Hawlgaladeeda oo yaraaday ayaa al-Shabaab u horseeday inay ku biirto al-Qaacida

Waxaa qoray Rajeh Said oo London jooga

Febraayo 15, 2012

  • 9 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Markii uu hoggaamiya urrurka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri uu toddobaadkii la sooo dhaafay ku dhawaaqay in dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee al-Shabaab la middoobayaan al-Qaacida, layaab kuma noqon dadka gobolka ee wax gorfeeya.

  • Xoogagga al-Shabaab iyo dad shacab ah oo isugu soo urruray  Ceelasha Biyaha February 13-keedii si banaanbax taageero ah uga sameeyaan midowga al-Qaacida iyo al-Shabaab. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

    Xoogagga al-Shabaab iyo dad shacab ah oo isugu soo urruray Ceelasha Biyaha February 13-keedii si banaanbax taageero ah uga sameeyaan midowga al-Qaacida iyo al-Shabaab. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

Labada kooxoodba awoodoodii millatarri waxaa ku yimid hoos-u-dhac aad u wayn iyada oo ay yaraatay goobaha ay ka hawlgali karaan dhulka ay maamulaan.

Maaddaama ay kooxda Soomaaliyeed ee al-Shabaab ay wakhti hore caddeeyeen sida ay daacadda ugu yihiin urrurka al-Qaacida, “ku biiridooda rasmiga ah” ee urrurka al-Zawahiri keeni mayso isdabal wayn oo ku yimaada isku-dheelitirka maamul ee Soomaaliya ama meelo kalaba. Iyada oo ay sidaas tahay, waxaa suurta gal ah in ay al-Shabaab isku daydo inay ka dalka guddahiisa iyo dibaddiisaba ay ka samayso weerar qarxin ah, si ay miiska u soo saarto markhaati la taaban karo oo muujinaya inay noqdeen koox si toos ah uga mid al-Qaacida Geeska Afrika.

Al-Shabaab oo la rafaadaysa dib-u-dhaca ku yimiday

ka sokoow in al-Zawahiri ku dhawaaqay midowga labada kooxood, ayuu sidoo kale ku soo bandhigay cod maqal ah oo uu ka hadlayo hoggaamiyaha al-Shabaab Mukhtar Abu al-Zubayr oo ku dhaawaranaya sida uu daacadda ugu yahay al-Zawahiri.

Ballanqaadka al-Subayr ee siduu daacada ugu yahay al-Zawahiri ayaa yimid wakhti ay al-Shabaab ay la soo gudboonaatay dib-u-dhacyo xiriira. Kooxda oo muddo sannado ah ka hor ka talinaysay inta badan dhulka Koonfurta Soomaaliya marka laga reebo degmooyin dhowr a oo ku yaalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay maamulayeen dawladda ku-meel-gaarku, ayaa hadda waxa soo waajahday isbaddalo waawayn oo la xiriira xaaladda siyaasaddeed oo lagu jiro. Dawladda Soomaaliyeed ayaa billowday inay si buuxda uga taliso magaalada Muqdisho iyadoo al-Shabaabna lagu khasbay inay sannadkii la soo dhaafay ay si buuxda uga baxaan magaalada ka dib markii hawlgallo aad u waawayn ay fuliyeen ciidamadda dawladda iyo Xoogagga Nabbad Illaalinta.

Dawladda Soomaalida kuma ekaan kaliya in ay xoojiyaan gacan-ku-haynteeda magaalada Muqdisho. Waxay sidoo kale toddobaadyadii la soo dhaafay markii u horreysay billaabeen inay askarteeda u dirto meelaha dibadda ka ah caasimadda ka dib markii la qaaday weerar xooggan oo loogu talo-galay in al-Shabaab lagaga saaro goobaha ku hareeraysan caasimadda.

Dib-u-dhaca al-Shabaab ka soo gaaray magaalada Muqdisho kaliya maahayn guuldarada la soo gudboonaatay ee sidoo kale waxaa ku yimid dhabar jabyo xiriira oo ka gaaray koonfurta iyo koonfurta galbeed ee dalka halkaasi oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ay al-Shabaab ka eryeen goobihii ay ka talinayeen. Itoobiyaanka iyo Kenyaanka ayaa hadda ku gudda jira siddii ay u yarayn lahaayeen goobaha ay ka taliso al-Shabaab iyo siddii ay dhulka ay ka qabsadaan xoogagga al-Shabaab ugu wareejin lahaayeen dawladda Soomaalida ama askarta deggaanka ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso dawladda ku-meel-gaarka ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Wax ka badan guuldarro millatari

Dib-u-dhaca ku yimid kooxda al-Shabaab looma arki karo guuldarro ka soo gaartay dhinaca millatariga ah sababtoo ah arrinku waa ka wayn yahay colaad millatari. Waxaa suurta gal ah in dhibaatada ugu wayni ay tahay diidmada ay al-Shabaab diidan tahay dhammaan wada hadallada ay u fidisay dawladda Soomaalidu, oo xukunka la wareegtay 2009-kii ka dib markii Qaramada Middoobay goob-joog ka noqotay ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ka dibna madaxwayne cusub loo doortay dawladda ku-meel-gaarka ah.

Mar haddii ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ay ka jawaabtay mid ka mida shuruudihii al-Shabaab, kooxda waxa la gudbooneeyd in ay soo dhaweyso doorashadii Madaxweyne Sheekh Shariif Ahmed ee 2009-kii maadaama uu ahaa hoggaamiyihii hore ee Islaamiyiinta, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen “kuwo jihaadka aamminsan”, xilligii uu ahaa guddoomiyihii Ururkii Maxaakimka Islaamka. Kooxdaasi oo magaalada Muqdisho ka talinaysay ilaa dhammaadkii 2006-kii ka hor intii ayan ciidamada Itoobiya magaalada caasimadda ah ka cayrin kooxaha Islaamiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, al-Shabaab may aqbalin inay aqoonsato madaxweynaha cusub waxay na diideen tallaabooyinkii nabaddeed ee loogu baaqay, taasi oo ay ka mid ahayd oggolaanshaha codsigoodii ahaa in Shareecada Islaamka la isku xukumo. Halkii ay la shaqayn lahaayeen madaxweyne Ahmed, al-Shabaab waxay bilaabeen inay qaadaan weeraro isdabajoog ah oo ka dhan ah ciidamadiisa tabarta yaraa, oo mararka qaarkood u muuqday inay ka taliyaan wax aan ka badnayn dhismayaal dhowr ah ku yaallay magaalada Muqdisho, oo laga tilmaami karo xarunta madaxtooyada.

Ka sakoow diidmada ay diideen dhammaan tallaabooyinkaa nabaddeed, al-Shabaab waxay qaaday weerarro ay u eg tahay inay yaraysay taageeradii suurta gal ka ahayd ee ay dadwaynaha ka helayeen, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen weeraro loola dan lahaa masuuliyiinta dawladda oo lagu dilay muwaadiniinta caadiga ah. Weerarkii ugu darnaa wuxuu ahaa weerar dhacay December 2009-kii kaasi oo ay ku dhinteen saddex wasiir, sagaal arday oo baranaysay caafimaadka iyo hal dhakhtar. Wasiiraddu waxay ka qayb-galayeen xaflad qalin-jabin oo ka dhacaysay dal ay dakhaatiirka joogtaa ay aad u kooban yihiin.

Jirteeyoo al-Shabaab ay ku guulaysatay inay ammaan ku soo rogaan goobo badan oo ay ka talinaysay, ku dhaqankooda adag ee qaybo ka mida diinta, gaar ahaan meelaha khuseeya fulinta xadka (ama xeerka ciqaabta islaamka) ayaa keenay in shacabku ay ka cawdaan garaacida ay al-Shabaab ku garaacayso dadka telefishanka daawanaya ama qaadka cunaya, iyo gacmaha laga jarayo wiilal dhalinyaro ah oo lagu soo eeddeeyay tuugnimo aan sidaasi u wayneyn. Arrimahaas oo dhan ayaa la soo rogay xilli uu dalku ku sugan yahay marxad fowdo ah, fursadaha shaqo ay aad u yaryihiin muwaadiniin badanna ay ku tiirsan yihiin gargaarka bini'aadanimo si ay u noolaadaan.

Diidmadoodii ku dhawaaqidda xaaladda macluuleed

Al-Shabaab waxay eryeen qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo ka socday hay’adaha samafalka kuwaasi oo ah ururro samafal oo caalami ah oo ka hawlgalayey gudaha Soomaaliya iyagoo ku eedeeyay inay samaynayeen ficillo aan u cuntamayn manhajkooda xagjirka ah ee fahamkooda diinta Islaamka. Tallaabooyinkan waxay dad baddan oo Soomaali ah u diidayaan inay helaan addeegyada caafimaadka ama caawimadii ay u barteen sannadihii la soo dhaafay.

Al-Shabaab waxay sannadkii la soo dhaafay ka yaabiyeen dadka markii ay wax-kama-jiraan ka soo qaadeen ku dhawaaqidii Qaramada Middoobay ee ahayd macaluuli si baahsan uga dillaacday qaybo ka mid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Cali Maxamuud Raage, oo ah af-hayeenka al-Shabaab ayaa Al-Jazeerada u sheegay in warbixinta Qaramada Midoobay ay ka soo saartay macaluusha Soomaaliya ka jirtaa ay tahay “mid been ah oo la siyaasaddeeyay” halka ay ka qiranayeen jiritaanka abaar saamaysay xoola-dhaqatada iyo beeralayda.

Ka dib markii ay muddo toddobaadyo ah ay inkirsanayd, al-Shabaab markiiba waxay billowday in sumcaddeeda dadka taageersan ay la soo noqoto iyagoo caawimaad u fidinaya shacabka si ay u muujiyaan in hawlaha ay wadeen ururada samafalku ayan ahayn kuwo muhiim ah. Inkastoo ay Qaramada Middobay ku dhawaaqday in macaluushii Soomaaliya ka taagnayd ay dhamaatay, waxaa jira dareen ah haddii abaartii sannadkii hore la ogolaan lahaa in ay iska sii socoto iyada oo aan waxba laga qaban, waxaa hubaal ahaan lahayd in kumanaan dad ahi ay u dhiman lahaayeen cawaaqibka arrintaas. Waxaanay shaki ku jirin in Al-Shabaab ay lahaan lahayd masuuliyada cawaaqib xumada halkaasi ka dhalan lahayd iyadoo sababtuna tahay diidmada ay diideen in mucaawinadu gaarto dadkii ay abaartu saamaysay.

Al-Shabaab waxay qabatintay xeeladihii al-Qaacida

Malaha arrinka ugu khatarta badan amuuraha oo dhan ayaa wuxuu yahay xaqiiqada ah inay al-Shabaab biloowday in ay qaadato xeelada muujinaya in ay la xiratay al-Qaacida. Kooxdu waxay sheegatay masuuliyadda qaraxii Uganda ka dhacay 2011-ka ee ay ku ku dhinteen 74 qof iyagoo daawanayay cayaarka mid ah Koobkii Kubadda Cagta ee Dunida. Weerarku wuxuu ahaa markii ugu horreysay ee ay kooxdu si toos ah uga qayb-qaadatay weerar lala beegsado dadka shacabka ah, kaasi oo la mid ahaa nooca ay al-Qaacida ka fuliyaan Soomaaliya dibaddeeda.

Al-Shabaab ayaa weerarkaas ku sababeeysay joogitaanka ciidamada Ugandha ee ka midka ah kuwa AMISOM ay joogaan Muqdisho xilligii uu weerarku dhacay. Saas oo ay tahayna go'aanka ay kooxdku ku weerartay dadka shacabka ee cayaarta kubadda cagta ku daawayanay dal kale oo aan xiriir la lahayn waxyaalaha ka socda dalka Soomaaliya waxay keenaysaa inla is waydiiyo sharciyadda hawlgalkan lala eegtay dadka shacabka ah oo kale, ee aan lala eegan dadka ciidamada ka tirsan.

Ku biirada al-Shabaab ee urrurka al-Qaacida waxay al-Zawahiri ka dhigaysaa inuu mansabkiisu kordho igasoo isku arkaaya inuu si guul leh u kordhinaayo xiriirka shabakada al-Qaacida ee Geeska Afrika. Laakiin run ahaantii xaqiiqdu waa mid wali taagan inta middowgu uu dhabka noqonoya muddo sannado ah, dhibaatada kaliya ee ku imaan karta isbahaysigu waa ku dhawaaqista “tooska ah”. Ma cadda in is kuu biiritaanka koox Soomaali ah oo dalka ka jirta ay la middoobaan shabakada jihaadka caalamiga ah ee ka baxsan xuduudaha Soomaalidu ay aqbali karaan dhammaan hoggaamiyayaasha halka laga yaabo kuwo ka mid ahi inay door-bidayaan inay kooxda culayska saaraan dalka gudihiisa halkii ay u leexan lahaayeen la dagaallanka dawladdaha reer galbeedka, sida ay al-Qaacida rabto inay samayso.

Si kastaba ha ahaatee, khatarka ugu baddan ee ka imaan karta middowga wuxuu uu eg yahay mid ku kooban awoodda ay al-Shabaab inay gaari karto dawladdaha reer galbeedka, iyadoo xubno ka mid al-Shabaab qoysaskoodu kula noolaa Yurub ama Maraykanku oo sita baasabooro shisheeya oo u saamaxaya inay si fudud u socdaalaan. Al-Qaacida waxay ku guuldaraysatay sannadihii la soo dhaafay in hawlwadeenadeeda u diraan Yurub si ay u qaadaan weeraro, kuwaasi oo noqon kara mid ka mid ah waxa keenay dhiirigalinta al-Zawahiri ee ballaarinta shabakada al-Qaacida taasi oo ay ku jirto al-Shabaab-ta ka jirta Geeska Afrika.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Abu Layt
    March 25, 2012 @ 07:23:34AM

    Ugu horeyntii, waxaan salaamayaa dhamaan kuwa raadinaya hanuunka. Maqaalkaan iyo kuwii ka horeeyay ee aad soo gelisay halkaan ma ahan waxaan ka ahayn' dameer dhimanaaya haraantidiisa' ......... midaan waxaan kuu leeyahay adiga oo ah midka nafsadiisa dhibaatada gaarsiinaya Beentaan aad meeshaan soo gelisid darteed midaas oo Alle iyo Rassuulkiisa kasoo horjeeda, iyo dhamaan kuwa kugu raacsan fikradahaan qaloocsan waxaan ku leeyahay maalmihiinu waa kuwo soo dhamaanaya. Waqti dhowna waxaa la idin ku jebin doonaa oo la idinku sharaf ridi doonaa gacamaha kuwa rumaysan Alle iyo maalinta qiyaamaha...

  • cabdirahmaan mawliid da'ud
    March 14, 2012 @ 12:23:31PM

    waxan halkan ka dhiiibanayaa ra'yi kasoo ku saabsan m/wayne siilaanyo oo isbadel ku sameeyey golihiisa wasiirada argatidayda waxaan leyhay dawlada siilanyo leeyahay wasiiradii aan waxba qabanyan maad badali halkii aya dawladaadu ay ka shaqaynasay ayaad badashay markaa maxaad u badali wayday xirsi aa ya dadku dhamaan tood ay wada nacebyihiin markaa waxaan leeyahy madaxwayne magaranaysid wixii dadka iyo dalka u dana ee iscasil.................

  • moha raju
    March 13, 2012 @ 10:41:19AM

    Maqaalkan waxaa ka buuxa dacaayad wuxuuna u muujinayaa Alqaacida iyo Alshabab iney argagixiso yihiin. Dadka reer Galbeedku, waa sida ay u sawireen in caalamku wax u arko e', kooxahani waa aragagixiso, iyo xawaan aan rabbaayad galin oo aan naxariis lahayn oo daka rayadka ah laaya. Marka la eego Muslimiinta dhabta ah een munaafiqiinta ahayn, kuwani waxay u arkaan inay yihiin mujaahidiin kuwaasoo naftooda u horey diinta alle darteed. In badan ayuu islaamku khatar ku ahaa kuwa aan rabin in aduunku ahaado meel ay taallo xoriyad iyo caddaalad. Jihaadkuna sida salaadda ayuu waajib ugu yahay qof walba oo muslim ah. Jecloow ama nebcoowe jihaadku wuu sii socon doonaa illaa iyo saacadda ugu dambaysa. Al-Qaacida, al-Shabab, Boko Xaaram iyo kuwo kaleba way iman oo way tagi, kuwo kalena saasoo kale umbay usoo bixi.

  • العبد الفقير الى الله عز وجل
    March 1, 2012 @ 01:44:47AM

    Ruux ilaahay iyo rasuulkiisa Maxamad aaminsan kuma rido dadka argagax kurido iskaba daa layntoodee. Taasina waxa ay ku dabakhmaysaa muslim iyo gaalaba. Inkastoonan kuqanacsanayn waxad kor kuqortay, Waxaan kuu xaqiijinayaa markaan fiirinno dhiigga badan ee daadanaya iyo sida Maraykanku iyo Yuhuuddu usoo faragalinayso nolosha dadka si xaq darra ah iyo waliba sida ay dadka u saarayaan kontrolkooda, waxay caddaynaysaa in uu soo dhow yahay u dhexeeyay annaga iyo kuwa diinta, isku dhacaasina waxa uu kamidyahay calaamadaha qiyaamaha. Ilaah baa xaqiiqda naga og.

  • Abdirahin
    February 20, 2012 @ 11:11:51AM

    Al-Shabaab hadda waa Qaybta Somaaliya ee Al-Qaacida waxayna leeyihiin isku xidh xooggan oo raga iyo qalabka ah wadanka dhexdiisa. Shaki kuma jiro in ay tani tahay urur si xun u macnaynaya Islaamka waxayna awooda saaraan ku khasbidda ka dhaadhicintaas dadka daggan Soomaaliya. Maleeshiyooyinka ay Al-Shabaab shaqaalaysiisay inay qabtaan shaqada ku dirqinta Shareecada taasoo xaqiiqdii ah sharci ay ayagu turjunteen Islamka dhexdiisa. Sidoo kale maleeshiyada hubaysan waxay u adeegaan si ay u meel mariyaan dhamaan ficiladda la xiriira ku guulaysashada danta ururkan ee Somaliya dhexdeeda. Sidaa darteed Al-Shabaab waxaa ka soo horjeeda, oo dagaal kula jira, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo raadinaya inay xididada u fakiyo xukumida Al-Shabaab ee Soomaaliya sidaa awgeed wadanka waxaa laga takhalusi karaa qashiinkan iyo ururkan xun kaasoo doonaya si ay u gaaraan ujeedooyinkooda sharci darada ah kharash kastaba ha ku kacdee. Ururku waxay dileen boqolaal kun oo dad ah ilaa hadda waxaa kali ah oo ay faafinayaan shareecadooda turjuman tasoo ah caqli darro iyo naxriis la’aan si loo dhaho inay dhahaan wax yar. Waxaa jiray dil badan oo ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Mogadishu, dhamaantood waxaa loo aanaynayay waxshinimada malleeshiyooyinka Al-Shabaab.

  • Mohammed Abu Zamzam
    February 19, 2012 @ 11:25:22PM

    Hambalyo Hambalyo Hambalyo sifiican ayaa loo qabtay shaqada waxaan dhihi karaa in ay ka soo daaheen ku biirida walaalahooda mujaahidiinta ah ee la dagaalamaya misiixiyiinta iyo kuwa taageera hadeertan aniga waxaan ku soo jiraa jidka si aan idinku soo biiro qiyaasha Abriil 2012

  • متان قابل
    February 18, 2012 @ 03:45:01AM

    waress baa laa waase waa been

  • Dalmar
    February 16, 2012 @ 11:13:03AM

    Tani waa koox argagixiso ah ujeedadooda oogu wayna waa inay fidiyaan argagixisada. Qofna kuma noolaan karo dagaal argagixiso oo noolashoodu maamulayaan dad koox yar ah kuwaasoo sumcadoodu wanaagsanayn dhamaanba.

  • Abiria
    February 16, 2012 @ 11:02:55AM

    Hadda waxaan jecelahay in aan sheego mucaaradnimada aan kagala soo horjeedo ficillada ay sameeyeen kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Aad ayay u fogaadeen waxayna u go'een in ay sameeyaan ficillo ka soo horjeeda mabaadii'da islaamka. Kooxdani waa koox aan xishoonaynin. Ma jiro sharci u oggolaanaya muwaadiniinta in ay sameeyaan wax kasta oo ay doonayaan. Sharciga wuxuu na waydiisanayaa in aan xushmayno kuwa mudan in la xushmeeyo. Maadaama wumaadiniinta iyo dawladda ay yihiin qaybaha ay arrintu khuseeyso, waa ayaga kuwa mudan in la xushmeeyo. Kooxda Al-Shabaab way ka gubeen xadka mabaadii'ada islaamka. Hadda waxay leeyihiin damacyo cilmaani ah. Kuwa raaca mabaadii'da Islaamka qofna uma diidaan xuquuqdiisa, sharcigana gacamahooda kuma qaataan. Mabaadii'da islaamka waxay sidoo kale na barayaan in aan u hoggaansano sharciga dawladda qaranka. Sidaas awgeed, ficillada ay sameeyaan kuma jiraan tacliinta Islaamka waana la xaaraantimeeyay. Dhaqamadooda cawaanimada ah waxay istaahilaan ciqaab aad u daran. Waxay dileen bini'aadam badan waxayna faleen dhowr ficil oo xun xun kuwaas oo aan laga ogolleeyn diinta Islaamka.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxay kulatahay khatarta ugu weyn ee hortaal Bariga Afrika maanta?

Fiirso natiijada