Febraayo 07, 2012
Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Muqdisho waxay ahayd meel aanu sharci ka jirin, dhiig ku daatay oo ay maamulayeen dagaal ooge-yaashu. Dhaqdhaqaaqa xagjirka ah ee al-Shabaab, oo ah qayb ka mid ah al-Qaeda, ayaa shan sano ka hor soo galay magaalada caasimada ah iyagoo inta badana qabsaday magaalada 2009-kii, kuwaasoo dad badan ku khasbay inay u haajaraan meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya ama dibadaha.
Xag-jiriinta al-Shabaab waxay gacanta ku hayeen saddex meelood laba meel oo ka mid ah magaalada caasimadda ah, iyagoo ku goodinayay inay gaari doonaan qasriga madaxweynaha, illaa kama dambaystii lagu khasbay in magaalada caasimada ah dib looga saaro bishii August ee la soo dhaafay. January 20-keedii Dawladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ee Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay qabsadeen goobtii ugu dambeysay ee ay al-Shabaab xooga ku lahayd magaalada caasimada ah.
Xaaladaha ammaanka oo ka soo reeyay darteed ayaa suurta galiyay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Xoghaya Arimaha Dibada ee Dawlada Ingiriiska William Hague ay dhawaan booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Muqdisho, sidoo kalena Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya dib loogu raro magaalada Muqdisho ka dib markii muddo 17 sano ah uu xafiisku hawshiisa ka waday magaalada Nayroobi.
Dad degan magaalada Muqdisho ayaa sidaasi ugu waramay Sabahi, waxay dareemayaan inay haystaan nabadgalyo tii hore ka fiican ka dib markii xoogagga al-Shabaab laga saaray magaalada caasimada ah safiirada dawladaha shisheeyuhuna ay bilaabeen inay dalka ku soo laabtaan.
Nuur Yuusuf, oo deggan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in noloshu ay tartiib tartiib si caadi ah ugu soo laabanayso magaalada caasimadda ah.
"Carruurta iyo waayeelkuba dhamaantood waxay fiirsan karaan xeebta magaalada ee quruxda badan waxayna bilaabeen inay ku cayaaraan garoonka kubadda cagta ee magaalada, kaasi oo illaa muddo aan dheerayn ahaa, goob ciidan oo ay gacanta ku hayeen kooxda Islaamiyiinta xagjirka ah ee al-Shabaab," ayuu Yuusuf u sheegay Sabahi. "xarumaha internet-ka, goobaha lagu caweeyo, makhaayadaha ayaa dib loo furay kuwaasoo furan ilaa habeen barka. Haddiiba ay taasi macno samaynayso, waxay ka markhaati ka caysaa xaaladda ammaan ee ka soo raysay ee ka jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho."
Daahir Ahmed, oo 45 jir ah ayaa sheegay in xaaladda nabadgalyo ee ka jirta magaalada Muqdisho "ay si cad oo la arki karo ugu soo raysay".
"Hal sano ka hor, suurta gal ma ayan ahayn inay wufuud caalami ahi ay yimaadaan magaalada caasimadda ah sababtoo ah waxay qaraxyo ka dhacayeen goob kasta, " ayuu yiri Axmed. "Hada, xaaladdii way isbadashay dadkii barakacayna waxay bilaabeen inay guryahooda ku soo laabtaan iyadoo wufuudda caalamiga ahina ay ku soo qulqulayaan magaalada caasimadda ah."
"Markii xoogagga al-Shabaab ay ku sugnaayeen magaalada, dhaqdhaqaaqa nololeed wuxuu istaagi jiray intayan qoraxdu dhicin ka hor, dadka dibadda u bixi karay ee naftooda halista galinayayna way yaraayeen,"ayuu intaasi ku daray. "Hadda, noloshii si tartiib tartiiba ah ayay si caadi ah dib ugu soo laabaynaysaa habeenkii waa uu iftiimayaa, makhaayadihii iyo xarumihii internet-ka ayaa habeenkii oo dhan furan."
Xassan Cabdilaahi, oo 38 jir ah waxa uu Muqdisho ka tagey markii ay gacanta ugu jirtay al-Shabaab, wuxuuse soo laabtay markii ay dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay xoreeyeen magaalada caasimadda ah.
"Xaaskayga, lix carruura iyo aniguba waxaan laba sano ka hor ka qaxnay degmada Wardhiigley oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho," ayuu Cabdilaahi yiri. "Waxaan caasimadda ku soo laabanay bishii October, hal bilka dib markii markii ay dawladdu ku dhawaaqday inay xoreeyeen magaalada Muqdisho ayna ugu baaqeen [dadkii ka barakacay] dagaanku inay guryahooda ku soo laabtaan."
Cabdilaahi, oo gurigiisii uu burbur soo gaaray, ayaa yiri, "Waligey niyadda maan galin inaan arko gurigayga oo xaaladdan ku sugan. Madaafiicdii labada dhinac ka soo dhacaysay ayaa guriga intiisa badan burburisay. Sidoo kale, alaabtii guriga taallay waa la bililiqaystay waxaanad meelkasta oo guriga ka tirsan ka heli kartaa haraaga madaafiicdii iyo rasaas aan wali qarxin."
"Markii aan ku soo laabanay magaalada, waxyaalihii aasaaska u ahaa nolosha sida nalka iyo biyaha haba yaraatee ma ayan jirin, dugsiyadii iyo dukaanadiina waa xirnaayeen, " ayuu Cabdilaahi yiri. "Markii aan ku soo laabanay magaalada, xaafaddayadii, oo ay dad badani ku noolaan jireen, waxay ahayd mid cidla ah, qoysas kooban ayaannu ku soo noqonay, maaddaama ay ahayd xilli hore in la noqdo marka la eego xaaladda."
"Marba marka ka dambaysa, noloshii si tartiib tartiiba ayay u soo laabanaysaa, laakiin gurigayagii wali waa burbursan yahay mana awoodno inaanu dib u dhisno in muddo ah," ayuu Cabdilaahi ku yiri Sabahi. "Iyadoo ay sidaasi tahay, nabad-galyada aan ku soo noqonay way nooga qaalisan tahay wax kasta oo kale."
Dhalinyarada Soomaaliyeed oo kubada cagta ku cayaaraya Xeebta Liido, ee dhinaca waqooyi-bari ee magaalada, ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin in Muqdisho la xoreeyay.
"Waxaan dareemaynaa nabadgalyo tii hore ka fiican, taasi oo ah sababta aan u go’aansannay inaan ku kulano Xeebta Liido si aan kubad u cayaarno," Maxamed Amiin, oo 17 jir ah, ayaa Sabahi u sheegay. "Wakhtiyadii hore, kubad cag kumaanu cayaari karneen halkaan, suurta-galna ma ahayn inaad qof kula kulanto halkan sababo dhinaca ammaanka la xiriira awgood."
Xassan Aadan, oo 15 jir ah, ayaa yiri "Waxaan dareemaynaa nabadgalyo illaa xad ah oo noo oggolaanaysa inaan aadno xeebta toddobaadkiiba hal mar kubadna la cayaarno saaxiibadeen. Ka hor intii ayan al-Shabaab ka tegin magaalada, suurta gal nooma ahayn inaanu ku kulano halkan sobobtoo ah al-Shabaab oo mamnuucday ciyaaridda kubadda kagta.
Xaaladaha ka soo raynaya ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dhiiri-geliyay xubno ka mid ah qurbo joogtu inay dalka ku soo laabtaan ayna ka qaybqaataan dhaqdhaqaaqa ganacsiga ka dib markii sannado fara badan dibadaha ku maqnaayeen.
"Bilka hor qofna suurta gal uma ahayn inuu ka shaqeeyo degaanadan, markii ay xoogagga al-Shabaab ay wali ka talinayeen," ayuu yiri Xuseen Cabdulraxmaan, oo 48 jir ah, oo bishii la soo dhaafay ka soo laabtay dalka Canada isagoo xilligan leh xarun Internet-ka lagu isticmaalo.
"Saaridda xoogaga al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho waxay na siisay rajada ah inaan ku soo laabano dalkayagii hooyo, dhiiri-gelinanna dhaqdhaqaaqyada ganacsiga qaarkii oo magaalada ka jira, " ayuu Cabdulraxmaan u sheegay Sabahi. Inta badan xubnaha qurbo joogu waxay xiriir dhow la leeyihiin dalkoodii hooyo iyagoo rajaynaya in dhammaan dalku nabad ahaado, dhibaatadana ka marnaado nabadgalyana helo si ay dalka ugu soo laabtaan."
Muxyadiin Iimaan, oo bishii la soo dhaafay ka soo laabtay magaalada London, ayaa Sabahi u sheegay in isaga iyo saaxiibadii ay go’aan ku gaareen inay abuuraan shirkad yar oo ganacsi oo qaabilsan ka ganacsiga guryaha iyo waaxda addeegga.
Iimaan wuxuu sheegay in shirkadda mashaariicdeeda hadda ay yihiin kuwo kooban, laakiin uu rajaynayo inay sii ballaartaan ayna noqon doonaan mustaqbalka kuwo magac wayn leh. "Suuqa ka ganacsiga guryaha ee Soomaaliya waa mid dib u dhacsan, laakiin waxaa jira dalab aad u fara-badan oo ku aaddan shirkadaha ka ganacsada guryaha iyo suuqa xorta ah inay ka qaybqaataan hawlaha dib-u-dhiska iyo horumarka, " ayuu yiri Iimaan.
Cumar Macallin oo ganacsade ah ayaa sheegay,"Inay jirto baahida loo qabo in dadka Soomaaliyeed ee xirfadda leh ee dalka ka baxay ay dib u soo laabtaan si ay uga qayb-qaataan dib-u-dhiska dalka xirfadahooduna uga faa’iideeyaan dadka kale. Qurbo-joogta Soomaalidu waxay kaalin muhiima ka qaadatay hawlahii gargaarka iyagoo caawimaddooda u soo dirayay walaalahood dhibaataysnaa. Marka laga hadlo kuwa guryahooda ku soo laabanaya, waxay dalka ku soo celinayaan fursado shaqo, xirfado iyo waayo-aragnimo loo baahan yahay."
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Shaki kuma jiro inuu arrinkani yahay war wacan oo usoo kordhay dhamaan dadkeena ku nool bariga afrika..waxaanan rajaynayaa in aan maalin uun booqdo soomaaliya oo aan soo arko meelaha iyo magaalooyinka wacan ee hada aynu magacyadooda uun maqalno. waa benji,oo ka soo jeeda Kenya
Xaqiiqdii waa arrin wacan in ay alshabaab ka baxday magaalada, waxaana joogsan doona imika dil badan oo loo gaysan jiray dadka rayidka ah.
Waxaan ahay shaqaale ajnabi ah oo jooga Muqdisho una shaqeeya hay’ad gargaar oo caalami ah. Intaan ka shaqeeyey caasimadda waxaan booqday meelo badan waxaanan ka xumaaday buriburka ku dhacay muqdisho iyo meelaha agagaarkeeda ah. Soomaaliya waa waddan Muslim ah, dadkiisuna uu yahay dad fiicfiican oo deeqsiyaal ah, mana istaahilaan burburkan. Soomalidan horay u soo dhistay kaabayaashan, maanta dib way u dhisi karaan, ayagoo dadaal badan muujinaya kana faa’iidaysanaya taageerada walaalahooda muslimiinta ah. Haba ahaatee, waxa aad muhiimka u ah in Soomaalidu midoobaan oy ka gudbaan waxyaabaha kala geynaya oo idil. Soomaalidu waxay leedahay wax kasta oo sababaya midowgooda. Waxay ku wada hadlaan luuqada Soomaalida ah, waana wada muslim waxayna wada raacsanyihiin madhabka Imaamu Shaafici. Waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu Soomaalida garab istaago. Markaan eegno xaaladda muqdisho, maalmahan way daggantahay, waxaanan ilaahay ka baryeynaa in xukuumadda Soomaaliya iyo Alshabaab ey is jeclaadaan si ay waddankooda u dhistaan danahooda u hagaajistaan. Mar kale, ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu ilaaliyo oo idinku hanuuniyo waxa ilahay raali galiya ee dadkana danta u ah.
Magacayga waa Abdi waxaan ku faraxsanahay waxa aad qabanaysiin la dagaala Al-shabaab hadda waa laga reynayaa Waad mahadsantihiin.
Al-Shabaab bani aadan maahan, waa xayawaan, waxay ujeedooyin khaldan ku dhex fidiyaan dhalinyarada dhexdooda iyo guud ahaan bulshada.. haba yaraatee uma qalmaan inay noolaadaan.
Magacaygu waa Maxamed waxaan ahay Soomaali, waxaa hadda ku noolahay magaalada Garoowe oo ah magaalo ammaan ah. Waxaan muddo 15 sano ah ku noolaa dalka Suuriya. laakiin hadda aad baan ugu faraxsananay inaan dalkii hooyo ku soo laabto. Waxaan filayaa in xaaladda Muqdisho ay ka soo raysay, tanina waa sababta ay Soomaalidu guryahooda ugu soo laabanayaan. Waxaan illaahay uga baryayaa inuu Soomaaliya ka dhigo dal nabad ah waxaan kaloon Ilaahay uga baryayaa in qabiillada Soomaalidu ay dhamaysan doonaan khilaafaadkooda.
anig waxaan aad u jeclahay qoralada horumarka tilmamaya waxaana iga heli dontaan maqalo layaab badan thanks
anigoo ah siciid british kun nool haatan magaalad hargeysa kana tegay muqdisho xiligii cabdulaahi yuusuf dalka waxaan u arkaa maanta in magaaladu sidii hore soo dhaanto kadib markii daka halkaan soo gaaray ay dib ugalaabanayaan amaanka xaafado hoodii oo soo wanaag snaaday awgeed ilaahow nabada slka udhig oo shacbiyad nasii si dalkeena hooyo aanan dib uga bixin insha alaah waxaan ugu baaqayaa dadka soomaaliyeed in ay isku yimaadaan oo ay aayaha wadankooda meel isla dhigaan waa dhibaato tii ugu weyneed eeabid nasoo gaarta ayaan dhihi karaa ilaahow nabada noo adkee