haysan doonin. Dhabtii kuwan waxay idiin diideen inaad kuraaxaysataan jawi nabad ah, xornimadii iyo is-dhex-galkii aad la lahaydeen caalamkiina. Xusuusta ilaahay idiinma abuurin inaad la haystayaal noqotaan noloshiinnoo dhan.

  • S. Mchillo
    March 12, 2012 @ 10:36:03PM

    Ciidamada huro-socodka ah ee ku sugan Soomaaliya waxay ku kalsoonyihiin in ay ka gacan sarreynayaan Al-shabaab iyo Al-qaacidda sababtoo ah ma jirto awood ka gacan sarreyn karta dhinaca ay taageersan yihiin shacabku. Waa qalad in loo aqoonsado Al-shabaab in ay yihiin Islaamiyiin maadaama camalkooda uu ka soo horjeedo caqiida ay sheeganayaan in ay aaminsanyihiin. Waxaan aamin sanahay in Al-shabaab iyo Al-qaacida ay yihiin shayaadhiin doonaya in ay baabi'iyaan diinta Islaamka sidaas awgeed waa cadowga diinta Islaamka qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajiba in uu la dagaalamo tuugadaas.

  • guuthey
    March 11, 2012 @ 06:14:41AM

    asc marka hore aad iyo aad ayay umahad sanyihin dolada waayo shaqa fiican ayay qabteen midakale al shabako mahan dad somaliyeed ee waa dad ajnibi ah oo somalia loo soo diray inay baa bi iyaan lacag ayaa lagusiiyaa baa bi inta somalia marke shacabka somaliyed waa inay iska qabtaan dadkaas cadaawada wada imisa hoyoyin ayaa dur kurafaad san qaar qorax dishay qaar gaaja dishay haday dad bini aadam ah yihiin maxay uga xishoon waayeen intaas xaqooda ayaa baa bi inaa kuuwas illah dhulka halawada jaro

  • j.musyoka
    March 10, 2012 @ 12:54:24PM

    Hoggaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay joojiyaan siyaasada liidata waana in ay isku biiraan si ay uga badbaadiyaan carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed xumaanta dagaalka iyo aqoon darrida waddanka

  • somalidid
    March 8, 2012 @ 11:57:37PM

    bbennn isku maweliya

  • soomalidid
    March 8, 2012 @ 11:55:07PM

    silka hoyadiin nabadii idinka dheer intaad somaliland cakiraysan

  • SACIIDO SIYAAD YALAXAW
    March 8, 2012 @ 09:54:25AM

    HAYAAY ..HAYAAY..HAYAAY. SHABAAB MADHATEE MIDNIMO DHEHEY SHABAB MURUGAA DISHOO MACNE MALEHEE MIDOOBAA WALALYAALOW. HORTA ANI MAKSAYO WAX LA DHAHO SHABAAB OO DUQAY HADANA WAXAY DHAHAYAAN SHABAB .. WAAYABY..XASAN AWAYS MA SHABAAB AH WAABA DUQ ADOWGAY KA WEYNE. MAXAAD KA KASAYSAAN MAGACA SHABAAB? ABOOWE IYO ABEEYO BAL II SHEEG .. WAXAAN DAWLADA KA CODSANAYNAA INAY SOO XIRTO CID KASTA OO SHABAAB LAGU KU LEH

  • Geoffrey
    March 8, 2012 @ 07:33:17AM

    Soomaaliland hadda waxay haysataa fursado la mid ah in ay hesho NABAD waarta, waxay wax ka barteen qaladaadkoodii hore, Habsiiya nabada oo u istaagi si aad k hor imaataan waxa loogu yeero Al-Qaacidda iyo Al-shabaab waxaadna diirada saartaan dib u heshiisiinta jaaliyadaha kala gedisan iyo in aad dhistaan waddanka, hadda wuxuu soo neefsanayaa xoogaa hawo nabad ah. Xusuusnaaw in meel walba ee aad tagtid in waddankaaga uu kaaga fiican yahay. Soomaalida waa ganacsadeyaal iyo maalgashadeyaal wanaagsan istaaga dadkiinan oo u caddeeya aduunyada in aad awoodan. Waxaa idin la jirta dhammaan ducadeena waxaan idinku taageeraynaa tamarteena yar. Diirada saara mustaqbal heer sare ah fadlan carruurtiina waxay u baahan yihiin nabad, dhammaan jaceelka waalidnimo waana macquul.

  • Adamhussein
    March 8, 2012 @ 06:32:04AM

    UURAYSATYE MAXAY UMULI, ALLOW KHAYR KA DHIG

  • githaiga
    March 7, 2012 @ 04:43:42AM

    Dadka Alshabab raacsan xilligoodii waa uu dhamaaday. Dadka Afrika waa dad nabadda iyo midnimada jecel. Dad badan ayaa ku wax yeelloobay gacanta ururkan maleeshiyaadka ah, taasina waa ta sababtay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Kenya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM jacaylka ay u qabaan Soomaalida awgood ay xabbadda u qaataan. Kiristaan, muslim dadkoo dhan waxay jecelyihiin nabadda, ama hinduus ha ahaadeen ama kuwa aan ilahay aaminsanayn waxaa dadkoo dhan waxa ugu horreeya. Maxaad dadkiina u cadaabaysaan ood uga dooranaysaan dano gaar ah? Koob biya ah ood nabad ku haysatid ayaa ka fiican laag caano ka buuxaan oo xabbad iyo dagaal yallo. A- Shame (ceeb), L –Losers (Fashilmay), kuwaasoo ka tagay akhlaaqdii iyo waxyaabaha diintu ina barto, S-Seized by greed and Neocolonialism (waxaa indha tirey damac iyo rabitaan guumaysi), H-Halted by lack of vision (waxaa hortaagan argti dheer la’aan), A-Abandoned by Allah and [people(Ilaahay iyo dadkuba way ka tageen), B-Baffled by changing times (Ku wareereen isbaddalka waqtiga), A-Ashed by grandfathers (ay ku dhacday lacnaddii abayaalkoo iyo awowyadood), A- Authorized to die without mercy (ku amran inay si naxaris darra ah u dhintaan), B- Battled by stupidity (lagula dagaallamay doqonimadooda, waalidooda, fikrad la’aantooda, damac badan iyo wareer). Soomaalia waxay mudantahay xushmad, intaad jirtaan way tirsantahay.

  • sami
    March 7, 2012 @ 02:54:16AM

    Milatariga Kenya waxay Soomaaliya u soo galeen si ay u saaraan ururkan argagixisada ah ee Alqaacida, laakiin Milatariga Kenya wali sidii la rabay wax umay qaban maxaa yeelay waxaa jira meelo ilaa hadda ay Alshabab haystan oy ka mid tahay magaalada Kismayo. Waxay dadku hadda is waydiinayaan in ciidamada Kenya ay ka adkaan karaan ururka Alshabab oy nabad soo celiyaan.

  • saed mohamed Ali
    March 5, 2012 @ 01:36:45PM

    Calaa kulli xaal, kooxda Alshabab waa laga guuleysan doonaa maalmaha soo socda, innaguna somaali haddan nahay waa inaan ka fikirnaa qaabkii aan waddankeenna u dhisi lahayn innagoo nabad kuwada joogna ilahayna waxaan ka baryeynaa inuu taas nagu taageero.

  • khadar
    March 2, 2012 @ 07:20:57AM

    waxay ila tahay amisom wax fiican beey ka qabteen soomaaliya waxaana filayaa haday sii joogaan somalia inay la wareegayaan dhamaan dalka taasna waxay guul u tahay ummadda soomaaliyeed markaasna waxaan filayaa in ciidamadeena ay la wareegaan dalka oo dhan

  • Abdi Mohamed
    March 2, 2012 @ 03:39:40AM

    Waxaa dhici karta in dadka qaarkood ay u arkaan in Afrika midawdo riyo aan la gaadhi karin wali khaasatan intay xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo xita kuwa milatarinimo ee Geeska Afrika ay sii xumaadeen guud ahaan. Sidoo kale, kacdoonkiii carabka iyo saamayntiisa uu gobolka kuleeyahay ayaa ka dhigaysa midaynta Afrika mid mucjisa ah in la helo taasoo waxyaabo aad u badan u baahan si loo helo. Sida aduunku arkay, tijaabada Ururka Midawga Afrika marka waxtarka iyo waxtar xumadaba laga eego, waxaa dhacday in dhaqaalaha ay aad u koriyeen, xagga waxbarashada horumar wayn ka gaadheen intii uu ururku jirey, shakina kuma jiro in haddi Afrika ay midawdo ay gaadhi karto horumarka ay Yurub gaadhay, maxaa yeelay Afrika waxay haysataa wax kasta taas u sahlaysa ayadoo waliba haysata maskax farabadan, waxaa kaloo jira in Afrika ay leedahay kheyraad aad u badan sida meelaha korantada laga dhaliyo, meelaha cunnada laga soo saaro iyo biyo badan waxaaso dhanna qaaradda yurub Afrika ayaa kaga horreysa.

  • cabdicasiis muhamed xasan
    March 1, 2012 @ 02:34:31AM

    anigu waxaan jeclahay in uu dalka nabad yeesho sabab too ah anaga ayaa halisku jireena dalkeena wuxuu nabad ku yeelanayaa in ay dadka tashadaan dalkeena wuxuu ubaahan yahay in dadka shaqo lasiiyo.

  • Ali Hasssan
    February 28, 2012 @ 04:40:03PM

    Waxaan ahay Soomaali mana lihi rajo ku saabsan Soomaaliya maadaama ay Al-shabaab la midowday Al-Qaacidda intii ay ka fikiri lahayd sidii Dib-u-dhis loogu sameyn lahaa wadanka.

  • Kasim
    February 28, 2012 @ 04:11:39PM

    Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed waa in aysan aqbalin gargaar miletari ayadoon aad looga fiirsan haddii kale Mareykanka waxay la wareegayaan talaa masraxa ugu dambeyntiina waxay madaxda Soomaaliyeed ku addoonsanayaan ballan-qaadyo qalab iyo hub iyaga taana ku badalnaya in ay helaan saldhig Mareykanka ay ku yeeshaan gobolka istaraatijiga ah.

  • Metho Kilonzo
    February 28, 2012 @ 12:06:21PM

    Saacada ugu mugdiga badan waa saacada ka horreysa waabberiga. Waxaad soo hurteen waxii karankiin ah, nabad iyo barwaaqo ayaa iminka qarka loo joogaa.

  • Kombe Kombe
    February 28, 2012 @ 08:01:18AM

    Dadka Soomaaliyeed oo dhan waxaan u rajaynayaa guul. Waddanka Soomaaliya idinka ayaa iska leh in aad dhisatiin ama in aad burburisiinba. Fadlan isticmaala fursadan si aad u tirtirtaan ajaaniibta hal mara dhammaantoodba.

  • alvin wambua musyoka
    February 28, 2012 @ 07:30:08AM

    Naxariista Alle darteed Al-shabaab iyo Al-Qaacida waa laga rayndoonaa

  • sam
    February 28, 2012 @ 05:36:36AM

    Qaddarin badan askartayadoow. Waannu idiin dabaal-dagaynaa ragyahow. dareensiiya xanuunka iyagana sidoo kale (Al-shabaab-ka)

  • ABDI BISHAR
    February 28, 2012 @ 04:17:31AM

    Waqtigii Al-shabaab wuu dhammaaday Soomaaliyey suga nabad.

  • Geoffrey
    February 28, 2012 @ 01:46:27AM

    Waxa loogu yeero maleeshiyada waa ilaha dhibaatada Soomaaliyeed, dhammaan dadaalada AMISOM iyo Ciidamada Difaaca Kenya waa in la soo dhaweeyaa waana in lagu taageeraa duco. WAXAAN U BAAHANAY SOOMAALIYA OO NABADOOWDA sida waddamada deriska ah. Soomaaliyey u istaaga NABAD, JACEYL IYO MIDNIMO.

  • abdinuur
    February 27, 2012 @ 11:54:59AM

    waxaan ka xumahay in alshabaab ku biiran alaacidada waayo awalba alshabaab dadka

  • maiyo
    February 27, 2012 @ 09:31:55AM

    Haa walaalaheena ku sugan Soomaaliya way guulaysanayaan. Aan ku raaxaysan nabadda inta aan sii sugayno Nabi Ciise mardhow ayuuba nala joogi doonaa.

  • Munyao
    February 27, 2012 @ 09:21:22AM

    Soomaaliya waa waddan karaameeysan, balse Al-shabaab waa in aysan ka faa'iidaysanin doowrka hoggaamineed ee liidata. Mahadi ha ka gaadho Ciidamada Difaaca Keyna hayaanka ay ugu jiraan in ay Soomaaliya ka dhigaan waddanka wanaagsan ee uu istaahilo, mustaqbalka qof kasta wuxuu u xiisi doonaa in uu Soomaaliya tago. Ciidamada Xoogga Difaaca Kenyoow, waa in aad ugaarsatiin dambiileyaashaasi baabi'iya, si buuxda u baabi'iya. Ma doonayno in aan intaan ka badan maqalno. Hambalyo Ciidamada Xooga Difaaca Kenya Alle ha idin karaameeyo idinka iyo Kenyaba.

  • kiptoo
    February 27, 2012 @ 04:20:08AM

    Hambalyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ciidamada xoogga, waxaad haysaan shaqo wanaagsan. Ilaahay ha idin siiyo babad.

  • jackson mutai
    February 27, 2012 @ 12:42:43AM

    Waqti intee la'eg ayuu dagaalkan ku qaadanayaa Soomaaliya si ay dib ugu soo noqoto ayna ku raaxaysato nabad iyo horumar, badddelka colaada?

  • HARRISON
    February 26, 2012 @ 04:36:17PM

    Hambalyo muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaad muujiseen bisay iyo qaan-gaarnimo waxaadna caddayseen in aad tihiin dad nabad jacel. Fadlan sii wada, sii wada ruuxa aad ku dhaleecaynaysaan labadaa koox ee dambiileyaasha ah kuwaas oo aan waligood jeclayn nabadda. Waxaan alle ka barayayaa in codsigii madaxweynihiina uu aqbal noqdo waqtiga sidaan oo kale ah. Sare u sii qaada dadaalkiina waalaalayaal.

  • njau
    February 26, 2012 @ 03:28:59PM

    Aduunyada waa in ay ku taageertaa Ciidamada Xooga Difaaca Dalka Kenya iyo Dawlada Federaalka Ku meelgaarka ah si ay u qabsadaan magaalada Kismaayo.. Al-shabaab ma yeelanayso wax kale oo baddal u noqon kara oo aan ka ahayn is-dhiibidd ama in ay badda galaan.

  • alice nderui
    February 25, 2012 @ 02:31:55AM

    Khayr baan u rajaynayaa dadka Soomaaliyeed. Dhulka waa dhulkiina ee maaha dhul ajnabi. Nabad allaha idin yeelo. Afrikana allaha barkeeyo.

  • r onyango
    February 25, 2012 @ 01:37:51AM

    لقد حان الوقت ليكون للصومال حكومة فاعلة. لقد زرت مخيمات اللاجئين الصوماليين وهي مليئة بالمعاناة، والصوماليون في شوق للعودة لوطنهم الأم. هناك القليل الذين يرغبون في إعادة التوطين في أي مكان، ولكن الحقيقة أن الوطن هو الوطن مهما شرق المرء أو غرب. Waxa la gaaray xilligii ay Soomaaliya heli lahay dawlad shaqayn karta. Waxan soo arkay xeryaha qaxootiga ee Dhadhab iyo Kakuma, waxa ka jiray dhibaato badan, dadkaasi waxa ay u baahan yihiin in ay dib ugu noqdaan waddankoodii ay jeclaayeen. Waxa jiri kara qaar jeclaan lahaa in dib-u-dajin loogu sameeyo melo kale laakiin xaqiiqdu waxay tahay ama galbeed aad ama bari dhulka hooyo waa lama huraan.

  • Edwin m. A.
    February 24, 2012 @ 09:16:29PM

    كل ما له بداية له نهاية، وحركة الشباب سوف تنتهي لا محالة على يد القوات الكينية. Wax walba oo biloow leh, sidoo kale waxa ay leeyihiin dhamaad. Waa la hubaa in ay al-Shabaab burburi doonto. Ciidamada Difaaca Keyna ayaa sida la hubo soo af-jari doona.

  • barnabas kithuure
    February 24, 2012 @ 12:17:25PM

    Al-qaacida iyo Al-shabaab waa dambiileyaal wada shaqeeya ee mudan in lagula dagaalamo dhammaan wixii la heli karo in lagula dagaalamo oo ay ka mid yihiin dhagxaanta

  • Reuben
    February 24, 2012 @ 10:39:22AM

    Horumar wanaagsan…………. Ciidamadeena kore u sii qaadaa xawaaraha

  • KAREEM
    February 24, 2012 @ 09:04:31AM

    Ugu dambeynta Al-shabaab ayaa guulaysanaysa.

  • maurice ngochi
    February 24, 2012 @ 12:19:20AM

    Hambalyo ayaan leeyahay askarta dhammaan xag-jirayaasha Al-shabaab waa in lagu dilaa aragtida. Alle ha karaame yeelo Ciidamada Midoowga Afrika ee caawiya dadka Soomaalida ah

  • Ali Ahmed Al-Hameed
    February 23, 2012 @ 04:09:11PM

    Waddanka Soomaaliya waxa iska leh Soomaali. Ayaga Kaliya ayaa leh xuquuqda ay ku dooranayaan ayna ku soo dhoweysanayaan saaxiibo. Alle ha siiyo nabad Soomaaliya.

  • teresa wambua
    February 23, 2012 @ 02:48:25PM

    Ilaa hadda guulaha laga gaaray sidii loo joojin lahaa Al-shabaab kaliya naruuro uma aha dadka Soomaalida ah balse sidoo kale waxay u tahay dadka keenyaatiga ah maadaama uu dhammaanteena na saaran yahay culeys halis ah oo isku mid ah. Hambalyo ciidamda Kenya ee arrinka ku lugta leh.

  • dickson safari bushasha
    February 23, 2012 @ 05:41:04AM

    Wax nabad ah mala helayo ayadoon dhiig la daadinin, Qaramada Midoowe waan in ay kula soo biirtaa Ciidamada AMISOM dagaalkan maadaama uu shiddo ku noqoday dhammaan dunida.

  • Olwenyi
    February 23, 2012 @ 03:26:49AM

    "Sida la soo weriyay mudaharaadka waxaa soo qaban-qaabisay Dawladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah iyo isbahaysigeeda, wuxuuna yimid labba maalmood ka dib markii al-Shabaab ay sameeyeen isku soo baxyo ay ugu dabaal-deggayeen middowga ay la middoobeen al-Qaacida" Idinkoo dhinaciina ay joogaan AMISOM shaqo kuma lihidin abaabulida mudaaharaadyo. Wajaha ayaga waana in aad soo ceshitaan waddankiina!

  • koli david
    February 23, 2012 @ 12:48:25AM

    Al-shabaab waxaa dadka oo dhan ku cambaareeyeen- dilka ay u geeysteen walaalaheena. Al-shabaab ma aha wax diin ku salaysan. Dagaalka ma aha jihad. Dib-u-gurashada Al-shabaab waa guul u soo hoyatay bini'aadanimada, dib-u-gurashadoodu waxay ka dhigan tahay barwaaqo ay gaarin dhammaan dadka.

  • kioko samson
    February 22, 2012 @ 05:08:27AM

    Waddada kaliya ee lagu gaari karo nabadeyta Soomaaliya waa in la curiyaamiyo hawlgallada waxa loogu yeero Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, sidaas awgeed Ciidanka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in lagu taageero hubka muhiimka ah

  • paul kiptoo
    February 21, 2012 @ 08:37:43AM

    Si fiican ayaad sameyseen walalaalaheena soomaaliyeedow. Ku guuleysta wadankiina quruxda badan kuna soo noqda bulshada qaramada nabadeysan ee barwaaqaysan. Al-shabaab iyo taageerayaashooda waa in ay ka baxaan Soomaaliya, waxaad haysatiin taageeradeena. Hala qaado cunaqabateynta hubka ee saaran ciidamada Dawladda federaalka Kumeelgaarka Soomaaliyeed sidaas awgeed waxay awood u yeelanayaan in ay amminga wadankooda sugaan.

  • Isdorah atieno
    February 21, 2012 @ 03:18:10AM

    Ulajeeddada guud waa in aan u duceeyno labadeena waddan si ay nabad u helaan.

  • stano
    February 21, 2012 @ 02:33:29AM

    Ugu dambeytii walaalaheena ku sugan Soomaaliya waxay garteen qiimaha dagaalka aan dhammaadka lahayn. Ku kaca ajaanibtan dambiilayaasha ah oo ka saara dalkiina nabadda jecel.

  • Faqi yusksel
    February 20, 2012 @ 11:17:34AM

    Wanaag, Ciidamada Nabad ilaalinta Afrika waxay calaamad hubaal ah u tahay gobolka in uu ka qarxo dagaal aan dhamaan iyo rabshado. Hawl galku waxuu xoogaw caawin dhaqdhaqaaqa dhanka isku dheeli tirka awoodda ee wadanka, xataa hadii uuna si buuxda u gaadhin. Waxaa la filayaa hawl galku inuu ilaaliyo awooda dawladda ku meel gaadhka ah, in la siiyo Soomaalida adeegyada tababarka amaanka sidaa darteed waxay kaalin fiican ka qaadan doonaan inay la dagaalamaan maleeshiyooyinka Al-Shabaab ama maleeshiyooyin kale oo ka soo horjeeda xukunkooda wadanka. Waxaa intaa dheer, waajibaadka ciidamada nabad ilaalinta waxaa ka mid ah caawinta haayadaha gargaarka si ay u fuliyaan hawlahooda gargaarka muhiimka ah wadanka dhexdiisa sidaa darteed dad badan kuwaas oo ku tiirsan adeega gargaarka oo ah badbaadadooda, waxaa loo qaybin karaa dhamaan khayraadka muhiimka ah sabab too ah noolasha bini aadam een la qiimaynin! Sidoo kale ciidamada nabad ilaalintu waxaa la filayaa inay u abuuraan qorshe amaan Soomaaliya oo idil ooy jiraan xeelado lagu guulaystay sidii looga difaaci lahaa goob kasta awooda Al-Shabaab iyo waxa xidhiidhka la leh! Jiritaankoodu waa rajo u soo badhiiqaysa bulshada sidaa darteed waa ciidan ka fiican oo ka anshax badan ciidanka wadaniga ah sidaa darteedna waxaa jira tartan lugala jiro malleeshiyooyinka hubaysan gaar ahaan ay ku jirto Al-Shabaab. Sidaa darteed, Shacabka badankiis waxay ka qabaan ciidamada nabad ilaalinta isku halleyn fiican, isku halleynta in ay difaacaan ooy ka badba

  • c/salaan
    February 20, 2012 @ 10:22:19AM

    kkkkkkkkkalqacida iyo alshabaabkkkkkkkkkkkkkkkkk anigu waxaan ahay somalida qurba jogta ah mudana kamaqan wadanka hooyo hadaan hadalkeyga soo koobo runtee raja kamalihi somalia maxa yeelay hada ayee alqaacida lamidoobeen ilah ayeesa qawaan soomali weeyn meelkasta ay dunida kajogan asc waraxmatulaahi wabarakaatuhu

  • kiura ireri
    February 20, 2012 @ 07:36:55AM

    Waqtigii Al-shabaab wuu dhammaaday. Haka dhammaado dhiig daadinta aduunyada. Dadku waa dad ilaahay aan adeecsaneyn

  • olonyenkare
    February 19, 2012 @ 04:18:57AM

    Ugu dambeyntii Soomaalida waxay u midooween cadowgooda midka ah waxaa sidoo kale wax lagu farxo ah in aan aragno qalabka dhalaalaya ee ay ku joogaan ragga iyo dumarka ciidamada qalabka sida ee intii karaankood ah ugu shaqeeynaya Soomaaliya.

  • Muscab mujahid furtm hord
    February 18, 2012 @ 01:22:15PM

    Cidamda kufarta africanta & murtaidin & idacadaha tagera aya shegen inay magalada muqdisho ay lawaregen amankeda lesku halenkaro lkn tasi waxa beniyay gesi yasha tow xidka gesi yasha aya wera rayay farisimo koxda rida somaliya ay ku lahayen bar ubax & dagmada yaq shid wera radin aya waxa kuwer resan koxda rida somaliya su asha ugu wayn ay iswaydiyan waxay tahay halke kaso galan gesiyasha toxidka balal miyay leyihin mase dhulka ayay kaso baxan

  • Omandi
    February 18, 2012 @ 12:57:21PM

    HAMBALYO iyo shaqo wanaagsan walaalheena reer muqdisho, xataa waxaan doonaynaa in Soomaali badan u soo baxaan cambaareeynta dilayaashaan aan wadnaha lahayn ee wata magaca Al-Shabaab/Al-Qaacida. Waxaad haysataann taageeradeena buuxda haddaanu nahay reer kenya, anagoo mar walba la yaabaneeyn sababta aad ugu dulqaadanaysaan dambiileyaashaan indinku dhex jira? Waxaad leedihiin carruur idinka baahan in aad quudisaan, waxbartaan, u baahan in ay helaan shaqo fiican, in aad horumarisaan wadankiina iyo in aad ku noolaatiin nolol wanaagsan, dadkiinan waxaad u baahan tihiin nabad! haka xishoonina, DALBADA, orda oo soo xasiliya hana u ogalaanina in aad u afduubnaataan dadkan cawaanta ah, bal eega inta sannadood ee ku khasaaray dilka dadka soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan,curyaaminta, afduubka, kufsiga, macaluusha, cudurada, ISTAAGA OO MAYA DIIDNAY KU DHAHA KUWAN KU MABAY DILKA. AL-SHABAAB HA DHACO, AL-QAACIDA HA dhacdo. Waxaan HADDA doonaynaa nabad ka islaaxda soomaaliya!!.

  • Bitisururu
    February 18, 2012 @ 12:43:07PM

    Dadaalada Kenya ay ku taageeraysay dawladda Soomaaliya waa lagu guulleystay. Wasiirka Difaaca ee dawladda Kenya wuxuu kaga hadlay arrimahan baarlamaanka Kenya, meeshaas oo uu ku sharxay qorshaha lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida. Tallaabooyinkan waxay jawaab u yihiin tallaabooyingka arxan-darrada ahaa ee ay Al-shabaab ku afduubtay xirfadleyaal ajanabi ah iyo ajaaniib kale oo ku sugnaa kenya. Waxay aamin sanaayeen in weeraradan ay soo qaaden maleeshiyada Al-shabaab ee Soomaaliya. Ma aysan diidin qaraarka la soo jeediyay, xataa marka ay oggaadeen weerarada. Taageerada Ciidamada Militeriga Kenya Waxay aad u caawisay dawladda Soomaaliya. Waxay u dagaalameen hab aanan u oggolaanaynin qof In uu u seexso si nabad galyo ah. Fallaagada waxay waligood diyaar u ahaayeen in ay ka takhalusaan qof kasta oo ka soo horjeesta. Hawlgallada Militeriga Kenya waxay si aad ah hoos ugu dhigeen dilalkii ka jiray gobolada dhaca koonfurta jamhuuriyada soomaaliya.

  • makau
    February 18, 2012 @ 04:11:46AM

    Qof kasta wuxuu la yaabaa in intee la'eg ayay Afrika ka hadlaysaa Al-shabaab. Dawladaha waxay si fudud u dhahayaan waxaan taageeraynaa AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Difaaca Kenya balse waa in ay sameeyaan wax ka shisheeya hadal-hayntan khuseeysa dhinaca xiriirka guud. Ha bixiyaan taageero ka kooban dhaqaale, qalab iyo tababar shaqaale. Al-shabaab waa in looga adkaadaa sida suurtagalka ah ee ugu dhaqsiyaha badan si loo bilaabo horumarinta gobolkan.

  • hillton munene
    February 17, 2012 @ 07:42:37AM

    Waa in aysan jirin sababo la xiriira naxariisdarada ay u hayaan jinsiyadaha ku nool Afrika

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad