Ciidamada bilayska Kenya oo doonaya inay xiriir adag la yeeshaan bulshada Soomaalida ah

Waxaa qoray Sargajan bin Kadii oo Nayroobi jooga

Febraayo 14, 2012

  • 8 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hay’adaha sugidda ammaanka ee Kenya ayaa bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Nairobi ku ammaanay wada shaqayntooda ku aaddan dagaalka socda ee lagula jiro kooxda al-Shabaab. Waxay sheegeen in cabsida laga qabo in Soomaalida la bar-tilmaan sanayo ayan ahayn mid dhab ah iyagoo sidoo kalena beeniyay in ciidamada ammaanku ayan ka caddaalad falayn dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

  • Hablo Soomaaliyeed oo qoxooti ah oo dhex socda suuqa magaalada Nairobi. Masuuliyiinta ayaa sheegay in Soomaalidu ay ka gaabsadaan gudbinta macluumaadka la xiriira argagixisada sababo la xirira cabsida ay ka qabaan in la faquuqo. [Simon Maina/AFP]

    Hablo Soomaaliyeed oo qoxooti ah oo dhex socda suuqa magaalada Nairobi. Masuuliyiinta ayaa sheegay in Soomaalidu ay ka gaabsadaan gudbinta macluumaadka la xiriira argagixisada sababo la xirira cabsida ay ka qabaan in la faquuqo. [Simon Maina/AFP]

“Bulshada Soomaalida taageeradooda aad ayay waxtar ugu ahayd hay’adaha ammaanka iyo sida ay u soo gudninayaa macluumaadka khuseeya shakhsiyaadka ama dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo,” ayuu yiri maamulaha qaybta dambi-baadhista ee ciidanka bilayska Kenya, Muhoro Ndegwa. “Qaarbaa shakhsi ahaan warka u keenay, laakiin in badan waxay isticmaalaan khadka telefanka ee aan u furnay, gaar ahaan dadka aanan kalsoonida badan qabin in ay bannaanka isku soo saaraan."

Ndegwa wuxuu u sheegay Sabahi in khadka telefanka furan ee qarinaya magaca qofka uu saraakiihsa ka caawiyay inay sameeyaan xiritaano dhowr a, taasina ay ka markhaati kacayso xiriirrada saaxiibtinimo ee ay la leeyihiin bulshada Soomaalida marka laga hadlayo dadaallada dhinaca ammaanka ah ee ku aaddan xagjiriinta al-Shabaab ee ku sugan gudaha Kenya.

Xubno ka tirsan bulshada Soomaalida iyo hay’adaha Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka gaabsaday inay si bareer ah uga hadlaan arrinka mar ay al-Sabahi la xiriirtay. Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha xuquuqda bani'aadanka u dooda ayaa ka cawday sida xad-dhaafka ah ee ay bilaysku isha igu hayaan Soomaalida ku nool Kenya.

Cumar Hassan Omar, oo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Bani'aadanka ee Kenya, ayaa Sabahi u sheegay in ciidamada ammaanku ay baaritaanadooda culayska ku saareen bulshada Soomaalida ah iyo guud ahaan bulshada qaybteeda mulimiinta ah, "taasoo sababi karta xad-gudub dhaca." Sida kaliya ee looga gudbi karo cabsida ka dhex jirta bulshada loona hanan karo kalsoonindooda waa in la ballaariyo baaritaanka oo lagu daro kooxo badan oo kale, lagana hortago dhacdooyinka awood ku tumashada ah iyadoo taa loo marayo in eedaymaha jira si cad baaritaan loogu sameeyo, ayuu yiri Cumar.

Stephen Mutoro, oo ah Madaxa Sare ee Urrurka Isku taga Xaafadaha ee Kiiniya (KARA), oo ah dallad ay hoos yimaadaan dhammaan urrurada ay ku bahoobeen xaafadaha dalka ka jira, ayaa sheegay in joogitaanka xad dhaafka ah ee ay bilaysku joogaan xaafadaha ay degan yihiin dadka Soomaalidu “ay keentay in su’aalo badan la iska waydiiyo in ololahani oo diiradda saarayo hal qayb oo ka mida bulshada." Muturo wuxuu sheegay inay jiraan xoogag al-Shabaab oo ka soo jeeda qowmiyado kale, bacdamaa kooxdan argagixisada ahi ayan askartooda si gaar ah uga dhex qoran Soomaalida.

Ndegwa wuu beeniyay in dareen uu ka dhex jiro bilayska iyo bulshada Soomaalida, wuxuuna yiri bilaysku ma bar-tilmaansadaan bulsho gaar ah, taasina waxaa ka markhaati kacaya xaalado la soo dhaafay oo xabsiga loogu taxaabay dad looga shakiyay al-Shabab oo ka soo jeeda qowmiyado kale.

“hay’adaha xuquuqda bani'aadanka iyo dhaq-dhaqaaqayaashuba waxay had iyo jeer sawiraan in bilaysku ayan ka caddaalad-falin dagaalka ay kula jiraan argagixisada, laakiin taasi dhab ma aha,“ ayuu yiri Ndegwa. “Argagixisanimadu waa wax jirta, sidaa darteed si looga guulaysto, waa in aynu ka fogaannaa in aan arrinka caadifadayno."

“[mala'awaalka] ah in ciidamada amniga guduhu ay il gaar ah ku hayaan Soomaalida waxay sababtay in dadka kale oo Kenyan ahi wax aan jirin iska aaminaan,” ayuu yiri Ndegwa. “Kenyanka qaar baa hadda u arka in Soomaalida oo dhami ay tahay dad lagu tuhunsan yahay argagixiso, taasi markeedana keentay kala qoqobnaan bulsho iyo mid dhaqaale, mar haddii iminka dadka qaar ay ka dhowrsanayaan in ay ka soo dukaamaystaan goobaha ganacsiga Soomaalida ee magaalada ka jira."

Wuxuu sheegay in falalkani ay sababi karaan in xubno ka mid ah bulshada Soomaalidu oo haya macluumaad ku saabsan dadka argagixisada looga shakisan yahay inay ka gaabsadaan in ay soo gudbiyaan macluumaadka iyaga oo ka baqaya xarig ama faquuq.

Si looga hortago casbidan jirta, KARA waxay samaysay qorshayaal dhowr ah ku salaysan hawlaha nabadgalyada iyo ammaanka. Mutoro wuxuu sheegay in Soomaalidu ay qayb ka ahayd barnaamijyada, inkastoona aan si gaara iyaga loo tiigsan.

“Amani Mtaana wuxuu ahaa mid ka mid ah qorshayaashani, kaasi oo ay ujeedadiisu ahayd inuu bulshada ku dhiiri-galiyo inay illaaliyaan dadka deggan xaafadaha dambigu ragaadiyay ee magaalada,” ayuu yiri Mutoro. “Waxaan kaloon ku dhiiri-galinaynaa bulshada inay si iskood ah ula yimaadaan wixii macluumaad ah ee laga yaabo inuu caawinayo bilayska, sababtoo ah tani waxay si tartiiba u dhamaystiri doontaa shakiga ay [dadku ka qabaan] maamulka iyo bilayska.”

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • leonardgmaina
    May 31, 2012 @ 05:28:48AM

    Hadii weeraradii argagixiso ee dhawaan dhacay ay kooxda alshabaab si toos ah ugu lug leedahay, waxa markaa nagu waajib ah hadaan nahay dadka reer Kenya inay waxa ugu xun ee dhici kara isu diyaariyaan mustaqbalka dhaw. Wakhtigan hadda la joogo qof kasta oo reer Kenya ahi wuxuu khatar ugu jiraa dhib kaga timaada dadka aan diinta haysan ee u dagaalamaya qadiyado siyaasadeed oon faa’ido lahayn, taasoo ay u adeegsanayaan islaamka. Alshabaab waa koox bahalnimo iyo gacan ku dhiigla ah, waana in laga tirtiraa geeska afrika oo dhan cawaaqib kastaa arrinkaa ha ka dhasheenee.

  • paul
    March 27, 2012 @ 07:30:55AM

    Argagaxisonimada waa halis dhab ah qofna yaanan la deynin.

  • jamal abdi
    March 27, 2012 @ 04:06:45AM

    Tani waan taageersanahay sababtoo ah waxay meesha ka saaraysaa argagaxisanimada waxayna abuuraysaa saaxiibtanimo weyn oo lala yeesho Soomaaliya

  • JOHN ROTICH
    March 22, 2012 @ 08:26:49AM

    …BALSE SARAAKIISHA SAR-SARE AAD UMA DANAYNAYAAN IN AY SAAMEEYAAN DIB-U HABAYNYADA LOOGA BAAHAN YAHAY CIIDANKA. WAA AYAGA KUWA U DAGAALAMAYA IN LAGU SII JIRO XAALADDA TAAGAN. WAXA LA YAABKA LEH AYAA AH KUWA LA DOONAYA IN AY HOGGAAMIYAAN DIB-U HABAYNTA CIIDANKA OO AH KUWA JAAMACADO KA QALAN JABIYAY AYAA AH KUWA KA SOO HORJEEDA FIKRADAHA CUSUB EE LAGA YAABO IN AY SARE U QAADO NIYADA SARAAKIISHA. GUUD AHAAN SARAAKIISHA DARAJADOODA HOOSEYSA WALIGOOD KUMA QANCIN SIDA SARAAKIISHA SAR-SARE U MAAREEYAAN ARRIMAHOODA. GAAR AHAAN WAX KA QABASHADA DARYEELKOODA SHAKHSI AHAANEED, SARAAKIISHA SAR-SARE WAXAA MAR KASTA LAGU EEDEEYAA IN AYSAN QADDARINAYNIN MARKA AY BADDELKA SAMEYNAYAAN, WAX KA QABASHADA TABASHADA SARAAKIISHA IWM. TUSAALE AHAAN, WAX LA QAADAN KARO MAAHA IN SARKAAL SHAQAYNAYAY MUDDO KA BADAN LABAATAN SANO LOO BADDALO GOOB AAD UGA FOG QOYSKIISA/QOYSKEEDA, IYADA OO AY SUURTAGAL TAHAY IN UU KA KHIDMEEYO GOOBTA IKHTIYAARKIISA. WAA WAX CAQLI GAL AH IN SARAAKIISHA DARAJADA HOOSE IN AYSAN U BIXIN KARIN LACAGTA JAAMACADA CURRUURTOODA SI JOOGTA AH IYO MEELO KALA DUWAN ASAGOON AWOODIN IN UU HELO WAQTI UU GELIYO AMA UU KU MAAREEYO ILO DHAQAALE KALE SI UU U DHAMMEYSTIRO DAKHLIGIISA, WAA CABBURIN ULA KAC AH IYO HAB LAGU DHIIRI-GALINAYO MUSUQ-MAASUQA, SABABTOO AH WAA IN UU ARKO CARRUURTIISA OO JAAMACAD TAGEYSA SIDA KUWA KALE, WAANA IN UU RAADIYO HABAB UU LACAG UGU HELI KARO UJEEDADAASA XATAA HADDII AY NOQOTO IN UU WAX MUSUQ-MAASUQO AMA HAB MUSUQ-MAASUQAN KU SHAQEEYO. ISKA QAADASHO FIKIR AAN LA HUBIN LANA TIJAABIN SAX AHAANTIISA IYO DACAAYADA AH IN SARAAKIISHA AANAN WAX -QABAD LAHAYN HADDII AY HAWL GANACSI GALAAN IYO HADDII AY KA SHAQEEYAAN MEELO U DHOW GURIYAHOODA DHAMMAAN WAA WAX AAN CAQLIGAL AHAYN. HADDII QOF UU DHIBAATO KU ABUURO MAS'UULIYADIISA SHARCIGA HALA HORKEENO AMA QODOBKA SHARCIGA EE ANSHAXA.

  • sammy
    February 22, 2012 @ 03:28:55AM

    Waxaan jeclaan lahaa in aan helo wararka marka ay dhacaan…si kastaba waxaan jeclahay Kenya Gazzete

  • mumbe
    February 20, 2012 @ 09:02:19AM

    Dhab ahaantii way u baahan yihiin

  • tush blown
    February 20, 2012 @ 05:15:04AM

    Maadaama ay dhammaan Soomaalidu yihiin sida mataano oo kale way adag tahay in la ogaado qofka Al-Shabaab ah iyo qofka aanan waxba galabsan……………………………….

  • leonardgmaina
    February 15, 2012 @ 08:34:35AM

    Dadka soomaalida ah ee sida aadka ah u maalgashaday magaalooyinka Kenya waa in ay ficil ahaan tagaan aagagga hore ee dagaalka si ay canaasiirta dambiilayaasha ah ee al-Shabaab uga tirtiraan bartamaha bulshada ilbaxa ah. Hadday wax uun istaahilaan, khasaare ba'an bay mudan doonaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Tacaddiga ku saleeysan jinsiga ee Kenya waa:

Fiirso natiijada