Ciyaaryahanno Kenya ugu tababbbaranaya diyaargaroowga Ciyaaraha Olombigga Xagaaga 2012-ka

Waxa qoray Sargajan bin Kadii oo Nayroobi jooga

Febraayo 13, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Iyadoo ay degdeg u soo dhawaanayaan Ciyaaraha Olombiga ee Xagaaga ee London ka dhici doona ayaa ciyaaryahanno aad caan u ah oo caalami ahi ay ku soo qulqulayaan Iten oo ku taalla gobolka waqooyiga Kenya ku yaal ee Rift Valley.

  • Ciyaaryahanno isugu jira Kenyan iyo ajaanib isuna diyaarinaya cayaaraha xagaaga xilli ay subax hore ku ordayeen magaalada joogga sare ku taal ee Iten 2-dii December. [Tony Karumba/AFP]

    Ciyaaryahanno isugu jira Kenyan iyo ajaanib isuna diyaarinaya cayaaraha xagaaga xilli ay subax hore ku ordayeen magaalada joogga sare ku taal ee Iten 2-dii December. [Tony Karumba/AFP]

Joogga sare ee dooxada ayaa sababay in gobolka laga sameeyo xeryo tababbar oo dhawr ah, oo intooda badan ay ku yaalliin Iten, oo caan ku ah kaymo jiq ah oo ku yaalla taagag sare oo 2,400 oo mitir ka sarreeya joogga badda.

"Inta badan ciyaaryahannadan shisheeye ayaa halkan u yimaada in ay ka helaan fursado ay kor ugu qadaan ciyaartooda iyadoo ay hawada halkani tahay mid aad u nadiif ah qaab-dhuleedkuna uu yahay mid layli ah,” ayuu yiri Martin Keino oo ah la-taliye dhinaca cayaaraha ah oo madax bannaan oo xafiis ku leh Nayroobi.

"Imaashada halkan waxa kale oo ay oroddada ajnebiga ah siisaa fursadda ah in ay kooxo kooxo u tababbartaan iyagoo la ordaya ciyaartoyda ugu wacan Kenya, taas oo si weyn u hagaajinaysa hab-cayaareedkooda shakhsiyadeed,” ayuu ku yiri Sabahi.

Iyadoo ay xeryo tababbar ka jiraan dooxada oo dhan, ayay Itemn tahay midda ugu muhiimsan waxaana taa u sabab ah inta qof ee billad dahab ah ku guuleysatay ee ay soo saartay. Orodyahannada reer Kenya ee kala ah Ezekiel Kemboi, oo ku guulasystay billadda dahabka Olombigga ah ee 3,000- mitir ee qori-ka-boodka ah, Janeth Jepkosgei, oo ku guulaysatay billada adduunka ee 800-mitiri, Abel Kiprop, oo ku guuleystay 1,500-mitir oo Olombigga ah iyo kan caalamka ayaa dhamaantood waxay ku tababbarteen xeryahaan.

Guusha cayaartoydaa iyo kuwo kale oo badan oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Rift Valley ayaa Kenya ka dhigay goob tababbar oo ay aad u jecel yihiin cayaartoyda dunida oo dhan ilaa dhamaadkii 1980meeyadii, sida uu qabo Joseph Ngure oo ah tababbare diyaariye ah oo la shaqeeya Xiriirka Federeeshinka Ciyaaryahannada Caalamiga ah (IAAF) Xarunta Tababbarka Bandhigga Sare ee ku yaal Eldoret.

Qaar ka mid ah ciyaaryahannada caalamiga ah ee bilihii ugu dambeeyey Iten ugu tababbartay Cayaraha Olombigga waxaa ka mid ah Oaula Radcliff oo ah gabar Ingiriis ah oo haysata koobka maaratoonka adduunka ee 5,000 ee mitir, Mo Farah oo ah nin Soomaali iyo Ingirrisba ah oo haysta koobka 5,000 mitir ee maaratoonka caalamiga ah, iyo Abubakar Kaki Khamis oo reer Suudaan ah oo haysta billadda dahabka ee 800-oo mitir.

Keino ayaa Sabahi wax uga sheegay faa’iidooyinka tababbarrada joogga sare. “Ku tababbarashada joogga sare ayaa jirka ku khasba in uu kiciyo nidaamka loola qabsado in uu jirku ku shaqeeyo oksijiin yar, sida kordhinta unugyada dhiigga ee cas iyo beddelidda cunto-shiididda murqaha,” ayuu yiri.

"Marka ay ciyaartoyda aannu halkan ku tababbarro gaaraan meelaha uu jooggoodu hooseeyo sida London, heerkooda adkaysigu waa uu ka badan yahay adkaysiga inta badan jaallayaashooda kale, taa ayaana ah sababta ay ciyaartoyda Kenya iyo Itoobiya oo ku dhashay meelaha joogagga sare ahi ay u yihiin horyaallada adduunka kuwa ugu badan.” Ayuu yiri Keino.

Sida Kenya ayay Itoobiya leedahay dhulal jogag sare leh iyo koox dhan oo ah orodyahanno adduunka caan ka ah, sida Kenenisa Bekele iyo Tirunesh Dibaba. Balse Keino ayaa sheegaya in Kenya ay leedahay kaabayaal iyo qalab kawanaagsan kuwa Itoobiya oo ay ciyaartoydu u baahan yihiin.

"Si ka duwan dhulka sare ee Itoobiya oo isagu ku dhex jira dhul kaymo ah oo aan la gali kariin, waqooyiga Rift Valley waxay leedahay kaabayaal wanaagsan taasoo ay haddana sii bilayso Gegida Caalamiga ah ee Eldoret oo aan ka fogayn,” ayuu yiri Keino.

"Waxa kale oo meesha ku yaal meelo la dego oo aad u fiican iyo meelo kale oo lagama maarmaan u ah ciyaartoyda caalamiga ah, kuwaa oo dhan oo laysku daray oo cimilada lagu sii daray ayaa tayada nolosha ee halkan ka dhigaysa mid aad u fiican,” ayuu yiri.

Xeryaha oo soo xareeya malaayiin dollar oo dakhli ah

Waxaa gobolka ku yaal toban xero tababbar oo ay ka mid tahay xerada Global Sports oo ku taal Kaptagat, Kapkitony Athletics Club oo ku taal Keiyo South, Kapngetuny Marathon Camp oo ku taal Ainabkoi iyo St. Patrick's High School oo ku yaal Iten. Xeryaha waaweyn ee tababbarka ayaa inta badan laga helaa meelo la seexdo iyo tababarayaal gaar ah, iyadoo ay kuwa yaryarna oo ay iska leeyihiin beraley maxalli ahina ay bixiyaan kaliya meelo lagu ordo.

Ngure ayaa Sabahi u sheegay in ay adag tahay in la qiyaaso inta ay dhan tahay lacagta ay xeryahani u keenaan dhaqaalaha maxalliga ah, laakiin waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayso malaayiin dollar.

"Ka sakow malaayiinta dollar ee ay ciyaartoyda halkan u dhalatay oo tababbaranaysa ay dib ugu maalgashadaan iyagoo samaysanaya meherado sida suuq-weynayyaasha iyo dhismaha guryo la kiraysto, waxaa halkaa ka soo baxa boqollaal qof oo dadab iyo toosba shaqo u hela,” ayuu yiri. “Tababbare ahaan waxaan ka mid ahay dadka sida tooska ah uga faa’iiday in xeryahani ay meeshan ku yaalliin.”

Onesmus Kipchumba Murkomen, oo ah qareen Maxkamadda Sare ee Kenya, meeshana deggan ayay hawshiisu ku wajahantahay tahay sharciyada caalamiga ah ee ganacsiga. Waxaa uu Sabahi u sheegay in soo bixidda goobaha tababbarka ee joogga sare ay gobolka iyo dalka oo dhan u fureen xudduudo cusub oo dhaqaale, balse weli ay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay in la qabto si loo hagaajiyo dhaqaalaha maxalliga ah loona sameeyo hay’adaha fulinta sharciga.

"Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa si wayn uga faa’iiday iyagoo furtay meheradaha ay ka mid yihin suuq-weynayaal iyo dukaamo ay wax ka iibsadaan ajnebiga mar kasta oo ay halkan tababbar u yimaadaan,” ayuu yiri Murkomen. Iyadoo ay sidaa tahay, wuxuu yiri, Dadka caadigu uhu ma helaan faa’iidada laga helay in gobolkani uu xuddun u noqday ciyaaryahannada caalamiga ah.”

Wuxuu sheegay in ay tahay in dawladdu ay wax badan ku maalgeliso kaabayaasha iyo suuqgeynta gobolka si loo adkeeyo awoodda ay meeshani u leedahay in ay noqoto meel dhaqaalaha soo saarta.

"Sababaha aanay bulsha-wayntu si weyn uga faa’iidaysan karin inkasatoo gobolku hoy u yahay dad badan oo horyaallo ah ayaa waxay tahay in aanay jirin dedaal midaysan oo ay dawladda Kenya ku ganacsi-gelinayso isboortiga,” ayuu yiri Murkomen. "Inta badan xeryaha tababbarrada waxaa leh ciyaartoy hore oo macaamiishooda ka hela dad Yurub jooga oo xiriir la leh.”

Iyadoo ay caqabadahaasi jiraan, ayuu Murkomen leeyahay, in xiisaynta caalamiga ah ee uu gobolku helay ayaa u ahaa wax ay dadka deegaanku ku faanaan oo ka imanayey “in shisheeyuhu ay la dhacsan yihiin dhaqakooda”. Isla taa iyada ah, ayuu sheegay in dhaqan is-weydaarsigu uu dadka tuulooyinka u sahlay in ay bartaan luqado qalaad oo uu Ingiriisku ku jiro, oo aan looga hadlin dhulalka miyiga ah.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • احمد الجزولي
    June 25, 2014 @ 06:08:38AM

    Waad ku mahadsantahay walaal macluumaadkan qiimaha badan.

  • monsef
    February 6, 2014 @ 12:19:40PM

    heer sare

  • khalid
    June 22, 2013 @ 11:27:04PM

    Waad ku mahadsantahay walaal maqaalkan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxay kula inay tahay natiijadii ugu muhiimsaneeyd ee ka soo baxday Shir-madaxeedkii Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika?

Fiirso natiijada