Jannaayo 18, 2012
Xabaalo wadareedyada la helay todobaadkii la soo dhaafay salidh bilaysku leeyahay oo ku yaal Baladwayne kaasoo ay ku jireen in ka badan 20 qof maydkood ayaa wuxuu dadka degaanka iyo maamulkaba la yaabeen kana caroodeen waxay ugu yeereen talaabooyinka "waxashnimo" iyo "wax laga argagaxo" oo ay sameeyeen kooxda al-Shabaab.
Dawlada Federaalka Ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya (TFG) ayaa arrintan ku dhawaaqday Sabtidii (Janaayo 14-keedii), iyagoo sheegay cambaarayntooda ku aadan dhacdada.
Masuuliyiinta maamulka Dooxada Shabeele, ee isbahaysiga la ah dawladda Soomaaliya hadana gacanta ku haysa magaalada, ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ay masuul ka tahay xabaalo wadareedyada laga helay Beledweyne.
Ciidamada dawladda Itoobiya iyo ciidamo Soomaali ah oo isbahaysi la leh dawladda ku-meel-gaarka ah ayaa al-Shabaab bishii Diisambar 31-keedii ka xoreeyay magaalada muhiimka ee ku taala bartamaha Soomaaliya.
Beledweyne waxay ku taalaa jidka wayn ee isku xira gobolada koonfureed, taasi oo ay ku jirto caasimada Muqdisho, iyadoo ku xirta gobollada dhexe iyo gobollada waqooyi ee dalka. Sannadihii la soo dhaafay magaaladu waxay ahayd goob aan deganayn oo uu loolan kaga dhexeeyay ciidamada dawladda iyo mintidiinta xiriirka la leh al-Qaacida.
Masuulka maamulka Dooxada Shabeele Abdifataax Xasan Afrax ayaa u sheegay Sabahi in ciidamada nabadgalyada ee dawladu ay heleen "goob laga argagaxo" iyagoo markaasi qashin ka qubayay taliska ciidanka bilayska ee Beledweyne.
"Intii lagu guda jiray nadaafadda, calaamado xabaalo wadareedyo ayaa ka soo muuqday goobahii ay ciidamadu deganaayeen oo ah meel u dhow taliska bilayska oo al-Shabaab xarun u ahaan jiray. Ka dib, koox ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa tagay goobtii waxayna heleen xabaalo wadareedyadani. " ayuu yiri Afrax.
"Waxaan xabaalo wadareedyada ka soo saarnay 21 qof maydkooda ka dibna waan joojinay, " ayuu yiri. " Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo beesha caalamkuba inay naga caawiyaan anagoo u baahan khabiiro ku takhasusay arimahani si ay hawsha u sii wadaan.
"Tani waa tusaale waxashnimo oo aad u xun kaasi oo ah wax aan islaamku ku dhaqmin oo ay sameeyeen al-Shabaab isku daygooda ay isku dayayaan inay cabsi galiyaan dadka Soomaaliyeed. "
Afrax wuxuu sheegay in tirada maydadka la helay ay suurto gal tahay in ay intaasi ka badan yihiin, kuwo badan oo ka mid ah maydadka la helay ayaa la jarjaray.
Wuxuu sheegay in maamulku aanay wali aqoonsan dadka maydadka ah sababtoo ah jirkooda oo kala daatay. "aad ayay u adag tahay in la aqoonsado dadka maydadka ah, kuwo ka mid maydadka laga helay xabaasha ayaa lahaa calaamado muujinaya in la jir-dilay, qaarkood waa la bireeyay, qaar kalena gacmaha ayaa laga xiray iyadoo indhaha maro lagaga duubay, " ayuu sheegay.
Waxaan u baahanay wakhti dheeraada si aan u samayno baaritaan dheeraada oo lagu ogaan doono xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdadani, sidoo kalena loo ururiyo waxyaalaha dhabta ah oo dhan ee la xiriira dambigan xun," ayuu Afrax intaasi ku daray."Waxaan aaminsanahay in maydadka laga helay xabaalo wadareedyadani ay ahaayeen dadkii muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaa ee ku dhintay gacanta xagjiriinta al-Shabaab."
Afrax wuxuu intaasi ku dary in masuuliyiintu ay ku jirtaan hawlaha baaritaanada si ay u raadiyaan xabaalo wadareedyo kale oo ku yaal goobihii ay al-Shabaab deganaayeen.
Wasiir ku xigeenka Warwaafinta Cabdullahi Bile Nuur ayaa ku eedeeyay al-Shabaab mas'uuliyadda talaabadan ka baxsan bani aadanimada.
"Heli taanka xabaalo wadareedyadani waxay ku tusaysaa dhaqanada waxashnimo ee xagjirka dhaqdhaqaaqa al-Shabaab, " ayuu sheegay Nuur. " "Tani waa tusaale waxashnimo oo aad u xun kaasi oo ah wax aan islaamku ku dhaqmin oo ay sameeyeen al-Shabaab isku daygooda ay isku dayayaan inay cabsi galiyaan dadka Soomaaliyeed. "
Wuxuu intaasi ku daray, "Aad ayay muhiim u tahay inaan caddeeyo muhiimada ay leedahay xoraynta meelaha ka haray dalka sida ugu dhakhsaha badan ee suurta galka ah inta aynaan arkin waali kale oo badan oo ka darnaan karta dambiyadan argagaxa badan."
Dadka degan Beledweyne oo la hadlay Sabahi ayaa sheegay dareenkooda niyad wanaaga iyo farxada ee ku aadan in ciidamadii isbahaysiga ee ay iskaashanayeen dawlada Soomaalida ay la wareegeen magaalada ayna awoodeen inay al-Shabaab ka saaraan. Waxay sheegeen inay dadku wakhti dheer la dhibaataysnaayeen talaabooyinka xagjirka, iyadoo dadka kuwo ka mid ahani ka walwalayaan in al-Shabaab ay soo laaban karaan.
Ahmed Xuusho, hogaamiye bulsho oo ku sugan Beledweyne, ayaa u sheegay Sabahi in helida xabaalo wadareedyadi ay cadaynayaan ilaa xadka uu le’eg yahay xasuuqa ay al-Shabaab gaysteen kula keceen dadka rayidka ah intii ay haysteen magaalada.
Xooshoow wuxuu sheegay dhowr dadka degaanka ka tirsan siyaabo shaki ku dheehan yahay loo waayay wakhtigii al-Shabaab ay gacanta birta ah ku hayeen Beledweyne. " Xataa suurtagal maaha inaad malayso waxashnimada iyo xasuuqa cabsida leh ee ka dhacay halkaas lalana bar-tilmaameedsaday dadka magaalada deggan, " ayuu sheegay.
Qof kale oo deggan Beledweyne oo codsaday in aan magaciisa la sheegin isagoo wali ka baqaya in uu ku hadlo wax ka soo horjeeda al-Shabaab, ayaa sheegay in al-Shabaab ay samaysay xasuuqyo kale, dilal waxashnimo iyo cadaadis xun wakhtigii ay ka talinayeen magaalada.
"Waxaan ku noolayn xaalad adag, laakiin hadda, ka dib markii ciidamada isbahaysiga ee ay iskaashanayeen dawlada Soomaalidu ay magaalada la wareegeen, waxaan kama dambaystii dareemaynaa in neeftu naga soo baxday." ayuu hadalkiisa raaciyay.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo