burcad-badeednimada oo Saamayn taban ku yeelatay dekeda Berbera iyo dhaqaalaha Somaliland

Waxa qoray Barkhad Daahir oo Hargeysa jooga

Jannaayo 31, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Burcad-badeednimada ka jirta Soomaaliya waxay saamayn xun ku yeelatay xaaladaha gacansiga bulshada ee guud ahaan gobolka gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee dekada Berbera, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan waaxda ganacsiga iyo hawlaha maraakiibta.

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac ayaa tilmaamay laba siyaabood oo ay arrintu u saamaysay ganacsigii dekadda. .

"Tan koowaad, qiimihii xamuulku si aada ayuu kor ugu kacay, Tusaale ahaan, qiimaha badeecada dekada Berbera wuxuu ku laba jibaarmaa kan Jabuuti, "ayuu Jaamac u sheegay Sabahi. "Ta labaadna, maraakiibta waawayn, ee lagu kalsoonaan karo, ma rabaan ama way ka warwareegayaan inay badeecad keenaan dekada magaalada Berbera; haddiiba mid ka mid ah la helo, qiimaha ay codsanayaan aad buu uga sareeyaa qiimahii hore."

"Labadan arrimood ayaa dhibaato ku haya badeecadaha lagala soo dego dekadda Berbera inay noqdaan kuwo suuqa caadiga ah la tartami kara," ayuu yiri Jaamac. "Hadda, waxaa jira laba ka mid ah dadka alaabta keena Somaliland oo ay shamiitadoodii shantii bilood ee la soo dhaafay ku xaniban tahay dalka Pakistan iyada oo ay ugu wacan tahay ayagoo awoodi waayey inay helaan markab [xamuul] oo alaabtooda u soo qaada dhinaca Berbera."

Yuusuf Ismaaciil Cali, madaxa Shirkada Hawlaha Maraakiibta ee Tawfiiq wakiilna u ah maraakiibta kusoo xirta dekadda Berbera, ayaa sheegay in dhibaatada kale ay tahay maraakiibta xamuulka ee ka yimid dalalka Dubai, Kuwayt iyo Cumaan ay halis ugu jiri karaan burcad-badeeda, gaar ahaan iyadoo burcad-badeedu ay hadda isku fidiyeen biyaha caalamiga ah.

Wuxuu sheegay qiimaha xamuulka ee sare u kacay uu yareeyay tirada maraakiibta waawayn ee raba inay badeecad keenaan dekada Berbera, gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Brazil, Hindiya iyo Bangladesh ee sida sonkorta iyo bariiska.

"Sababtoo ah qiime-kororka ku yimid caymisyada, maraakiibta wax qaadaa waxay kordhiyeen qiimihii xamuulka, badeecada 14-ka tan ah ee uu hal markab soo qaadi jiray hadda waxaa soo qaada 14 doonyood oo yar yar, kuwaasoo sii siyaadiyay qiimaha keenista badeecada," ayuu Cali u sheegay Sabahi.

Qiimaha sare ee maraakiibta xamuulku waxay kordhisaa qiimaha macaamiishu wax ku iibsadaan

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland wuxuu sharaxaad ka bixiyay sida saamaynta ay keentay burcad-badeednimadu ay markeedana u saamaynayso macaamiisha caadiga ah.

"Ganacsatadu waxay qiimaha badeecada ku darayaan wixii kharash ee siyaado ah ee ay bixiyaan, ka dibna waxay ku sii daraan faa’iidada ay ka heli karaan, " ayuu Jaamac yiri. "Sidaa darteed, korodhka xamuulku wuxuu saamayn wayn ku yeelanayaa qiimaha suuqa, gaar ahaan marka la eego qiimahan uu hadda yahay. "

Qiimaha heerkeedu sareeyo ee dekada Berbera, oo ah ta ugu wayn waqooyiga Soomaaliya, waxa laga dareemay guud ahaan dhaqaalaha Somaliland.

"Cashuurta laga qaado badeecadda ka soo dagta dekedda wuxuu il dhaqaale oo wayn u yahay dawladda wuxuuna saamayn ku leeyahay kharashyada miisaaniyadda sannadka. Markasta oo ay korodho badeecada la soo dejiyo ee la cashuuri karo, sidoo kale dhaqaalaha soo gala dawladuna wuu kordhaa. Taa lidkeeda, markasta oo ay yaraato badeecada la soo dejiyo ee la cashuuri karo, dhaqaalaha soo gala dawladduna wuu yaraadaa, " ayuu yiri Jaamac.

Ganacsigii wuxuu dareemayaa dhibaato wayn iyadoo dalabka macaamiishuna uu sii yaraanayo alaabta bakhaarada taalana aan si xawli ah loo gadan sababtoo ah badeecada qiimaheedu aadka u sarreeyo, ayuu Jaamac yiri, isagoo intaa ku daraya in saamaynta ay burcad-badeednimadu dhaqaalaha ku yeelatay uu keenay wajiyo badan iyo "dhibaato wayn".

Faadumo Xusseen, oo dukaan cuntada laga gato ku leh magaalada Hargaysa, ayaa sheegtay in iydaa iyo macaamiisheeduba ay dareemeen qiimaha kordhaaya.

"Macaamiishu way cawdaan markasta oo qiimaha badeecadu kordho, macaamiishayda kuwo ka mid ayaa iska taga iyaga oo aan soo laaban sababtoo ah innaba awood danbe uma leh in ay wax gattaan," ayay Faadumo sheegtay.

Waxay sheegtay badeecadaha qaar ku gadmi jirtay sadex bilood gudahood ay iminka marfashka yaallaan mudo sagaal bilood ah iyo in ka badan.

Guusha isku dayga afduubyada burcad-badeeda oo hoos u dhacaya

Somaliland waxay culayska saaraysay hawlaha ay uga hortagayso dhaqdhaqaaqyada burcad-badeednimada iyagoo kuwa lagu helo xaaladaha burcad-badeednimo ku ciqaabaya kuna maxkamadaynaaya dalka gudihiisa. Xaakimka Maxkamada Cadaalada ee gobolka Saaxil Cismaan Ibraahim ayaa Sabahi u sheegay in tan iyo 2008-dii, masuuliyiintu ay qaadeen illaa iyo 80 dacwadood oo burcad-badeenimu la xiriira.

Warbixin dhawaan uu soo saaray Xafiiska Ururka Badaha Caalamiga ah ayuu ku ogaaday in guud ahaan dhacdooyinka burcad-badeednimada ee badaha Soomaaliya oo ahaa 219 dhacdo 2010-kii ay 2011-kii gaareen 237, inkastoo ay sidaa tahay tirada isku dayga afduubiddu oo ahayd 49 waxay hoos ugu dhacday 28 xaaladood, natiijadaas oo si wayn uga tarjumaysa hawlaha ay wadaan ciidamada sugidda ammaanka badaha ee caalamiga ah.

Ma jirto deked kale oo ku taal gobolka oo ay burcad-badeednimadu u saamaysay sida tan Barbara, sidaa waxaa yiri ku xigeenka maareeyaha dekada Berbera Cumar Abokor Jaamac.

"Waxaan leenahay ciidamo dhinaca badda ah oo xooggan oo kormeera xeebahayaga, kuwaasoo ka hortagaya falal-dambiyeedka burcad-badeednmada ee raadinaya inay maraakiibta afduubaan, "ayuu Cumar u sheegay Sabahi. "Wali markab ku soo jeeda dhinaca dekada Berbera lama afduubin, marka laga reebo markabkii MV Juba XX, ee shidaalka u siday Shirkada Shidaalka ee Badda Cas. Kaasi oo laga afduubay meel ka baxsan xeebahayaga, ka dib markii markabka la geeyay Boosaaso, waxaan wadahal ka galnay sidii loo sii dayn lahaa anagoo sii marnay sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa, sababtoo ah Soomaalidu markab dhexdooda iskama afduuban karaan iyadoo la tixgalinayo dhaqanka Soomaaliyeed."

Maareeyaha dekaddu wuxuu sheegay in ciidamada badda ee Somaliland ayna ilaalayn maraakiibta, ee laakiin ay isticmaalaan qalabka raadaarka oo soo qabta masaafad ka kooban 90 mayl si ay u ilaaliyaan xeebaha.

Masuulka ka tirsan Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in bulshada caalamku la gudboontahay ini ay garwaaqsadaan sida ay Berbera uga shaqaynayso ilaalinta xeebeheeda oo ay kala saarto dekadda Somaliland iyo kuwa Soomaaliya. Wuxa uu yiri waa in maraakiibta lagu dhiiri-galiyaa in ay badeecada u qaadi karaan dekadda Berbera.

"Haddii maraakiibta inta la soo af-duubo lala yimaado xeebaheena, haddaanu hoy u nahay iyo haddii anaga nalagu soo dhuunto, markaa sida Soomaaliya oo kale waa in naloola dhaqmaa, laakiin haddii uu xaalku sidaa ka duwan yahay, waan in aan isku hab naloola dhaqmin" ayuu yiri Jaamac.

Somaliland waxay hadda ku hawlan tahay soosaarista xeerka la-dagaalanka Budhcad-badeeda, kaasoo waajibinayay xukunka Budhcad-badeeda haddii ay maxali tahay ama shisheeye iyo kuwa maalgeliya intaba

"Xafiiska Qaramada Midoobay ee Dambiyada iyo Mukhaadaraadka (UNODC) ayaa gacan ka gaysanaya sharcigan wuxuuna Wasaaradda Cadaalada ee [Somaliland] ka taageeray soo saarka sharcigan, "Wakiilka (UNODC) ee Somaliland Maxamuud Abokor ayaa sidaa Sabahi u sheegay.

Abokor wuxuu sheegay in xeerka ka dhanka ah burcad-badeednimadu, kaasi oo wali sugaya ogolaanshaha baarlamaanka, uu dalbanayo in burcad-badeedda lagu hayo xabsiyo ammaankoodu sugan yahay oo loogu tala galay maxaabiisgta wakhtiga dheer lagu xukumay.

Wuxuu Abokor sheegay in barnaamijyada dhaqan-celinta, la talinta, tababarka shaqo iyo barmaajijyada waxbarashada aasaasiga ah la fidin doono taasi oo ay rajadu tahay in marka ay xariggooda dhamaystaan, ay burcad-badeedu noqdaan xubno wax tara bulsho waynta inteeda kale.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 7)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • qalif fay
    July 27, 2012 @ 01:19:27AM

    Budhcad badeednimadu waa ganacsi aan la joojin karin, waxaanan u jeeda ninna helitaanka quudkiisa lagama joojin kari.

  • Liibaan
    March 22, 2012 @ 12:37:50AM

    Kooxda alshabaab waxay Soomaaliya ka dhex wadaan weeraro iyo dambiyo dilal badan geysta. Dambiyada waxa ka mida afduubista maraakiibta ku gooshta Bad Waynta Hindiya, laynta dadka aan waxba galabsan, iyo weeraridda dawladaha nabdoon ee jaarka ah sida Kenya iyo Ugandha. Dambiyadan waxa loo arki karaa kuwo lid ku ah bini’aadamnimada, waana in dambiyadaas la cambaareeyaa. Dambiyadan waxa laga galay dadka Soomaaliyeed iyo dawladda ku-meel-gaarka ah. Kooxaha argagixisada ahi waxay rabaan inay helaan xuquuq siyaasadeed iyo in ay kalmad ku yeeshaan talada dalka iyo sida loo maamuloyo, laakiin taa waxa hortaagaan siyaasad aduunka ka jirta oo dhigaysa in aanuu wax wada hadali dhex mari karin dawladaha iyo kooxaha argagixisada ah. Taasaana ku kalliftay kooxda alshabaab inay cadhada kula dhacaan dadka masaakiinta ah een waxba galabsan. Markaa aniga waxay ila tahay in arrinkani khaldanyahay, kooxda argagixisada ahna waxan oo khalad ah meel ku gaari mayaan. Waxa la gudboon inay wadahadal nabad ah bilaabaan oo ay iska joojiyaan saamaynta kaga imanaysa dadyow dibada dalka jooga oo dano gaar ah wata.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad